TOOBIYAHII NABADDA OO DIB LOO HELAY

Dhibaato kasta xal bay yeelataa haddii la helo jawi wanaagsan, afgarad iyo dadyow u heelan in la gaaro waddada nabadda.

Waxaa mar kasta aad loo soo dhaweeyeeyaa  markii xal laga gaaro shaqaaqad soo wajahday umadda iyo in uu yimaado welwel xasilooni darri ku timaada bulshada.

Ma aha wax sidaa u weyn waxayse u baahan tahay oo keliya in la isu yimaado oo laga wada hadlo wixii jiray isla markaana loo arko wax la wada xalin karo.

Ma jiro wax aan xal laga gaari Karin laakiin waxaa xun in la garan waayo xalka meel laga abbaaro iyadoo lagu jaho wareerayo hadallada kuwa qalqal abuurka ah ee baas abuurka ku sifoobay.

Waxaa jira kooxo ka faa’ideysta xaalad walba oo cirka sii galiya iyagoo ka leh dano gaar ah isla markaana aan daneyn danta ummadda iyo dalkooda balse keliya ay u caddahay wax iyaga si gaar ah ay uga faa’ideysanayaan.

Ogow ma jiro wax aan xal laga gaari Karin laakin waa marka lagu shaqeeyo fikir ummadeed oo ka tarjumaya dareenka waddaniyadeed ee loo baahan yahay in dalka iyo dadka lagu mideeyo.

Haddaba Caasamidda Muqdisho uma baahna kala firdhad, qax iyo barakac midna taa beddelkeeduna dadku waxay u baahan yihiin horumar, nabad iyo dadaal waddaniyadeed in lagu wada shaqeeeyo.

Soomaaliya waa Dalkan haatan mar labaad madaxa la soo kacaya inta yare e horumar ah ee uu gaarayna ciyaar kuma imaan ee wuxuu u soo maray dadaal dheer waxaana muuqata haatan rajo fiican oo hore loogu socon karo.

Dadaalka nabadeed ee soomaalidu mar walba gaarto  wuxuu muujinayaa in weli soomaalida ay niyad u hayaan in laga waantoobo xumaanta loona soo jeesto nabadda.

Waddadii nabadda ayaa loo dhaqaaqay waana in hore loogu sii socdaa soo afjaridda argagixisada Burcadda ah ee maato leyska ah iyo kuwa la midka ah ee Ciyaal Weero isku magacaabay, si aan horumar u gaarno muqtaqbalka soo ifaya.

NB- waa in lagu taageeraa dowladda iyo shacabka mujaahidiinta ah ee la dagaalaya  maleeshiyaadka kala duwan ee haatan raacdadooda lagu jiro.

WQ: Boodda Dheere

 

NADAAFAD DARRIDU WAA AANFO

Haddii aan eegno cudurada ka dhasha nadaafad la’aantu waxaynu arki karnaa aafada iyo khasaaraha badan ee isugu jira naf iyo maalba ee ay sababaan, waayo cudurada ka dhasha nadaafad xumida waxaa ka dhasha, xanuuno fara badan kuwaasoo keeni kara dhimasho, waxaa kaloo ka dhasha in dad badan cisbitaalo u galaan, kuwaasoo u baahanaya daryeel caafimaad oo ku baxaya dhaqaale fara badan.

Waxaa intaa oo dhan loogu badbaadi karaa, Hadii ruux walba jirkiisa,

dharkiisa iyo gurigiisaba nadaafad leeyihiin waa soo baxaysa bulsho iyo balad wada nadiif ah, marka wadada aad mareyso Ishaada iyo ruuxdaadaba ay ku doogsanayaan

Bal qiyaas, xanuunka, War-warka, dhimashada, wakhti dhuminta iyo lacag kharash garaynta ay keenayso jiradu. Haddii waxaas oo dhan oo dhib ah ay keenayso nadaafad la’aantu maxay tahay sababta aan ugu dadaali la’nahay nadaafadda, oo aan nafteenna u bari la’nahay nadaafada?.

Diinta Islaamku waxay na faraysaa inaan ku dadaalno nadaafadda jir ahaan, ruux ahaan iyo deegaan ahaanba ama barta aan ku nooshahay, taasoo haddii loo wada guntado keenaysa dad iyo deegaan wada nadiif ah.

Diinteenna, Waxay na amraysaa in aynu qurux badnaano ‘Ilaahay wuxuu jecelyahay, kuwa u soo noqda oo xumaanta ka toobad keena.’

Baqara. Ayaada 222. Nadaafadu waa dhaqan iyo tarbiyo la barto. Haddii aanu qofku arag dhaqan ficil ah oo ku saabsan nadaafada, isla markaasna aan lagu tababarin marka uu yar yahay, kuma dhaqmi karo ileen lamaba soo barine!. Tacliinta iyo baraarujinta ku saabsan nadaafada iyo macluumka caafimaadku waxay dadka ku abuuraan dareen ay isaga ilaalinayaan khatarta ka dhalan karta nadaafad xumada.

Inkasta oo dhaqanka Islaamku caawinayo nadaafada, haddana waxaan u baahanahay wacyigalin dheeraad ah oo ku saabsan nadaafada. Dhaqanka ka soo jeeda miyiga iyo biyo la’aanta iyo wax barashada guud oo dadkeena ku yar, waxay ka qeyb tahay inaynaan aad u fahmin kuna dadaalin nadaafada.

Isdifaaca iyo ilaalinta dhaqanka iyo diintu waa shay muqaddas ah oo aadanaha oo dhan ku abuuran. Qofku inuusan wax ogayn ceeb ma’aha, ee waxaa ceeb ah inuusan wax baran.

Haddii aan ka faa’iidaysano wixii ay diinteena sharafta toosan iyo dhaqankeena sharafta badan waxa aan noqon laheyn dadka ugu nadaafadda badan waxaana ka bad baadi laheyn cudurrada badan ee mar walba dadkeena la dilaaca ee nadaafad daridu sababato dad badanna ay u la’daan mar walba.

Haddii aynaan caruurteena barin sidii ay isu nadiifin lahaayeen yaa kale oo baraya. Guriga kuma barno caruurta sidii ay kaadida iyo saxarada isaga dhaqi lahaayeen, mana lihin xarumo kale oo ciyaalka lagu baro wax yaabaha nolosha ku saabsan. Qofka aadanaha ah, dhadig ama lab, waxaa la xiriira wax yaabo joogto ah oo uu san marna ka fakan Karin ama ka maarmin oo dabeeci ah, ruuxa haddii aan wax yaabahaas si fiican loo barin si xun ayuu u isticmaalayaa. Nadaafaddu waa diin, waa Iimaanka barkii, waana in caado ka dhiganaa dhaqan ka dhiganaa.

WQ: Ibraahim Warsame

SIDEE LOOGA HORTEGI KARAA CUDURKA SONKOROWGA

Horta waa maxay Sonkorowga ama macaanka? Sonkorowgu ama cudurka macaanku waa cudur raagaya, oo raaga oo saameeya sida qofka jirkiisu cuntada ugu rogo tamar – taas oo dhacda in inta badan cuntada lagu jebiyo sonkor la yiraahdo glucose. Cunista ka dib, xaddiga sonkorta lagu sii daayo dhiiga (heerka sonkorta dhiigga) ayaa kor u kacda. Iyada oo laga jawaabayo kororkan, jidhku wuxuu soo saaraa hormoon la yiraahdo insulin, kaas oo ka caawiya unugyada, unugyada, iyo muruqyada inay sonkorta u isticmaalaa tamar. Insulinta ayaa markaa hoos u dhigaysa heerka sonkorta dhiiga ee jirka.

Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan  dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaana loo yaqaanaa ‘’hyperglycemia’’.

Cudurka macaanka waxa uu ku imaan karaa :

  1. In jirku uusan helin insulin ‘hormone’ kufilan
  2. Iyo in jirka uu san ka jawaabin insulinta.

Insulin waxaa sameeya xameetiga oo ah xubin kutaala caloosha gadaasheeda , xameetiga waxaa ku jira unugyo ‘‘islets’’ kuwaasi oo sameeya insulinta kadibna ku dara dhiiga si ay u yareeso sokorta badan eek u jirta dhiiga.

Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin: cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’an  dhibaatooyin dhanka ilkaha ah farxd darro iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii mamada xaamilada ah uu kudhaco sokorta.

Noocyada cudurka macaanka:

Cudurkan waxa uu leeyahay seddex nooc oo kala ah :

  1. Nooca 1aad: waxaa sababa in jirku uusan helin insulin kufilan taas oo katimid burbur kuyimid unugyadi soo saari lahaa waxa uuna inta badan ku dhacaa caruurta iyo dadka da’da yar.

Sababaha ugu badan ee qofka uu kugu dhici karo cudurka waxa ay noqon karaan kuwa dhaxal ah oo kaga yimid waalidkiisa oo horay uqabay cudurka macaanka, sababa la xiriira degaanka sida cunada uu qofku cunayo iyo in burbur uu kuyimado unugyadii soo saari lahaa insulin.

  1. Nooca 2aad: noocan waxaa keena sababa ay kamid yihiin jirka oo ka jawaabin insulin ama in uusan helin insulin ku filan ama unugyada beerka oo aan si wanaagsan u isticmaalin insuinta lasoo saaray.

Nooca 2aad ee cudurka macaanka waxa uu ku dhacaa dadka da’ dhaxaadka ah , dadka duqoobay iyo sidoo kae dadka aadka u cayilan, uma badna in uu ku dhaco dadka yar yar haddii aysan ahayn kuwa ciyilkoodu xad dhaaf yahay.

Sababaha ugu badan ee noocan lala xiriiriyo waxaa kamid ah , cayilka saa ‘idka ah , jimicsi la’aanta , jirka oo insulinta si haboon u adeegsan , iyo beerka oo soo saaro sokor aad u badan taa oo keenta in dhiiga ay sokor badan ka buuxsanto.

Dadka halista ugu jira nooca 2aad:

  • Da’da 45sano iyo wixii kabadan.
  • Dadka cayilka xad dhaafka ah.
  • Dadka aan jimicsiga sameyn.
  • Dadka cadaadiska dhiigoodu uu ka sareeyo 140/90.
  • Dadka qaba cudurada wadnaha.
  1. Nooca 3aad: noocan waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo kaliya (gestational diabetes) waxaana sababa isbadalo kuyimaada hormonada.

Doorka insulintu ay jirka ku leedahay:

  • Waxa ay caawisaa murqaha beerka iyo xeerta iyada oo soo nuugta sokorta dhiiga ku jirta si ay hoos ugu dhigto heerka sokorta ee dhiiga.
  • Waxa ay kicisaa murqaha iyo beerka si ay u keediyaan sokorta dheeraadka ah ee uusan jirku u baahnayn.
  • Waxa ay yareesaa sokorta uu beerka soo saarayo.

Calaamadaha lagu garto kaadi macaanka:

  • Oon badan.
  • Kaadi badan.
  • Gaajo badan.
  • Daal badan.
  • Meelaha dhawaca soo gaaro oo aan dhaqsa reysan.
  • Araga oo daciifo.
  • Miisaanka qofka oo yaraado.
  • Caabuq soo noq noqda.

Dawooyinka loo adeegsado cudurka macaanka

Dawooyinkan ujeedada ugu weyn ee loo adeegsanayo waxa ay tahay in lagu daweeyo calamadaha ay kamid kayihiin kaadida badan , gaajada, miisaanka yaraanaya iyo caqabadaha ka iman kara hadii cudurkan uu sii daba dheeraado.

Dawooyinka afka laga qaato ee cudurkan lagu daweeyo waxaa loo qeybiyaa shan qeybood oo kala ah:

  1. Sulfonylureas oo kicisa xameetiga si uu u soo saaro insulin
  2. Meglitinides waxa ay kicisaa xameetiga si uu usoo daayo insulinta.
  3. Biguanides sida Glucophage waxa ay yareesaa sokorta badan ee beerka.
  4. Thiazolidinediones sida Actos waxa ay hagaajisaa shaqada insulinta.
  5. Alpha-glucosidase inhibitors sida Glucobay waxa ay yareeysaa sokorta laga soo nuugayo mindhicirrada yaryar.

WD: Cabdisalaan Maxamed

 

KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE DALKA SOOMAALIYA

Soomaaliya wax soo saarkeeda aad ayuu u horeeyay, waqtigii nabadda ay aheyd Dadka Soomaaliyeed ay isku duubnaayeen, waxey soo saari jireen waxyaabo badan oo kala duwan, sida Sonkorta, Hilibka, Caanaha, Qudaarta, Miraha iyo wax yaabo badan oo aan la tiri karin.

Soomaaliya waqtigaas waxey aheyd waddan aad loogu soo dalxiiso, oo dhaqaalihiisana kor u socday.

Dhaqaalaha soomaaliya waxuu mar ahaan jiray dhaqaalaha ugu xoogan Bariga afrika.

Wadamada ay Soomaaliya la ganacsan jirtay waxaa ka mid ah wadamada ay dariska yihiin iyo kuwa Yurub iyo Aasiya.

Maanta dhaqaalaha soomaaliya wuu burburay, sabab la xiriirto, dagaaladii kala duwanaa ee aan soo marnay kuwaasi oo jalaaftay dhan walboo ka mid ah meelihihii Waddanku uu ka dhisnaa sida Dhaqaalihii Waxbarshadii iyo wax walba oo bulsho ahaan ku hormari laheyn sida ay Siyaasad ahaan u bur burnay ayaa wax walbo u bur bureen.

Dagaalladii aan dhamaadka laheen iyo dowlad la’aantii inasoo martay alga soo bilaabo bilowgii sagaashamaadkii run ahaantii waxay galaafteen oo dib-u dhac ku rideen Dhaqaalaheenii xoogga badnaa iyo mguud ahaan horumarkeenii sida xowliga ah ku socday.

Ganacsi iyo Dhaqaale kama socon karaan meel aan amni iyo xasiloono aan ka jirin, laakiin iyadoo dhibkaasi uu jiro Ilaahay mahaddii Somaliya ganacsigeeda wuu sii siisocday oo heer kastaba ha joogo laakii ma uusan wada baabi’in ganacsiga,   sabab la xiiirto somalida qurbaha joogto oo wadanka lacago badan soo geliyo, lacagaasi oo dowr muhiim ah ka qaata ganacsiga Soomaalida inuu si uun usii jiro ganacsatada Soomaaliyeedna ay ku dadaaleen in uu Dhaqaalaha Dalku uuna joogsan.

Waddamo ay ka mid yihiin Mareykanka ayaa qiraya in ay soo ogaadeen in ganacsiga soomaaliya uu kor u socdo, waxan wadamo kala duwan aan u diri jirnay, Malaayga, dhuxusha, Mooska, sonkorta, Qamadiga, ama bariiska iyo galeeyda, dhinaca xoolaha waxaa somaliya laga dhoofiyaa Ariga, Laxda Geela iyo Lo’da .

Sida lasheego , Soomaaliya ayaa Barriga afrika ugu dhoofiska badan dhinaca Ariga, Laxda, Geela iyo Lo’da, taasoo muujinaysa sida dalkeenu qaniga ugu yahay Xoolaha iyo waliba dhul beereedka Ilaahay uu ku maneystay.

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaase ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood ookala ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Ariga, haddii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin: – Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Ratti kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.

2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal

4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

 

Dalagyada Soomaalidu beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

Miraha inta ee qaadaneeso

Galayda 70 beri

Masagada 99 beri

Sisinta 90 beri

Mooska 199 beri

Digirta 90 beri

Yaanyada 90 beri

Babayga 99 beri

bataatiga 199 beri

Lowska 150 beri

Canbaha 6 bilod

Magacyada Miraha

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.

Khayraadka Badda

Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.

WQ: Ibraahim Warsame Xuseen

 

DOORKA ISKAASHATOOYINKA GANACSIGA DALKA

Iskaashato waa urur ay ku bahoobeen dad isku fikir ah oo ay ka dhexeeyso Hanti iyo Saami ayagoo isku raacsan hab-qeexan ee howl galka iyo miro dhalinta qeybta iskaashato ay mehrada ka dhigteen. Iskaashatadu oo qeybo  kala duwan leh ayaa waxay leeyihiin Guddi maamul oo howsha hag aka shir a lasocda shaqada iyo shaqaalaha.

Inkastoo iskaashatooyinka maanta si aan isleeyahay aysan laheyn hay’ad u gaar ah oo kulmisa guud ahaan oo ay ku hirtaan Ayaan hadana waxaa ay door ku leeyihiin hiigsiga shaqo abuur iyo hab-ganacsai abuur ah.

Waxaa jirtay iskaashitooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed oo euntii kaalin wax ku ool ah waddanka ku lahaa gaar ahaan wax soo saarka dalqyada Beeraha ee waraabka iyo xilli roobeedba kaalin wax soo saar oo lagu diirsaday ayaa Dalka jireen.

Iskaashitooyinka Gaadiidka, Dhagax iyo Nuuriyada, Qareenada iyo kuwo kale.

Sida aan filayo maanta waxaa jira oo si wacan u howl gala iskaashato dhagax iyo nuuryada oo qeyb wax ku ool ah ka qaata habka dib u dhiska Dalka ee Guryaha iyo Dhismayaasha guud.

Iskaashitooyinkii Beeraha iyo Qareenada ayaa meesha ka baxay ilaa muddo sanooyin ah.

Haddii ay jirti iskashitada Gaadiidka Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale ayaa weli aan aheyn mid sidii larabay ee awal hore ukala hagta habka Bl- ka iyo  Gawaarida Xamuulka iyo iwm.

Waa kaalin muhiim ah in dib- u habeyn lagu sameeyo, waxaa kaloo jira haatan iskaashitooyin yar-yar oo ay isugu tageen Ganacsato Soomaaliyeed oo kaalintooda ciyaara.

Habka iskaashitooyinka waxay abuuraysa ka haqab-tirka Bulshada waxyaabaha ay u baahi qabaan ayidoo dhinac kalena ay atahay mid abuurta dakhli dhaqaale kolka Cashuur bixiyaan ayna Rag badan ka faa’iidaan dhanka kale ee ku howlan howshaan.

Qodoolka Beeraha iyo waxsoo-saarka waa midleh ahmiyad Dhaqaale

Soomaalidu ayaa seddex qeyb oo ka mid ah noloshooda guud ay abaareen waa falashada Beeraha,Kalluumeysiga iyo dhaqashada Xoolaha nool. Haddii aan abaarno tan qodaalka Beeruhu waa mid munaan gooni ah leh oo daboosha daruuriga baahida cunto walow ay iskaabaan hadana dhanka xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga wax soosaarka dalaqyada beeraha gaar ahaan geed miroodka khudaarta iyo furatadu waa mid aan looga maarmin isticmaalkooda dheeli tirka cuntada aadanuhu quuto.

Inkastoo hoos u dhac laga dareemo wax soosarkii heerka saree e dalku uu lahaa sida Galleyda, Haruurka iyo Digirta ayaa hadana Dalku kaafisaa inta lasoo saaro.

Waxa kaloo soosaarku khudaarta cagaaran, basasha, Bocorka ansalaatada iyo bigel oo wehliso liin dhanaanta aad ku arki kartid suuqyada inkastoo sicirku isbedbedelo. Sidaasi oo ay tahay  ayaa hadana la soo saaraa Muus walow tayadii hore uusan lamid aheyn hoos udhacna ku yimid ayadoo dhoofkiisa malaha meesha ay ka baxda.

Beeraha waraabka ayaa dadaal muujiya inkastoo webigu marna fataho marna uu guro taasoo caqabad ku ah wax soo saarka.

Waxaa yadadiilo wacan leh beeraley isku xil qaantay tijaabooyinka wax soosaarka Bariis noocyo kala duwan taasoo awal hore xarunta tijaabada ee Balcad guul wanaagsan ka gaadhay.

Beeraley ku dhaqan Gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayaa ku guuleystay in dalka si wacan looga soo saari karo Bariis ilaa 5—7nooc ah.

Waa arrin soo dhaweyn iyo dhiiro-gelin mudan si markaasi kor loogu qaado wax soo saarka bariis tiro iyo tayo leh.

Dalka Soomaaliya waa dhul carro san ah gobolo badan kuna wanaagsan soo saarka Bariiska, sisinta iyo Qasabka laga dhaliyo Sonkorta

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa in la dhiiro geliyaa Beeraleyda ku howlan wax soo saarka dalaqyada kala duwan ee dalka gaar ahaan soosaarka Muuska iyo Bariiska.

Beeraleyda waa in ay xooga saaraan daboolidda baahida bulshada ee dhinacyada wax soosaarka aasaasiga ah.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

DOORKA BOLIISKA EE BAAHINTA AMNIGA IYO YARAYNTA DAMBIYADA ABAABULAN

RUWANDA                                                                                                                    Ruwanda oo ah dal aad u yar ayna la dageen colaado ku dhisan qabaailo ( Isir sifayn) ayaa maanta u muuqda dal loo soo qaato tusaale dhanka amni wanaaga iyo horumarka , taasoo ku timid kadib markii ay dejiyeen qorshayaal iyo istiraatijiyado lagu wajahayo amnidarada, ayna mideeyeen oo si xoogan udhiseen  hay`adahooda amniga ayna hawlgaliyeen si dhab ay oo mas`uuliyadi ku jirto .

Sanadihii la soo dhaafay, Rwanda waxay ku hawlanayd hawlo kala duwan  ee dib u haybanta  booliska badbaadada bulshada si loo hubiyo in qofkasta uu qayb firfircoon ka yahay ka jawaab celinta, la dagaalanka iyo ka hortagga dembiyada iyo sidookale taageeridda barnaamijyada horumarinta bulshada ee dawladdu wado si loo hagaajiyo daryeelka bulshada. Si taas loo gaarana Ruwanda waxay kor u qaaday fikradda iskaashiga booliska iyo dadweynaha si loo dhiso xiriir adag oo lahaanshaha, kalsoonida iyo aaminaada.

sidaas darteed, Rwanda waxay sii waday inay dhisto awooda iyo cududa kala duwan ee booliska, sidoo kale  waxay xoojisay iskaashiga ay hay`adaha amnigu ay  la leeyihiin daneeyayaasha muhiimka ah sida Mutadawiciinta Dhallinyarada Rwanda ee Booliska Bulshada, naadiyada ka hortagga dembiyada, dembiyada Safiirada, ururada diinta, shirkadaha gaadiidka iyo ururada, hay’adaha dawladda, hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, hay’adaha gaarka ah, si ay si wax ku ool ah uga qaataan khataraha amniga ee is-beddelaya iyo kuwa soo baxaya.

Ruwanda waxa ay howlgalisay in ka badan 14000 ee unug talefoon oo la siiyey madaxda xaafadaha si ay u sahlanaato wadaaga xogaha, waayo Wada-shaqeynta booliska iyo shacabka ayaa ah mid ka mid ah laf-dhabarta amniga iyo amaanda  ay haystaan bulshada ree Ruwanda ee dalkooda hadda jirta. Dhaqdhaqaaqyada booliska bulshada ee waxtarka leh ayaa soo bandhigay saameyn togan oo lagu dhimayo dembiyada ka dhaca xaafadaha,  horseedayna  inay kor u kacdo tayada nolosha ayna yaraato cabsida faldambiyeedyo dhaca. Guushaas waxay shacbaka ree Ruwanda ku gaareen markay hawlgaliyeen fikrado isku dhafan, dadaallo aan loo kala harin , agabka booliiska iyo tababaradooda oo kor looqaaday iyo sidoo kale xirfadaha shaqo ee shaqaalaha  dawladda hoose iyo xubnaha bulshada booliska .

Dhammaan xeeladaha kor ku xusan ee ay dhaqan galishay Ruwanda waxay dad badan ka weecisay inaysan ku dhiiran inay dembi galaan, waxaana ugu wacan hirgalinta  barnaamijyada bulshada booliska oo si wacan u shaqeeyey iyo inay kor u kacday kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan hay’adaha amniga. Hawgalinta bulshad boolisku waxay ka caawisay  dalka Ruwanda inay si degdeg ah loo ururiyo macluumaadka kiisaska dembiyada la galo  iyo in ciidanka boolisku si fuduf usoo qabto  la tuhunsanayaasha iyo kuwa ku hawlan arimo amni daro .

Talaabooyinka kor ku xusan ee ay hirgalisay ayaa u horseeday Ruwanda  inay noqoto maanta dal nabdoon oo ammaan ah, oo soojiitay indha bulshada caalamka , iyo dal marti galiya shirar leh heerer kala duwan iyo maaligashi xoogan. Si kastaba ha ahaatee,  Ruwanda waxay sii wadaa ladagaalanka dambiyada kale sida ka ganacsiga daroogada, tahriibinta, Galmada iyo Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga, kuxadgudubka carruurta, waxaana u qorshaysan inay ka miro dhaliso gaarita yoolkeeda ah inla gaarsiiyo Ruwanda heerka ah  deegaan aan dambi lahayn.

Mahaddanidiin

WQ: Axmed Suudaan

          Lataliyaha koowaad

Somali embassy Khartoum- Sudan.

 

Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta oo cafiyay deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya

Tunisia- Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, Mudane Cabdul Raxiim Suleymaan, ayaa shaaca ka qaaday in Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed laga cafiyay dhammaan deymihii hore ee Ururka.

Ka-dhaafitaankan ayaa yimid kaddib 42-kii shir ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Carabta, kaasoo shalay laga soo saaray go’aan la xiriira cafiska deymaha lagu leeyahay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Agaasimihii ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka Wafdiga Soomaaliya ee Shirarka Golaha Guud ee Warbaahinta Ururka Midowga Carabta oo ka dhacay Magaalada Tunis ee Caasimadda Dalka Tunisia oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane. Sharmaake Maxamed Warsame.

Mudane Cabdul Raxiim Suleymaan ayaa ku nuux-nuux saday sida ay Midowga Yurub u jecel yihiin in Soomaaliya ay xubin firfircoon ka noqoto howlaha Ururka, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyay in Ururku uu mar walba isku dayo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan leh.

Waxa uu tilmaamay in midawgu uu ka rajeynayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya si loo horumariyo xirfadda iyo tayada xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar kamid ah Safiirada Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalkeenna ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijtaa Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.

Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada.

Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.

  

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay deegaanno ku yaalla bariga gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ka sameeyay deegaano dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta Alshabaab waxa ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalada Masagawaa iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka oo ka ruqaansaday Masagawaa ayaa deegaanada ay tageen waxa ka mid aha Dekedda macmalka ee Ciga oo u dhaw degmada Ceeldheer.

Intii ay howlgalka wadeen ayey ciidanku gaareen tuulooyinka Dhabaqle, Xuseen Xageey iyo Maraay-suuleey.

   

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ku yeeshay xarruunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee  Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow .

Ajendaha kulanka ayaana ahaa:

1.Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka  Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman

2.Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

3.Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Ugu horreyn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Cali“Xagaa’ ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka.

Intaasi kadib, Xildhibaannada ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kadib Guddoomiye ku-xigeenka 2aaad ee golaha shacabka  ayaa xogheynta Golaha faray in sharcigaan lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha si ay ugu soo diyaariyaan akhrinta labaad ee sharcigaaan.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan waxaana u codeeyay 140 Xildhibaan waxaana diiday 3 xildhibaan wax ka aamusayna majiro.

Intaas kadib Wasiirka Wasaaradda arimha Gudaha XFS 𝗠𝘂𝗱𝗻𝗲 𝗔𝘅𝗺𝗮𝗱 M𝗮𝗰𝗶𝗹𝗶𝗻 F𝗶𝗾𝗶  ayaa Mudunayaasha ka hor akhriyay  Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha, Waxa uuna sheegay in muhiimad weeyn uu u leeyahay dalka sharcigaan Xildhibaanadana looga baahanyahy in ay meel mariyaan.

Ugu danbeeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹l𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗔𝗯𝘀𝗵𝗶𝗿𝗼𝗼𝘄 oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghaya Guud ee Golaha shacabka faray in uu sharciga ku wareejiyo Guddiga Arimaha guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Intaas Kadib Guddoomiye Abshirow ayaa kulanka soo xira.