ISU TANAASULKA WAA DOOR SHARIIF KA AH BULSHADA DHEXDEEDA

Haddaba, Waxaan sheeko ahaan u qaadaneynaa sheeko tuke iyo haad inteeda kale dhexmartay iyo tanasulkii ay sameysay xiito xiito.

Waa sheeko la yiri “Haadow la socodkaa, hurdooy habeenkaa, hiliboow cunistaa”

Haddaba, Haad waxaa leysku dhahaa inta baalka ku duusha, sheekadana waxay ku saabsan tahay haaddaas oo habeen habeennada ka mid ah isu yeerteen meel kasta oo ay joogaanba, waxayna gorfeynayeen sidii ay wax u qeybsan lahaayeen waxaana xogheyn u ahaa haaddaas tuke oo ahaa mid aad u firfircoon kaas oo isku dubaridayey gogosha iyo martiqaadka shirka ee haadda.

Haaddu habeenkaas martiqaadkeedu wuxuu ahaa hilib oo xoolo ayey qasheen waxaana arrintaa ka hor yimid qaar ka mid ah haadda oo sheegay in haddu kala yeelato qeybaha hilibka wixii shirkaan ka dambeeya .

Tukaha oo maamulka hayey ayaa la weydiiyey qaabka hilibka loo qeybsanayo wuxuuna Tuke ku soo koobay arrinkii inta aan la gaarin cashadii wuxuuna yiri”inta aan aniga u yarahay waxay cunayaan hilibka, inta aa aan u weynahayna waxay cunayaan miraha.

Tuke labadii qeyboodba wuu isku daray wuxuuna ka saxiixay haaddii oo dhan markii arrinkii la wada qaatay waxaa goonni u baxay xidinxiito intii ay doodad ku jireena wey seexatay maadaama doodad lagu gaaray waqti dheer.

Muddo markii la sugayey xidinxiito ayaa gogor wuxuu soo jeediyey in la casheeyo sidaas ayeyna xidinxiito ku qadday maadaama ay jiiftay.

Aroor hore ayey haaddu hore u baxeen waxaana meeshii oo cidlo ah soo toosay xidinxiito oo Meesha looga tagay aad ayeyna uga xumaatay in laga qadiyey cashadii meeshana looga kala tagay.

Reer xidinxiito shir ayey galeen waxay dood dheer ka dib go’aansadeen :-

– Xidinxiito in aaney cid dambe la socon oo keligeed qaraabato

– Hurdo dambe in aaney seexn habeenkii

– Hilib dambe in aaney cunin

Sheekadan waxay waano iyo tusaale u tahay ummadda soomaaliyeed in aysan isku qiyaamin xilliyada shirarka iyo wax qeybsiga si kalsooni iyo isjaceyl , talo iyo tigaad loo helo.

In la tiriyo oo la tabo qofka maqan qofka joogana aan laga tagin oon laga maarmin.

Waxaa kale oo habboon in la celiyo qofka caro ku tagaya loona samro lagana qanciyo tabashadiisa.

Si cadowga uusan galdaloollo nooga helin waa in aan isu dhimrinaa in badan Samir iyo dulqaadna wax lagu wado.

Walaalkaada Soomaaliyeed intuu cadow wadan lahaa adiga wado, waana in la ogaado in isu tanasulka uu ka fiican yahay kala tagga.

 WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

WANAAGGA AAD JECESHAHAY OO KALE LA JECLOW WALAALKAA

Walaalnimadu waxay ku timaadaa labo qaab xagga ehelnimada ama wada dhalashada iyo dhanka muslinnimada oo qofka aad diinta Islaamka wadaagtaan walaalo ayaa tihiin labada qaabna tan dambe ayaa qaalisan.

Allaah asaga oo nabaraya muslimiintu inay walaalo yihiin meelkasta hakala joogaane ama midab kaladuwan halahaadaane waxaa uu inoosheegay ama uu yiri “dadka iimaanka laga helay waa walaalo ee walaalihiin hashiisiiya” Alle suxaanahu watacaalaa ma kalasaarin dadka iimaanka laga helay meelkasta oo ay joogaan iyo midabka ay leeyihiin kaliya halshardi ayuu kuxiray qofka aadamigaa waana inuu imaan leeyahay ama uu muslim yahay.

Dadkii wan wanaagsanaa ee diintaan Islaamka gaarsiiyay daafaha caalamka way iswalaashan jireen isma faquuqi jirin kooda carabkaa ama kooda aan carabka ahayn dhamaan way iswalaashan jireen cadowga gaalada ah ayayna iska dugsan jireen arinkaasna Nabiga nabadgaliyo iyo naxariis dushiisa ha’ahaatee ayaa usheegay waxaa uuna kuyiri muslimiintu waasida dhismaha oo kale.

Waxaa ayaan darro wayn ah in maanta muslimiintii cadow iyaga dhexdooda isku noqdeen, badankood wadamada islaamka dagaal ayaa ka socda ayagii dhexdooda ayaana isdagaalaya ayaga oo iskuhaysta arimo aduunyo dhaqaale xilal iyo arimo diineed, markii la is dagaalo waxaa halkaasi ku baaba’aya  shacabkii muslimiinta ahaa sidoo kale hantidoodii ayaa halkaasi ku gubanaysa.

Nabigeena {NNKH} waxaa uu inagu  yiri “midkiin iimaan lagama helaayo illaa uu la jeclaado walaalkiis waxa uu naftiisa la jecelyahay”  haddaba qof walba oo muslim ah waxaa laga rabaa inuu walaalkiis la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay markaas ayaana dhamaanteen guul gaaraynaa sida saxaabadii iyo dadkii wan wanaagsanaa ee ka dambeeyay.

Waxaa larabaa dadka muslimiinta ah inay isku garabsiiyaan wanaagga iyo Alle kacabsiga ee aysan isku garabsiin xumaanta iyo cadawtinimada, waxaad maanta arkaysaa dal muslim ah oo dalkale oo muslim ah fowdo ka dhex kicinya halkii laga rabay inay iscaawiyaan oo isku tiirsanaadaan.

Aqriste ogow qof walba  oo muslim ah waa walaalkaa meelkasta oo uu dunida ka joogo waxaana lagaa rabaa inaad la jeclaato waxa aad naftaada la jeceshahay u duceey walaalahaaga ku dhibaataysan dunida daafaheeda inuu Alle ka dulqaado dhibaatada, waxaa lagaarabaa inaad wanaagooda ka shaqayso dadka muslimiinta ah ee aad la nooshahay sidoo kalana aad ka ilaaliso waxyaabaha dhibaya.

WQ: Muuse Cabdinuur Maxamuud

Maxeey Xarardheere muhiim ugu ahayd Khawaarijta?. (Shan Qodob)

Xarardheere- Magaalada Xarardheere, waa magaalo fac wayn, waa mid ka mid ah magaalooyinkii ugu hor qaatay maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo.

Waxaa jira arrimo dhawr ah oo ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Xukunka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khawaarijta.

Sababo badan ayaa jiray, balse waxaan soo qaadanayaa Dhawr qodob kuwaas oo mudan in loo iftiimiyo Bulshada.

1- dhoofiinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaalijireen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan dambiilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysnjiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaaladaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faaiidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sidaas awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim ugu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahanyihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaalijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarijta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

W/Q: Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya?

-Ku-smaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midwga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tina Intelmann.

Labada dhinac ayaa intii uu kulunku socday waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqaynta ku qotonta danaha labo-geesoodka ah.

Ms.Tina Intelmann ayaa dhankeeda ku bogaadisay dowladda Soomaaliya horumarka baaxada leh ee mudada kooban ay kaga gaadhay dagaalka khawaariijta, iyadoo tilmaantay in Midawga Yurub uu diyaar u yahay in uu dowladda Soomaaliya ka gacan siiyo xasilinta dalka.

  

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagaha sharci-darrada

Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgelinta argagixisada.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka warbixin ka siiyey howlaha iyo qorshaha hortabinta leh ee Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada iyo dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya ee khawaarijta Al-shabaab.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay xubnaha Guddiga Qaran ee heer Wasiir iyo hey’adaha dowladda ee wadashaqaynta la leh guddiga.

       

Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee XFS oo kulan la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Finland u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka wasaaradda Dhallinyrada iyo ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Nabadda iyo dhex-dhexaadinta  geeska Afrika u qaabilsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Finland Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo uu weheliyo Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee easaaradda Arrimaha Dibadda Finland Mr Jukka Pajarinen.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga ka socday dowladda Finland ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha hortabinta u leh wasaaradda iyo kaalinta ay dowladda Finland ka gaysan karto, waxaana si gooni ah loo dul-istaagay mashaariicda waarta ee dhalinyarada Soomaaliyeed u sahlaysa inay suuqa shaqada ku biiraan.

Wasiirka ayaa wafdi dowladda Finland u gudbiyay qorshe dhowr kun oo dhalinyaro ah sanad walba lagu barayo farsamada gacanta iyo xirfadaha wakhtiga kooban qaata ee dalka looga baahanyahay.

Dhinaciisa Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo Aa wiil Soomaaliyeed oo ku barbaaray dalka Finland, meel sarena ka gaaray siyaasadda wadankaas ayaa  sheegay in dowladdiisu ay ansixisay qorshe ku kacaya Malaayiin Dollars oo lagu xoojinayo taageerada la siiyo wadamada geeska Afrika ku yaala wuxuuna caddeeyay in horumarinta dhalinyarada iyo fursad u abuuristoodu uu yahay kan ugu muhiimsan.

Dowladda Finland ayaa  taageerta kaalinta dhalinyarada ee nabadda iyo in xal-waara loo hello colaadaha wadamada Afrika gaar ahaan kuwa Geeska.

           

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shir looga hadlayey amniga caasimadda

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga caasimadda iyo dardar gelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Salax Axmed Jaamac ”Waxaan ku boorriyay saraakiisha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir inay laban-laabaan dedaallada sugidda Amniga, Isla markaana feejignaan dheeri ah muujiyaan inta laga sifaynayo Argagaxisada guud ahaan dalka.”

 

Cabdikariin Xuseen Guuleed “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go,ay”

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qormo uu ciwaankeedu kaga dhigay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.” Taas oo uga hadlayo guulaha ciidamadda dowladda iyo la wareegista degmada Xarardheere.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in qabashada degmada Xarardheere ay tahay guul weyn “Gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug waa talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha Argagaxisada ah.”.

Degmada Xarardheere waxay aheyd saldhig muhiim u aheyd kooxaha Argagaxisada, ayadoo aheyd xarunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan, goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan. Sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Alshabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”. Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Dhan kale Cabdikariin Xuseen ayaa bogaadiyay guulaha ciidamadda xoogga iyo xoogaga dib u xorreynta deeggaan ay ka gaareen dagaalka khawaarijta “Waa ku bogaadinayaa ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaan guushaas ay soo hooyeen. Anagoo rajeynayna in magaalooyinka kale ee Galmadug ee wali gacantooda ku haray in ay deg deg u xoreyn doonaan.”.

Galmudug oo war ka soo saartay qabashada Magaalada xaradheere

Dowladd Goboleedka  Galmudug  ayaa bogaadisay howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad.

 

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganada Cali Heele, Tixle, Cigo, Baraag Sheekh Caamir iyo Degmada Galcad ee bariga Gobolka Galgaduud, ayadoo sidoo kale horey loo xoreeyay deegaanada Laba Xurow, Sheekhoow Gaab, Maraay Suuleey iyo Masaggawaa halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu ku dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo u tagay xaqiijinta Koonfur Galbeed heshiis ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur-galbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Konfur-galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.