XULASHADA GAYAANKA.

Guurku waa hannaan lama dhaafaan ah oo taranka aadanaha udub-dhexaad u ah, waana wax uu qof kasta oo qaan-gaadh ah oo aan bed-qabkiisa jireed ama maskaxeed iyo baahiyaha aas-aasigaa culeys ka haysani uu maamiyo, habeen iyo dharaarna dubaaqiisa ku soo noq noqda.

Gashaantimaha iyo barbaarta kolka ay da’doodu 13 jir dhaafto waxaa ku abuurma dareen guur, waxaana maankooda ku dhalata aragti ku saabsan yagleelidda reer ay maamuliddiisa hormuud u noqdaan iyo hellida qof ay nolosha la qeybsadaan.

Sii joogista gurigii ay ku koreen ee Hooyo iyo Aabbe ayaa la noqatay mid ku meel-gaadh ah oo ay maalin uun ka diga rogan doonaan kolkaa bay u hanqal taagaan lamaanenimo aanay wacaal iyo waayo-aragnimo ka haysan, balse ula muuqata mid ay bashbash iyo baraare oo dhami ku idilyihiin oo ay lurka iyo lahashada kelinimada  kaga bixi doonaan.

Hablo iyo wiilalba waxay billaabaan xarago iyo mardaadin aan horay loogu aqoon ayay, waxayna isku howlaan barashada iyo bowsiga hababka iyo xeelada gayaanka loola haawasaawo.

Waxay u tafa-xaytaan qooraansiga iyo baadi-goobka qofkii ay la midoobi lahaayeen ayagoo hadba jeerkaa la joogo waxyaabaha la xiiseeyo kuwa ugu mudan dugsanayo oo ku faanaya si ay soo jiidasho u yeeshaan.

Ayadoo laga shidaal qaadanayo oraahdii ahayd” rag waa sahan, dumar waa sugato, surunna waa kulmiye” ayay wiilasho caweys iyo carraaboba raadinta gabdhaha u xusul-duubaan oo foog iyo fiidba dadaal u galaan, halka ay gashaantimuhuna kala xulashada barbaarta u soo haliilaysa si dhug iyo dhiifooni leh isugu howlaan.

Hablo iyo inamoba kolkay sahanka guurka iyo baadi-doonka gayaanka ku jiraan waxay intooda badan  ka simanyihiin ka madax taagga talada waayeelka iyo tusaalaha wax-garadka, waxayna mareen dhabbe qarda jeex ah oo ay da’yaraanta iyo dooq xumada ku riixayso.

Waxay diiradda saaraan muuqaalka iyo midabka  ruuxa ay gayaanka ka dhiganayaan, balse aalaaba hannaanka kartida, garaad dheerida, dun-wanagga qoyska ku salaysan ee hidda raaca loo yaqaan way iska indha-tiraan, waana halka ay sartu ka quruntay .

La soco qeybta labaad ee qormadaan.

WQ: Abwaan Hareeri

WAA MAXAY DOORKA DHALLINYARADA KU LEEYIHIIN HORUMARKA BULSHADA?

Dhalinyaradu waa awood aan la loodin Karin oo Allah nagu maneystay cida uu doonana uu ugu gargaaro, cida uu doonana uu ku duleeyo.

Nebi Muhamed (nnkh) waxuu yiri: “Waxa laygu gargaaray dhalinyarada”, waxa kaluu yiri: “Waxa ii gargaaray dhalinyarada markii Odayaashu i diideen”

Hadaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeena iyo xilka ka saaran umadooda, maxaa yeelay horumar gaari mayno, dhibaatada ina haysatana kama bixi karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.
Waxaan qurmadan kusoo bandhigayaa dhawr arimood oo hadii aynu ku dhaqaaqno, mustaqbalkeena uu rajo yeelandoono.

1. Inay noloshooda ka dhigaan mid istiraatiijiyad ku dhisan:-
Taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna foodo ku dhisan tahay waxba kama bedeli karo mujtamaca uu la noolyahay.

2. Inay qabyaalada meel iska dhigan :-

In aan qabyaalada meel iska dhigno una qaadanno qofkii qabyaalad isticmaalo ama ku dhaqmaa oo dhallinyaro ah in uu yahay adoon liita, qurun ah, wax bakhtiyay oo kale oo aan mar danbe sheeko lala wadaagin, la jaro lana takooro.(Qabyaalad takoor).

3. Inay meel iska dhigan ku haleynta iyo ka sugida odayaasha qaarkood daneystayaasha gumeysi kalkaalka, calooshood u shaqeystayaasha ah ee waa  in ey dalka dadka iyo diin ay samotabixinayaan

4. Inay siyaada qayb ka noqdan:-

Dowrka dhallinyaradu waa muhiim waqtiga aan maanta joogno, waxaan iska diidnay in aan ka qeyb qaadano siyaasada dalka, waxaan u nahay udub dhaxaad badbaadinta iyo hagida siyaasada dalka. Dhallinyaradu waa xooga dhaqdhaqaaqyada bulshada ey sameyso. Waa kuwo xalin kara dhibaatoooyinka,

Wadankeenuna wuxuu u baahanyahay in dhallinyaradu xaliso dhibaatooyin fara badan oo heysata maanta, waxaana aaminsanahay in ey awoodaan in ey xaliyaan, waxey sidoo kale awoodaan in ey mideeyaan shacabkooda soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo gudaha iyo dibada, kaliya waxey u baahanyihiin in fursada qaataan oo eyan ka sugin odayaasha.

Gunaanadka qormadan

Ogow in nolosheenu tahay Maalmo, Usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeenii waxaa tagay qayb aan soo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Maalinta Qiyaamadana waqti kasta oo nasoo maray wuxuu iman isagoo noo markhaati furaya ama nagu markhaati furaya. Waqtigu waa raasamaalka ugu  faa’iiddada badan, waana waxa kaliya ee qof kasta oo dunida jooga uu kala siman yahay dadka kale, waayo waxad haysataa 24 saac maalin walba, 7 casho isbuuc walba, 12 bilood sanad walba. Hadaba ku dadaal inaad si fiican uga faa’idaysto ood qorshayso Noloshaada, sida ay xikmadani leedahay ( Waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo)).

Qofka markuu Sanad u dhamaado, noloshiisii way soo gaabatay, oo hal sano ayaa kabaxay, duqnimo iyo dacfina way soo food saareen, mashquul iyo ilmo korina inay kusoo biireen waa laga yaabaa. Waxaana jirta Murti oranaysa (Maalin walba waxaa kasii dhib badan, ta ka danbaysa). Waxaana dhab ah qofkii dadaala oo ka fikira qiimaha noloshiisa, kuna talagala inuu khayr kasbado, naftiisa iyo bulshadiisaba horumar gaarsiiyo, qorshe wax qabad jeexdo, raad fiican reebo, Ilaahayna talo saarto, waxa hubaal ah inuu hadafkiisa gaari doono, kuna guulaysan doono. Insha Allaaaaaaaah.

Walaal daqiiqadaan aad aqrineysid qoraalkaan laga bilaabo qaado wanaaga iyo in dalka iyo dadka soomaaliyeed cid aan adiga aheyn eyan sugeynin, waa masuuliyadaada ee ha ku haleynin ruux kale in uu kuu qabto, haduu ruux kale qabtana waxaa uu gutay wajibkiisii saarnaa ee kaaguu waa dimanyahay, waana lagaa sugayaa.
Wixii aan saxay illahay ayaa mahadeeda leh wixii aan qaldeyna shaydaan baa leh.

WQ: C/salaam Maxamed

LOWSKA MAXAA FAA’IIDO AH OO LAGA HELAA?

Lawsku wuxuu ka soo jeedaa Koonfurta Ameerika oo ah meeshii laga bilaabay in lagu cuno qiyaastii 8000 sano ka hor laakiin hadda waxaa uu ka baxaa meelo kala duwan oo adduunka ah. Lawsku wuxuu  leeyahay dhadhan macaan oo fiican.

Lawsku waa geedo kacsan oo dhererkiisu gaadho 80 sentimitir. Caleemaha waxay leeyihiin 4-xaashi-yare, oo leh petiole ilaa 10cm. Xirmooyinka waa lanceolate, oo leh cirbad acuminate ah. Corolla waa huruud dahabi ah, waana cows. Midhaha waa legume ku baxa dhulka hoostiisa kuwaas oo u dhexeeya qiyaastii 10mm dhexroor.

Sidoo kale Lawsku Waa dhir aad ugu adkeysata cayayaanka iyo cudurada, laakiin maadaama xagaaga uu yahay waqtiga koriinka ugu weyn iyo inuu yahay xilli aad u kulul oo qalalan meelo dhowr ah, waxaa saameyn ku yeelan kara mealybugs cudbi ah.

Haddaba aan u soo dhaadhacna dulucda sheekadeena. Lawsku waxaa uu magaalada Muqdisho ka noqday mid fursad ganacsi u noqday dhalinyaro isugu jiro wiilal iyo gabdho ay da’doodu u dhaxayso 10, 16, 24 sano jiro.

Sidoo kale waxaan ka marneen in ay Lawsku ka ganacsadaan hooyooyin leh dukaamada yar yare ee ku teedsan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Marka aad socota dhabaha waxaa hubaal ah in ay kaa hor imaanayaan ubaxa caasimada ee shaqa abuurka ka dhigtay Lawsku. Waa cajiib in noolal maalmeedkooda lagu dabiro wax qiima ahaan dhan kun shilling Soomaali ah balse ha dhayalsan waa xaqiiq arrinkaa.

Waxaan waddada Makka Al-mukarama kula kulmay Fardowsa, 16 sano jir ka shaqeysata iibinta looska. Waxaa ay isheegtay in ay ka timaado degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

Fardowsa oo markaa ay madaxa u saarneed danbiil yar oo ay ku dhex jiraan xirmooyin Laws ah ayaa intaas ii raacisay in “Lawska ay iibisay ay ka biisho qoyskeeda oo ka kooban 4 qof.”

Intaan la sheekeysanaayay fardowso wax yaabaha cajiibka ayaa ahaa in ay dhoola cadeyn ay igu warbixisay iyada oo u aragto shaqadaas mid sahlan oo aan ku heyn wax dhiba.

Balse tilmaam dheeri ah uma baahno shuddada ay leedahay in aad hor iyo gadaal ugu socota wadda sawaxanka gaariyada ay kugu qasbayaan inaad qalbiga ka daasho.

Hasayeeshee qofba waa siduu u maareeyo waayaha adag ee noolashiisa waloow wareejinta Lawsku uu magaalka ka noqday shay casriyeysan.

 

Dhulgariir ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia

Hey’adda Geophysics-ka Indonesia, ayaa sheegtay in dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7 Darajo uu ku dhuftay maanta oo Arbaca ah gobolka Sulawesi ee Waqooyiga dalka Indonesia.

Xarunta Digniinta Tsunami, ayaa ka digtay in laga yaabe inuu dhulgariir kale ka dhaco dhul gaaraya 300 km oo isla dalkaasi ah.

Wakaalada Indonesia ayaa sheegtay in xudunta dhul gariirku ay ku dhacday meel 64 km u jirta 141 km koonfur bari magaalada Milongwan. Hay’adda ayaa sheegtay in dhulgariirka laga dareemay Moluccas.

Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Manado ee caasimadda gobalka Sulawesi yaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dadka deegaanka ay dareemeen dhulgariirkan dhowr ilbiriqsi, waxaana la arkayay dad u cararaya bannaanka dhismayaasha, balse ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

howlgal ey si wadajr ah u sameyen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa nabad sugida

Howlgal ay Wadajir u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sirdoonka Qaranka NISA, Ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka socda nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyey in Howlgalkan lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayadoo sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah

Soomaaliya iyo Imaaraat-ka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

La taliyaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee arrimaha Carabta iyo Islaamka, Cumar Carab Ibraahim ayaa xarunta Safaaradda Imaaraat-ka ee Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraat-ka ee Soomaaliya mudane, Axmed Jumca Al-rumeythi.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa loona adkayn lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Dowladda Imaaraat-ka ayaa Soomaaliya ka taageera arrimaha bini’aaddan-nimada iyo dib u dhiska Ciidamada.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine oo ku dhintay shil diyaarad

18 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Dalka Ukraine iyo laba carruur ah, ayaa dhintay ,kadib kolkii diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen ay ku burburtay duleedka caasimadda Kyiv.

Madaxa booliiska qaranka, Igor Klymenko ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen wasiirkii arrimaha gudaha Denys Monastyrsky iyo  dhowr sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha .

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa ka shaqaynaya samata bixinta carruurta iyo shaqaalaha ka dib shilkii ka dhacay meel u dhow Brovary, gobolka Kyiv.

ciidanka booliiska oo soo qabtay laba burcad oo bulshada dhib ku haayey

Taliska Boliiska Degmada Xamar weyne ayaa howlgal ku qabtay labadaan Maleyshiyo oo talisku sheegay in ay dhacayeen Shacabka degmadaas.

Labada nin ayaa ku hubeysnaa qori AK47 ah iyo Mooto Bajaaj ay dadka ku dhacayeen, Taleefano badan oo ay shacabka ka dhaceen ayaana lagu qabtay.

Taliska Qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan dambe aad u kordhiyay Baacsiga Kooxaha burcadda hubeysan ah ee ka shaqeynaya dhibaateynta shacabka Caasimadda.

ATMIS oo CXD ugu hambalyeeysay xoreynta magaalooyinka Ceeldheer,Galcad iyo Xarardheere ee Galmudug

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed xoreynta magaalooyinka Ceeldheer, Xarardheere, Galcad iyo Xiindheere ee dowlad-goboleedka Galmudug ee shalay iyo maanta la xoreeyay.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu yiri Danjire Souef.

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana annaga oo garabsaneyna walaalaheenna Soomaaliyeed sii wadi doonnaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu yiri Danjire Souef.

 

Khawaariijtu waxay dagaal la gashay cidkasta oo damiir leh

Kooxda khawaariinta arxanka daran waxay ku marmarsiyoon jireen keliya in ay dilaan dadka ku nool gobollada iyo degmooyinka dowladdu ka taliso, balse taas waa ka fog xaqiiqda, intii uu socday dagaalka dalka looga xorraynayo khawaariijta waxa soo baxay dhacdooyin argagax leh kuwaas oo muujinaya siday u jir dileen qaarna nafta u dhaafiyeen dadkii ku noolaa degaanada ay gacanta ku hayeen kooxaha khawaariijtu.

Kooxda khawaarijta dhibaato badan ayey ku hayeen  shacabka degaannada laga xoreeyay, kuwaas oo isugu jiray dillal barer ah, dhac joogta ah, burburinta goobaha cibaadada iyo in ay si qasab ah ay ku askareeyaan carruuta, dhibatooyinkaasi oo isbiirsaday ayaa keentay dadkii degaannadaasi inay iska diidaan gumaadka ay khawaarijtu muddo dheer ku heysay.

Mukhtaar Muxudiin, waa wiil dhallinyaro ah, kaas oo khawaarijtu lix bilood ka hor ay gacantiisa midiga uga jareeyn degaanka Guullane ka hor inta aan laga xoreeynin khawaarijta, wuxuuna intaa kadib u istaagay sidii khawaarijta dhibaatada u geeysatay degaankiisa uu uga xoreeyn lahaa, haddana waxa uu ku nool yahay degaankiisii oo xor ah

Warbaahinta Qaranka oo la kulanatay Mukhtaar ayaa ka wareysatay dhibaatada khawaarijtu ay u geysatay, wuxuuna sheegay in xanuun badan uu dareemay markii uu waayay gacantiisa midig, intaa kadib aabihiis ayaa khawaarijta ka codsaday in wiilkiisa uu caafimaad ahaan muqdisho ugu qaado balse wey ka diideen khawaarjtu , waxana tani ay qeyb ka tahay  ficillada guracan ee kooxdaasi

“Gacanteyda midig ayay qabaan khawaarijtu,waxan go’aansaday in aan ka xoreeyo degaankeyga iyo guud ahaan dalka alle waa nagu guuleeyay waana ku sii daba jirnaa” sidaas waxa yiri dhibbane Mukhtaar.

Mukhtaar Muxudiin oo hadda ka bogsooday dhaawaca ay khawaarijtu u geeysatay ayaa sidoo kale ka sheegay in khawarijta gacantiisa uga gooysay dambi uusan lahayn oo ay dul sareeyn kadibna ay si arxan daran uga jareyn gacntiisa midig, hadda waxa uu dhax damaashaadayaa degaankii khawaarijtu ku dhibateeysay oo xor ah, wuxuuna guusha usoo hoyatay sabab ugu dhigay Ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya dadka degaanka oo uu isaga ka mid yahay.

Dhibaatada kooxda khawaarijtu ma ahan intaan oo kaliyaa oo waxay gabbood fallo kala duwan u geysteen shacabka ku nool degaannadii laga xoreeyay, waxayna tani tusaale cad u tahay ficillada gurracan ee ay khawaarijtu ku haysay degaannada laga saaray.

XIGASHO SONNA