ISKA JIR XUQUUQUL JAARKA

Nabigeena Csw ayaa sheegay in Malakul Jabriil Cs sida igala dardaarmay xuquuqul jaarka iyo in mar kasta laga warqabo la xiriiriyo Ayaan mooday in jaarka leys dhaxli doono.

Nebi Muxamed Csw ayaa yiri wallaahi aamini mayo 3jeer, wuxu ku darey ruuxa Shartiisa ka nabad gelin deriskiisa, Carabkiis a iyo Gacantiisa, taasoo micnaheedu yahay in uusan dhibin deriskiisa, uusan ku seyrin khashinka iyo wasaqda, isla markaana ka ilaaliyo qaylada, aflagaadada, xanta,dirirta dulmiga ah ee ciyaalka iwm.

Qof kasta waa in uu la socdaa xaaladda deriskiisa uu ku sugan yahay dhib iyo dheef, marka jaarku ay la soo deristo xaalad caafimaad darro ee qof ka xanuunsado waa in la booqdaa, marka qof ka geeriyoodo derisku waa in la raaca janaasada.

Waa in aad ka taxaddirtaa deriskaaga oo aan waxba heysan adna caruurtaada dherjiso, waa arrin aad u khatar ah.

Sidaa darteed, la soco jaarkaaga waxa uu ku sugan yahay oo ha ku naar gelin, dad badan ayaa dhaylsada xaaladda deriska uu ku sugan yahay oo dan ka gelin, ogow  ruuxa sooma, salaada,sekada bixiya balse deriskiisa qadayo lana socon xaaladdooda ama caado ka dhigta dhibaateyntooda, kaasi haku bushaareysto Naar.

Ogow ciyaar ma ahan xaqa jaarku kugu leeyahay, mana ahan ciyaar ciyaar arrinta xuquuqul jaarka ayaa si weyn uga digtay.

Nebi Muxamd Csw. Jaarka kugu dheggan, Jaarka kugu dhow iyo midka kaa fog xiriiri salaantana ku bade, mida kale, ruuxa kharaabada kula ah ee hadda kula jaarka ah waxa uu kugu leeyahay 3 xuquuqood:

  • Waa midda Derisnimada ah,
  • Waa tan Muslinnimada,

Waxaa laba xuquuq kugu  leh kan Jaarka kula ah, Muslimkana ah, sidoo kalena Waxa hal xaq kugu leh ruux gaal ah oo kula deris ah.

WQ: Ibrahim Abukar Cali

 

TAARIIKHDA MAGAALADA SAYLAC EE GOBOLKA AWDAL

Saylac waa magaalo xeebeed taariikhi ah oo ku taala gobolka awdal  Magaalada waxay ku taalaa waqooyi-bari Gobolka Awdal, waxayna xuduud dhuleed la leedaha dalka  Jabuuti oo u jirto ilaa 120 km.

Seylac waxaa loo aqoonsan yahay ineey jirtey tan iyo wakhti ka horeeysay soo bixitaanka diinta Islaamka, midaasi oo ah goobaha ugu taariikhda dheer qaarada Afrika, iyada oo ay ku yaalaan meelo fara badan oo taariikhi ah hase ahaatee ka turjumaaya taariikhda geeska Afrika gaar ahaan tan Soomaalida.

Waxa laga soo xigtey sahamiyayaal Roman iyo Giriig ah in qarnigii 1aad Sey|lac dhisneyd isla markaana lahayd maamul caasimadeed iyo hogaan heer sare ah.

Tan iyo horaantii soo bixitaanka diinta Islaamka magaalada Seylac waxay ahayd hooy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xadaarad iyo maamul boqortooyo. Qiyaastii qarnigii 7aad ilaa 8aad ayaa diinta Islaamku ku soo fidey magaalada Seylac oo wakhti kooban ku noqotay hooyga diinta islaamka  ee guud ahaan qaarada Afrika, gaar ahaan gobolka geeska Afrika.

Badhtamihii qarnigii 9aad ayaa maagaalada Seylac waxay aasaas iyo saldhig u noqotey biloowgii Boqortooyadii Adal, midaasi oo ka talin jirtey deegaanadaas mudo qarniyo ah ilaa laga soo gaadhayay qarnigii 14aad markii ay gaadhay meesha ugu sareeysay ee deegaanada geeska Afrika.

Wakhtiyadii ku xigay waxaa caasimada qadiimiga ah la wareegay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo xukumayay tan iyo markii ay kala wareegtay Boqortooyada Ingiriiska.

Magaalada Seylac waxay ku taalaa waqooyi  Galbeed Soomaliya gaar ahaan xeebta waqooyi ee gobolka Awdal.

Magaaladu waxay xarun u tahay Degmada Saylac. Sanadkii 2008da ayaa Maamulka  Somaliland u magacaawdey magaalo-madaxda gobol cusub oo lagu magacaabey Selel.

Bari iyo waqooyi waxaay Saylac la wadaagtaa gacanka Cadmeed, galbeed waxaa ka xiga wadanka Jabuuti, dhanka  koonfur-Bari Borama ayaa u jirta 243.3 kilomitir, halka magaalada Berbera u jirto 270 km bariga magaalada Seylac.

Magaalada qadiimiga ah ee Harar waxay u jirtaa 320 km galbeedka.

Deegaanka magaalada Seylac waxaa uu leeyahay caro buto coowlaan ah, taasi oo ka dhigtey magaalada lama-degaan la mood.

Waxayna dhinaca u saaran tahay Banka Giriyaad ee dhaca waqooyiga gobolka Awdal,  oo maanta lagu xisaabiyo gobolka Selel.

Intaas waxaa dheer, in Seylac agagaarkeeda ku yaalaan ilaa dhowr-iyo-toban Jasiiradood oo yaryar, kuwaas ooy ka mid tahay Jasiirada Saacadiin ee loogu magaca daray suldaan Saacadiin oo ka mid ahaa madaxdii boqortooyada Adal.

Wado xumo iyo biyo yaraan ayaa magaalada Seylac ku haya dhibaato weyn.

Degmooyinka Saylac

Magaalada Saylac qiyaastii qarnigii 19aad.

Magaalada Saylac waxaa soo booqday qoraagii caanka ahaa ee Ibn_batuutah 1330-kii, halkaasoo uu ku tilmaamay inay ahayd magaalo weyn xilligaa.

Qarnigii 16-naad waxay magaalada Saylac ahayd caasimaddii maamulkii caanka ahaa ee Adal.

Qoraalada laga hayo Saylac way farabadan yihiin, balse aan ku soo koobo, laba socdaal oo ay kusoo kala mareen nin la odhan jiray Johnston iyo ninkale oo la odhan jiray Richard Burton.

Richard iyo Johnston labaduba, waxay soo mareen sebenkii uu ka talinayay magaalada Saylac Sheekh Sharmaarke Ali Saalax oo magaalada ka ahaa guddoomiye muddo dheer. Labadaa nin-ba waxay ku tilmaameen magaalada Saylac inay ahayd magaalo weyn oo uu ka socday ganacsi aad u xoogbadani.

Sida ay ku bilaabantey iyo goorta ay aasaasantey magaalada Seylac taariikhyahanadu weli weey isku khilaafsan yihiin. Laakiin waxaa la isla  qaatay in magaalada Saylac ay jirtey qarnigii 1aad, wakhtigaasi ooy soo siyaarteen bad-mareeno u dhashay Romanka iyo Giriiga.

Warbixin laga soo xigtey ragaasi ayaa lagu ogaaday in magaalada Saylac ahayd mid aad u dhisan, maamul iyo kala dambeyn leh, ganacsi aad u balaadhan ka socdo, isla markaana leh mid ka mida xadaaradiihii ugu sareeyay wakhtigaasi.

Magaalada Saylac aad ayay u awoodaysatey wakhtiyadii ku xigay, isla markaana ku fidey deegaanada jaarka la ahaa kuwaas oo dagaalo qadhaadh dhex mareen.

WD: NIMCO C/FATAAX (SAGAL)

WAA MAXAY DHIIRI GELIN NAFEED?

Awooda lagu sameeyo waxa loo baahan yahay in la qabto, iyada oo aan la helin saameyn dadka kale ama xaaladaha. Dadka leh dhiirigelinta naftooda waxay heli karaan sabab iyo xoog ay ku dhammaystiraan hawl, xitaa markay caqabad ku yihiin, iyagoo aan quusan ama u baahnayn mid kale oo ku dhiirrigeliya.

Waxyaabaha gudaha ah iyo kuwa dibedda ee kiciya rabitaanka iyo tamarta dadka in ay had iyo jeer daneeyaan oo ay u heellan yihiin shaqo, door ama mawduuc, ama in la sameeyo dadaal lagu gaadho yool.

Dhiirrigelinta ayaa ka timaadda is dhexgalka labada arrimood miyir iyo miyir la’aantu sida (1) xoojinta rabitaanka ama baahida, (2) dhiirrigelin ama abaalmarinta qiimaha himilada, iyo (3) himilooyinka shakhsiga iyo asxaabta. Arimahani waa sababaha qofku u leeyahay inuu u dhaqmo hab gaar ah. Tusaale waa arday ku qaata waqti dheeri ah inuu wax ku barto imtixaan sababtoo ah isagu ama iyadu waxay rabaan darajo ka fiican fasalka.

TALOOYIN MUHIIM U AH NAFTAADA

1: Wanaaji Xiriirka Aad Illaahay la leedahay waayo fashilka ugu horeeya ee noloshu wuxuu ka bilaabma in qofku ku guul daraysto inuu la xidhiidho Illaahay.

2: Mar kasta oo aad guul gaadho Illaahay xus oo xasuuso una mahad celi.
3: Noqo qof leh samir iyo dhabar adayg uu ku wajihi karo duruufaha ku gadaaman noloshiisa.

4: Yeelo jadwal kugu haga waxaad qabanayso iyo sidaad u qabanayso.

5: Samayso waqti aad naftaada ku raali galiso oo u sheeg inay tahay mid wanagsanwax kastana qaban karta.

6: U fikir si taban waayo fikirkaagu waxa uu go’aamiya nooca shaqsi ee aad noqonayso oo hadduu fikirkaagu yahay mid togan hab dhaqankaaga aad nolosha ku wajahaysaana waxa uu noqonayaa mid togan wax kastana wuxuu kugu noqnayaa wax adag deetana quus ayaad istaagaysaa, laakiin hadaad ku wajahdo fikir taban wax kastaba wuu kuu fududaanayaa si dhib yarna waad u qabanaysaa.

7: Samayso waqti aad ku qiimayso waxqabadkaaga shaqsiyadeed.
8: Ha noqon qof afka uun wax ka sheega kana go’aamiya laakiin ha wada socdaan go’aankaaga iyo waxqabadkaagu.

9: Samayso dad kugu dhiiri galiya inaad wax noqoto oo han iyo himiloba leh.

10: Haka baqan inaad samayso khaladaad waayo waxaynu xigmad ka helnaa khaladaadka aan samayno markaan khalad galno, khaladku waa cashar.

11: Ha xididin Rajooyinkaaga iyo Hankaagaba waayo ogoow inaad samayn karto wax kasta, inta uu leegyahay xadkaad u samayso naftaada ayuun baadgaadhaa.

12: Noqo qof samaysta farxada ee ha noqon qof ay farxadu samayso.

13: Ugu yaraan maalintii ku dadaal inaad hesho waqti aad ku dhiiri galiso naftaada, tusaale ahaan dhagayso qisooyin ku dhiiri galinaya ama daawo videos dhiiri galin ah ama se wax akhri.

14: Ka ag dhawoow oo ka qayb gal meelaha lagu qabto bandhig cilmiyeedyada
15: Ku tababar naftaada inaanay ka caajisin waxay go’aansato ee isla waqtigaaba ku dhaqaaq waxaad go’aansatay.

16: Ku nooloow kalsooni nafeed oo ogoow in dhibkasta oo ku soo waajahdaa ku dhaafayso oo aanay waxba ku yeelayn inaad wax ka barato uun mooyaane.

17: Noqo qof ay ka go’antahay inuu horumar gaadho waayo qofku hadaanu lahayn go’aan qaadasho dhaba way adagtahay inuu horumar shaqsiyadeed gaadho.

18: Hays dhiibin markaad la kulanto dhibaato ee u qaado inay tahay uun wax ku xoojinaya waayo guul kastaba dhibaa kaa xigta ha yaraato ama se ha badnaato.

19: U riyood si balaadhan oo aan xad lahayn noqona qof hankiisu waynyahay oo filo markastaba wax wanagsan waad heliye.

20: Iska ilaali inaad dayacdo watigaaga, oo aad ku lumiso waxaan faa’iido lahayn.

21: Ka dheeroow is qoomamaynta waayo waxay dishaa hanka iyo himilada.

22: La saaxiib dad leh himilo han iyo aragti fog oo mustaqbal.

23: Ka dheeroow dadka niyad jabka abuura ee aan wax rajo ah ka lahayn nolosha waayo adna waxay kugu dari karaan kooxdooda.

24: Ka dheeroow waxyaabaha kugu dhiiri galinaya inaad ka gaabisid horumarkaaga.

25: Iska ilaali waxyaabaha kuu horseedaya dib u dhaca qorshahaaga.

26: Joogtee xamaasadaada nafeed adigoo dib u jaleecaya guulahaaga aad gaadhay.
Illaahay towfiiqda hana waa fajiyo.

Dalka Journal

HAWEENKU WAA HORSEEDKA NABADDA IYO HORUMARKA DALKA

Wiil kasta oo adduunyada ku dhashay magac kasta iyo mansab kasta ha gaaree hooyo ayaa dhashay aabbe ayaana soo daadaheeyey laakiin hooyadu waxay hoodo iyo karaamo yeelataa marka nin wanaagsan Ilaahay u sahlo hooy gaar ah iyo magacna u sameeyo markaas ayaa la yiraahdaa reerkaasi waa qoys waayo qofna keligiis qoys ma noqon karo.

Guriaga wey dhistaa gosgoshana wey dhigtaa dhuuniga la cunayana wey u karisaa is garabsi iyo istaageer ayey wax ku wada dhaqaan muddo ka bacdi magacyo kale ayaa soo baxa oo iyaga ay dhaleen waxaana la yiraahdaa waa ilmo hebel .

Haweenku labiska raggooda ayey ka shaqeeyaan weyna habeeyaan wuxuuna tagaa fagaadreyaasha raggu isku arkaan ninkii hela xaas wanaagsan horumar ayuu sameeyaa kaas oo u kala baxa mid dhaqan iyo mid dhaqaale .

Hadii aan guriga haween joogin martidu kuma leexato laakiin marka guriga ay haween joogto martidu wey ku leexdaan gogoshana waa loo dhigaa ninkuna wuxuu halkaa ka helaa magac iyo maamuus.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa waxaa jira nin maalin kaa fiican, nin weligii kaa fiian iyo nin sanad kaa fiican.

Ninka maalinta kaa fiican, maalintaas ayuu jeebka lacag ku sitaa waana kaa jeeb roon yahay waadna soo gaartaa oo waxaa dhici karta in burrito adna ilaahay ku siiyo.

Nin sanad ayuu kaa fiican yahay, oo sanadkaas ayuu kaa dhaqaale roon yahay , adduun waa labada geline adiguna waxaa laga yaabaa in aaad sanadka dambe ka hormarto xagga dhaqaalaha laakiin ninka xaas wanaagsan Ilahay siiyey oo kaa xaas wanaagsan weligaa kama daba tagtid oo weligaa waa kaa horreynayaa.

Hore ayaa loo yiri haweenku waa jabiso iyo kabto waxaa kale oo soomaalidu ku mahmaahdaa Ilaahay markuu wanaag kula  doonayo dadkooda ayuu ku siiyaa .

Si kastaba ha noqotee wax la siisto ma jirto haweeney daacad oo hiil iyo hooba kula daba taagan oo meeshaad ka qabato dhanka kale ka qabaneysa.

Dugsi iyo gogol qurxoon midna lagama helo haddii aan haween joogin , illeyn gegi ciyaareed haddaan gabari boodeyn wax ma dhaanto geedaha.

Haweenka waa garabka ragga iyagaana gacan siiya oo ay ku tiirsan yihiin .

W.Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

BARAKACAYAASHA DULEEDKA IYO DAAFAHA MUQDISHO

Dadka ku nool Muqdisho tiro aan ka yareyn 40% waa barokacayaal ku nool hareeraha magaalada oo ku jira xaalad adag oo nololeed.

Dadkan waxay ku hoydaan guryo cooshado ah oo aan celin dhaxanta iyo qorraxda midna waxayna subax walba iyaga iyo carruurtooda u soo shaqo tagaan magaalada iyadoo qaar ka mid ah ay ka dawarsadaan dariiqyada waa weyn sida Makka Al Mukarama.

Baahida iyo duruufta dadkan heysata wey badan tahay waxayse ugu daran tahay xilliyada qaar oo ay qorraxda ku dhalandhoolaan iyadoo laga yaabo in aaney maalintaa oo dhan helin wax yar oo ay ku noolaadaan.

Muddooyinkii hore waxaa si toos ah ugu socon jiray gargaar iyo taakulo loo fidiyo dadkaan laakiin haatan waxaad mooddaa in laga mashquulay oo siyaasadda iyo arrimo kale lagu jeestay oo aaney jirin cid xasuusaneysa.

Ka warqabka dadka barokacayaasha ah aad buu u yaraaday sida badan

Lama oga xaaladooda iyo tiradooda  sidoo kale waxaa yar wacyigelin arrintaa ku saabsan oo loo fidiyey dadkaa ama lagu gargaaray qalabka la isaga difaaco dhaxanta iyo roobka waxayna u baahan yihiin oo kale maro kaneecada iyo weelal ay wax ku karsadaan.

Dadka barokacayaasha ah mar walba wey ku soo biiraan xarumaha bara kaca iyagoo inta badan muddooyinkan dambe ka imaanayey gobollada  kala duwan  ee dagaalladu saameeyeen gaar ahaan Sh/hoose, Sh/dhexe, Baay iyo meelo kale weliba imaanaya iyagoo aan waxba heysan kana soo cararaya dagaallo ka jira goobihii ay degenaayeen.

Sida badan Barakacayaasha ma heystaan daryeel fiican oo caafimaad mana heli karaan lacago ay ku tagaan isbitaalada magaalada oo u badan kuwo gaar loo leeyahay oo lacag wax ku daweeya.

Ka sukoow arrimahan waxay dhibaatada ugu badani la soo deristaa xilli roobaadka waxayna roobabku qaadaan inta badan degaannadooda ama xeryaha ay ku nool yihiin.

Sidoo kalena, waxaa halkaas ka dhasha cudurro ay ku jiraan malaariyada iyo shubanka

Dadkan barokacayaasha ah ma jirto cid kale oo ay sugayaan oo aan aheyn shacabkooda oo ay gacan uga baahan yihiin.

Shacabka soomaaliyeed waa in ay gacan siiyaan dadkaa sidoo kalena la abaabulo qorsheyaal dhaqaale, deeq raashin iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.

WQ: Mohamed Shiil

 

Ciidanka Xoogga oo Khawaarijta Kala Wareegay degaanka Calli Heele ee Gobolka Galgaduud

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab & Gorgor oo ay Wehliyaan Ciidanka Difaaca Degaanka ayaa Khawaarijta Alshabaab kala wareegay degaanka Calli Heele oo hoos-taga degmadda Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa Deegaanka ayaa deegaankaasi kawada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, laguna baadigoobayo firxadka Argagixisadii ka carartay Halkaasi.

 

        

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo booqday Dhaawacyadii ku Waxyee’loobay qaraxyadii khawaarijta

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cali jeeyte Cismaan ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho ku booqday Dhaawacyadii ku Waxyee’loobay qaraxyadii khawaarijta Al-shabaab Iyo dagaaladii lala galay ee tooska ahaa asigoo Mid-mid uga wareeystay bukaanada xaaladooda Cafmaad ee guud.

Wariye khaalid Cismaan (Ilkacase) oo kamid ahaa Dadkii ku wax yeeloobay qaraxii Degmadda Maxaas ee Gobalka Hiiraan iyo Dadkale oo Shacab Ahaa ayuu guddoomiyaha u kuur’galaya xaaladooda Cafmaad .

Asigoo xusay in wariye khaalid ilkacase uu markii Sadaxaad u dhaawacmay u qidmeeynta Dadkiisa Gudoomiyaha ayaa alle uga baryay cafmaad taam Ah inuu siiyo.

Gudoomiyaha ayaa Alle SWT uga baryay dhamaan Shacabka dhaawaca ah inuu Cafmaad taam ah siiyo bukaanadda ku wax Yeeloobay dhagarta khawaarijta asigoo balan Qaaday in xaaladooda si Dhaw loola socon doono.

               

 

Wasiirka Awqaafta XFS oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ee Dalka Sacudiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS mudane Sh Muqtaar Rooboow Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa booqday Xarunta Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jiddah.

Wafdigaasi waxaa xarunta Qunsiliyadda ku soo dhoweeyay Axmed MAxamuud Diiriye oo ah Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliye ee Magaalada Jiddah.

Dhinacyadaasi,waxa ay ja wadahadleen dardargainta howlaha Qunsiliyadda iyo u diyaargarowga rukniga xajka ee sanadkaan.

Sh Muqtaar Rooboow Cali oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in wasaaradda Awqaaftra iyo Qunsuliyadda ay iska kaashan doonaan dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah howlaha xajka ee sanadkaan.

 

Mareykanka oo 18 bilood u kordhiyay joogitaanka dadka Soomaalida ee aan laheyn sharciga

Bayaan ay soo saartay Khamiistii, Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS) ee dadka Soomaaliya lagu kordhin doono 18 bilood.

Tallaabadan ayaa la macno ah in ku dhawaad 430 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo horey u haystay TPS ay sii haysan doonaan darajadaas ilaa Sebtember 17, 2024,waxaana waaxdu intaa ku dartay in dad gaaraya 2,200 oo degenaa Maraykanka ilaa Janaayo sanadkan sidoo kale ay xaq u yeelan doona inay codsadaan ilaalinta.

“Iyadoo loo marayo kordhinta iyo dib u habeynta Soomaaliya si loo helo xaalad ilaalin ku meel gaar ah, Mareykanka wuxuu awood u yeelan doonaa inuu bixiyo badbaado iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed ee laga yaabo inaysan awoodin inay ku laabtaan dalkooda, iyadoo la eegayo colaadaha socda iyo dhibaatooyinka bini’aadanimo   ee sii socda,” sidaa waxaa yiri”Alejandro Mayorkas .

Washington waxay siisaa TPS muwaadiniinta dalalka ay xaaladuhu si adag uga jiraan, waxaana dalalkaasi kamid ah Afgaanistaan, Yemen, Haiti, Cameroon iyo Ukraine, iyo dalal kale.

Mareykanka oo 10 milyan ku bixinaya dabagalka iyo soo qabashada Maxamuud Cabdi Aadan

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku yaboohday lacago abaal-marin ah oo dhan $10m,isla markaana la siinayo ciddii soo sheegta xog ku saabsan Maxamud Cabdi Aadan, oo lagu eedeyay in uu ka dambeeyay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hotel iyo xafiisyo ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi, sanadka 2019-ka.

Maxamud Cabdi Aadan ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa kooxdii qorsheysay weerarkii hotel DusitD2,kaas  oo sababay dhimashada 22 qof,waxaana weerarkaasi sheegatay Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Dhowr qof oo lagu eedeeyay in ay doorar kala duwan ku lahaayeen weerarka ayaa la xiray, waxaana la soo taagay maxkamadmbalse ma jirto cid lagu xukumay eedeymaha la xiriira weerarka.

Maraykanka ayaa sheegay in ninkaasi sidoo kale lala baadi goobayo kooxo kale oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Horaantii todobaadkan, Mareykanka ayaa $10m dul dhigay hogaamiyihii Al-Shabaab Macalin Ayman oo la tilmaamay in uu Kaalin ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya iyo Mareykanka oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Maraykanka waa saaxiib muhiim ah oo ka qeybqaata howlgalka Midowga Afrika ee la dagaalanka Al-shabaab.