WAA MAXAY DOORKA DHALLINYARADA KU LEEYIHIIN HORUMARKA BULSHADA?

Dhalinyaradu waa awood aan la loodin Karin oo Allah nagu maneystay cida uu doonana uu ugu gargaaro, cida uu doonana uu ku duleeyo.

Nebi Muhamed (nnkh) waxuu yiri: “Waxa laygu gargaaray dhalinyarada”, waxa kaluu yiri: “Waxa ii gargaaray dhalinyarada markii Odayaashu i diideen”

Hadaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeena iyo xilka ka saaran umadooda, maxaa yeelay horumar gaari mayno, dhibaatada ina haysatana kama bixi karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.
Waxaan qurmadan kusoo bandhigayaa dhawr arimood oo hadii aynu ku dhaqaaqno, mustaqbalkeena uu rajo yeelandoono.

1. Inay noloshooda ka dhigaan mid istiraatiijiyad ku dhisan:-
Taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna foodo ku dhisan tahay waxba kama bedeli karo mujtamaca uu la noolyahay.

2. Inay qabyaalada meel iska dhigan :-

In aan qabyaalada meel iska dhigno una qaadanno qofkii qabyaalad isticmaalo ama ku dhaqmaa oo dhallinyaro ah in uu yahay adoon liita, qurun ah, wax bakhtiyay oo kale oo aan mar danbe sheeko lala wadaagin, la jaro lana takooro.(Qabyaalad takoor).

3. Inay meel iska dhigan ku haleynta iyo ka sugida odayaasha qaarkood daneystayaasha gumeysi kalkaalka, calooshood u shaqeystayaasha ah ee waa  in ey dalka dadka iyo diin ay samotabixinayaan

4. Inay siyaada qayb ka noqdan:-

Dowrka dhallinyaradu waa muhiim waqtiga aan maanta joogno, waxaan iska diidnay in aan ka qeyb qaadano siyaasada dalka, waxaan u nahay udub dhaxaad badbaadinta iyo hagida siyaasada dalka. Dhallinyaradu waa xooga dhaqdhaqaaqyada bulshada ey sameyso. Waa kuwo xalin kara dhibaatoooyinka,

Wadankeenuna wuxuu u baahanyahay in dhallinyaradu xaliso dhibaatooyin fara badan oo heysata maanta, waxaana aaminsanahay in ey awoodaan in ey xaliyaan, waxey sidoo kale awoodaan in ey mideeyaan shacabkooda soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo gudaha iyo dibada, kaliya waxey u baahanyihiin in fursada qaataan oo eyan ka sugin odayaasha.

Gunaanadka qormadan

Ogow in nolosheenu tahay Maalmo, Usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeenii waxaa tagay qayb aan soo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Maalinta Qiyaamadana waqti kasta oo nasoo maray wuxuu iman isagoo noo markhaati furaya ama nagu markhaati furaya. Waqtigu waa raasamaalka ugu  faa’iiddada badan, waana waxa kaliya ee qof kasta oo dunida jooga uu kala siman yahay dadka kale, waayo waxad haysataa 24 saac maalin walba, 7 casho isbuuc walba, 12 bilood sanad walba. Hadaba ku dadaal inaad si fiican uga faa’idaysto ood qorshayso Noloshaada, sida ay xikmadani leedahay ( Waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo)).

Qofka markuu Sanad u dhamaado, noloshiisii way soo gaabatay, oo hal sano ayaa kabaxay, duqnimo iyo dacfina way soo food saareen, mashquul iyo ilmo korina inay kusoo biireen waa laga yaabaa. Waxaana jirta Murti oranaysa (Maalin walba waxaa kasii dhib badan, ta ka danbaysa). Waxaana dhab ah qofkii dadaala oo ka fikira qiimaha noloshiisa, kuna talagala inuu khayr kasbado, naftiisa iyo bulshadiisaba horumar gaarsiiyo, qorshe wax qabad jeexdo, raad fiican reebo, Ilaahayna talo saarto, waxa hubaal ah inuu hadafkiisa gaari doono, kuna guulaysan doono. Insha Allaaaaaaaah.

Walaal daqiiqadaan aad aqrineysid qoraalkaan laga bilaabo qaado wanaaga iyo in dalka iyo dadka soomaaliyeed cid aan adiga aheyn eyan sugeynin, waa masuuliyadaada ee ha ku haleynin ruux kale in uu kuu qabto, haduu ruux kale qabtana waxaa uu gutay wajibkiisii saarnaa ee kaaguu waa dimanyahay, waana lagaa sugayaa.
Wixii aan saxay illahay ayaa mahadeeda leh wixii aan qaldeyna shaydaan baa leh.

WQ: C/salaam Maxamed