Ciidanka Booliiska Galmudug oo wada howlgal lagu baadi goobayo dabley dilal ka geysatay gobolka Mudug

Ciidanka booliiska gobalka Mudug ayaa maalintii 2-aad ka wada deegaano ka tirsan gobalka Mudug howlgallo lagu baadi goobayo dableey hubeysan oo dad shacab ku laysay wadada u dhaxeysa deegaanada Kaxandhaale iyo Galgalad oo ku yaala galbeedka gobalka Mudug.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug Gaashaanle dhexe Cali Muuse Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa bulshada deegaankaasi la qaatay kulan looga arrinsaday sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggaasi baxsadka ah.

Sidoo kale, Saraakiisha Booliiska ayaa ballan-qaaday in ay caddaalad heli doonaan dadka dilka iyo dhaawac loo geystay, isla markaasna gacanta loogu soo dhigi lahaa dableeydii weerarka hubeysan geystay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha.

Guddiga ayaa soo bandhigay waxqabadkoodii iyo mashaariicda hir-galay sannadkii la soo dhaafay iyadoo la waafajinayo qorshaha Xukuumadda #DanQaran.

Sidoo kale, guddiga ayaa shirka ku soo bandhigay qorshooyinka ay dejiyeen ee la xiriira mashaariicda horumarineed ee sannadka cusub la filayo in la fuliyo.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa faray xubnaha Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha ee Xukuumadda in ay dardar geliyaan fulinta qorshooyinka laga sugayo sannadka 2023.

Shir ku saabsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka furmay Nairobi

Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhammeystirka sharuudaha Barnaamijka deynta cafinta Somaaliya uga furmay xubno ka socda dowladda federaalka, hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Maxamuud Nuur oo furay shirka ayaa sheegay in shirkan muddada saddexda cisho ee uu socdo diiradda lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in shirkaan uu daba socdo kullammo isdaba joog ah oo ay horrey u la yeesheen Madaxda hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo xoogga lagu saaray arrimaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale, Shirka ka qeyb galaya wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya, Wasaaradda Batroolka, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha iyo Hey’adda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in ay xoojinayaan dagaalka lagu ciribtirayo Argagixisada

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo uu weheliyo wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray degmada Wasil ee gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweyne Qoor Qoor oo ay soo dhoweeyeen wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu daaran yahay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Khawaarinta ee ka socda gobolka Mudug iyo guud ahaan deegaanada Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo soo dhoweynta ka dib, hadlay ayaa sheegay in shacabka Galmudg kaalin muuqata ay ka qaateen dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa tilmaamay in Khawaarijta laga saaray deegaanno badan oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug, sidoo kalena ay sii xoojinayaan dagaalka.

Ciidanka DF oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Khaawrijta

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Cabdi Cali Gadiid oo ah Horjooge ka tirsan Khawaarijta, xilli  uu saanad u waday kooxda lagu baacsanayo deegaankaas.

Ciidamada qaranka iyo oo kaashanaya xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa ayaa Khawaarijta ka saaray deegaanno badan, kuwaas oo hadda laga dareemayo nabad iyo horumar.

Kulan looga hadlayay ciribtirka Khawaarijta oo lagu qabtay Hobyo

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha maamulka Galmudug Cumar Guureeye ayaa maanta degmada Hobyo kulan kula qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamo xalay gaaray degmada Hobyo, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka sifeynta Khawaarijta.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay qorsheynta howlgallada xoreynta Koonfurta Galmudug iyo sidii deegaanadaas looga ciribtiri lahaa argagixisada daashatay.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay guddoomiyaha degmada Hobyo iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Qorshaynta Galmudug.

Diyaarad sidday 72 ruux oo ku burburtay bartamaha Nepal

Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof ayaa ku burburtay meel u dhow garoon diyaaradeed oo ku yaalla bartamaha dalka Nepal, waxaana la helay meydadka 40 qof, sida ay saraakiishu sheegeen.

Diyaaradaasi oo ka soo ambabaxday Magaalada Kathmandu ee Caasimadda Dalka Neebaal ayaa ku socotay magaalada loo dalxiis tago ee Pokhara, waxayna burburtay markii ay soo caga dhigatay wadada laamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Pushpa Kamaal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golihiisa Wasiirada, wuxuuna ku booriyay hay’adaha dowladda inay ka shaqeeyaan gurmadka.

53 kamid ah dadka rakaabka ah ayaa la sheegay inay u dhasheen Nepal, waxaana diyaaradda saarnaa shan Hindi ah, afar Ruush ah iyo labo Kuuriyaan ah. Waxaa sidoo kale jiray hal rakaab ah oo ka yimid Ireland, Australia, Argentina iyo France iyo kuwo kale.

Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa Yeti Airlines, waxaa saarnaa 68 rakaab ah oo ay ku jiraan 15 ajaanib ah iyo afar shaqaale ah.

Wasiirka waxbarashada Hirshabeelle oo kormeeray deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sarre ee maamulka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda Amiin Mukhtaar Axmed iyo xubno lataliyeyaal ah ayaa kormeer qiimeyn iyo indho-indheyn ah ku tagay degmooyinka laga xorreeyay Khawaarijta.

Wasiirka ayaa booqday degmooyinka Aadan-Yabaal, Raage Ceelle, Cadalle iyo Warsheikh iyo deegaannada kale ee hoostaga, halkaas oo uu kula kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan kan dhageystay baahiyaha waxbarasho ee ay qabaan.

Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle oo la hadlay dadka deegaanka ayaa ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay isaga diideen dhagarta iyo gumaadka kooxda Khawaarijta Al-shabaab, wuxuuna balan qaaday in ay deg deg u geynayaan deegaannada la xorreeyay adeegyada waxbarasho ee u baahan yihiin.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay kooxda argagixisada ka ciribtiraan gobolka Shabeellaha, halkaas oo ay hadda neecowda nabadda iyo hormarka dowladnimo laga dareemayo.

 

Wasiiru dowalaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo shir kaga qeyb galaya Abu Dhabai

Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir heerkiisu sarreeyo uga qeyb galaya magaalada Abu Dabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda caalamiga ah ee International Renewable Energy Agency (IRENA), ayaa waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda Tamarta iscusbooneeysiisa, sida ugu habboon oo looga faaiideeysan karo iyo weliba sida loola jaanqaadi karo geediga cusub ee dunidu uga guureeyso isticmaalka Matoorada iyo Tamarta ku dhisan noocyada Shidaalka.

Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyay Dowladaha iyo Hay’adahs caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay heerka ay mareyso Soomaaliya ee arrimaha Tamarta (korontada), waana kulankii sadex iyo tobnaad ee golaha hay’adda.

Shirweeynahaan oo socon doona illaa iyo 18 ka January 2023, ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno waa weyn oo dhaxalgal ah, kaas oo ku aadan hanaanka cusub ee dunida ugu guureyso tamarta laga dhaliyo qoraxda dabeeysha iyo Tamarta munaasabka la ah Bii’ada (Environmental friendly Energy)

Dhanka kale, wafdi wasiirka ayaa kullamo doceedyo la qaatay madax ka kala socota Dowlado iyo weliba Hey’ado ka shaqeeya arrimaha Tamarta iyo qaababka loo hormariyo ee casriga ah.

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha oo dowladdu ay xaqiijisay inay xirtay in ka badan 250 Akoon oo lacagaha baadda ah ay dadka uga qaadan jirtay Khawaarijtu.

Mr. Guuleed ayaa ku dhiirageliyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka in ay sii laba jibaaraan dagaalka lana ciribtiro Khawaarijta.

“Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmiudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagan dowladda iyo laamaheeda kala duwan si looga adkaado kooxaha argagixisada oo har iyo har hooyaad u diiday ummadda Soomaaliyeed.