Wasiirka Ganacsiga oo maanta hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Cabdirashiid Xaji Cabdi, ayaa maanta hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS, waxaana uu uga war-bixiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshe hawleedka 2023, caqabadaha jira iyo guud ahaan waxyaabahii u qabsoonay sanadkii hore.

Wasiirku, wuxu sidoo kale halkaas guddiga la wadaagay warbixinno ku saabsan horumarada laga sameeyey dhinacyada horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha, Maalgashiga, iyo weli ba sidoo kale hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Isaga oo u gudbiyey liiska shuruucda iyo heshiisyada u qorsheysan inay u soo gudbiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ahmiyad weyn u leh horumarinta iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif oo bogaadiyay dardarta uu ku socdo dagaalka lagula jira khawaarijta

Madaxweynihii hore ee JFS , Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay halganka Khawaarijta looga xoreeyay degmooyinka Ceel-dheer, Galcad iyo Xarardheere ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo 24 kii saac ee la soo dhaafay laga fara maroojiyay cadowgii ummadda ee muddo haystay.

“Waxaan bogaaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka oo ku guulaystay dib u xoraynta Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday inay sii wadaan garab istaagga xooggan ee ay u muujiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga ayaa dilay 21 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

21 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Xawaadleey ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jabiyay maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ee soo weeraray Saldhigga ciidamada deegaanka Xawaadleey, waxaana halkaas ciidamada kaga shahiiday 5 Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay Taliyaha CXD Gen Odawaa Yuusuf Raage.

Ciidamada ayaa wali sii baacsanaya firxadka Khawaarijta Al-shabaab ee saakay soo weeraray deegaanka Xawaadleey.

Ciidamada ayaa 24 saacadood ee la soo dhaafay Khawaarijta ka xorreeyay Saddex degmo oo istiraatiiji ah iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Khawaariijta ayaa looga bartay marka ay wajahaan xaaladdaha adag ee dagaalka in ay sameeyaan weeraro naflacaari ah kuwaas oo qaarkood loo adeegsado naftood haligayaal la soo qalday.

Khawaarijta oo Seddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xoreeynta degaanka ayaa si buuxda u la wareegay gacan ku heynta Magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud iyo  Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ah, waxayna Ciidamadu ay degaanadaasi ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga degaanadaasi,mana jirin wax iska hor imaad ah oo ciidamadu ay la kulmeen,kooxda khawaarijta.

Haddaan dib u jaleecno taariikhda Magaalooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, aynu ku bilowno Magaalada Ceeldheer waxaa degmo ahaan loo magacaabay sanadkii 1963-kii, waxayna Muqdisho u jirtaa 320km, iyadoo markii hore la oran jiray Mareeg, kadibna loo soo wareegay deegaanka ay hadda ku taal, waxaana lagu xasuustaa waa meeha uu ku dhashay AUN Janeraal Daaud Cabdulle Xirsi, Cali Geeddi Shadoor oo laga soo dooran jiray Magaaladaasi sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, waana Deegaan ku fiican dhinacyada Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

Magaalada Xarardheere waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee laga dhiso gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxayna Magaalada Muqdisho u jirtasa masaafo dhan 500km, waxaa iyada lagu xasuustaa waxaa ka soo jeeday AUN Madaxweynhii labaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Generaal Salaad Gabeyre Sabriye, Maxamed Saciid Ciyoow Gentelman oo deegaan doorashadiisu aheyd Xarardheere sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, Magaaladaasi ayaa waxa uu dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay dhinacyada Xoolaha, Beeraha iyo Kalluneysiga.

La wareegiidda Magaalooyinka Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere waxaa ka hadalay Mas’uuliyiin badan, waxaana ka mid ahaa Madaxweynhii hore ee Maamul-goboleedka Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed, wuxuuna soo saaray qoraal uu ka hadlaayo Dib u xoreynta Deegaannadaasi, wuxuuna qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.” Taas oo uga hadlayo guulaha ciidamadda dowladda iyo la wareegista degmada Xarardheere.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in qabashada degmada Xarardheere ay tahay guul weyn “Gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug waa talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha Argagaxisada ah.”.

Degmada Xarardheere waxay aheyd saldhig muhiim u aheyd kooxaha Argagaxisada, iyadoo aheyd xaruunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan, goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan. sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Alshabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”. Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta kale ee ka hadashay waxaa ka nid ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala oo si qoto dheer uga hadlay, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Xarardheere ay tahay magaalo fac wayn, kana mid ah magaalooyinkii ugu hor qaatay maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo, isagoo intaasi raaciyay in ay  jiraan arrimo dhawr ah oo ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Xukunka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khawaarijta, isagoo sababeynaayana waxa uu qormadiisa ku sheegay.

Sababo badan ayaa jiray, balse waxaan soo qaadanayaa Dhawr qodob kuwaas oo mudan in loo iftiimiyo Bulshada.

1- dhoofiinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaalijireen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan dambiilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysnjiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaaladaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faaiidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sidaas awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim ugu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahanyihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaalijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarijta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

Dib u xoraynta Degmada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad waa guul kale oo taariikhi ah, Guushaasina Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta, siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray,  sidoo kalena  waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wada shaqeynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Khawaarijta oo laga nadiifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug ay uga dhigan tahay sidii kalluun biyo waayay, sida uu horey u sheegay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna Khawaarijtu lumiyeen 3 Magaalo oo muhiim ah muddo 8 saacadood gudahood ah.

Diyaariye C/laahi Ruush

Magaalada Ceeldheer oo si buuxdo u gashay gacanta Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud oo muddo gacanta ugu jirtay Khawaarijta.
Wasiirka Gaashaandhiga Xuukumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in si buuxdo gacanta loogu dhigay Magaalada  Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kooxaha argagixisada ah ka saaray deegaano badan oo ay mudo dheer gacanta ku hayeen, waxaana deegaanadaas la gaarsiiyey adeegyadda Dowladnimo oo mudo dheer ka maqnaa.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo tababar u furay saraakiil ka tirsan qeybta 43-aad.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda aadanaha u furay ciidan iyo saraakiil ka tirsan qeybta 43-aad.

Taliyaha oo la hadlay ciidanka iyo saraakiishii tababarka loo furay ayaa kula dardaarmay  in ay ka faaideystaan fursadaan tababarka ah, asagoo kula dardaarmay in ay dhowraan xuquuqda shacabka ay u adeegaan.

ABAARTA IYO COLAADDA WAXAA KA DAMBEEYA ARGAGIXISADA KHAWAARIIJTA ALSHABAAB OO AH CADOWGA 1-AAD EE UMMADDA SOOMAALIYEED

Abaar dal ka jirta waa iska caadi, oo adduunyada ayaa nala qabta waase dad ka gaashaantay iyo dad ay galaafatay, colaaddu Meesha ay ku badan tahay sidoo kale waxaa ku badan abaarta, waayo waxaa halkaas ku daata dhiig, dhiig la daadshaana Carro ilaaheey baa ka dhalata, raallina kama aha.

Sababaha dalkeennu uga bixi la’dahay abaartuna waa mid ay dad sameeynayaan, waayo dadka ayaa waxaa ku yaraaday Alle ka cabsigii loo baahnaa waxaana nala gudboon in aan ilaahey u wada towbad keenno.

Argagixisadu waa cadowga kowaad ee bini’aadanka, kuwaasoo ka soo horjeeda in ay qofna adduunka xornimo ugu noolaato, argagixisada way dilaan qofkasta oo ka soo horjeeda fikirkooda guracan, waayo iyaga mabaadi’dooda waxaa ka mid ah in ay dilaan oo duugaan qof nool sidoo kale qof dhintay waa horena ay banaanka soo dhigaan macnihii hal noolna way duugaan hal duuganna way soo faagaan, waa cajaa’ibaha lagu garto argagixisada siiba khawaariijta ku soo duulay dalkeenna.

Waxaa lagu yaqaannaa inaysan abaar ka bixin dhulalka ay joogaan, waayo mama oggola nolol haddii gurmad loo fidin lahaa dadka tabaaleysanna uma oggola oo way gubaan wixii raashin ah ee loogu deeqo dadka abaartu saameysay.

Waxaa intaas ka daran inayba burburinayaan guryihii masaakiinta ku hoyan lahaayeen iyo ceelashii biyaha laga cabi lahaa oo ay sun ugu darayaan waana cadownimo hanoolaanin ah, ceebtoodana maaha ee waa caadadooda.

Alshabaab waa maleeshiyaad arxan daran waa khawaarijiin camiil ah oo u shaqeeya argagixisada caalamiga ah ee al-khaacidda, waana sababta kowaad ee abaartu dalka uga bixi la’dahay, roobkuna kuma da’o meelkastoo ay ku sugan yihiin, waayo ma sameeyaan wax Alle Swt raalli geliya, waa kuwo been badan oo dadka duufsada una sheega waxaan jirin.

Haddaba si abaarta nooga harto waa in la taageeraa gulufka socoda ee lagu ciribtirayo kuwa Alle ku been abuurtay ee diinteenna ku xadgudbay.

Shabaab waa in aragti lagu dilaa oo xaabada lagu daraa, haddii la rabo in laga baxo abaaraha iyo dhibka joogtada ah.

Xanuunka xabadda waa in la baraa oo la tusaa alshabaab si wixii damiir leh haddeyba jiraan ay u towba keenaan.

WQ: Bootin Dheere

 

KASBASHADA XALAASHA IYO KA FOGAANSHAHA XAARAANTA

Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajib ah in uu kasbado oo uu cuno waxa xalaasha ah, kana dheerado waxa xaaranta ah isaga oo Ilahay  SW qof ku waxa uu cunayo ama uu kasbanayo ka horeeysiyay camalka wanagsan ee uu samaynayo.

Nusuus badan ayaa ku so arooray halka uu qofku ka kasbanayo xoolaha uu shaqaysanayo. Ilahay muminiinta isaga oo la hadlayana waxa uu yiri” Kuwi Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow waxaad cunta waxa aan idinku arsaaqnay kuwiisa wanagsan ee xalaasha ah” Ilahay waxa kale oo uu yiri “ Kuwa Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow xoolihina dhexdiina ha ku kala cunina shay badil ah oo xaraam ah”. Waxa kale oo rasuulka csw laga soo wariyay xadiis oo nabigu yiri ” Janada gali mayo hilib ku biqlay oo ku kobcay xaraam”. Xadiis kale ayuu nabigu ku sheegay “ Ma siyaado oo ma kabco hilib ku kobcay xaraam ilaa naarta ayaa huran”

Dawaabida amma sharciyada uu leeyahay Kasbul Xalaal amma Shaqaysiga Xalaasha ah:

1-Xaaraantinimaynta Ribada:  Waxa uu Ilahay kitaabkisa ku sheegay in uu iibka inoo xalaaleeyay waxa ribada la yiraahdana la inaga xaraantinimeeyay. Rasuulkuna waxa   uu nacladay qofka ribada cuna, ka cunsiiya, ka qoraya iyo ka markhaatiga ka ahba, Ilahayna jannada ka xaraantinimeeyay. Ribada marka sidaas loo xarantinimeeyay, waxa ka so baxaya in ay xaaran tahay in aad ka shaqayso bangiyada ribada ku shaqeeya shaqada aad ka qabanaysa nooca ay doonto ha noqote. Ribada ayaa u qaybsanta laba nooc oo kala ah: Ribada amma siyadada lagu sameeyo wixi aduunyo lagugu leeyahay oo  la kordhinayo wakhtigi kordhaba iyo ridaba iibka.

2.Xaarantinimaynta Khiyaanada iyo qishka: Rasuulku SCW waxa uu inaga xaarantinimeeyay qishka iyo khiyaanada, isaga oo rasuulku sheegay qofka wax kasbanaya in uu isaka ilaaliyo khiyaanada.

Tusaalayaasha hada qishka wakhtigan danbe la sameeyo ayaa waxa ka mid ah:

  • Iibinta alaabada xumaaday amma wakhtigi loogu talo galay dhacay
  • In miisaanka lagu ciyaaro oo shayga misaan ku jirin lagu sheego
  • In lagu suuq geeyo badeeco iyo alaab liidata in ay tahay badeeco wanaagsan
  • Iibinta badeeco sixada iyo cafimaadka waxyeelaynaya

3-Xarantinimaynta ka ganacsiga waxyabaha xaraamta ah sida Khamriga iyo Mandooriyayaasha oo dhan:  Waxa iyaguna la xaarantinimeeyay  ka ganacsiga waxyabaha xaraanta ah sida in laga ganacsado khamriga amma in hub la soo galiyo suuqa wakhtiyada fitanka.

4.Xarantinimaynta ka ganacsiga filimaanta iyo waxyaabaha xun xun: Waxa iyadana la xaarantinimeeyay in dadka loo soo daayay filimaan xun xun oo dadka lagu luminayo.

5.Xarantinimaynta ka shaqaynta camalada aadan ka gudan karayn wajibaadki Ilahay kugu wajibiyay.

Qeybta labaad: “Takaafulka Bulsho”, Takaaful Bulsho waa in: Umada islaamka ahi isaakhiga iyo is xambaarku ka dhaxeeyo oo ay dusha isku qaado, oo qofka jilicsan ay umada inteeda kale dusha ku qaado oo ay ilaaliyaan.

In qof kasta oo bulshada ka mid ahi uu isku arko in uu xuquuq leeyahay wajibaadna looga bahanyahay bulshada dhexdeeda. Umada inta ay iskaashi iyo is takulayni dhexdooda ka jirto waxa ka dhasha is jacayl iyo kalgacayl iyo isa soo dhawaansho.

Diinta islaamkuna waxa ay ina fartay in la isku tiirsanaado oo la is kaashado, isaga oo ilahay aayad quran ah ku sheegay  “ Isku kaashada wanaaga iyo Allah ka cabsiga”.

Nusuus badan ayaa ku soo arooray Takaafulka bulshada dhexdeeda. Waxa uu Ilahay yiri:” Wanaaga iyo janada gaari maysaan ilaa aad Ilahay darti waxa aad jeceshihiin u bixisaan”. Nabi Mohamedna Csw waxa uu tusaale ka bixiyay sida bulshada islaamka looga baahanyahay  in ay noqdaan, waxa u yiri” Isku tiirsananta, isku kaalmaynta , is tacaawunka bulshada islmaaka dhexdooda waa sida jidh kaliya, hadii xubin ka mid ahi bukooto in jidhka intiisa kalena la bukoodo amma la xanuunsado”. Waxa uu sidoo kale nabigu scw yiri” qofka ka fududeeya qof kale oo muslim ah dhib amma hawl haysato , waxa uu ilahay ka fudeediya dhibta iyo hawsha maalinta qiyaamaha”.

Waa ayo dadka uu Ilahay ina amray in la kaalmeeyo

1-Waalidka: Ilahay baa waxa uu yiri “ Labada waalid u sama fala”. Waxa la faraya qofka islaamka ah in uu kafalo qaato oo tunka loo rito waxa ugu fadli badan labada waalid.

2-Qarabada: Sida walaalaha, iyo dadka kale aad qarabada tihiin in la kaalmeeyo oo la kafaalo qaado.

3-Agoomaha. Waxa uu Ilahay sheegay in ay tahay agoomaha oo la kafalo qaato waxayab ilahay loogu dhawaado. Nabigu csw waxa u yiri: qofka agoon kafala qaata iyo anigu malainta qiyamalaha waxanu isku nahay sida labada farood ee isku xiga.

4-Miskiinka: Waxa kale oo aad u muhiim ah in la taakuleeyo oo la kafalo qaado dadka maskiinta ah ee bulshada ku dhex nool oo laga war hayo.

5-Musaafirka amma socoto: Qofka musaafirka waxa qof walba oo muslim ah ku waajiba in la marti qaado martida u soo hoyata

6-Dadka wax waydiista dadka kale iyo adoomaha

7-Dadka daymaysan(AL qarimiin): Ilaahay waxa uu quraankiisa ku leeyahay qofka qof bahan wax ku lihi in uu ka sugo oo aanu ku dirqin ee uu ka sugo, waxana ka sii wanagsan in aad sadaqo ula baxdaan.

8-Maxaabiista: Dadka maxabiista ah ee jeelasha ku jira in la caawiyo oo la kafalo qaato.

Meelaha ay ka imanayso waxyabaha dadka lagu kafaalo qaadanayo:

1-Sakada: sakada  laga bixinayo xoolaha, maallka iyo wixi la mid ah. Sakadu waa maalka laga qaado dadka wax hayta lana siiyo dadka fuqarada ah.

2-Sadaqada

3-Kafalooyinka qofka lagu waajibiyay xaladaha qaarkood

4-Dardaaranka uu qofku xoolihiisa ku dardaarmo

5-In qofku waqfi sameeyo aya iyaduna ka mid ah waxyabaha dadka lagu kafalo qadanayo

6-Sakatul Fidri

Gabagabadi waxa la faraya bulshada islaamka ah in ay kafalo qaado, is takulayso, iskaashato. Wanaaga umaduna in uu ku jiro isku tiirsanaanta iyo is kaashiga bulshada dhexdeeda.

Xigasho: Dhaqaalaha Islaamka

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

DADKA ISLAAMKA AH WAA DAD XOR AH

1- Ugu horreyn waxa muhiim ah in la fahmo qaddiyadda xorriyadda islaamka dhexdiisa ma arrin caqligu maareeyo baa mise waa arrin sharcigu maareeyo?

Innaga oo aan meel dheerba ka raadinin sax ahaanshuhu waa in ay tahay arrintani masalo shareecada looga dambeynayo waayo suurtagal maaha in caqliga oo qura lagu garto wax badan oo ka mid ah Axkaamta Shareecada ee xiriirka la leh qadiyadda xorriyada sida Axkaamta Gibilka (jizyada), Xadciqaabeedyada maxaa waajibiya iyo maxaan waajibin oo xiriir la leh xorriyada kana mid ah Axkaamta Shareecada.

sidaa darteed mar hadday tahay masalo sharciga looga dambeynayo taa waxay lamicno tahay in garashada saxda iyo qaladka ee arrinta  xorriyada iyo xad u yeelista xorriyadduba ay yihiin keliya wax shareecadu uun ay go’aamin karto oo ay tahay in iyada la daba galo. wixii nusuus ah ee arrintaas ku saabsan ee ku sugan Quraanka iyo Sunnada la isu keeno ee aan inta la soo kala googooyo aan qaar daaqadda laga tuurin .

Nusuusta oo la isku wada keeno waxaa laga faa’idaa in naskii si saxan loo fahmo .

Tusaale marka aan rabno inaan fahamno hadalkii ilaahay yidhi ” diintu isku khasab maaha ” waxaynu fahmaynaa innagoo maanka ku hayna aayadda kale ee ah ” eeg ilaahaagii aad ahayd mid dulyuurura, waa gubaynaa, dabadeedna badda ayaanu ku daadinaynaa daadin”

iyo sidoo kale hadalkii ilaahay yiri isagoo dhalleecaynaya reer banii israa’iil  ” waxay ahaayeen kuwo  xumaan ay sameeyeen aan iska reebin , waxaa xumaaday waxay samayn jireen”

iyo aayaddii suuratu nuur ” sinaysatada iyo sinaystaha jeedala mid kasta boqol jeedal ” markaa waa qalad in la isku dayo fahanka aayadahan iyaga oo kala tagsan

Nusuustaas oo dhan waa in iyagoo wadajira la fasiraa ee aan midba xero gaar ah lagu oodan.

2-  Si aan u fahanno aragtida saxda ah ee islaamku ka qabo xorriyada waa inaynu ogaanaa marka hore inay jirtoo saameyn iyo cadaadis weyn oo  ka socda dhanka libraaliyada galbeedka kaas oo keenay samaysanka aragtiyo tashwiish ku furanyahay  oo laga aamminay xorriyadda .

Sidaa darteed waa lagama maarmaan inuu aqoonyahanku kala sooco astaamaha xorriyada galbeedka iyo astaamaha xorriyada islaamka, taas macneheedu maaha in wax kasta oo xorriyad ah la diido hadday galbeedba ka timaaddo, saas maaha  ee ujeedku waa in la barto tilmaamaha sharciga ah ee xorriyadda loona fahmo qaab ka fog saameyaha dibadda ka imanaya, ka dibna la barto fahamka islaamka khilaafsan, dabadeedna  si cilmi ku dhisan loola dhaqmo waaqica iyo waxyaabaha ka jira .

3- fahamyada islaamku ka haysto xorriyada ee aan meel kale oo aan islaamka ahayn laga helayn waxaa ka mid ah in aadamaha laga xoreeyo inuu addoon u noqdo maalka iyo rabitaankiisa (hawadiisa)  . rasuulkeenna  scw waxaa ka sugnaatay inuu yiri ” waa hoogay kan addoonka u ah diinaarka, dirhamka, marada, waa hoogay oo dib isu guray, hadday qodaxi muddon alla kaama saaro ”

4- marka la joogo fagaaraha xorriyadda waa muhiim in la kala saaro waxa qofku aamminayo ee uu qalbigiisa ku haysanayo iyo waxa uu dadka u soo muujinayo, islaamku waa aqbalayaa inay dhulkiisa ku noolaadaan gaalo  haddii laga helo shuruud ay ka mid tahay inaanay la soo bareerin durista islaamka, korna u qaadin gaalnimadooda.

qodobkanna waxaa ka dhaca isku qas badan oo dad badan ayaan labadaas arrin kala saarin, markaas baad arkaysaa dad ku baaqaaya in gaalada loo jideeyo xeerar ka dhigaaya muslimiinta oo kale xaqna u siinaya inay diintooda fidin karaan taas oo daliil looga dhiganayo wadanoolaanshihii gaaladu ay la noolaayeen muslimiinta ee beryihii hore, taasina waa qalad waayo waxay qalbigooda iyo guryahooda gaarka ah  ku haystaan waa shay, waxa ay baahiyaan ee ay soo muujiyaanna  – ee gaalnimada ah – waa shay kale .

taas waxaa ka agdhow : isku khaladka laba arrin oo kala ah in islaamku qofka xorriyad u siiyay inuu wixii diin ah ee ka shaki gala cid weydiin karo iyo in lagu fidiyo  shubahaadka dadka dhexdooda  taas oo lagu fasahaadinayo dadka caqiidadooda iyo kalsoonidooda diimeed.

tan hore waa la oggolyahay oo waa waajib in ciddii shakisan aan laga xirin albaabka waxweydiinta, gorfeynta iyo wadahadalka laakiinse in shakigaas uu noqdo wax la baahiyo dadka kalena lagu sii dhexfaafiyo  maaha wax la aqbali karo waana munkar sharcigu qabo in la inkiro.

WD: Ibraahim Warsame

 

 

FATAHAADDA WEBIYADA WAA QATAR U BAAHAN IN LAGA HORTAGO HADDA

Sanad kasta marka aya da’aan roobab mahiigaan ah aadna u buux dhaafaan labada webi ee mara Soomaaliya waxaa lagala kulmaa dhibaatooyin isugu jira mid hantiyeed iyo mid nafeed waxaana loo qeyliyaa hey’adaha iyo maamulada ka jira dalka taas oo aan habbooneyn marka ay wax dhacaan uun in la qeyliyo .

Xalka adduunyadu waa ka hortag iyo ka dabatag , ka dabatagguna wuxuu yahay xalka dhibaatadii dhacday goor ay wax dhinteen waxna burureen waxna dhinteen.

Meyd dad iyo xoolaba leh soo fiirintiisa wax macano ah ma sameyneyso sababtoo ah waxna wey dileen waxna wey burbureen waxaana loo baahan yahay oo keliya in nolosha laga fekero sidaas oo kale gurmadka waxaa uu habboon yahay inta aaney wax dhicin in laga hortago.

Soomaalidu aad bay u yaqaanaan weliba sida fatahaadda webiga looga hortago kuwaas oo ah;

– In aan la degaameyn meelaha uu webiga ka soo jabsanayo xilliyada roobabka

– In loo furo dhammaan kelliyada lagana qaado qashinka iyo ciidda goysay.

– In xilliga jiilaalka laga saaro qashinka lagana qaado carrada.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa ‘iskaashato ma kufto haddey kuftana ma kacdo” hadaba iskaashiga wuxuu furan yahay xilliga aan roobabka di’in ka hor oo aaney dhicin fatahaadda .

Haddii si wadajir ah loo fekero lagana qabto webiga shaqo wadajir ah oo ganacsatada iyo dadka hantida heysta ay juhdi ku bixiyaan dadweynuhuna uu gacan ku siiyo dhibaatada fatahaaddu wey yaraan laheyd waxaana soo noqnoqda sanad kasta in uu webigu dhibaato u  geysto degaanka iyo nolosha dadka iyo dalaggii beeraha .

Miyeysan habboneyn biyaha soo fatahaya in loo sameeyo harooyin si looga faa’ideysto xilliga jiilaalka ee ay biyo la’aantu jirto.

Wax badan ayey anfaci lahaayeen haddii biyo xireenno loo sameeyo.

Haddaba intii ay soomaalidu ka faa’ideysn laheyd ayaa hadana waxaa dhacda in ay dhibaato ka soo gaarto soomaalida.

Waxaa jooga injineerro iyo degaanyaqaan wax  ka qaban kara haddii la kaashado maskaxdooda .

Xilligii dowladdii dhexe webiga xilliga jiilaalka ee uu maran yahay ayaa laga shaqeyn jiray oo weliba meelaha dallcadda ah hoos loo qodi jiray waxaana looga faa’ideysan jiray si aan biyuhu u soo fatahin xilliga roobabka.

Waxa kale oo laga shaqeyn jiray kelliyada ku xeeran webiga .

Soomaalida waxaa looga baahan yahay iskaashi maskaxeed iyo isugeynta awoodda ayna degaankooda si wadajir ah wax uga qabtaahn.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre