Ciidanka Booliska deegaanka Ceelasha Biyaha oo qabtay burcad dhac u geysan jiray dadka shacabka ah

Ciidanka Booliska deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo la sheegay inay yihiin tuugo dhac u geysatay dad shacab ah oo goobo ganacsi ku lahaa deegaankaasi.

Saldhigga Booliiska deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo bandhigay raggaan oo ku hubeysan qoriga AK47, isla markaasna ay ku dhibaateyn jireen deegaankaasi.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ragaan ka soo qabteen deegaanka Carbiska, iyagoo baxsad ah, waxayna hadda ku jiraan gacanta ciidanka amiga.

Ciidamada Amniga qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcada dhaca u geysta bulshada.

 

 

Wasiirka Amniga Galmudug oo sagootiyay Ciidamo ka qeyb galaya howlgalka xorreynta degmada Xarardheere

Wasiirka Amniga Galmudug,  Maxamed Cabdi Gaboobe oo ay wehliyaan xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa deegaanka Saqiiro ee koonfurta gobolka Mudug ka sagootiyay Ciidamo loo diyaariyay xorreynta degmada Xarardheere.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga dib u xorreynta kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalka xoreynta degmada Xarardheere iyo deegaanada hoos taga ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo isla maanta ay ciidamadu Khawaarijta ka xoreeyeen degaanka Ceelhuur.

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

May be an image of 10 people, people standing and outdoors

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

May be an image of 11 people and outdoors

Wasiirka Diinta iyo Awkhaafta oo heshiis la saxiixday dhigiisa Boqortooyadda Sacuudiga

Riyad (SONNA) Wasiirka Diinta iyo Awkhaafta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga ayaa heshiis la saxiixday dhiggiisa dalkaasi.

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay tirada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sanadkaan xajin doonta.

Sidoo kale, heshiiska waxaa ku jira in ay helaan goobo ku haboon oo ay degaan iyo in dowladda Sacuudigu u fududeyso adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

May be an image of 11 people, people standing and monument

May be an image of 5 people and monument

La wadaag cid kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirada dalalka Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia

Wasiirka arrimaha dibadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta Nuqul ka mid ah waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Faransiiska H.E. Mr. Arnaud SUQUET,  Boqortooyada Netherlands H.E. Mr. Maarten Brouwer  iyo Jamhuuriyadda Slovakia    H.E. Mrs. Katarina Źuffa Leligdonovà oo dhammaantood ka tirsan Midowga Yurub.

Wasiirka ayaa u rajeeyey Safiirrada cusub inay kaalin waxtar leh ka gaystaan kor u qaadidda xiriirka ka dhaxeeya dalkeenna iyo dalalka ay wakiilka ka yihiin.

“Wadamo badan oo dunida ah ayaa danaynaya inay xiriir wanaagsan oo xagga diblumaasiyadda ah  la yeeshaan waddankeenna maadaama uu ku yaallo goob Istiraatiiji ah, muhiimad sarena u leeyahay adduunka” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac.

Shirka banbaxa Maamulka gobolka Banaadir oo la soo gaba-gabeeyey

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabangabeeyay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir oo socday 10-14 ka Janaayo 2023, iyada oo laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 18 qodob.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay dhammaan mas’uuliyiinta waaxyaha maamulka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

  

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Denmark

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan, arrimaha horumarka iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyey khawaarijta Al-shabaab.

Danjire Steen ayaa dowladda Soomaaliya ku boorriyay horumarka ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaariijta, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda ay kala shaqayn doonaan sidii adeegyada assaasiga loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deeganada la xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa uga mahad celiyey Danjiraha iyo dowladda Denmark dedaalada taageerada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed siiyaan ee dhinacyada kala duwan leh.

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Ceel-huur ee gobolka Mudug

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa la wareegay gacan ku haynta degaanka Ceelhuur oo hoos taga degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada gacanta ku dhigay degaanka Ceelhuur ayaa ka soo ruqaansaday degmada Hobyo, waxayna hadda ku daba jiraan firxadka Khawaarijta ka carartay deegaankaas.

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijtu, shacabka deegaannada la xorreeyay ayaa hadda ku nool nabad iyo horumar, iyadoo dowladdana ay dadaal xooggan gelisay sidii dadkaas ku heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)  oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii La socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga  u qaabilsan Midowga Yurub mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna  kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga  Midowga Yurub.

Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka ,  dib u heshiisiinta , kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii  kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiir Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ku weheliyay shirarkan muhiimka ah waxaa ka mid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka,  Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha, Jibriil Aw Maxamed  la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirkeenna Brussels.

  

Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)

Lix bilood oo dagaal adag lagula jiray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa kala kulmeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka oo iskaashanaya jab iyo khasaarooyin fara badan, waxaana dib loogala wareegay Deegaanno iyo Degmooyin badan, kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ku dhawaaqay dagaal adag oo lagu qaado Kooxda Maleeshiyaadka Arxanka daran, iyadoo durbadiiba laga soo afmeeray dhammaan Maamulka Goboleedka Hirshabeelle, gudahana loo galay Maamul goboleedkaa Galmudug ayaa waxaa soo ifbaxday inay kooxdu ku soo qulqulaan Magaalada Muqdisho, si ay gabbaad uga dhigtaan, howlahoodii guracnaana uga sii wataan, balse waxaa durbadiiba loo istaagay in laga hortago inta aysan dhibaateyn Shacabka Soomaaliyeed, sidaasi awgeed ayaa maalintii Khamiista aheyd ee bisha Janaayo aheyd 12-kii ee sanadkan, ayay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banadir u soo banan baxeen sidii looga hortagi lahaa Shirqoolada Kooxda Kahwaarijta ah.

Maalintaasi ayaa waxaa la isugu tegay Garoonka Kubadda cagta ee loogu magic daray Eng: Yariisow oo isagu ku naf waayay Qarax loogu xiray Xafiiskiisa, waxaana ka soo qeybgalay Dadweyne kor u dhaafay tiradooda 30 kun oo ruux, masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi laga soo jeediyay Gabayo, Heeso iyo hadallo dhammaantoodu lagu hoga tusaaleynayay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolaka banaadir iyo sidii ay isaga soo dhex bixin lahaayeen Dhilqaha ku dhex jira, isla markaana isaga hurgufi lahaayeen, waxaana ugu dambeyntii fagaarahaasi Khudbad aad u nuxur badneyd ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-shabaab ayaa xusay in gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-Koontaroolkii afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri:-“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Al-shabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Alshabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka, wuxuuna kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan sidii loo soo saari lahaa xubnaha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay yihiin ‘dhiqlaha.’, isagoo xusay in ay iska hurgufaan, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay “Dadku waa ay ka daaleen gumaadka, dilka iyo dembiyada nooc kasta leh, waxayna hadda u sheegayaan Al-Shabaab, “Intaas ka badan uma dul qaadan karno,” ayuu raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkii hore.

Masuuliyiintii ka hadlay arrinta ku aadan abaabulka Dadweynaha Banaadir loona bixiyay baraarug Bulsho ayaa waxaaa ka mid ah sagiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobe ee Dalka Kena Ambassador Maxamed Nuur Tarsan ayaa yiri:-”Millatariga waa Millatarigii, balse Dowladu dadkii bay abaabushay, waxayna is waafajisay ciidamada iyo shacabka, waxaana halkaasi ka yimid awood aan loo babac dhigi Karin, intaasi ayaa maqneyd hadda ayaana la helay”.

Arrintii ay Madaxweynuhu ka dhawaajiyay si loo fuliyo ayaa durba waxaa Maamulka Gobolka Banaadir shir isugu yeerey degmooyinaka Gobolka banaadir, waxaana loogu wada hadlay sidii loo fulin lahaa soo qabashada iyo far muuqa Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah, waxaana la isla qaatay in la bilaabo baaritaanno Guri Guri ah, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana durba laha howlgalay qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir, waxayna ku soo qabteen Haweeneey Gurigeeda uu ku keydsanaa Hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Howlgalkaan guuleystay ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor uga dhawaaqay Muqdisho, kaasi oo ahaa in Khawaarijta Garan-waaga ah ee dadkeena ku dhex jirta, hadana ugaarsaneysa deg deg looga soo dhex saaro, waxayna  Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ay warbaahinta Qaranka u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo Haweenaydaan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.

Haddaba waxaa looga fadhiyaa Bulshada weynta Gobolka banaadir inay iska hurgufaan GARANWAAGA, kaasi oo ah Dhilqe ku dhex jira. Dhibaataa u geysan kara nafo badan oo ah dadka