Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Amniga

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadada, Mr Gilles Michaud.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa warbixin ka siiyey Kaaliyaha guulaha ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto Khawaariijta iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku wajahan xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto argagixisada, isagoo tilmaamay in hay’adda Qaramadda Midoobayn diyaar u tahay in Soomaaliya kala shaqayso qorshaha xasillinta iyo sidii dadka ku sugan goobaha la xoreeyay loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah iyo adeegyada assaasiga ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray goobaha la dajiyay martida ka qeybgalaysa shirka Dib u Heshiisiinta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Baydhabo u jooga furitaanka Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kormeeray qeybo kamid ah goobaha la dajiyay  martida ka soo qeyb geleysa Shirka Dib u Heshiisiinta KGS.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hoggaaminayo Saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS ayaa indha indheeyay isla-markaana warbixin ka dhageystay masuuliyiinta loo xilsaaray soo dhaweynta martida iyo mas’uuliyiinta qeybta ka ah wufuuda ka qeyb galeeysa Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lagu ballansan yahay inuu ka furmo 16-ka Janaayo oo ku beegan maalinta beri ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale booqday hoolka shirka uu ka furmaayo, isagoo warbixin ka qaatay Guddiga Farsamada oo ku jira diyaar garoowgii u dambeeyay.

DHALLINTEENNU MAXAA KU QASBAYA INAY RAACAAN TIMO JARASHADA MINGUURISKA AH?

Waxaan damcay in aan timaha ka jarto mid ka mid ah timo jarayaasha magaalada Muqdisho weliba  mid si la yeeb leh u sharraxan oo ka mida ah kuwa loogu jecel yahay magaalada.

Ma aheyn markii iigu horreysay ee aan tago goobtaas iyo kuwo kale oo ku yaalla magaalada waxaanse muddo ka meermeerayey tagistooda aniga oo inta badan xaafadda ku xiiran jiray si aan u muujiyo in aan ciyaal xaafad hore oo weynaaday aan ahay.

Goobtii ayaan galay waxay aheyd goob ay shaqo ka socotay oo aan dareemay in ay shaqo abuur wanaagsan u tahay dhallinyaro badan oo ilaa saddex ah oomidba calafkiisa cidda kursiga uu gadaasha ka taagan yahay ku sugayey, waxayna goobtu aheyd mid si casri ah u habeysan oo soo jiidasho leh.Gudaha timo jaraha waxaan kula kulmay dad Timo jar u jooga oo dahallinyaro u badnaa.Tima jarihii ayaan u tagay kursigii ayaana ku fariistay  wuxuuna I weydiiyey “Adeer sidee kuugu jaraa ?” isagoo tirinaya dhowr magic oo aan ka xasuusto “ Ma diiq baan kuugu jaraa, ma afar far baan kuugu xiiraa , dhan xiir , bogba mise liyoon ?”

Wax aan ku jawaabo ayaan garan waayey markaas ayaan ku iri “Caadi iigu jar” markaas ayuu qoslay timajarihii isagoo leh “Caadi laf ahaanteeda sow afkii dhallinyarada maaha, adiguba dhallinyaro cuslaatay baa tahee sida dhallinyarada u jaro “.

Markaa ayaa ku iri “ Ma dhinacyada ayaan xiiirtaa anigoo da’dan ah ka dibna hadal kaftan ah iyo su’aalo ayaa noo bilowday waxaana weydiiyey halka ay ka soo minguuriyaan qaabka xiiridda ee dhallinyarada maanta .

“Waxaan ka fiirinaa jilayaasha filimada , fanaaniinta iyo ciyaartoyda kubbadaha siiba kuwa kubbadda cagta mararka qaarna dhalinyarada ayaa fikradaha qaar ee jarista timaha noo keena ..waa un ku dayasho” ayuuna yiri

Noocyada loo jarto timaha way badan yihiin waxayna qiimaha jarista noocyada dhallinyarada ay u kala sicir ama qiime badan tahay hadba sida ay u kala dambeyso oo kuwa ugu dambeeya ayaa qaali loogu jartaa.

Dhallinyarada timajarayaasha waxay jecel yihiin dhallinyarada jaridooda maadaama ay uga lacag badan tahay tan odayaasha inkastoo timo jarista odayaasha ay fududahay una badan tahay in timaha loo gaabiyo ama (Yuul ) xiirmo madax bannaan ah looga dhigo laakiin lacag badan kama qaadi karaan.

Dhallinyarada qaar ayaa dhibada odayaasha imaanaya timo jarayaasha ee dhallinyarada waanada u soo jeedinaya si ay uga joojiyaan xiirmadaa aan muuqaal ahaan wanaagsaneyn eek u dayashada ah waxayna timajarayaasha laftoodu dhibsadaan la joogista odayaasha yimaada goobahaa si ay uga baxsadaan hadaladaas waandada ah.

Si kasta oo ay tahayba waxaaan fiicneyn ku dayasho indho la’aan ah oo dhaqankaaga , asluubtaada iyo muuqaalkaaga aan u wanaagsaneyn iyadoo maanta Muqdisho lagu wiilal dhallinayro ah oo madaxu si aan wanaagsaneyn oo weliba qaabdarro ah ugu jaran yahay hase yeeshee iyagu isu arka in ay ku qurxoon yihiin oo xarago isla jooxaarinaya.

Hadaba waxaa isweydiin leh maxaa dhallinyarada Muqdisho ku qasbaya in ay u jartaan qaababkaas minguuriska ah ee aan wanaagsanyn  ?

 WQ: Mohamed Hassan                                             

 

 

 

 

KAALINTA WADDOOYINKA HABEYSAN KA GEYSAN KARAAN ISDHAAFSIGA GANACSIGA

Ganacsiga waa wax aan looga maarmin isdhaafsiga badeecadaha iyo waxyaabaha ay soo saaraan Warshadaha.

Waddamada reer Galbeedka iyaa isaga gudba habka isdhaafsiga Ganacsiga iyadoo la marsiinayo Jidad High Way ah ama Waddooyin sida Waddooyin habeysan oo leysku furay, xudduudda  dalka kaasoo Gawaarida Xamuulka badan gaar ahaan gaadiidka loo yaqaanno Trailka loo yaqaan ama trainka mara Khadka xadiidka iyo midka mara dhulka hoostiisa ee loo yaqaanno Mitro, wallow qalabka tirade badan ee aadka u culus la mariyo.

Badaha oo lagu daabulo Maraakiib hadana waa lama huraan in la adeegsado Waddooyinka, kol ay tahay dalka gudahiisa, waxaa waddooyinka habeysan ee sida wacan la sameeyay kaalin wax ku ool ah ka qaataan dhaqso isku gudubka waddada xadiidka ah sida waxyaabaha loo baahan yahay ee gobolka isdhaafsadaan hakadka oo si wacan gawaaridooda isaga goosha halkaasi, taasoo yareyneysa shilalka dhaca jidadka gobollada isku xira waa inay noqdaan kuwo habeysan oo aan burbursaneyn, taasoo laba heer ciyaarta 1- Bilicda Waddooyinka iyo 2- Sahlidda Safarrada la galo ee Waddooyinka Afrika.

Inta badan waxaa jira Waddooyin aan habeysneyn oo lagu arko gobollada leysaga goosho iyo gudaha Caasimadahooda meel ka mid ah waana mid ay ka siman yihiin badiyaa, waddooyinka dhaadheer ee isbarbar socda iyo kuwa buundooyinka ah ee sida dhaqsaha ah loogu socdo sida jidadka dalka Sacuudiga ee ka dhisan kolka aad u sii jeeddo Xaramka Barakeysan oo marka aad arkeyso Afar Ji doo lababa dhinac tahay taasoo si sahlan markiiba aad u tegi karto Maka iyo Madiino.

Waa dhif Jidadkaas oo kale dunida ay ka jiraan laba waddo oo isdhinac socda, halka dalka sacuudiga laga helo waddooyin afar afar isu garab socda waana meelo badan gudaha sacuudiga wayna habeysan yihiin waana horumar fiican oo ku dayasho mudan.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

ISLAAMKA IYO DHAQAALAHA BANGIYADA DUNIDA

Waxan jeclahay in aan maqaalkaan si guud ugu dulmaro soo ifbixii bangiyada islaamka iyo sawir noocee ah ayay tusinayaan, maxayse kaga badbaadeen dhaqaale burburka ka dhacaya aduunkan.

Markan eegno, hab-dhaqan-dhaqaalaha bangiyada islaamiga ah iyo kuwa aan islaamiga aheyn, farqi weyn baa u dhexeeya, qaabka ay u shaqeeyaan, hab-dhaqankooda iyo macaamilka bulshada, taasoo keentay kala duwanaanshaha faa’iidada ay helaan, waa labo nidaam oo kala duwan oo mid walbo heer u gaara uu ku shaqeeyo, waana kala faa’iido badan yihiin.

Bangiyada Islaamigu uma shaqeeyaan sida kuwa kale ee aan islaamiga aheyn sida magacaba ay ugu kala duwan yihiin ayaa shaqadooduna u kala gedisantahay, Bangiyda ku dhaqama nidaamka islaamiga ah way ka faa’iido badan yihiin kuwa aan islaamiga aheyn ee aan kala soocin xalaasha iyo xaaraanta ee ku shaqeeya dulsaarka iyo nidaamyada qariban, bangiyada nucaas ah ee qaabkaas u shaqeeya waa kuwa mar walbo qasaara.

Nus qarni kahor bangiyada nidaamka islaamiga ka shaqeeyaayi waxaa dad badan u arkaayeen wax riyo maalmeed ah, mantase waxay noqdeen nidaamyada maaliyadeed ee ugu koboca badan uguna faad’iidada badan, looguna hadal haynta badanyahay, ilaa dadyowga aan muslimka aheyn ay ku dhaqmaan oo ay ku dabaqaan systemkooda, kadib markii ay la dhaceen bangiyada islaamka iyo faa’iidadooda.

Nidaamka Bangiyada Islaamiga ahi, mar walba waa uu ka kalsooni badanyahay kuwa aan islaamiga aheyn marka la fiiriyo nidaamkooda maaliyadeed ee aduunka. Bangiyada islaamku waxay kutalaabsadeen horumar lixaad leh, inkastoo ay caalamka kucusubyihiin hadana waxay leeyihiin raad dib ugu laabanaya soo ifbixii diinta islaamka.

Waxa ugu wayn ee bangiyada islaamku kaga duwanyihiin bangiyada kale waa ku dhaganaanshaha iyo dabaqida nidaamka shareecada islaamku udajiyey oo ah kafogaanshaha ribada iyo waxkasta oo diinta islaamku xaaraantimaysay.

Hanti walboo xaaraan laga ilaaliyo, aqoonna lagu dhaqo way kortaa oo kobacdaa, sidaa daraadeed, bangiyada raaca dhaqan-dhaqaalaha maaliyadeed ee shareecada islaamku jidaysay ma khasaaraan, faa’iidadooduna mar walbo way jiraysaa intiiba ay shaqadooda socoto.

Tusaale, Waxaa inoogu filan oo xusid mudan dhaqaale burburkii soo wajahay caalamka dabyaaqadii sanadihii 2007- 2009 iyo saameyntii tabaneyd ee 2010 ilaa 2011 soo gaartay dhaqaalaha caalamka iyo tan maantadan ka taagan wadamada reer galbeedka sida tan heysata Greece iyo wadamo kale  oo lamid ah, xiligaasi adkaa ee aan kasoo hadalnay, bangiyada Islaamka waxay u ahayd xiligii ay ugu koboca iyo faa’iidada badnaaayeen.

Taariikh ahaan haddii aan fiirino, soo ifibixii bangiyada islaamka, Bangigii ugu horeeyay ee islaami ah waxaa laga furay magaala layiraahdo Mit-Qamar oo kutaala dalka Masar 1963, inkastoo bangigaas uuna mudo dheer siijirin hadana waxaa lasheegaa mudadii yarayd ee uu jiray inuu soojiitay dareenka bulshawaynta reer Masar waxaana lasheegaa inuu soojiitay macaamiil ka badan 1 million.

Taariikhyahanada Maaliyadda islaamku waxay sheegaan in isku dayga bangigaas iyo laba isku day oo kahoreeyay oo laga hirgaliyay dalalka Malaysia iyo Pakistan ay dumiyeen Darbigii Khayaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa yagleelida nidaam maaliyadeed oo kusalaysan shareecada islaamka.

Kadib iskudaydaas aan sare kuxusay waxaa xigay in albaabada loo furo bangiyo dhawr ah oo ay ugu horeeyeen Dubai Islamic Bank oo laga furay maagalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta, Faysal Islamic Bank oo laga furay Masar iyo Sudan 1977, Islamic Bank of Jordan iyo Islamic Bank of Bahrain 1978/9, dhammaan bangiyadan waxaa dhiirogaliyay iskudayadaas hore, iyo yagleelidii Hormarinta Bangiyada Islaamka (Islamic Development Bank) 1973 dii.

Soo shaacbaxa nidaamka maaliyadeed ee islaamka waxaa xigay baraarug siyaasadeed, sida shirkii Wasiirada arimaha dibadda ee dunida Islaamka oo kadhacay Magaalada Dekar ee dalka Senegal April 1978 ayada oo lagu gorfeeyay in Wadamada Islaamku si qunyar-qunyar ah u hirgaliyaan nidaamka bangiyada Islaamiga ah waxaa xigay shirkii lagu qabtay Islamabad, Pakistan May 1980 oo lagusoo bandhigay talaabooyinkii xigi lahaa si loo meelmariyo qaraarkii shirkii lagu qabtay Dakar 1980kii Shirkii Sadaxaad wuxuu kaqabsoomay Makah iyo Dhaif, sucuudi carabiya 1981 Shirkan oo diiradda lagusaarayay sidii Dunida Islaamku uyeelan lahaayeen xiriir Ganacsi iyo Wadashaqayn.

WD: Ibraahim Warsame

 

DADKA KA GANACSADA DAAWOOYINKA HERBALKA

Dadka ka ganacsada daawooyinka herbal oo qaar la soo ifbaxay khayaano dadban.

Nagamid ma ahan dadka caadeystay khishka iyo khiyaanada laga ganacsado.

Waxaa haatan isa soo taraya dad u tafaxeetay inay faa’iido deg deg ah ka sameeyaan ganacsi nooc ku cusub dalka oo bulshada lagu soo jiito

Iyadoo baraha bulshada loo adeegsado ogeysiis iyo iidhe mala awaal ah.

Kareemooyin kala duwan oo ay leeyihiin waxaa loogu talagalay xoojinta raganimada, galmada dheer iyo ka hortagga biyo baxa deg degga ah iwm.

Waana mid dad badan ay arkeen inay tahay wax kama jiraan marka laga reebo malabka iyo confindo, waxaa dhacday oo sii socota weli ii dheh oraneysa haddii aad wax ka garan weydo muddo ilaa saddex ilaa toddobo cisho  lacagtaada ayaa laguu soo celinayaa.

Waa wax kama jiraan oo dad badan oo run mooday waxtarka kareemooyinka largo, Bxx iyo qaar kale oo la mid ah.

Markii lala xiriiro inta laga iibsado ayaa aysan qaban taleefoonnada waxaa dadka xaafadaha ugu geeya mootooyinka loo yaqaanno falconta.

Marka ay dadka weydiyaan ninka u keena kareemka ayaa wuxuu ku warceliyaa aniga war kama hayo shaqadeyda waa geyn geyn oo keliya

Waxaa arrintani ku hungoobay oo aan ka soo xigtay sheekadaan mala awaalka ah 55 ruux oo bahasha u arka keliya saliid lagu dhaashado wax dareen ahna aysan ka garan.

Ujeeddada ganacsiga noocaan oo kale ah waa kudhufo oo ka dhaqaaq oo ah qiyaano dadban ruux kasta mar laga iibiyo lagama yaabo in mar labaad laga iibiyo ileen arrinta ayuu ogaadaye, waxaa ay ku kala iibiyaan lacag gaareysa 18-dollar, 15-dollar iyo 12-dollar.

Arrintan waxaan ka soo xigtay oo ka cabanaya arrintaasi sidaa daraadeedna aan uga digayo kuwa haatan lagu qaldi rabo inay ka feejignaadaan waa yaabe heerka ganacsiga uu galaly sannadahan dambe ee aad moodo wax un ribax ka samee.

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa in aan lagu deg degin daawooyinka aan takhtar ka talo bixin oo dad istaabtaabtay baraha bulshada soo geliyeen.

Wax kastoo uusan ka tala bixin takhtar taqasus u leh arrintaas in laga fogaado.

Ma haboona in dad la qaldo oo daacad iska ah oo u baahan raacis wadiiqo wacan balse la arki doonee halka arrimahan oo kale ama ay ka soo ifbaxaan waxyaabaha ay isticmaalaan reer galbeedka eek u saaqida sameynta filimada galmada.

WQ: Ibraahim Fanax

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshir “Abshirow” ayaa shir guddoomiyay kulanka 13aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa looga hadlay Hindise Sharciyeedka Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa go’aamiyeen in labada Hindise Sharciyeed lagu soo daro ajendooyinka ugu soo horeeya ee Kulanka Guud ee Golaha Shacabka.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo kulan saagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin walaalahooda Turkiga, kuwaas oo u soo gurmaday dadkeenna xilligii adkaa.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya, suud iyo gudahaWaxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Madaxaweynaha Jabbuuti oo Madaxtooyadda dalkaasi ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne Axmed Islaam ayaa Dowlada iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo gudaha

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo warbixin siiyay guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Gaadiidka

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, hawlaha guud iyo Tamarta ee golaha shacabka baarlamaanka JFS oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta xafiiska guddiga ugu yeeray wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Xil. Fardowsa Cusmaan Cigqal oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda, !gaasimaha guud iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoomiyey guddoomiyaha guddiga Xil. Cabdillahi Cabdi Maxxamed (Geelqaad) ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda looga dhageystay warbixinno ku saabsan sharciyada wasaaradda muhiimadda u leh ee u qorsheysan, qoshe-hawleeedka wasaaradda, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya, istiraatijiyadda guud ee wasaaradda, caqabadaha iyo fursadaha wasaaradda horyaalla.

Xildhibaanada guddiga ayaa iyaguna dhinacooda talo soojeedin iyo su’aalaba waydiiyey masuulinta wasaaradda.

kulanka oo ku soo dhammaaday is fahan ayaa lagu kala qaatay waajibaad shaqo, sidoo kale waxa lagu dardaarmay in shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo hufnaan.

Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad fadhiya iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo suud