Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay hub iyo walxaha qarxa

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir waxay ku soo qabteen haweenay gurigeeda uu ku keydsanaa hub iyo walxaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo haweeneydan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana baaritaan ka dib loo gudbin doono Maxkamad.

Howlgalkaan guuleystay ayaa ku soo aadaya xilli shacabka Muqdisho ay bilaabeen in ay iska soo dhex qabtaan garan-waaga ku dhex dhuumaaleysanaya, waxayna si dhab ah u qaateen baaqii madaxweynaha JFS ee ahaa in ay ilgaar ah isaga eegaan Garan-waaga beegsanaya dadka indhaha u ah Bulshada.

     

DF oo tallaabo hormar leh u qaaday ku biirista Ururka EAC

Ergayga madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay halka ay marayaan dadaallada ku biirista  Ururkaas.

Ergayga ayaa sheegay in tallaabo hormar leh ay tahay ku biirista Ururkan {EAC}, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay ka go’an tahay ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan oo ka kooban 7-dal.

Wuxuu sheegay in wafdi ka socda Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} oo gaaraya 30 ilaa 40-xubnood ay imaanayaan magaalada Muqdisho 22-ka bishan ilaa iyo 3-da bisha dambe, kuwaas oo u kuurgalaya xaaladda dalka iyo sida ay u shaqeyso dowladda gaar ahaan xagga dhaqaalaha, siyaasadda iyo xagga wax soo saarka.

Sidoo kale, Ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa tilmaamay in xilligan meel wanaagsan uu marayo hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso Ururka {EAC}, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dadaal xooggan geliyay dadaallada ku biirista  Ururkan.

“ Waxaa soo nooleeyay, eeg Soomaaliya labo labo jeer ayay codsi u dirsatay ururka {EAC}, wax daba raac ah ma jirin oo inta ay Soomaaliya u tagtay ururka isbaheysiga Afrikada Bari lama diidin Soomaaliya wali, laakiin waxaa muhiim ah iminka oo ay ka duwan tahay sidii hore, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la hadlay madaxda 7-dal oo yiri waxaan rabnaa inaan ku biirno,” ayuu yiri Mr. Hadliye.

Dowladda Federaalka oo xoojineysa hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo bilaabaya hannaanka Soomaaliya ay xubin buuxda uga noqoneyso ururka

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee gobolka.

Haddii hannaankan uu guuleysto, waxaa ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay tirade waddamada xubnaha ka ah gobolka ka dhigeysa siddeed, sannad kadib markii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo lagu soo darey ururka. Xubnaha kale ee ururka ka tirsan ayaa kala ah Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Tanzania, iyo Koonfuurta Suudaan.

Kulan dhowaan uu yeeshay Xoghaynta Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Afrika iyo Baarlamanka Bariga Afrika (EALA), Maxkamadda Cadaaladda ee Afrika (EACJ) iyo hawlwadeennada EAC oo ka dhacay magaalada Machakos, ayaa Xoghayaha Guud ee Ururka Dr. Peter Mutuku Mathuki, waxaa uu sheegay in marka ay soo idlaadaan wadaxaajoodka, in ka hor dhammaadka sannadka 2023-ka Soomaaliya rasmi ahaan loogu aqbali doono xubin ka noqoshada ururka.

“Waxan dhammaadka bishan Soomaaliya u direynaa koox khubaro ah oo qiimeyn ku sameyn doonta xaaladda dalka, kadibna waxay keeni doonaan warbixin. Warbixintaas waxaa lala wadaagi doonaa Golaha Wasiirada ee Uurka iyo Shir Madaxeedka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) si ay talo uga bixiyaan. Haddii loo arko inay buuxisay shuruudaha xubin ka noqoshada ururka, waxay Soomaaliya nasiib u yeelaneysaa inay noqoto dalka 8aad ee ururkan xubin ka noqda dhammaadka sannadkan’’ ayuu yiri Dr Mathuki, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC).

Dr Mathuki ayaa sidoo kale xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha gobolka lana filayo in dakhliga haatan soo gala oo dhan 10 billion oo dollar la filayo inu labanlaabmo uuna gaari ilaa 20 billion oo dollar.

Soomaaliya waxay ururkan ku soo biirineysaa dhaqaalaha buluugga (kheyraadka badda) ee ay hodanka ku tahay , iyadoo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo qiyaastiisu tahay 3333km. Xeebaha Soomaaliya ayaa la rajeynayaa inay kaalin muuqata ka qaadan karaan kororka dhaqaalaha ururka, iyadoo dhanka kale waddamada xubnaha ka ah ururka ay qorsheynayaan inay yeeshaan suuq mideysan, lacag ka dhexeysa, iyo isku socodka muwaadiniinta dalalkooda.

Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu ka dhexeeyaa ilaa 300 oo milyan oo qof, waxaana ururka uu soo dhoweynayaa maalgashiga caalamiga si sare loogu qaado suuq-geynta wax soo saarka ee gobolka oo la gaarsiinayo qaaradda Afrika iyo dunida inteeda kale.

Xigasho Nation Kenya.

XAAQINKA IYO DHULKA KEEBAA DHAMAADA?

Halku-dhiggu waa Oraah ama kalmado loo adeegsado in Bulshada lagu dhiirigaliyo, lagu Rajo galiyo, Falalka Xun lagaga reebo ama Wax Wanaagsan inay Bulshadu qabato lagu Faro.

Halku-dhigga wacan waa matoorka dhaqaajiya bulshada balse waa inay xaqiiqada ku salleysan tahay taaban kartana Dareenka Bulshada taaso noqon karta Guubaabin lagu kicinayo Bulshada si ay ugu wada istaagaan Danta Guud.

Madaxweyne Xasan Sh/Maxamuud ahna Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida, sida uu qeexayo Dastuurka ku meelgaarka ah ee dalka ayey halku-dhig u ahayd muddo xileedkiisii hore ee 2012 – 2017 oraahda ah “Xaaqinta iyo Dhulka, Xaaqinta ayaa dhammaaneysa oo Dhulku baaqi ayuu sii ahaanayaa!!!” isagoo ula jeeday Argagixisada Alshabaab iyo Daacish inay yihiin Xaaqin, Shacabka Soomaaliyeedna ay yihiin Dhul taas oo aysan suurtagal ahayn inay Xaaqintu Dhulka Dhammeyso.

Halku-Dhiggan wuxuu saldhig u ahaa Hawlgalkii ballaarnaa ee ahaa “HAWLGALKA BAD WEYNTA HINDIYA” taas oo lagaga si feeyay dalka qeybo badan oo ay markaas haysteen Argagixisadu ka dibna lagu yagleelay Dowlad Goboleedyadii loo madlanaa ee dhammeestirka u ahayd Faderaaleynta Dalku qaatay.

Hadda oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu helay fursad uu mar labaad ku hoggaamiyo dalka waxaa uu la yimid hal-ku-dhig tii hore ka mug weyn oo ah “SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH!!!” haddaba si ay Heshiisyada ku jira hal ku dhigga madaxweynaha uu la rabo dalka iyo dadkaba loo rumeeyo waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo Xukuumad Dan-Qaran ka shaqeysa taas oo Soomaaliya u horseedi karta inay noqoto dal nabdoon si ay Bulshada Soomaaliyeed u helaan isku socod nabdoon, Cibaado aan Cabsi ku jirin iyo Ganacsi xor ah oo dalka gobolladiisa si nabad ah isaga kala gooshi kara.

Haddaba Xukuumadda oo ka dhabeynaysa ka shaqeynta Dan-Qaran waxey ka hawlgashay u rumeyta Riyada ay Bulshadu ku taameysay in mudddo ah waxeyna hal-ku-dhig ka dhigatay “GUUL ama GEERI” taas oo dhaqaajisay dareenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Bulshada Soomaaliyeed oo iska feyday Cabsidii humaagga ahayd ee ay Khawaariijtu ku haysey Bulshada Soomaaliyeed haddaba maanta ayey u muuqataa in la gaaray waqtigii uu Xaaqinku dhammaan lahaa sababta oo ah shalay shacabkii ay ku dhex dhuuman jireen ayaa maanta u sita Qoriga xagga ay inta kale na ay farmuuqayaan hadba meesha ay ku dhuuntaan haraadiga khawaariijta ee dalka iyo dadkaba la haray.

Maanta sida laga dheehan karo Kacdoonka Shacabka iyo Gulufka Ciidan ee garabsanaya saaxiibbadooda Caalamiga ah ayaa dhawaan ka taqalusi doona Khawaariijta Alshabaab iyagoo cagta marinaya fariisinnadooda waa weynaa ee ay gobollada ku lahaayeen.

Haddaba waxaan leeyahay Bulshada Soomaaliyeed “WAY JABEENEE, JABSHA!!!”

si dalkeenu u helo nabad waarta oo aan kula soo bixi karno Kheyraadkeenna dabiicaga ah oo aan Barwaaqo gaarno, inshalh.

Firxad Fulay ah oo Fal Wuxushnimo geysanaya nama Cabsi galin karo.                    GUUL ama GEERI

W/Q:  HOOSOW

SU’AAL YAAB LEH OO LA WEYDIIYAY KOOLIISTIHII SARQAANSANAA

Dhallinyarada koolada isticmaaasha Isla markaana sarqaansanaa haddii aan ugu horeyn aan Ka bixiyo sharaxaad kooban dhalinyaradaan ayaa iskugu jira dhalinyaro da”yar kuwa da’weyn kuwaas oo isticmaala koolada.

Dhallintan inta badan waxaa lagu arkaa ayaga oo ku dhuuqaya wadooyinka hareerahooda, kuwaas oo sida badan nafsaddooda geliya halis aysan u diyaar garoobin

Dhalinyaradan koolada dhuuqa ayaa inta badan waxaa haysata daruufo badan oo ay uga soo carareen guryohooda, qaarkood ayaa ii sheegay dhallinyaradan in waalidiintooda ay dhinteen ay Ku soo koreen nolol silic ah taasi oo sababtay in ay noqdaan koola dhuuqyaal oo aan waxbadan oo rajo ah laheyn.

Halka qaar kale ay ii sheegeen in waalidiintooda aysan wax haysan oo ay u soo shaqatageen ayaga oo noqday caseeyaal balse caseeynimadii kuma aysan adkeysan waxa ay barteen isticmaalka koolada taasi oo u soo waariday in nolashooda ay isbadal Ku imaato oo ay noqdeen darbi jiifyaal caba koolada.

Koolada la dhuuqo waxa ay dadka Ka dhigtaa mid istiin ah ama sarqaan san, waxuuna qofka cabo isku arkaa in uu yahay qof awood badan leh dadka oo idil Ka adag, sidoo kalena waxa ay Ka dhigtaa qofka caba mid dhulka uu jooga Ka sareeya taasi oo aad arki karta qofka caba koolada marka uu soconaayo lugaha dhulka kuma xejin karo, markaad aragto waxaad u maleeyneysaa nin godod Ka tilaabsanaayo marka uu soconaayo taasi oo sababta in uu sarajooga Ka dhaco.

Qofka koolada dhuuqa nolashiisa ayey Qatar Ku tahay sababtoo ah waxa uu Ka dhacayaa nolosha, mararka qaar waxaa Ku dhaca cudurka dilaaga ah ee Kansarka, sidoo kalena mustaqbalkiisa ayaa mugdi galaaya qofka caba ama dhuuqa koolada.

Bulshada Soomaliyeed waa dad Wanaagsan u dhimriya qofka walaalkood ah oo dhiban oo Ku jira xaalad kasta oo Qatar ah waa dad Ka waanaya dhibaatooyinka haysta kana caawiya baahiyohooda .

waxaad arkaysaa goobo lagu xanaaneeyo dhalinyaradaan koolada dhuuqda ayaga oo la baraya diinteena suuban iyo maadiga ugana nasteexeenaayo halista ay leedahay koolada u na sheega in uusan Alle raali Ka noqon qofka isticmaalo wuxuusan Alle raali Ka aheen.

Marka dadka Soomaliyeed ma jirto cid wax Ku siisa balse Alle dartii ayey u caawiyaan walaalahooda dhiban si ay aaqiro Jano u helaan.

haddii aan u soo noqdo sheekada xiisaha leh dhallinyaro Ka imaaday jaamacadda xilli galab ah ayaa wadada waxa ay Kula kulmeen raga dhallinyaro ah kuwaas oo ahaa dhallinyaro dhuuqda koolada oo la taagnaa dariiqyada waxayna weydiiyeen su`aal ah sidee jeclaan la heedeen in Bisha Ramadaan laga dhigo?

Ugu danbeyn mid ka mid ah dhallinyaradii sarqaansanayd ee Cabtooyda aheed ayaa yiri “waxaan jeclaan lahaa in Bisha Ramadaan laga dhigo sida Koobka Adduunka oo afartii sanaba mar la qabto soomaaliyana wareegga Group-yada lagu soo reebo sidaasna aan soonka uga harno”.

Sheekadaan figradeeda iyo dhacdadeedaba waxaa Iska leh, Cabdishakuur Yuusuf Aadan .

WD: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

BARBAARINTA WANAAGSANE WAA BADBAADADA BULSHADA.

Kolkaad maqasho barbarian waxaa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya in loola jeedo kaalin waalidka oo keliyihi u idman yihiin oo aan cid kale la wadaagin, balse sidaa way ka duwan tahay oo waa mas’uuliyad wadareed shacabkoo dhan saaran, maxaa yeelay dadweynaha iyo deegaankuba saameyn lixaad leh ayay ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo koridda maskaxeed ee carruurta.

Barbaarintu waa dhisidda iyo kobcinta anshaxa, wax-baridda, iyo toosinta hab-fakarka ubadka, waana howl ay bilowgeeda iyo bud-dhiggeeda hooyadu  leedahay, balse ayada oo qura kuma koobnee waa xil gudashadiisa bulshadoo idil laga doonayo.

Waa howl aad u culus oo haddii la fududaysto aayo-xumo, hagaas, saaqidnimo , iyo dhibaatooyin kaloo faraha badan laga dhexlo, waalidka laftooduna ay jeer aan fogayn eedaan oo ka shallaayaan.

Labada is qaba oo carruurta Eebbe siiyay haddii ay ka gaabiyaan hagaajinta iyo hab-baridda suuban oo diinta iyo anshaxa ku dheehan ee ay korinta jirka uun ku ekaadaan waxaa ka dhalanaya dhibaato aan la mahdin iyo waxyeello aduun iyo mid aakhiro oo ay hooyada iyo Aabaha qudhoodu dhibbanayaasha koobaad u noqan doonaan.

In garaad toosinta iyo geda-baridda wanaagsan ee ubadka xoogga la saari lahaa gasiinkooda oo keliya laysku howlo waxaa laga dhaxlaa caasinimo, sagagarnimo, macangagnimo, madax-adayg, tuugnimo, iyo aanfooyin kaloo badan.

Dhammaan dhaqamadaa xun xun ee halistaa waxaa mirohooda gurta waalidkii carruurtiisa si feecan u ababin waaya, maxaa yeelay dhibkastoo ay geystaan ayagaa la weydiinayaa haddii ay noolyihiin, haddii ay dhinteena xisaabta Alle hortiisa ku sugaysa ka sukow habaarka dhashooda lagu halgaadayo qeyb bay ku leeyihiin.

Haddaba hooyo iyo Aabe waxaa idin la gudboon inaydnaan ilmihiina dayicin oo aad maskaxdooda iyo muruqooda si isku midda ah u korisaan, diinta iyo anshaxa suubanna ku ababisaan si ay u noqdaan kuwo adduun iyo aakhiroba wax idin tara, lafahooda wax u qabsada oo aayatiin wacan hela.

WQ: Abwaan Hareeri

 

SOO BADASHADA CUNISTA IYO KA GANACSIGA DALAGAYADA DALKA KA SOO BAXA

Magaalada Muqdisho waxa Ku soo badanaya dadka aad u cuno dalagyada dalka Ka soo go’a sida Digirta, Galayda, Salbukada, Qamadida, Masagada iyo dalagyo kala duwan ee dalka Ka soo baxa.

Bulshada Soomaliyeed ayaa baraarug sameeyeen sababtoo ah dalaga dalka Ka soo go’a dadka waxa uu u horseedaa caafimaad Taam ah,  Jirka oo Ku dhisma iyo jirka oo nafaqa isku dheeli tiran hela taasi oo bulshada Soomaliyeed u horseedi karta in ay Ka bad baadaan Raashinka laga keeno dalka dibadiisa oo aanan laheen kontrool la aan ah .

Dalagyada dalka ka baxa cunistooda ayaa Ku bilaawatay kadib markii dad badan oo Soomaaliyeed lagu sheegay xanuuno badan sida xanuunka dilaaga ah ee Cancerka ah taasi oo naf badan galaaftay waxaana loo aaneenaya Raashinka dalka dibadiisa laga keeno oo aanan laheen kontrool la aan ayna Bulshada Soomaliyeed ay naftooda qatar gasho ayna haleelaan cuduro halis ah.

Beeraleyda ayaa iyana belaabay abuurista dalagyada kala duwan ee dalka laga cuno Kuwaas oo soo saara dalagyada iayaga oo u iibgeeya Suuqyada dalka gaar ahaan Caasimada suuqyadiisa kala duwan halkaas oo ay Ku iibiyaan.

Qiimaha Dalagyada Dalka Ka soo go’a ayaa aad u sii sara kacaaya taasi oo laga dareemaayo Caasimada magaalada Muqdisho halkii koobo oo salbukada aha waxaa laka iibsanayaa 35kun oo shilin soomaali taasi oo Ka dhigan dalagyada ay sara u kaceen qiimaha la iibiyo taasi oo Ka dhigan in ay dadka Ku nool Caasimada ay aad u cunaaan.

Hadaba yey tahay dadka aad u cuna dalagyada dalka ka soo go’a?

Intabadan dalagyada dalka ka soo go’a waxaa aad u cuna dadka ka xamaasha suuqyada magaalada muqdisho waxaana aad loogu kariyaa maqaayadaha halkaas oo ay bulshada iskugu yimaadaan kuna dalbadan sida Soorta, Digirta, Salbukada , Muufada laga sameeyo galeyda iyo kuwa badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin ayey u badan yihiin bulshada cunistood.

Taqaatiirta ayaa intabadan dadka soo maaliyeed kula taliyaan in ay iska daayaan cunista burka , bariiska iyo baastada oo cuduro halis ah ay mararka qaarkood sababaan taasi oo ay u dhintaan bulshadii soomaaliyeed.

Taqaatiirta ayaa sidoo kale dadka kula taliyaan cunista dalagyada dalka ka soo go,a sida Soorta, Digirta, Qamadida, Salbukada iyo qudaarta taasi oo ay ka helayaan caafimaad isku dheelitiran jirkoodana ay ka helayaan furfurnaan iyo nashaad.

Hadaba talaguud waxaan siinayaa umadda soomaaliyeed in ay iska yareeyaan inta karaankooda ah cunista cuntooyinka laga keeno dalka dibadiisa oo aan lahubin waxa ay yihiin in uu tariiqdooda dhacay, in uu yahay rashin aan kuwaalati laheen, iyo in waxyaabo lagu soo qariyey.

Hadaba waxa aad u bad sataan cunista dalagyada dalka kazoo go’a taasi oo nolashiina u horseedeysa caafimaad qab, jirka oo kuu dhisma, muuqaalkaaga oo isbadala, lafaha oo kuu adkaada iyo in cuduro badan uu jirkaaga ka hortaga.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

DILAYAASHA QARSOON

Dilaaga qarsoon wuxuu ka qatar badan yahay dilaaga aan qarsoonayn, sidaasi darteed, dilaaga qarsoon wuxuu u baahan yahay feejignaan iyo taxadar dheeraad ah.

Waxaa jira dilayaal qarsoon oo Soomaalida badan kood aysan garanayn ama aysan ku dhiiranayn kuwaasi oo aad u qatar badan kana qatar badan waxyaabo kale oo ay dadku qatar u arkaan iskana ilaaliyaan sida argagixisada iwm.

Daawada iyo Cuntada ama Raashinka dhacay waxay ka mid yihiin dilayaasha qarsoon ee dhibaatada ku haya bad-qabka iyo caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa jira ganacsato ka ganacsada arrintaan foosha xun waliba iyagoo og ayay Soomaaliya u dhoofiyaan si lacag ay uga sameeyaan.

Falkaan kaligii danaystanimada ah ee aan la fiirinayn maxaa bulshada dhibaata ah ee ka soo gaarikara waxaa caado ka dhigtay shaqsiyaad dhiig-miirato ah oo ganacsato isku sheeg ah sababtoo ah ganacsade waa qofkii bulshada u keena adeeg wanaagsan, una qidmeeya si loo kala faa’idaysto laakiin haddii loo keeno daawo dhacday ama raashin dhacay, taasi  waa qiyaano waxaadna qatar galinaysaa noloshooda iyo caafimaad qabka bulshada.

Soomaaliya oo xorriyadda qaadatay 1960-kii isla xiligaana samaysatay dowlad waxaa la’ilaalin jiray tayada alaabta dibadda laga soo dhoofiyo sida daawada, raashinka iyo dharka, kadib markii dowladdii Soomaaliya bururtay 1991-dii, waxaa gabi’ahaanba ka baxay halkaasi dowladd wax kontoroosha muddo dheer oo ay socdeen dagaalo sokeeye illaa hadda oo dowladnimada Soomaaliya ay soo kabanayso ma jirto kontorool sax ah.

Waxaa jirta hay’adda tayadhowrka waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo ama dalka gudihiisa lagu sameeyo. Haayadaan waa haayad dowli ah waxaana looga baahan yahay inay ilaaliso tayada walxaha dalka soo gala sida cuntooyinka iyo daawada.

Dowladnimda oo soo kabasho ku jirta owgeed waxaa jira gaabis ka jira hay’adaha dowladda, hay’adda tayadhowrkuna waxay ka mid tahay kuwaas wali baahi looga qabo gudashada waajibkooda sababtoo ah dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xanuunsanaaya daawo dhacday oo la siiyay ama raashindhay oo ay cuneen.

Ugu danbayn, ganacsatada Soomaaliyeed waa inay iska ilaaliyaan inay bushada Soomaaliyeed u keenaan ama ka iibiyaan daawo dhacday, raashin dhacay iyo wixii lamid ah si ay lacag uga sameeyaan, dhanka dowladdana waxaa looga baahan yahay didaal dheeri ah oo ay ku dhowrayso tayada waxyaabaha daruuriga ah ee dalka dibadiisa laga keeno ama gudihiisaba lagu sameeyo.

WQ: Muuse Cabdnuur Maxamuud

 

 

WELIGAA HA KHAYAAMIN WADDANKAAGA IYO NAFTAADA

Waxaa badan kuwa aan kala garan waxa la gudboon marka ay runta joogto, waxaa badan kuwa aan kala garan Karin waxa saxda ah iyo waxa khaldan, halka ay jiraan kuwo caksigooda ah oo kuwaasi ka soo horjeeda.

Ujeedka maqaalkeygu wuxuu ku abaaran yahay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon Karin arrimaha ku saabsan Qarannimada dalka, Calanka iyo Ciidda iyo weliba Diinta.

Kuwani waa jiritaankeenna tilmaamaya adiga waxa aad tahay, dalkeennu waa mid ka aan ku dhalanay una dhalannay, calankeennu waa midka buluugga ah ee dhaxda ku leh xiddiga cad ee shanta gees leh, Diinteenu waa midda aan unasab sheeganno oo waxaan nahay Ummad Islaam ah oo qiray shanta tiir islaam iyo Lixda Iimaan waxaan nahay dadka boqolkiiba% lagu tilmaamo inay yihiin Muslimiin.

Haddaba, marka la soo weeraro Dalkaaga, Diintaada iyo weliba Calankaada ma waxaan oranayaa dhaxdhaxaad baan ka ahay, maya kama noqon kareysid, weliba waxaa intaas dheer inaad u dhimato.

Waxaad arkeysaa dad dhaxdhaxaad ka noqonaya tusaale Soomaaliya iyo Kenya, Dowladda iyo Alshabaab iwm.

Waxaa kaloo aan halkaan ku xusayaa waxa la yiraahdo Qaa’inul Waddan, waa maxay qaa’inul waddan, qaa’inul waddanku waa sida tilmaantuba sheegeyso waa midka qaa’ima dalkiisa iyo dadkiisa, midka ugu xunna waa kan dalkiisa iyo dadkiisaba u looga cadowga, waa kan sirta dalka bixiya eek u iibsada wax yar oo sandareerto ah,waa kan habeen iyo maalinba jecel una soo jeeda jillaafeynta qarankiisa, markii lug kuu baxdaba aan oggoleyn in midkale kuu baxdo, waana cadow kula jira kaana jira.

Waxaa la yiraahdaa qaa’in waddanku waa musiibo, qaa’in waddanku ma arko waddanka iyo wax yaabaha uu uga baahan yahay ee wuxuu arkaa danahiisa shaqsiyadeed ee markaas isaga heysa.

Qaa’in waddanku ma qiimeeyo dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa toona, waa halis ku dhex jirta bulshada uu ka dhashay, waa hubaal qofka ku sifooba qaa’inul waddan mudankiisu waa Ciqaab adag oo aan ka gabasho lahayn, waayo wuxuu hog dheer ka tuurayaa dal iyo dad iswata, waa halis qaran iyo shacab ku dhex nool.

Qaa’inka iyo Sixirowgaba waxay mudan yihiin in si fiican loo ciqaabo, waayo waxay ku farxaan jabkaada, waxayba kasii jecel yihiin in dalkaan iyo dadkiisuba lala wareego.

Qaa’inku waa kan had iyo jeer dhabar jebiya dalkiisa iyo dowladdiisa, waa kan waxa san u roga wax xun, waa kan ceebeeya dalkiisa, waa kan cambaareeya horumarka dalkiisa.

Dalkaan wuxuu ka yimid meel fog uma baahna in xilligaan la xagal daaciyo,  uma baahna kala qoqob dadkiisa ee wuxuu u baahan yahay kanaa keenay ee adiguna kaas keen, intaan qabtaye adiguna inta qabo.

Yaan dalkaan looga faa’iideysanin si uusan mudneyn, halaga daayo hagar daamada iyo xaqiraadda, xumaanta lala daba joogo waxaan arrintaasi u sheegayaa dhamman muwaadinka saxda ah inay maqlaan, kana fogaadaan waxa la yiraaddo qaa’inul waddan.

Waddankan Soomaaliya la yiraado, oo dunnida meel istiraatiijjiyad ah kaga yaallo ayaa ilaahey wuxuu ku manneystay kheyraad dhinac walba ah, waxaana jira dowlado badan oo dani ka heyso kheyraadka dalka, qaarbaa markay danahooda ka waayeen billaabay in ay sameeyaan arbushaad, taasina waxba ugama tareyso doonistooda aan sharciga ku saleysneyn.

Marka muwaadin hanoqon kii loo adeegsan lahaa burburinta dalkiisa hanaqaadka ah, shaqsiga soomaaliyeed ee waddaniga ah waxaa lagu yaqaannaa difaacidda iyo garab istaagga waddankiisa markay runta joogto, waana kuwa ka khiirooda damaca kuwa dulleysan iyo daandaansiga ducufada aan iska warheyn kusoo haweysanayaan dhul aysan lahayn.

Dawacadu waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid qayaano iyo iska daba wareeg badan, haddaba nin hurdaa la kiciyaa ee nin soo jeedaa dawacooy maxaad oran?

Sida la wada ogyahay Gumeysigu waxuu dalkeenna soomaaliya u qeybiyay shan, markay u adkeysan waayeen soomaali weyn oo isku duuban, haddaba weli waxaa shaqeynaya siyaasaddii ahayd qeybi oo xukun, laakiin maalin maalmaha ka mid ah way ahaan doontaa soomaali oo mid ah, waana mid aad u dhibeysa gumeystaha kiisa madow iyo kiisa cadba.

Haddaba, iska jir waddanniga soomaaliyeedoow, siyaasadaha cadowgu way noocyo badan yihiin goor walibana meel ayaa lagaa soo gelayaa, si aad u noqoto mid dalkiisa mucaarad ku noqda oo wixii samba loo tuso inay yihiin wax xun.

Waa hubaal waddaniga soomaaliyeed wuu ogyahay wixii la soomaray kala qeybintii iyo kala abla ableyntii, waddo kala xirashadii iyo isdilkii damiir li’ida ee la soo maray.

Ma suurowdaa in mar kale nalagu tashkiiliyo in wixii la soomaray oo kale? Umaleyn maayo in waddani soomaaliyeed oo loo sheegi karo in uu jiro.

 

Waddaniga soomaaliyeedoow ma aragnaa in wax badan is beddeleen? Ma aragnaa in maanta khawaariijtii dadka xasuuqi jirtay manta gabalkeedu dhacay oo meel walba lagu ugaarsanayo, Haa lama qarin karo lamina daferi karo, weli waxaan ku soconnaa jaran jaradaas oo mid waliba mar laga gudbayo iyadoo caqabadaha gumeyste la jirku ay intaas goobayaan inay lugta qabtaan horumarka la tiigsanayo.

Beentu runta way ka dheereysaa, haddana meel fog ma gaadho oo waa laga daba tagaa, markii wanaag kasta oo la sameeyaba xumaan laguu  tuso, ka dib ayaad garataa wax waliba sidey ahaayeen.

Waxaa la yiraahdaa sixun wax u sheeggu sixir waa ka daran yahay, waa inaad muwaadinoow iska fiirisaa bah-bahlayaasha beenta badan ee ku qaxweeya waxaan jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxqabadka la wado oo dhinac kasta ah haddeey noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha, Amniga, dib u heshiisiinta, maahan wax la soo koobi karo weliba shidaalkii oo saxiixa lagu jiiday goor dhawna dalku isu beddalayo dal barwaaqo sooran ah, ma waxaan dhahnaa waxba lama qaban, side haddaba la ii agmarin karaa waxaan u jeedo, waxaan rajeynayaa in badan inaad garan kartaan wanaagga socoda ee dowladda federaalka ka waddo dalka, xataa kuwii ku meel gaarka soo ahaa waxay soo gaarsiiyeen meel fiican taas ayaana mar waliba laga duulayaa horaana loo soconayaa dib dambe gadaal loo noqon maayo ee hurdoow toos.

WQ: Boodda Dheere

ISLAAMKA IYO CILMI FALAGGA

Islaamku Masaadirtiisa saxiixa ah sida qur’aanka iyo sunnada raacsan marna kama hor imaanin cilmiga iyo aqoonta dhab loo hubiyay ee aadanuhu ka gaaray sida ay u shaqeeyaan dunida Rabbi abuuray iyo falagga la halmaala ee ay qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba ka mid yihiin.

Waxaa kale oo in la ogaado mudan in asal uusan quraanku u imaan inuu dadka saynis baro, ee uu u yimid inuu dadka baro kuna xiro rabigii abuuray iyaga iyo dunidaba si ay u caabudaan, sayniska iyo aqoonta kalana Alle wuxuu u xilsaaray aadanaha maadaama uu dunida iyaga khaliif oga dhigay una yeelay caqli iyo garaad ay ku fahmi karaan kuna fududeysan karaan nolosha dunida.

Ilaahay wuxuu siiyay Aadanaha ishaarooyin iyo tilmaamo uu ku farayo insaanka in ay dunidan toodii tahay loona dulleeyay oo hayin looga dhigay  iyaga isla markaana loo fasaxay inay dabo iyo dacalba ugu socdaan soona ogaadaan siraha ku qarsoon kana faa’iidaystaan macluumaadka  ay soo fahmaan.

“Alle waa midka idinkaga yeelay dunida mid idiin dulleysan oo hayin idiin ah ee ku socda dacaladeeda oo cuna risqiga Alle xagiisa uun baa laydiin celin doonaaye”.

“Bani aadamkii waan karaameynay waxaanan ku xambaarnay bad iyo barriba oo waxaan ku irsaaqnay waxyaalaha wanwanaagsan,oo waxaan ka fadilnay oon ka saraysiinay waxyaalo badan oo wixii aan abuurnay ka mid ah”.

Sidaa darteed aadanaha Alle abuuray waligiiba fasax ayuu u qabay inuu la legdamo nolosha dunida oo uu ula falgalo hadba inta garaadkiisa korayo, islaamkuna ma hor istaagin ogaanshaha waxa cusub iyo aqoonta iyo tacliinta ee bal wuuba tirtirsiiyay oo dhiirigaliyay sida ku cad tacaaliimta diinta islaamka.

Arimaha falaga ku saabsan wali lama hayo aqoon soo korortay oo misna dhab loo hubiyay oo si cad loo oran karo islaamku wuu khilaafay.

Ilaahay dhulka iyo qoraxda iyo dayaxa iyoo meerayaasha kalaba meelo kala duwan ayuu oga hadlay waxna oga tilmaamay sida ay u shaqeeyaan.

“Ilaahay waa midka abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa mid kasta oo kuwaas ka mid ahina waxay dhex dabaashaan falag (orbit).

Culimada qaybtood waxay yiraahdeen habeen iyo maalin jismi leh oo qorraxda iyo dayaxa falag kula jira ma jiraan ee waxaa loo jeedaa waa halka habeenka iyo maalinta laga dareemo oo dhulka ah waayo dhulka weeye midka falaga kula dabaasha qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba.

Haddii saynisku sheegay inuu dhulku wareego oo ay wareegaas ka dhashaan habeenka iyo maalinta, intaas quraanku ma diidin bal aayado laga fahmayo inay habeenka iyo maalinku qaab wareeg ah ku yimaadaan ayuu Alle quraanka ku sheegay.

“Samaawaadka iyo Arlada ayuu Alle si dhab ah u abuuray, wuxuuna qaab wareeg ah habeenka oga dul keenaa maalinta sidoo kalana wuxuu qaab wareeg ah maalinta oga dulkeenaa habeenka, waana midka sakhiray qorraxda iyo dayaxa oo mid kasta oo kuwa ka mid ahi wuxuu ku socdaa waqti jaan go’an oo xisaabsan, war baraaruga eh Allaha sidaas ah waa midka ay tiisa soconayso oo dambiyadana dhaafa”.

Saynisku wuxuu kol sii horaysay yiri qorraxdu ma socoto, kol danbe oon siiba dheereyna waxay xaqiijiyeen falagyahanadu inay qorraxdu socoto socod kadle oo kale ah oo u eg midka fardaha oo ay meel iyada u gaar ah ku samayso.

Quraankuna wuxuu yiri qorraxdu way socotaa socod kadlaha fardaha oo kale ah oo ay ku samayso meel iyada u gaar ah.

“Qoraxdu waxay ku oroddaa-kadleysaa-meel iyada u gaar ah, arintaasna waa jaangoyn Allaha casiiska ah ee cilmiga badan xagiisa ka ahaatay”.

Quraanku ma sheegin qorrax dunida dul meeraysata ee wuxuu sheegay qorrax ku dhaqdhaqaaqda meel iyada u gaar ah intaasna waa inta uu saynisku iminka ogaaday.

Waxaa jira qolo dadka ku khalda oo muslimiinta ku tashwiishiya in quraanku sheegay qorrax ku dhacda meel dhoobo ah iyaga oo khaldaya tafsiirka aayadda suuratu kahaf ku jirta ee ka sheekeynaysa aragtida dulqarneyn iyo safarkiisii uu ku kala bixiyay mashriq iyo maqrib.

“Ilaa uu gaaray dulqarneyn qorrax u dhac oo uu arkay qorraxdii oo ku dhacaysa badda ka shisheysa meesha isha dhoobada kulul leh ee uu ka helay dad degan halkaas….”

Sida muuqata aayadda waxa ay ka hadlayso waa aragtida dulqarneyn oo kolkii uu gaaray qorrax u dhac halka ugu dambaysa uu arkay qorraxdii oo u dhacaysa jihada biyaha ka dambeeya  il dhoobo kulul leh oo halkaas ku taallay, taasn waa sida adiga oo iminkaba istaaga xeebaha galbeed oo daawada kolka ay qorraxdu dhacayso waxay kuula muuqanaysaa inay biyaha badda gadaashooda ku dhacayso cml, waa aragtida aadanaha.

Bal iminkana ila arka sida uu ibnu kathiir oo mufasiriinta tafsiirka quraanka ku xeeldheer ka mid ah uu ku fasiray aayadda.

Ibnu kathiir wuxuu leeyahay waa aragtida dulqarneyn waxa ay aayaddu inoo cabirayso ee qorraxdu maba dhacdo oo falageedaa afaraad ma soo dhaafto…”

Ibnu kathiir marka uu sidaa lahaa waxaa iminka laga joogaa sideed boqol oo sano ka hor.

Ilaahay waxa uu ishaaro ku sheegay meelo kala duwan oo quraankiisa ka mid ahi waxyaalo ku saabsan falagga iyo inta ku jirta,wuxuu kaloo cadeeyay inay arimahaasi ku socdaan xisaab jaango’an oo qadaran,wuxuu kaloo cadeeyay inay wareega meerayaashaa qaarkood sida dhulka iyo dayaxu yihiin waxyaabaha ay ka dhashaan habeenka iyo maalintu qorraxduna ay tahay midda saameynteeda leh ee iftiinkeedu uu hadba dhanka ku aadan maalin tahay dhanka ka qarsoona ay habeen u tahay.

Waxaa kale oo wax iska cad   ah oo uu caqliga koraya ee ishaarooyinka ka faa’iidaysanaya fahmayaa in xisaabaadkaas jaanta go’an haddii uu u fiirsado uu bani aadamku ogaan karo waqtiyada ay ku soo aadi karaan waxyaabaha ka dhasha falagaas isla falgalaya ee xisaabta ku socda,sida waqtiyada dabayluhu isbadalayaan ama xiliyada meerayaasha isku aadayaan oo ay iska qarinayaan iftiinka cadceedda iyo midka dayaxa uu sida caksiga ah dhulka ugu soo celiyo ifkii uu qorraxda ka soo qaatay iwm.

Sida dhabta ahna aadanahu mar hore iyo mar dambaba wax bay ka fahamsanaayeen arintaas oo xitaa culimadii muslimiintu way ka hadleen sida qorrax iyo dayax madoobaadku u dhacaan.

Abdullahi ibnu cabaas kol uu fasirayay aayad ka mid ah aayadaha ka hadla xisaabta falagga  wuxuu yiri:-

“Qoraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab jaan go’an”.

Sidoo kale sheekh ibnu taymiya oo isna noolaa sideed qarni muddo ku siman wuxuu qorrax iyo dayax madoobaadka ka yiri:-

“Ibnu taymiya wuxuu yiri:qorax madoobaadku wuxuu inta badan dhacaa ayaamaha 28ka ama 29ka ama 30ka-waa tirsiga qamariga ahe-waayo xiliyadaas waa waqtiga uu dayaxa aad ugu dhow yahay qorraxda kolkaas ayuu dayaxa dhex galaa dhulka iyo qorraxda dhexdooda oo uu ka xijaabaa dhulka qaar iftiinka dayaxa ah.

Amaa dayax  madoobaadku waxa uu dhacaa oo kaliya xiliyada caddaha ah ee uu dayaxa buuxo waxayna inta badan ku beegantaa habeenada 13ka ama14ka ama 15ka.

Qoraxda iyo dayaxuba waxay ku socdaan xisaab go’an oo qadaran oo haddii loo dhabo galo la ogaan karo maalinba meesha ay marayaan iyo xiliga ay intay saani ama si yar isugu beegmaan ay iftiin dhulka ka wada qarin karaan ama qayb ka qarin karaan.

Ugu dambeyntii walaal waxaa xusid mudan oo in la fahmo loo baahan yahay inuusan islaamku marna ka horjeedin kororka aqoonta aadanaha iyo waxa ay tacaaliimtu iyo tijaabooyinku sugaan.

Xigasho: Uhiilinta Diinta Islaamka

Education website

WD: Ibraahim Warsame Xuseen