Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika

Guddoomiyaha Aqalka Sar ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland oo uu wehliyay Agaasimaha geeska iyo Bariga Africa u qaabilsan Finland, Mudane Jukka Pajarinen.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa ka wada hadlay kaalinta dowladda Finland ay ka gaysan karto taageerada howlaha shaqo ee Aqalka Sare ka xoraynta Dalka ee Khawaarijta Al Shabaab, dib u heshiisiinta, Dowlad Wanaagga, iyo wada shaqaynta Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Dowladda Finlad.

 

DEG DEG CIIDANKA XOOGGA OO LA WAREEGAY DEGMADDA XARAR DHEERE

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa hadda gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kooxda khawaarijta ayaa isaga carartay degmadaas.

Ciidanka ayaa hadda baaritaan ka wada xaafadaha degmada.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa xaqiijiyay qabashada Xaradheere.

La soco goordhow wasiirka oo ka hadlaya Qabashada Xarardheere.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koofurgalbeed Mudane Cabdicasiis Maxamad Laftagareen iyo masuuliyiin katirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in maalinta barito ah uu furi doona shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Burcadkii ugu weynaa Talyaaniga oo gacanta lagu dhigay

Burcadkii ugu weynaa Talyaaniga ee sida weyn loo doon-doonayay ayaa lagu xiray jasiiradda Sicily kadib 30 sano oo lagu raad joogya.

Matteo Messina Denaro ayaa lagu soo warramaya in lagu xiray isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla caasimadda Sicily ee Palermo.

Waxaa la sheegay in uu madax u yahay kooxda maafiyada ah ee Cosa Nostra.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warrantay in ninka markii la qabanayay lagu daweynayay isbitaalka.

Marar badan ayaa ninkan lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu geystay falal dil ah.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay soo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku aaddan dardargelinta howlgalada dib u xoreynta ah ee ka socda deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Degmada Hobyo, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoonka gobolka, maamulka degmada iyo masuuliyiin kale.

Dhibaatada maandooriyaha( WARBIXIN)

Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida Xashiishka, Jaadka, Tubaakada, Taabuuga IWM ayaa dhibaato ku haya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada da’ yarta ah, waxaana bahda caafimaadka ay ka digayaan saameynta taban ee ka dhalan karta xaaladan.

Xanuunada halista ah ee laga dhaxlo dhibaatadani ayaa waxaa kamid ah qabatinka (Addiction), cudurada ku dhaca maskaxda nuucyadooda kala duwan sida Walwalka, Niyad-jabka iyo Waalida.

“Marka aan bilaabaayay daaweynta xanuunnada Nafsiga ah, waxa aan ogaaday in uu aad u kordhaayay xanuunnada Nafsiga oo in badan ay sababaan daroogada” ayay tiri Dr Idil Cawil Cilmi oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha oo dhowaan Muqdisho lagu qabtay.

Sababaha ugu waa wayn ee keeni kara in qofka uu isticmaalo Maandooriyaha waxaa kamid ah Shaqo-la’aanta jirta, sidaasi waxaa lagu soo bandhigay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha oo dhowaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Dr Ibraahim Dhaqane Cali oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sababta dhalinayarrada u isticmaalaan Maandooriyaha, taasi oo uu ku tilmaamay shaqo la’aanta iyo in ay awood ka raadinayaan.

Marka laga soo tago saameynta Shaqsiga qofka isticmaalaya Maandooriyaha waxaa sidoo kale jira dhibaato bulshada ay kala kulmi karaan ruuxaasi.

Axmed Maxmuud oo ah bare wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa tilmaamay in dhibaatooyin badan uu Maandooriyaha ku keeni karo Bulshada.

“Dadka inta badan isticmaala Maandooriyaha waxaa ay si fudud u geysan karaan falalka Amniga lidiga ku ah, taasi oo dhiiri gelin karta sare u kaca dambiyada ” ayuu yiri Bare Axmed Maxamuud.

Abuukar Cawaale qaad-diid oo ka hadlay aafadda maandooriyaha iyo dhibaatooyinka uu sababo ayaa xusay in maandooriyuhu ka sokow inuu halis ku yahay caafimaadka qofka sidoo kalena uu sababo dhaqaale burbur iyo qoys burbur taas oo sababi karta marka qoyska burburo in caruurta dayacanto duruufahana looga faa’iidaysto” qoyska marka uu burburo caruurta ayaa khatar u gelaysa in kooxaha balwadaha isticmaala ay u gacan galaan,sidoo kale waxay sababi kartaa Amni darro sida qofka inui wax dilo ama ku biiro kooxaha dambiileyaasha ah” ayuu yiri Abuukar qaad-diid.

Taliyaha hoggaanka Diinta iyo dhaqanka Ciidanka Booliska soomaaliyeed gaashaanle sare Mirre Axmed Mataan ayaa dhankiisa sheegay in loo midoobo la dagaalanka maandooriyaha sidoo kalena xusay in Heya’addaha ku shaqada leh la dagaalanka maandooriyaha ee kala ah Booliska,Wasaaradda Caafimaadka,gobolka Banaadir iyo wasaaradda diinta iyo awqaafta doorkooda qaadaan tallaabooyin dheeraad ahna la yinaadaan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Mudane Xasan sheekh maxamuud ayaa dhowaan si adag uga hadlay dhibaatadda maandooriyaha, isagoo Talisyadda ciidanka Booliska faray in ay ka ilaaliyaan in Ciidanku isticmaalaan maandooriyaha.

Xigasho: SONNA

Dumarka Soomaaliyeed iyo dowladnimada (maqaal)

Hanashada Xorriyadda Dumarka Soomaaliyeed waxay ka soo qaateen door aan la ilaabi Karin, waxayna u hureen Naftooda iyo Xoolahooda, iyagoo la garab joogay dhiirigalin, waana ay ku guuleysteen inay ka soo muuqdaan doorkii ay ku lahaayeen dowlanimadii lagu taamaayay sanadkii 1960-kii.

Teer iyo burburkii dowladnimada, dumarka  Soomaaliyeed waxay tabar iyo taagba hayeen waxay  isugu geeyeen taakuleynta dadkooda tabaaleeysnaa oo ay iyagu ugu horreeyeen.

Xilligaasi way tabar darnaayeen oo taag ay ku joojiyaan tacadiyada dalka ka socdey ma aysan laheyn, balse waxay cod dheer ku diidanaayeen dhiigga ay qubayeen ragga Soomaaliyeed. waxay dareen hooyanimo ku lahaayeen “tolaay oo tacab qasaarnay waxaa tabtaan na baday waa tiirkaan cuskaneynay”, waxayna ka digayeen tog dheer oo qaranimadu ku dhacdo waxay ku baaqayeen tanaasul, tashi, talo iyo tubti toosneed oo lagu soo noqdaa, waxay ku taamayeen dowladnimo tis qaadd oo lagu tanaado,

Maanta  oo  mar kale jidka dowladnimadi lagu tallaabsadey  dumarka Soomaliyeed waxay dowladdooda  la garab taagan yihiin tabantaabo,  tootoosin, iyo taageeraba. waxay tusaale ka dhigteen taariikdi la soo maray, waxay ku dadaalayaan tuhunka dadka Soomaaliyeed soo kala dhex galay oo dhammaada, waxay la tacaalayaan tabaalooyinkii colaadaha qabiilka dhaliyeen, waxay tilmaamsadeen tartan dowladnimo iyo horumar la taaban karo.

Sidoo kale dumarka Soomaaliyee waxay tabteeda hayaan  iney tirtiraan tiinka ku taagan dadkooda ee  ka dhex baxay tabar-daradi iyo tasowgii ku dhacay qaranimadeenna, waxay tooshka ku bidhaamiyeen nacabka ku naaxay dhiigga ka tifiqda leh dadka Soomaaliyeed, waxay tageen furimaha iyagoo ku labisan maryaha macaweesta iyo kuwa ciiddanka, iyagoo muujinaya taageeradooda ku aadan kacdoonkan heerya tuurka ah ee lagula jiro cadowgan tabarta haatan la wiiqay.

Tan iyo markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Shiikh Mxamuud ku dhawaaqay dagaalka lagula jiro tiinkan garanwaaga ah ee tabta ka dhigtay dhabar ka toogashada shacabka Soomaaliyeed,  dumarka waxay taagnaayeen safafka hore ee kacdoonka bulsho, iyagoo sidii caadada u aheydba la garab taagnaa Qarankooda taakuleyn iyo taageero dhan kasta leh.

Dumarka Soomaaliyeed waxay ku tartamayaan  sidii ay ku noqon lahaayeen Xaawa taakada qarnigeeda; mid qori qaada iyo mid sahay iyo saad samaysaba.

Ugu danbaytii waxaan Rabigeen ku tawakalaynaa in uu nagu taakuleeyo tir tiridda kuwa towxiidka ka been abuurtay ee tubti Islaamka ka leexday waxaana leenahay siduu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan yiri:- Alle ha unaxariistee

Ebow Nin goba baan ahoo guni rifaysaayee

Ebow markaan gaylanay gulmiyow baqaanee

Eebow anaa kaga gar lahee guushaa  I siiyee.

Guntii iyo gabagabadii Dumarka Soomaaliyeed sidii caadada u aheyd waa inay iska soo dhex qabtaan ama far muuqaan GARANWAAGA ku dhuumaaleysanaya Guryaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada XDS iyo kuwa Deegaanka oo haatan la wareegay Magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta ka xoreeyey magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Magaalada Galcad waxaa muddo badan  gacanta ku hayey Khawaarijta Al-shabaab oo dadka ku dhibaateen jiray,waxaana haatan ku jirtaa Gacanta Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo is garab sanaya.

Laamaha Amniga ayaa haatan xafadaha Galcad kawada baritaano amniga lagu xaqiijinayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sagootiyay Safiirka Turkiga oo muddo xileedkiisa shaqo ee rasmiga ah uu ka idlaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa xalay ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz, oo muddo xileedka shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.

Kulankani sagootinta ah oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu bogaadiyay dadaalka waxtarka leh ee uu muujiyay Danjire Mehmet Yilmaz ee adkaynta iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo u rajeeyay inuu guul joogta ah ka gaaro howlihiisa mustaqbalka.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaariijta.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Danow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu wakaaladda wararka SONNA u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.

Hawlgalkan ayaa yimid ka dib markii kooxda khawaariijtu isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabay dhagarta khawaariijta ayaa khawaariijta gaarsiiyey khaasaare culus,dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in khawaariijta laga furtay Saanad Ciidan.

Dhanka kale qarax ka dhacay Degmadda Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayuu Taliyaha Xooggu u xaqiijiyey Wakaladda wararka SONNA in uu sababay khasaaraha dhimashada hal qof oo ku geerirooday iyo Saddex dhaawac ah.