BAREHII BAARRIGA AHAA

Caaggane, aabbihi iyo hooyadi keligi bay dhaleen. Hooyadu waa gurijoog, aabuhuna reerka ayuu subixii u kallahaa. Caaggane, dugsigii Qur’aanka waa dhammeeyey, markaasna iskoolka dhexe ayuu dhiganayey. Aad buu waxbarashada u jecel yahay, uguna fiican yahay. nasiibdarro, isaga oo fasalka sagaalaad maraya, ayaa aabbihi, isaga oo suuqa Bakaaraha ka xammaalanaya xabbad wiifto ah madaxa ka gashay, halkaasna adduunkii uu uga tagay, una guuray daartii rasmiga ahayd ee Aakhiro.

Caaggane iyo hooyadi, aabbe la’aan iyo nin la’aan ayaa ku dhacday. Waxa taas uga darnaa, noloshii baa cariiri isla markiiba ku noqotay. Hooyadi orod bay bilawday, laakiin bariiskii bay ka badin weydey. Waxa ay noqotay, in ay ka guuraan daartii ay ku jireen oo ay degaan aqal jiingad ah oo kiro jaban.

Caaggane, bishii koowaadba, geeridi aabbihi ka dib, waxaa la weydiiyey lacagta iskoolka. Ma uusan bixin. Tii xigtay baa la su’aalay. Ma uusan keenin. Tii saddexaad baa fasalka laga soo bixiyey oo lagu yiri, “Haddii aadan bixin lacagta bilaha kugu ururtay, iskoolka ma imaan kartid.” Meel uu lacag ka keeno ma garanayo. Aabbihi dhimay, hooyadina, quutuldaruurigii ayey la lagdamaysaa. Tol kale iyo meel uu aadana garan maayo. Inta bannaanka iskoolka fariistay ayuu oohin la dhacay.

Markii duhurkii ardaydii la kala fasaxay oo ay kala dareereen, macallimiintina, mid kasta ag marayey, ayaa macallin Nuur oo ahaa oday baarrinnimo, garaad, garasho iyo dunwanaag u dhashay, inta wiilkii yarka ahaa ku leexday, ag fariistay, isla markaasna, inta si naxariis leh madaxa ugu salaaxay, si wanaagsan u wareystay. Caaggane, si fiican buu ugu sharraxay dhibka haysta iyo sida uu waxbarashada ugu baahan yahay. Macallin Nuur waa uu qarracmay, illin baana ku soo joogsatay, kolkaas buu Caaggane ku yiri, “Adeer, ha welwelin, aniga ayaa booska aabbe kuu galaya.” Macallin Nuur, intaas ugama herine, waxa uu misena Caaggane ku yiri, “Gurigiinnii i gee.” Geeyey. Markii uu ogaaday xaalka qoyska iyo xoolo yaridooda, macallin Nuur inta go’aan gaaray buu mushaarkiisa reerka wax uga goyn jiray, wiilkana, isaga ayaa u dammaanaqaaday lacagta iskoolka iyo wax kasta oo uu u baahdaba.

Caaggane, murugadii haysay waa deysay, waxa uuna helay aabbe kale oo xannaaneeya, koolkooliya, la taliya, dhiirrigeliya, isla markaasna waxa uu raba siiya. Iskoolkii marka uu si wanaagsan u dhammaystay, ayaa macallin Nuur haddana, jaamacad ku daray. Markii uu dhammeeyay jaamacaddii, ayaa Caaggane shaqo fiican waxa uu ka helay haayadda IOC.

Hawshiisii koowaad waxa uu ka bilaabay, in uu macallin Nuur wax taro. Macallinku oday buu ahaay oo shaqada uu ku jiray dan baa u geynaysay mooyee ma uusan kari karin; kolkaas buu shaqadii ka joojiyey, isaga oo biilkiisa dhabarka saartay. Macallin Nuur oo aan wax awlaad ah hore u dhalin; isaga iyo xaaskiisiiba, waxa uu soo dejiyey guri weyn oo Caaggane iyo  hooyadi ay degganaayeen oo uu kireeyey markii uu shaqada helay.

Caaggane si weyn ayuu isugu dayay, in uu wanaaggii macallin Nuur u sameeyay, intii karaankiisa ka abaalgudo. Gaari uu wato, ayuu marka uu shaqada ka yimaado, inta uu Macallinka ku kaxeeyo, ayuu meelaha ku soo wareejiyaa oo mar maqaayad geeyaa, mar hoteel, mar carwo, marna meelaha mijabaxsiga loo tago. Waxa uu helo oo dhan, marka masruufka laga reebo, Macallinka ayuu ku kharash gareeyaa, wax aan ‘Aabbe’ ahaynna ma dhaho. Waxa uu u noqday wiil uu dhalay oo baarri ah.

Caaggane, tolkiisii ayaa la yaabay oo dhawr jeer weyddiiyey, sababta ninkan uu aabbe u dhaho, iyo waxa uu dhaqaalihiisa oo dhan ugu bixinayo. Aad bay uga xumaadaan koolkoolintiisa odayga ay shisheeyaha u arkaan, kolkaas baa Caaggane maalin arrintaan meel fagaare ah lagu weydiiyey, waxa uu ku jawaabay hadal beeshii quusiyey oo ahaa, “Kolkii aan abbahay waayey, ayuu aabbe ii noqday anna hadda ayaan wiil u ahay.”

FG: Sheekadani waa mid ka mid ah 53ka sheeko ee ku jirta buugga CIBRO ee soo baxay sannnadka 2018ka

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus          

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA REER KOONFUR-GALBEED WAXAAN RABNAA IN AY WADA FARIISTAAN OO MUSHKILADAHOODA XALLISTAAN.”

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed inay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30-kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar nagu jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka gurracan ee argagixisanimada in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu.

                

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta uu ka bilaabanayo Koofur Galbeed

Baydhabo- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeedinayey shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo goordhow ka furmay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta uu ka bilaabanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar ah  oo guuleystay, kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyey khawaarijta.

“Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa 1-aad ayaana gabogabo ah, wajiga 2-aad halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xoreynayaa laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”. ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xoreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijtu ee isku xira goboladda dalka.

“haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhammaan dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha 1-aad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “. ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

R/wasaare ku-xigeenka XFS oo kormeeray wasaaradda qorsheynta isagoo faray madaxda wasaaradda in la kordhiyo adeegyada Bulshada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, ahna ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ku so dhaweeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) iyo mas’uul kale oo ka tirsan wasaaradda Qorsheynta.

Ra’iisul Wasaare  Ku-xigeenka ayaa Madaxda Wasaaradda ka dhegaystay warbixin ku aaddan shaqooyinka socda iyo howlaha baaxadda leh ee la qorsheeyay in sannadkaan 2023 la hirgaliyo.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa dhankiisa ra’iisul wasaare ku Xigeenka la wadaagay adeegyada horumarinta u leh dalkeenna ee ay gacanta ku hayso Wasaaraddu, Sida horumarinta kaaabayasha dhaqaalaha dalka, gargaarka iyo xasilinta deeggannada laga saaray kooxaha khawaarijta.

Dhanka kale, ra’iisuk wasaare ku xigeen oo warbixin dheer ka dhaystay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo Hay’adda Istaatiskada Qaranka ayaa soo jeedintiisa xoogga ku saaray sidii loo horumarin lahaa adeegga dowladnimada, loona  gaari lahaa goobaha dhawaan la xorreeyay, waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay, isla markaana soo jeediyay in la dar-dargeliyo Barnaamijyada xasilinta, lana dhaqangeliyo qorshayasha lagu horumarinayo dalkeenna.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa soo jeediyay in la kordhiyo adeegyada Bulshada, si loo sameeyo isbeddel dhanka horumarinta Qaranka ah, loona fuliyo qorshayaasha Wasaaradda u degsan.

  

Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamadda Asluubta Puntland

Garoowe- Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tababar ugu soo xiray xerada tababarada ciidanka Asluubta soomaaliyeed ee Gen/Cali Nuur Garoowe, urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland.

Xiritaanka tababarkani waxaa Madaxwayne Dani kala qaybgalay xubno katirsan golayaasha kala duwan ee Maamulka,Taliska Ciidanka Asluubta Puntland, Saraakiil Ciidan iyo  Hay’adaha wadashaqaynta laleh Ciidanka Asluubta Puntland.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed oo ka hadlay xiriraanka tababarka ayaa tilmaamay in mudadii tababarku socdey ciidankan la Baray difaaca Guud, haynta iyo xanaanaynta maxaabiista, shuruucda xabsiyada iyo dhammaan aasaasiyaadkii ciidannimo ee loo Baahnaa..

Wasiirka Cadaalada, Arimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan celinta ee Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa dhankiisa hambalyo u diray Ciidankan tababarka dhammaysatay, xusayna in laga dareemo tababarkooda Xabsiyada iyo xarumahoodii howgalka..

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey macalimiintii juhdiga geliyay Ciidankan, Cadeeyayna in xukuumadiisu Dhammaystiri doonaan xuquuqda aasaasiga ah ee Ciidanka, wuxuuna kula dardaarmay in wixii la baray ay dib ugula noqdaan Xarumahoodii shaqo.

          

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo shir u furay guddiga farsamo ee dhamaystirka qaab dhismeedka amniga qaranka

Ku simaha ra’iisul Wasaaraha ahna ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shirka guddiga farsamo ee dhamaystirka qaab dhismeedka amniga qaranka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo warbixin ka dhagaystay xafiiska amniga qaranka, ayaa ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan isku-xirka iyo wada shaqaynta hay’adaha amni ee maamul gobaleedyada.

Shirkan waxa soo qabanqaabiyey xafiiska amniga qaranka oo ay qayb ka yihiin xafiisyada amni ee heer maamul gobaladeed, beesha caalamka iyo daneeyayaasha amni ee Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo labo beri ah ayaa lagu lafaguri doono hannaanka lagu daadejinayo maamulka hay’addaha amniga qaranka iyo qaabka loo adkayn lahaa amniga goobaha laga xoreeyey Khawaariijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Baydhaba ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku howlan sidii uu hannaan loo wada dhanyahay ugu furmilahaa Shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa goordhow furidoona Shirkan oo ay ka qayb galidoonaan Madaxda sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta, wax garadka iyo qaybaha bulshada deegaanka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyah Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirkan oo ay ku adkeeyeen muhiimad deegaanka iyo dalkaba u leeyahay qabsoomidda Shirkani.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo bogaadiyay howl-gallada ka socda Galmudug

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka MD Xasan Cali Khayre ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xoreeyeen Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer.

“Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga tacsiyaynaa dadka shacabka ahaa, saraakiisha iyo ciidamada ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarada naf-lacaariga ahaa ee kooxda Khawaarijtu ay la eegteen fariisimaha ciidamada iyo Masaajidda” ayuu yiri Mr Khayre

“Waxaan bogaadinayaa Halganka Shacabka iyo CXDS ee deegaanadda wali gacantooda ku jira looga xoreynayo dhiig cabyada khawaarijta ah ee ummadda iyo Dalkaba naafeeyay. Waxaanna markale shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in loo midoobo cirib tirka kooxda Khawaarijta ah” ayuu sii raaciyay mudane Khayre.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhir kala geddisan ku wareejiyay qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka

Agaasimaha Waaxda Dhireynta iyo Jardiinooyinka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Marwo, Kheyrto Aweys Shariif ayaa dhir kala geddisan ku wareejisay maamulka Degmooyinka Waaberi, Hodan, Cabdicasiis, Shingaani, Howlwadaag, Kaxda, Wadajir iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Dhirtaan ayaa loogu tala galay in lagu beero Xarumaha Degmooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho si ay qeyb ugu noqdaan Qorshaha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu horey u daahfuray ee ah Soomaali Cagaaran.

Sidoo kale Dhireynta Magaalada Muqdisho iyo in ay noqoto Magaalo Cagaaran ayaa waxa ay qeyb ka qaadaneysaa bilicda Caasimadda iyo wax ka qabashada isbadalka cimillada ee Adduunka saameynta xooggan ku yeeshay.

Ra’iisul wasaarihii hore dalka oo bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xorreynayaan dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xorreeyeen  degmooyinka Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer.

“Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed guulaha waaweyn ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay ugu danbaysay Xorraynta Xarardheere, Ceel Dheer iyo Galcad” ayuu yiri Eng Rooble.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Dowladda Federaalka ah oo muujisay dadaal dheeri ah iyo Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

“Waxaan u soo jeedinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo ciribtirka Khawaarijta Shabaab oo ah halista ugu wayn ee dalkeennu uu wajahayo.”