MADAXWEYNE HASAN SHEIKH OO UU WHLIYO GUDOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KULAN MIRO DHAL AH LAQATAY ABDICASIIS LAFTA GAREEN IYO SIYAASIYIINTA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.
Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Mudane Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo)

Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Maalintii labaad Baydhaba ka socda

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa Maalintii labaad ka soconaya shirka dib u heshiisiinta oo u dhexeeyey madaxda Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed iyo qaar ka tirsan Siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa ku booriyay dadka reer Koonfur Galbeed, in wax walba oo dhaxdooda ah ay ku dhameyaan wada-hadal.

Shirka ayaa laga bilaaba maanta noqonaya mid sigaar ah ay ugu wada hadlayaan dadka Reer Koonfur Galbeed si xal looga gaaro khilaafkii u dhaxeeya siyaasiyiinta maamulka Koonfur Galbeed.

Furutaankii shirka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga hadlay inuu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadallada iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

Mareykan iyo Britain oo Hub aad u culus u ballan qaaday Ukraine

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken, ayaa sheegay Talaadadii in uu kala hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain xaaladda Ukraine iyo taageerada la siinayo dalkaas, si ay isaga caabbiyaan weerarada kaga imanaya Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, James Cleverly, ayaa dhankiisa sheegay in Ruushka oo kaashanaya Iiraan, ay Ukraine ka geysteen dhibatooyin fara badan, sidokale Xoghayaha wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalkiisa uu siinaya Ukraine taageero dheeraad ah oo hubka culus ah, si ay ka hortagto weerarada Ruushka.

Uk, ayaa Sabtigii la soo dhaafay ku dhawaaqday inay taangiyada loo yaqaana Challenger 2 ay u diri doonto Kiev, si ay u noqdaan waddankii ugu horreeyay ee dalkaas ku taageera taangiyada culus ee ay reer galbeedku sameeyaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain, James Cleverly, ayaa dhawaan booqanaya Maraykanka iyo Canada, ka dib markii dalkiisa uu noqday waddankii ugu horreeyay ee ka soo baxa balanqaadyadii Hubeed ee loo sameeyay Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Yemen “SAWIRRO “

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta Caasimadda Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho rasmi ah oo seddex maalmood ahi uga bilaabatay dalkeena.

Dalka Yemen oo aan wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Inta uu wasiir Dr. Axmed joogo dalkeena waxaan wada yeelan doonnaa wadahadallo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dowladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda qaarkood, sidaasi waxaa caddeeyay Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

 

YAA GANACSI AHAAN U KEENA SEEFTA IYO MINDIYAHA BOODDA?

Waxaa dalka la keenaa sifo ganacsi ahaan waxyaabo ay ka mid yihiin Seefo iyo Mindiyo oo noocoodu yahay kuwa booda, waxaa mindiyahaasi qatarta ah gacanta la helay kooxo wax ma garato ah, waxaa si gaar ah u isticmaala kooxaha is abaabula ee burcadda ka mid yihiin, kuwaasoo  aan naf iyo maal midna reebin.

waxaa keena hubkaan halista ah ganacsato iyo siyaasiyiin waxaana loo keenaa in lugu dhibateeyo dadka soomaaliyeed laguna qal qal geliyo nabadda iyo xasiloonida shacabka.

Waxaa kale oo la keenaa hubka balaastikada ah ee caruurtu ku ciyaaraan oo ay ku aadiyaan xilliga iidaha muslinka ayagoo uga jeeda in ay ku tababaraan carruurta soo koreysa si ay u fahmaan sida wax loo dilo.

Dhanka kale, waxaa kale oo guryaha noo yaalla dhalooyin laga fiirsado dhaqan xumada oo dhan  mar haddii ay caasimaddeenu si toos ah u soo gelayaan seefaha iyo mindiyaha, haddii ganacsatadeennu ay soo dejinayaan waxay rabaan, mar haddii laga ganacsanayo wax walba oo qatara loona isticmaalayo  abaabul kasta oo ka soo horjeeda nabadda iyo xasiloonida, sidoo kale haddii la soo dejinayo daroogada nuucyadeeda kala duwan ee maandooriyaha ah, waxaan u maleynayaa waddankeennu waa cidina uma maqna ceelna uma qodna.

Sidaas darteed, shacabka iyo dowladdu oo wada jira waa inay gacan xoog leh ku qabtaan dalka, waayo haddii anay jirin iskaashi iyo wax wada qabasho waxba ma hagaagayaan.

haddaba Baangadaha iyo mindiyaha booda oo laga dhaxlay arbush iyo colaad deegaankana ku abuurtay qalqal, shacabka ku nool gobolka banaadirna ay  qulquladaha iyo seexan waa.

Haddaba, soow ma habboona in la baaro qaabka ganacsiga ee lagu keeno aaladahaan kala duwan ee wax dhibaato ah mooyee aan laga dheefin wax wanaagsan, cidda keentay iyo meesha laga keenay waxay ila tahay taasi wey iska caddahay, sababtoo ah gobolka banaadir afarteeda gees isku mar ayey kooxa haani la magac baxay ciyaal weero ka kaceen, laakiin arrintaasi maaha mid sax ah ee waxaa ka dambeeyey  siyaasiin iyo ganacsato ay wada shaqeyn kala dhaxeyso taasina ma ahan mid wanaagsan oo la oran karo ama lagu tilmaami karo dadka doonaya dalka iyo dadka ayatiin dambe.

haddii aan la baarin arrintaan meesha ay salka ku hayso waa fool xumo beritana waxaa la keenayaa madaafiic wax lagu weeraro.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

SADDEX LUGOODLEEY DHIBKEEDA IYO DHEEFTEEDA KEE BAA BADAN?

Gaadiidka loo yaqaano bajaajta ayaa dhowr sanadood ka hor ku soo aad ugu soo batay dariiqyada

Magaalooyinka waaweyn ee Somaaliya wuxuuna kaalin ka galay gaadiidka fududeeya isu socodka dadka . Bajaajta oo ah gaadiid fudud kuna wanaagsan waddooyinka ciriiriga ah wuxuu noqday mid meel walba iyo xilli walba laga heli karo gees kasta oo qofku k a joogo  caasimadda Muqdisho mase aha gaadiid safar gali kara siiba gobolada maadaama loogu talagalay inlagu gaaro meelo aan sidaa u fogeyn.

Muqdisho maxay gaadiid ahaan ku sugneyd ka hor mooto bajaajta ama saddex lugooleyda.

Axmed Maxamed Cabdi- waa ganacsade ku nool MuQqdisho wuxuu qabaa in magaalada gaadiid ahaan ay heysteen sida uu leeyahay tagaasi iyo gaadiidka caasiyada loo yaqaano oo uu yiri xilligaa waxay aheeyeen kuwo sidey doonaan dadka u isticmaala lacagta ay doonaana ku dallca.

“ Tagsi wuxuu rabo ayuu sheegan jiray ….yaa raaci karay..qaaali..hadda booskii waa ka baxay….caasi laftigiisa..cariirigiisii iyo daahidiisii waa laga reystay….”

Inkastoo bajaajta ay wax badan ka bedeleen culeys badan oo jiray hadana iyaga laf ahaantooda lama dhihi karo dhibaato ma wadin  sida ya ka hadleysi Cibaado Geeddi  oo ku nool Muqdisho oo bajaajta u aragta fidno hor leh …iyadoo tilmaamaysa  in orodkooda habeenkii saqda dhexe ay ka buuxaan fadeexado iyo dumar u daabulid goobo aan fiicneyn sida uu sheegeyso.

“ Bajaaj habeenkuu oo dhan waa orodaa ..orodkaas wax baa ku jira ..gabdho ayey sii wadaan soo wadaan ..sacab maxaa loo tumaa habeenkii haddaan wax ku jirin” ayey tiri.

Bajaajta oo loo yaqaano magacyo badan sida saddex lugooley, tik, dhanka Hargeysa iyo booramaba looga bixiyey  SAQAJAAMADDA …dhanka kalena wadayaasheeda qaar oo u badan kuwo aad u da’yar ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwo fudfudud ficilada qaarna u sameeya si aan ka fiirsi laheyn iyagoo mararka qaar rag hubeysani u isticmaalaan in ay dadka uga dhacaan mobeelada sida uu sheeegayo C/laahi Maxamed Xuseen oo reer Jungal ah –

“ Wax walba waa dhex taagan yihiin …fudeyd ay wax ku dhigeen …ma fiirsdaan ilaa heer waxaa la gaaray in iyaga loo adeegsado dhaca habeenkii ee shacabka” ayuu yiri C/laahi.

Iyadoo ay jiraan arrimahaa ayaa hadana bajaajtu waxay noqotay shaqo abuur  taas oo manta ay ka xoogsadaan kumanaan dhallinyaro  oo ku nool Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waawweyn oo dalka ah waxayna noqotay meel ay kasab ka helaan qoysas Soomaaliyeed.

Maxamed C/qani waa 23 jir wuxuu haatan bajaaj wade ka yahay 3 sano wuxuuna biilka ka soo saartaa bajaajta ka guursaday . wuxuuna kaga baxay iskaabulonimadii iyo shaqo la’aantii , haaatanna waa nin noloshiisa , shaqadiisa iyo reerkiisa cusub ku faraxsan.

. “Aniga runtii bajaajteyda waa ku liibaanay ….hadda xaas baan leeyahay oo aan ka guursaday bajaajta ..biilkana waa ka soo saartaa….Alxamdullilaah”

Waxaa jira in dacd badan ay ku dhibsadaan bajaajta shilalka tirada badan sida ay yiraahdeen waxayna dadku ku tilmaameen shantii shil ee wadddooyinka ka dhacda saddex ka mid ah bajaaj tahay sida uu sheegay Kabtan Xuseen Axmed Maxamed oo ka tirsan ciidanka nabadgelyada wadddoyinka balse haatan howlgab ah .

“Bajaaj waa shil socda ….waxaana ugu wacan canug walba ayaa inta loo soo gaday loo soo dhiibay..qaarkood sida jidadka la isugu dhaafo ma yaqaaanaan”ayuuna yiri.

Si kasta ha ahaatee..shacabku waxay qirayaan in gaadiidka noocan ah ee bajaaja uu yahay gaadiid ku habboon dal sida Soomaaliya oo kale sabool ah oo celceliska dhaqaalaha maalintii qofka soo gala aanu dhammeyn labo Doollar.

WQ: Maxamed Hassan

 

 

KOBACA DHAQAALAHA IYO AMNIGA WAA LABO ISKAABA

Ahmiyadda nabadda leedahay ma aha mid dheel dheel ah waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay nolol , naruuro , caano iyo naxariis .

Sidaa daraadeed haddii la waayo nabad joogto ah waxaa ka dhasha dib u dhac xooggan oo ku yimaada kaabayaasha muhiimka u ah nulsho kasta ee ku dhaqan koonkan , dib u dhacaas waxaa uu haleelaa dhanka horumarka dal kasta uu ku tallaabsan lahaa .

Waxaa kale oo hoos u dhac ku yimaadaa dhinacyada caafimaadka, waxabarashada, wax soo saarka beeraha iyo wershadaha taas oo soo raacda in ay saameyn xoog leh ku yeelato isu socodka iyo is dhaafsiga badeecadaha ganacsiga .

Sidaa awgeed, lama maleyn karo heerka nabadi ay joogto lamana qiimeyn karo doorka ay ku leedahay horumarka waddan kasta marna agama yaabo in uu kobco dhqaalaha waddan kasta goorta ay la soo dersaan amnidarro taas oo caqabad ku ah sii horumarinta iyo bulaalidda dhqaalaha .

Waa arrin isku xiran marka si cilmiyeysan looga baaraandego habka koboca dhaqaalaha iyo amniga .

Sideedaba , waddan kasta ayaa loo igmaday in ay sugaan amniga ciidamo boliis ah oo si weyn loo carbiyey kuwaas oo qeybo kala duwan leh ay xil gaar ah u saaran yihiin adkeynta amniga shacabka iyo dabagalka dambiyada kala gedisan ee buulshada ka dhex dhaca .

Waxaa jira iyana booliska waddooyinka oo kaalin ka qaata habka wacan ee dariiqyada waddooyinka gawaaridu ku maran iyo la socodka culeyska gawaarida oo la buux dhaafiyo xamuulkooda taas oo ka timaada dhibaato naf iyo maal , kuwaas oo xakameeya shilalka dhaca.

Waxaa jira iyana boliis ka hortaga rabshadaha iyo fowdada magaalooyinka ka aloosma , kuwa dabdamiska ayaa iyana suga amniga iyo badqabka hantida iyo nolosha dadka ee ka dhasha meelaha uu dabku qabsado.

Waxaa iyana looga maarmin dal kasta ciidamo militari ah oo suga nabadda iyo sharafta waddan kasta kana ilaaliya in lagu soo xadgudbo xaduudaha dalka ee dhul , bad iyo cir isugu jira .

Haddii aysan waddan laheyn ciidamo qalabka sida qeybahooda kala duwan oo si weyn u horumarsan waxaa ka dhasha in la soo hunguriyeeyo laguna soo duulo .

Ciidamada ayaa ah kuwa difaaca dal kasta sharaftiisa iyo madaxbannaanidiisa waa sidaasiye marna ma horumari karo dhaqaalaha waddan marka ay isku murugto amniga dalkaas ka jira waxa markaaas loo baahan yahay in la dejiyo qorshe cad oo qeexaya habka istaraatejiyada adkeynta amniga waddan kasta taas oo xakameyneysa in lagu naalloodo nabad waarta oo u horseedda dalalka in ay ku tallaabsadaaanhorumar ballaaran ee koboca dhaqaalaha.

Dalka Shiinaha ayaa dadaal xooggan oo muuqda ka sameeyey kor u qaadista iyo horumarinta dhaqaalahiisa taas oo u sahashay in uu marka hore tixraaco qorshe lagu horumarinayo dhaqaalaha dalkiisa waana tan maanta ka dhigtay in uu hoggaanka  u qabto kaalinta koowaadna ka galo dhaqaalaha adduunka.

Waxaa biyo kama dhibcaan ah in laga feejignaado waxyaabaha wiiqi kara nabadda si markaa aysan ugu iman waddankaas hoos u dhac dhaqaale .

Waddamada la kulmay dabeysha burburka ee dagaalada sokeeye ayaa laga dhaxlay qaab darro iyo in sicir barar xooggan oo ku yimaada lacagta dalkaas , taa oo micnaheedu noqon karo in qiimaha lacagtaas ay noqoto mid uu ku yimaado qiimo jab.

Isu dheellitirka soo dejinta iyo keenista ayaa ah mid saamiga koboca dhaqaalaha qeyb ka qaata.

Arrintu si kastaba aha ahaatee waa in diirradda la saaraa adkeynta iyo xasilinta amniga taas oo aan looga maarmin koboca dhaqaalaha horumarsan iyo hiigsi hammi sare .

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

 

DHAQDHAQAAQ DHAQAMEED CULTURAL DYNAMICS

Dhaqan kastaa wuxuu leeyahay laba dabeecadood:                                                          Dabeecad u janjeerta dhanka xasiloonida iyo mid u janjeerta isbedelka.Dhaqamada caadi ahaan si joogto ah ayey isu beddelaan, sababtoo ah shakhsiyaadka bulshada ka mid ah ayaa si joogto ah wax uga beddela qorshahooda dhaqameed, kuwaasi oo isbeddelkaasi ku saleeya hab-dhaqankooda, bulsho iyo fikradeed oo markaasi jira ama taagan.                    Maxaa dhacaya marka dhaqanku is beddelo?

Su’aalada faraha badan oo kala ah:  goormee is beddel yimadaa, maxaa sabab u ah, xawaaraha uu isbeddelka ku socdo  iyo tirakoobka ashyaada lagu saa’idiyay dhaqanka ama kuwa ka lumay oo laga tagay ma fududa in si sahlan looga jawaabo su’aalahan oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan ognahay in isbeddelka dhaqanku uu ku dhaco ama keena siyaabaha soo socda

  1. BEDDEL (BY SUBSTITUTION)

Marka la beddelo hab dhaqameedyo jiray laguna beddelo qaar cusub.

  1. LUMIN (BY DISAPPERANCE)

Marka la baabi’iyo qaab dhaqameed jiray loona yeelin beddel.

  1. BALAARIINTA (BY ENLARGEMENT):

Marka dhaqanka lagu soo daro dhaqamo cusub oo dheeraad ah.

  1. ISKU DARKA (BY FUSION)

Isku darka oo ka dhasha marka la isu keeno labo dhaqan oo kala gooni ah halkaasina ka dhasha dhaqan cusub tusaale ahaan luqadaha loo yaqaan Pidgin languages.

Xasiloonida iyo isbeddellada dhaqameed ayaa kala leeyihiin oo ku dhex  jira xubno togan ah (positive dynamics)  iyo kuwo taban ah (Negative dynamics).

Dhaq dhaqaaqa dhaqanka ee taban ka ah (Negative) wuxuu dhalin karaa isbeddelo u horseeda in dhaqanku burburo ama dhinto.

DHAQAN BURBURKA (CULTURAL DISINTEGRATION).Arrinkaan waxaa guud ahaan loo fahamsanyahay in ay tahay marka ay timaad daruuf  ka dhexdhasho mujtamaca nidaam kala daadsanaan ah (disorganization)  kaa soo dhaliya  isbedello ka fara bato gacanta shaqsiyaadka bulshada mucayinka ah dhexdeeda.

Taariikhda waxaa ka buuxa tusaalooyin la xiriira dhaqan burburka dhaqameed, waxaa ka mid ah xadaarado waaweyn, sida kuwa:

Masaridii hore, Great Zimbabwe iyo Mapungubwe (Africa).

Giriiga, & Rome, (Europe) – Machu Picchu (Latin Ameerica)

Sababaha dhaliya burburka dhaqanka waa laba sababood oo kala ah: mid   ka dhasha mujtamaca gudihiisa, ama sababo dibadda uga timaad (Internal or external factors).

Arrimaha la xiriira sababaha burburka dhaqanka waxay mujtamaca dhaxal siyaan:

dagaallo dhexdooda ah, mujtamaca oo lagu soo duulo oo la qabsado (conquest), guurid ama haajirid ku yimaada ummada mujtamacaasi (migration).

Asbaabaha dibadded (external factors) ee dhaliya burburka dhaqanka waxaa ugu wayn  Gumeysiga.

Dhaqanka ama asluubta gumeysiga u ku dhex yeesho mujtama  uu gumaysto  waa dhallan rog dhaqameed oo guud ah kuna beddela dhaqanka ummadaasi lahayd dhaqankiisa, kaasi oo saameyn ba’an  ku yeesha diinta, aqoonta, luqadda iyo sharciga iyo qaanuunka ummada ay isku maamuli jirtay gumeysiga ka hor.

“Markii Vasco da Gama uu ku wareegay Afrika 1498, waxay ahayd aas aas u ahayd qayb  muddada loo yaqiinay dib-u-nooleynta Yurub (European Reinassance), xilligaasi oo isla markaasi saldhig u ahaa  aas aasidda casriga ah kasoo suurta geliyay korrimada burjuwaasiyadda reer galbeedka.

Waxaay bilow u ahayd burburinta degdegga ah ee magaalooyinka xadaaradaha leh ee xeebaha Bariga Afrika.”

2 Ngugi wa Thiong’o – Tababarka sannadlaha ah ee Steve Biko Memorial Lecture- Jaamacadda Cape Town-Koonfur Afrika -12 Sebtembar 2003 waxaa diyaariyey

WQ: Abdulqadir Axmed Saciid (Bufalo)

 

 

 

 

BAREHII BAARRIGA AHAA

Caaggane, aabbihi iyo hooyadi keligi bay dhaleen. Hooyadu waa gurijoog, aabuhuna reerka ayuu subixii u kallahaa. Caaggane, dugsigii Qur’aanka waa dhammeeyey, markaasna iskoolka dhexe ayuu dhiganayey. Aad buu waxbarashada u jecel yahay, uguna fiican yahay. nasiibdarro, isaga oo fasalka sagaalaad maraya, ayaa aabbihi, isaga oo suuqa Bakaaraha ka xammaalanaya xabbad wiifto ah madaxa ka gashay, halkaasna adduunkii uu uga tagay, una guuray daartii rasmiga ahayd ee Aakhiro.

Caaggane iyo hooyadi, aabbe la’aan iyo nin la’aan ayaa ku dhacday. Waxa taas uga darnaa, noloshii baa cariiri isla markiiba ku noqotay. Hooyadi orod bay bilawday, laakiin bariiskii bay ka badin weydey. Waxa ay noqotay, in ay ka guuraan daartii ay ku jireen oo ay degaan aqal jiingad ah oo kiro jaban.

Caaggane, bishii koowaadba, geeridi aabbihi ka dib, waxaa la weydiiyey lacagta iskoolka. Ma uusan bixin. Tii xigtay baa la su’aalay. Ma uusan keenin. Tii saddexaad baa fasalka laga soo bixiyey oo lagu yiri, “Haddii aadan bixin lacagta bilaha kugu ururtay, iskoolka ma imaan kartid.” Meel uu lacag ka keeno ma garanayo. Aabbihi dhimay, hooyadina, quutuldaruurigii ayey la lagdamaysaa. Tol kale iyo meel uu aadana garan maayo. Inta bannaanka iskoolka fariistay ayuu oohin la dhacay.

Markii duhurkii ardaydii la kala fasaxay oo ay kala dareereen, macallimiintina, mid kasta ag marayey, ayaa macallin Nuur oo ahaa oday baarrinnimo, garaad, garasho iyo dunwanaag u dhashay, inta wiilkii yarka ahaa ku leexday, ag fariistay, isla markaasna, inta si naxariis leh madaxa ugu salaaxay, si wanaagsan u wareystay. Caaggane, si fiican buu ugu sharraxay dhibka haysta iyo sida uu waxbarashada ugu baahan yahay. Macallin Nuur waa uu qarracmay, illin baana ku soo joogsatay, kolkaas buu Caaggane ku yiri, “Adeer, ha welwelin, aniga ayaa booska aabbe kuu galaya.” Macallin Nuur, intaas ugama herine, waxa uu misena Caaggane ku yiri, “Gurigiinnii i gee.” Geeyey. Markii uu ogaaday xaalka qoyska iyo xoolo yaridooda, macallin Nuur inta go’aan gaaray buu mushaarkiisa reerka wax uga goyn jiray, wiilkana, isaga ayaa u dammaanaqaaday lacagta iskoolka iyo wax kasta oo uu u baahdaba.

Caaggane, murugadii haysay waa deysay, waxa uuna helay aabbe kale oo xannaaneeya, koolkooliya, la taliya, dhiirrigeliya, isla markaasna waxa uu raba siiya. Iskoolkii marka uu si wanaagsan u dhammaystay, ayaa macallin Nuur haddana, jaamacad ku daray. Markii uu dhammeeyay jaamacaddii, ayaa Caaggane shaqo fiican waxa uu ka helay haayadda IOC.

Hawshiisii koowaad waxa uu ka bilaabay, in uu macallin Nuur wax taro. Macallinku oday buu ahaay oo shaqada uu ku jiray dan baa u geynaysay mooyee ma uusan kari karin; kolkaas buu shaqadii ka joojiyey, isaga oo biilkiisa dhabarka saartay. Macallin Nuur oo aan wax awlaad ah hore u dhalin; isaga iyo xaaskiisiiba, waxa uu soo dejiyey guri weyn oo Caaggane iyo  hooyadi ay degganaayeen oo uu kireeyey markii uu shaqada helay.

Caaggane si weyn ayuu isugu dayay, in uu wanaaggii macallin Nuur u sameeyay, intii karaankiisa ka abaalgudo. Gaari uu wato, ayuu marka uu shaqada ka yimaado, inta uu Macallinka ku kaxeeyo, ayuu meelaha ku soo wareejiyaa oo mar maqaayad geeyaa, mar hoteel, mar carwo, marna meelaha mijabaxsiga loo tago. Waxa uu helo oo dhan, marka masruufka laga reebo, Macallinka ayuu ku kharash gareeyaa, wax aan ‘Aabbe’ ahaynna ma dhaho. Waxa uu u noqday wiil uu dhalay oo baarri ah.

Caaggane, tolkiisii ayaa la yaabay oo dhawr jeer weyddiiyey, sababta ninkan uu aabbe u dhaho, iyo waxa uu dhaqaalihiisa oo dhan ugu bixinayo. Aad bay uga xumaadaan koolkoolintiisa odayga ay shisheeyaha u arkaan, kolkaas baa Caaggane maalin arrintaan meel fagaare ah lagu weydiiyey, waxa uu ku jawaabay hadal beeshii quusiyey oo ahaa, “Kolkii aan abbahay waayey, ayuu aabbe ii noqday anna hadda ayaan wiil u ahay.”

FG: Sheekadani waa mid ka mid ah 53ka sheeko ee ku jirta buugga CIBRO ee soo baxay sannnadka 2018ka

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus          

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA REER KOONFUR-GALBEED WAXAAN RABNAA IN AY WADA FARIISTAAN OO MUSHKILADAHOODA XALLISTAAN.”

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed inay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30-kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar nagu jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka gurracan ee argagixisanimada in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu.