XULASHADA GAYAANKA.

Guurku waa hannaan lama dhaafaan ah oo taranka aadanaha udub-dhexaad u ah, waana wax uu qof kasta oo qaan-gaadh ah oo aan bed-qabkiisa jireed ama maskaxeed iyo baahiyaha aas-aasigaa culeys ka haysani uu maamiyo, habeen iyo dharaarna dubaaqiisa ku soo noq noqda.

Gashaantimaha iyo barbaarta kolka ay da’doodu 13 jir dhaafto waxaa ku abuurma dareen guur, waxaana maankooda ku dhalata aragti ku saabsan yagleelidda reer ay maamuliddiisa hormuud u noqdaan iyo hellida qof ay nolosha la qeybsadaan.

Sii joogista gurigii ay ku koreen ee Hooyo iyo Aabbe ayaa la noqatay mid ku meel-gaadh ah oo ay maalin uun ka diga rogan doonaan kolkaa bay u hanqal taagaan lamaanenimo aanay wacaal iyo waayo-aragnimo ka haysan, balse ula muuqata mid ay bashbash iyo baraare oo dhami ku idilyihiin oo ay lurka iyo lahashada kelinimada  kaga bixi doonaan.

Hablo iyo wiilalba waxay billaabaan xarago iyo mardaadin aan horay loogu aqoon ayay, waxayna isku howlaan barashada iyo bowsiga hababka iyo xeelada gayaanka loola haawasaawo.

Waxay u tafa-xaytaan qooraansiga iyo baadi-goobka qofkii ay la midoobi lahaayeen ayagoo hadba jeerkaa la joogo waxyaabaha la xiiseeyo kuwa ugu mudan dugsanayo oo ku faanaya si ay soo jiidasho u yeeshaan.

Ayadoo laga shidaal qaadanayo oraahdii ahayd” rag waa sahan, dumar waa sugato, surunna waa kulmiye” ayay wiilasho caweys iyo carraaboba raadinta gabdhaha u xusul-duubaan oo foog iyo fiidba dadaal u galaan, halka ay gashaantimuhuna kala xulashada barbaarta u soo haliilaysa si dhug iyo dhiifooni leh isugu howlaan.

Hablo iyo inamoba kolkay sahanka guurka iyo baadi-doonka gayaanka ku jiraan waxay intooda badan  ka simanyihiin ka madax taagga talada waayeelka iyo tusaalaha wax-garadka, waxayna mareen dhabbe qarda jeex ah oo ay da’yaraanta iyo dooq xumada ku riixayso.

Waxay diiradda saaraan muuqaalka iyo midabka  ruuxa ay gayaanka ka dhiganayaan, balse aalaaba hannaanka kartida, garaad dheerida, dun-wanagga qoyska ku salaysan ee hidda raaca loo yaqaan way iska indha-tiraan, waana halka ay sartu ka quruntay .

La soco qeybta labaad ee qormadaan.

WQ: Abwaan Hareeri