Madaxweyne Xasan Sheekh “Wajiga 2-aad ee dagaalka Dalka looga xorreynayo Khawaarijta waxaa uu ka bilaabanayaa Koofur Galbeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeedinayey shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo goordhow ka furmay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta uu ka bilaabanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar ah  oo guuleystay, kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyey khawaarijta.

“Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa 1-aad ayaana gabogabo ah, wajiga 2-aad halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xoreynayaa laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”. ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xoreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijtu ee isku xira goboladda dalka.

“haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhammaan dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha 1-aad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “. ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh oo dib u doorashadiisii ku dhawaaqay dagaal ka dhan kooxda argagixisada ah ayaa sheegay in sanadkaN dalka oo dhan looga xorreynayo kooxdan cadawga ah ee caadeystay daadinta, dhac iyo beegsiga bulshada Soomaaliyeed ee khawaarij.

Ciidamadda xoogga dalka oo garab weyn ka helaya shacabka iyo xoogaga dib u xorreynta ayaa gobolada dalka ka bilaabay dagaal sifeyn ah oo guulo waa weyn laga soo hooyay, magaalooyin badan oo in ka badan 15 sano ay dhibaatooyin ku hayeen argagixisadda ayaa hadda ku naaloonaya niicaawda nabadda kadib markii laga xorreeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Isbitaalka gobolka Baay iyo xerooyinka barakacayaasha Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kormeeray Isbitaal-goboleedka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegayda caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaannada ku jira.

Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageysaty bahda caafimaadka iyo maamulka Gobolka ayaa faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira xaruntan, waxa uuna xusay in dowladdu ay mudnaan siineyso daadejinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxa uu booqday Kaamka Barakacayaasha oo ay ku jiraan boqollaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada argagixisada, ayna saameeyeen Abaaraha ka jira gobolka, iyadoo Madaxweynuhu uu la wadaagay sida ay dowladdu dadaal ugu bixisay gurmadkooda, ayna socoto abaabulka xoreynta deegaannada ay uga soo barakaceen dhibaatada iyo arxan-darrada argagixisada awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray qeybaha dugsiga Quraanka iyo iskuulka Hoose Dhexe ee kaamkan oo uu ballan-qaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tagay Baydhabo, haatanna labaduba ay shaqeynayaan, iyadoo Madaxweynuhu uu xoojiyey in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbrasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyey.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay madaxtooyada JFS ee magaalada Baydhabo

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka koofur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Madaxtooyada JFS ee magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kormeeray Garoonka Ciyaaraha Dr, Ayuub, Xeryaha barakacayaasha Baydhabo iyo Isbitaalka guud ee Gobolka Baay, isagoo warbixin ka dhagaystay maamulka , dhaqaatiirta iyo howl wadeennada Isbitaalka,.

Madaxweynaha ayaa shalay magaalada Baydhabo ka daah-furay shirka dib u heshiisiinta maamul goboleedka Koofur galbeed.

Gudiga garsoorka arimaha diinta iyo awqafta oo u yeeray wasiirka cadaalada iyo arimaha dastuurka XFS

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin iyo xubno kale oo wehliyay.
Kulanka oo ahaa si xog-waraysi iyo kala war qaadasho ayaa si gaar ah loogu lafaguray hannaanka Garsoor ee Dalka, Xabsiyada, nolosha Maxaabiista, iyo halka ay marayaan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka Aqalka Sare Senator Naciima Xasan Xaaji Maxamuud {Gadhwayne} oo kulanka shir guddoomisay ayaa wasiirka iyo xubnaha la socday uga mahad celisay sida togan oo ay uga warbixiyeen xogtii laga waydiiyay Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.

ISLAAMKA IYO BARBAARINTA UBADKA

Islaamku wuxuu aabaha iyo hooyada ku waajibinayaa in ay u istaagaan barbaarinta ubadkooda oo ay lagama maarmaan tahay in ay ahaato barbaarin wanaagsan oo ku saleysan kalgacal iyo isku dunmid bulshadeed. Xaqiiqdii barbaarinta ubadka yaryar lagu barbaariyo mabaadi’daa diinta Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan waa arrimaha ugu muhimsan ee had iyo jeer in la isku baraarujiyo loo baahan yahay.

Barbaarinta wanaagsan ee ubadka la siiyo waa arrin muhimad weyn uleh bulshada lagama maarmaanna u ah nolosha ummadda ee waqtiga soo socda iyo horumarka qaranka. Ummaduhu waxaa ku kala hormaraan xagga akhlaaqda.

Tarbiyada diiniga ah ee saxan oo kaliya ayaana suuragelin karta in akhlaaq wanaagsan la helo. Ubadku waa amaano waalidka luqunta u suran, waxaana loo baahan yahay in aabe iyo hooyo kastaba ay Ilaahey ka cabsadaan oo ubadkooda ku hanuuniyaan dariiqa wanaagsan.

Ubad kasta wuxuu aabihiis xaq ugu leeyahay in uu ku dadaalo edbintiisa, barbaarintiisa iyo waxbariddiisaba iyo in uu magac wanaagsan u bixiyo.

Hooyada waxaa iyana laga rabaa in ay ku dadaasho canuggeeda kuna tarbiyeyso runta, amaanada, toosnaanta iyo akhlaaq kasta oo wanaagsan. Waxaa kale oo hooyada looga baahan yahay in ay canuuggeda jecleysiiso gacan siinta iyo u damqashada dadka kale. Sidoo kale waa in ay nuujiso muddada uu nuujinta u baahan yahay ayna si fiican u xannaaneyso.

Sidaa ay tahay hooyadu waa in ay canuggeeda koolkoolinta ka badin ayna garab ku siinin gefafkiisa haddii aabuhu doonayo in uu toosiyo ama canaantana waa in ay gacan ku siiso.

Ibnu Cabbaas (Allah ha ka raalli noqdee) waxaa laga weriyay in Nabeigu (N.N.K.H.A.) uu yiri: “laasima ubadkiinna edebtoodana wanaajiya”. Xadiiskan wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in kormeer joogto ah ku hayaan ubadkooda ayna si wanaagsan u edbaan. Aabayaasha iyo hooyooyinka waxaa laga rabaa in ay mar walba la socdaan ubadkooda guriga gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waa in ay jecleysiiyaan waxyaabaha wanaagsan necbeysiiyaanna waxyaabaha xun  amaba dhibaatadu ku jirto.

Waalidiintu waa in ay ubadkooda baraan aadaabta looga baahan yahay meelaha la isugu yimaado. Haddii xagga ilmaha uu ka yimaado fal ama dhaqan wanaagsan waa in lagu amaano, lagu dhiirrigeliyo laguna abaalmariyo, Haddii fal xun ka soo fulana waa in lagu dhaliilo laguna canaanto.

Markii canuggu gaaro heer uu wax kala sooci karo, labadiisa waalid waxaa laga rabaa in canuggooda ay ka reebaan in uu ku darmo dadka ahlu sharta ah iyo kuwa akhlaaqdoodu halleysan tahay iyo in uu tago meelaha ciyaaraha xun xun lagu qabto iyo shineemooyinka lagu soo bandhigo aflaamta kharriban. Labada waalid waxaa kale oo laga rabaa in ay canuggooda jecleysiiyaan in uu ku mashquulo wixii faa’iido u leh xagga diintiisa iyo xagga adduunyadiisa. Sidoo kale waxaa labada waalid laga rabaa in ay ilmahooda qabadsiiyaan gudashada waajibaadka diiniga ah iyagoo baraya shuruudaha iyo adaabta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkaas. Rasuulkeennu (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Bara ilmihiinna salaadda marka ay gaaraan 7 sano kuna garaaca marka ay gaaraan 10 sano, kuna kala saara xagga jiifka”.

Marka waalidku uu ilmihiisa wanaagga ku tarbiyeynayo waxaa laga rabaa in uu u sameeyo waqti ay fursad u helaan isboortiga si ay nafis u helaan aysanna u dhibsan shaqada iyo waxbarashada.

Labada waalid marka ay ilmahooda tarbiyeynayaan waxaa laga rabaa in ay muujiyaan dhimrin, dabacsanaan iyo qallafsanaan la’aan.

Saxiix al Bukhaari waxaa ku soo arooray in Rasuulku (N.N.K.H.A.) uu yiri: “Arrinna lagama helo dhimrin illowse wey qurxisaa, arrinna lagama siibo illowse wey fuulxumaataa”.

Sidaas darteed labada waalid waxaa laga doonayaa in ay ka feejignaadaan garaacista ilmaha iyo guulguulkooda, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in garaacista iyo guulgoolka ay raad xun ku abuuraan nafsadda canugga.

Haddiise ay labada walid u arkaan in canugga aan uu hagaageyn in la garaaco ama la guulguulo mooyee, markaas waxba kuma jabna garaacistiisa iyo canaanta iyagoon ku talax tegeyn, waxaana reeban in garaacistu ay ka badato 3 jeer, maxaa yeelay waxaa la weriyay in Rasuulka (N.N.K.H.A.) uu ku yiri Mardaas oo macallim ahaa “ka digtonow  in aad 3 jeeer wax ka badan garaacdo, maxaa yeelay haddii aad sidaas yeesho Ilaahey ayaa kaaga qisaasaya”.

Garaacista badan waxay ilmaha sabab ugu noqon kartaa qalbi adeeg iyo caasinimo. Rasuulka (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Allaha u gargaaro waalid ilmihiisa gacan ku siiyay in ay baarri u noqdaan”.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

DUCADA WAALIDKA WAA FURAHA JANNADA

Bari baa islaan aad u da’wayn oo dhul hawd ah ku nooleed, 1wiil oo ay aad u jecleedna ilma ka dhashay , waxaa kadeeday wiilkeedii oo ahaa mid aad u dhib badan oo mar walba lug-goyn jiray ficilo aanay ku farxin si joogto ah u samayn jiray.

Maalin maalmaha kamida ayadoo uu qorshuhu yahay ; in barito la hayaamo oo deegaanka oo markaa colaad iyo abaar isku darsaday laga digo-rogto, ayuu 1-kii rati ee uu reerku ku guuri lahaa asagoon kala tashan gowracay oo birta ka aslay.

Markay ogaatay inuu ratigii qalay reerkuna wuxuu bari ku guuro aanu haysan, ayay aad u xanaaqday markaa bay tiri ” maandhow habaar kale kuuma quuree idman alle kaa buubyoo” ,

isla galabtii ayaa reerihii cadow soo weeraray, dhamaan waa lawada cararay asaguse waa dhaqaaqi waayay oo lug ayuu ka kabaabyoonayay, cadowgii ayaana ka daba yimid meeshii ku dilay.

sidoo kale cadowgii waxa ay bilaabeen in ay bili liqeystaan aqal somaligii reerka goobta oga carareen sidoo kale waxa ay qaateen wixii alaab ahaa oo goobta looga cararay.

reerkii ayaa soo gurya noqday kadib markii ay cadowgii goobta iskaga tageen,

waxaana ay lakulmeen wax ay aad ula yaabaan oo ay kamid yihiin maamadii da’da weyneed wiilkeedii oo ay habaar u quuri weysay oo goobta lagu dilay,

Sidoo kalena waxaa ay lakulmeen gurigii ay ku hoyanaayeen oo la bili liqeystay oo cadowgii goobta raad xumo oga tagay.

-dulucda sheekadu: waxa ay ku saabsanatahay waa inaanu habaar waalid yaraan iyo waynan lahayn, loona baahanyahay in waalid mar walba baari loo ahaado oo laga ducaysto.

   

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

AKHLAAQDA IYO XISHOODKA GABADHA MUSLIMKA AH

Ka hadalka Mowduucan ma ahan wax lagu soo koobi karo maqaal yar, waa mowduuc aad u ballaaran oo aan qoraal yar looga bogan karin, Culimo badan baa hadashay, kutubo badan ayaana laga qoray, balse markaan soo duudduubo  oo in yar aan ka falaasho, waxaa muhiim ah in aan ogaano ama aan isweydiino Islaamka kahor qaab noocee ayuu ahaa nolosha iyo xuquuqda Gabdhaha?

Marka hore waa in la ogaadaa islaamka inuu u yimid si uu cadaalad dadka u dhex dhigo, dumarka islaamka kahor ma aysan aheyn kuwo la qiimeeyo mana aheyn kuwo hela xuquuqdooda, si qaab daran oo hooseysa oo liidid ku jirto ayaa loola dhaqmi jiray ilaa xitaa la gaarsiiyo in nolosha lagu aaso iyadoo la ceebeysanayo kusoo biiritaanka reerka taasoo ay ka baqayeen Carabtii Jahliga ku sugnayd inay Gabdhaha usoo jiidaan ceeb islamarkaana lagu caayo, islaamka ayaa kor u soo qaaday, wuxuu siiyay xuquuqdooda, sidoo kale islaamka wuxuu amray in la qiimeeyo dumarka oo aan lagu xadgudbin, ninka ayaa dusha laga saaray biilka guriga, taas waxay tilmaamaysaa naagta inay tahay boqorad loo adeego, xuquuq ayaa mid kaste dusha ka saaran, wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(Yaa iigu xaqnimo badan xagga la jiritaanka wanaagsan? wuxuu yiri (hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa), wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib aabbahaa)

Wuxuu yiri nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(qofka haysto seddex gabdhood kuna sabro, kana quudiyo hantidiisa kana waraabiyo kana huwiyo xijaab ayay naarta uga noqonayaan) riwaayo kale waxaa ku sugan (qofka biilo labo gabdhood ama seddex ama labo walaal gabdho ah, ama seddex ilaa ay ka tagaan ama uu isaga ka dhinto waxaan noqonaynaa aniga iyo isaga sidan, wuxuu ku tilmaamay farahiisa murdisada iyo fardhexaadda), waxaa laga wariyay abuu hurayra inuu rasuulka yiri:

(Haweenka u dardaarma, haweeneyda waxaa laga abuuray feer qalloocan, waxa ugu qalloocan feerta waa xaggeeda sare, haddii aad toosinayso waad jabinaysaa, haddii aad ka tagtana way qalloocnaanysaa ee haweenka khayr u dardaarma)

Marka islaamka wuxuu amray gabadha muslimadda arrimo la xiriira akhlaaqa waxaana ugu muhiimsan:

1- inay xushmad lahaato oo ay is xijaabto oo aysan jirkeeda muujinin, sidoo kale inay u badnaato guriga oo aysan banaanka u badnaanin haddii daruuro adag ay u keento mooyee.

2- inaysan raga ajaanibta dhex gelin sidoo kale inaysan aadin safar iyadoo  maxram la’aan ah.

3- inay si buuxdo u qaadato awaamirta Alle faray sidoo kale ay ka fogaato wixii Alle ka reebay.

4- inay ahaato qof xishood leh oo wax kasta aan faraha la galin.

Alle markuu ka hadlayay ninkii suubaanaa ee dhalay labadii gabar Nabi Muuse (CS) biyaha u dhaamiyay oo arigana u waraabiyey wuxuu tilmaamay xishoodka ay lahayd tan u timid wuxuu yiri Alle (SW):

(Markaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoonaysa waxayna ku Tiri Aabahay ayaa kuu Yeeraya si uu kaaga Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u yimid oo uga Warramay Qisadii ayuu ku yiri ha cabsan waad ka Kortay Qoomkii Daalimiinta ahaa).

Alle wuxuu jecel yahay xishoodka guud ahaan Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(Alle (CW) waa xishood badan yahay waana astur badan yahay, wuxuuna jecel yahay xishoodka iyo asturaadda)

5- inay ka fogaato inay la saaxiibto dumarka xunxun oo xumaanta muujista oo ku faana qaawanaanta iyo macsiyada.

Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(Qofka wuxuu ku sugan yahay diinta (dhaqanka) saaxiibkiisa ha iska fiiriyo midkiina qofka uu la saaxiibayo).

 

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

HAWEYNEY NINKEEDA KA XAREEYSAY ROOBKA IYADOON U QASDIN

Sheekadan aadka xiisaha u leh ayaa ah sheeko xiisa galin doonta aqristayaasheena Wargeyska Dalka oo aalaaba aan Ku soo gudbino sheekooyin xiisaleh oo Kala ah sheeko madadaalo ah, sheeko taariq ah, sheeko Qiso ah iyo sheekooyinka Ka dhex dhaca bulshada dhexdeeda ayaan halkan idin Ku soo gudbinaa.

Sheekadan ayaa waxa ay Ku saababsan tahay nin ka mid ah dadka gaa gaaban iyo xaaskiisa waxa Kala qabsaday.

Maalin maalmaha ka mid waxaa dhacaday qoys reer guuraa ah oo deggan baadiyaha fog Kuwaas oo baadiyaha Ku haystay Xoolo Kala duwan sida Geela, Ariga iyo lo`da oo inta badan Soomaalidu ay aad u jecel yihiin ayaa maalin waxaa Ka dhex dhacday sheeko la yaab leh .

Sheekada ayaa aheed Hooyo haysta Afar Caruur ah iyo Aabahood Ku waa oo Ku noolaa baadiyaha ayaa maalin maalmaha ka mid ah oo Amin habeen ah oo ay jiifeen meel banaanka ah ayaa waxaa yimid Roob xooggan oo mahiigaan ah oo hooyadii Ku qasbay in caruurteeda roobka Ka soo xareysato.

Hooyaddii ayaa bilowday in ay mid mid u xareyso caruurta midkii Koowaad ayey xareeysay waana midka ugu yira cidda, midkii labaad oo ah Aabihii guriga oo ahaa nin aad u gaaban ayey isna Roobkii Ka xareeysay oo ay xambaartay mid kii sadaxaad ayey xareeysay ugu danbeyn midkii afaraad ayey Roobkii oga tagtay oo ay Ku tiri war xaaji roobka Ka soo xaro iyadoo jees jeeseysa oo ku qosleysa.

Xaajigii ayaa inta uu qosol afka jabsaday Ku yiri Naa heblaay cunugga inoo soo xaree roobka yuusan Naga dilinee. Xaajiyaddii ay afka qabsatay oo isla yaabtay.

Sidoo kale Xaajigii ayaa yiri Xaajiyo waxaan ahaa qofkii labaad ee aad soo xareeysay marka ciyaalka roobka Ka soo xareyneysay .

Xaajiyaddii inta ay yaabtay oo arrinkaas tacajib Ku noqday ayey tiri Caku Nin gaaban faa`ido malahan oo mar mar waxa uu ka mid noqdaa ciyaalka yar yar.

Dabcan gaabnida faa`iidadaas ayey leedahay oo haweyneydaadii ayaaba inta ay Ku xambaarta sariirta Ku soo seexineyso.

Dabcan sheekadan waxaan oga gol leeyahay in ragga gaagaaban ay yihiin rag jaanisyo fiican haysta haddii ay ahaan laheed Xoogga, howl karnimada, ad adeegga iyo shaqo Wanaagga.

Ugu danbeyn Ragga gaagaaban waxaan Kula talinayaa in ay Caruurta Ka dheeradaan haddii kale waxaad Ka mid noqoneysaan caruurta ay xaajiyaddu xareyneyso.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

HA QUUSAN (SHEEKO GAABAN)

Waxaa jray niman ganacsato ah oo saaxiibo ah waxayna u kala gooshi jireen safarro dhaadheer oo dhinaca badda ah iyagoo soo qaadi jiray ganacasiyo kala duwan .

Maalin maalmaha ka mid ah iyagoo sida alaabo fara badan ayey u ambabaxeen safar waxayna cagta saareen wadada, muddo markii ay sii socdeen ayaa waxaa ku kacay dabaylo markii ay wateen iyo iyagaba .

Muddo ayey adkeysteen oo ay ku socdeen baddii oo ay dhibaato kala kulmeen markii dambena waxaa dadkii markabka saarnaa la hadlay naaquudihii markabka oo leh” Waxaan halis ugu jirnaa markabku in quuso waxaana naga lumay waddadii , markabakuna wuu liicayaa ee talo keena’ .

Guddi degdeg ah ayey saareen si ay uga tashadaan khatarta ku soo fool leh waxayna guddigu soo diyaariyeen dhowr qodob oo ay ku jiraan:

  • In makabku iska soo socdo oo aan la joojin.
  • In qofka ugu alaabta badan markabka iyo alaabta uu wataba badda lagu tuuro si inta kale u badbaadaan.

Ninkii ugu alaabta badnaa ayaa aad u murugooday markii qodobadaa la isku raacay wuxuuna ku yiri raggii guddiga ka tirsanaa ‘ ma naf jecleysi ayaa idinku qasbeysa in aad I tuurtaan keligey” waxayna ugu jawaabeen “ Inta tobana qof iyo alaabtooda la waayi lahaa, adiga ayaa sahlan” wuxuuse ninkii ku jawaabay “wixii Alle qoray ayaa qoran ee nabadeey” .

Ninkii badda ayaa lagu tuuray isaga iyo alaabtiisaba  alaabtiina wey quustay isagana xeebta ayuu hirku geeyey halkaas oo uu bush ka dhistay si uu nolol u raadiyo hase yeeshee dab ayaa buushkii ka qabsaday wuxuuna ninkii aaminay in noloshiisa aysan rajo kale laheyn.

Muddo ka dib ayey maraakiib xeebta mareysay badbaadiyeen raggii uu la socday ee markabkii hore markii ay isaga soo tureen waxaa la degay markii iyaga iyo alaabtoodiina halkii ayaa ugu dambeysay.

Hadaba ha is dhihin walaalkaa ha dhinto adiguna noolow, walaalkaa ha midiidin cadowna ha u dhiibin ee mar wakba garab taagnow oo ha loogin cadow oo badbaadi inta aad kari karto hana ku xadgudbin nafiisa iyo xoolahiisa  waayo war kama heysid meel la marayo iyo waxa aad mudanaysid.

Haddaad wada dhimataan dambi kuguma aha ee adigu ha dilin ee badbaadiye noqo.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

HIDDO, DHAQAN IYO ASAL RAAC

Marka aad maqasho hidde iyo dhaqan waa labo is dhashay waxaa weyn hiddaha oo dhaqanku wuxuu ka soo jeedaa hiddaha oo waxaa waalid ah hiddaha.

Haddii aan metal u soo qaadanno geed laama badan oo guud sare ay qariyeen ubax kala nuuc ah iyo miro iyo laama farqa leh oo midiba dacalka ay geeda kale ku duubatay oo quruxda aadan in dhaha u dhameyn kareyn, waxaa waraabiyey xididdaha salka ku teedsan, waxaana asalka ah salka geedka oo hiddahii asaga ayaa ah.

Geedkaasi wuxuu leeyahay magac lagu yaqaan oo lagu hidda raaco, geedkaas isaga ah hooskiisa iyo miraha fiican ee uu leeyahay ayaa lagu amaanaa, waana geed hidde wanaagsan oo geedaha kale laga xusho.

Geedaha waxaa ku nasta oo hoos fariista dadka safareyda ah iyo  dadka iska lugeynaya waana wax lagu farxo.

sidaas oo kale noolaha uu ilaahey dunida guudkeeda ku abuuray ayaa kala heybad qurxoon kalana dhaqan wanaagsan, waxaana lagu kala doortaa hiddaha iyo heybad wanaagga.

Dhanka kale, waxaa jira dad  hiddahoodu ka soo jeedo odoyaal ku fiicnaa hoggaaminta, geesinimada, deeqsinimo, hal abuurka suugaanta,  akhliga wanagsan iyo xaajo galnimada iyo dulqaadka iyo soo jiidashada qaybaha bulshada.

waxaa la yiraahdaa aabbayaashiisi hore ayuu ka keenay hiddaha wanagsan oo nin hal abuurka ku fiican ama deeq bixinta ayuu ka soo jeedaa.

Sidoo kale, waa deeqsi ama waa nin murti badan sida gabayada, maahmaahyada iwm ayaa la dhahaa ruuxaas afmaalka ah ayaa la dhahaa wuu hiddo raacay.

Ruuxa hadalka deeqsiin kara oo runta badan oo beenta aqoon, dulqaadka  badan kaasina hiddaha wanaagsan ayey ka mid tahay oo waa laga soo xushaa qaybaha ragga.

Xagga haweenka haddii aan aadno marka la gaaro xilliga guurka ayaa waxaa dhaca in sidaas oo kale in la weydiiyo hiddaha ay ka soo jeeddo  in la weydiiyo hooyada iyo aabbaha dhalay iyo hiddaha ay ka soo jeeddo.

waxaa la is weydiiyaa ma yihiin dad geesiyaal ah ama hidde culimo ah inuu qabiilkeedu laan dheere yahay iyo in kale, waxaa kale oo la oran jiray ama wax lagu xulan jiray waqtiga guurka xagga quruxda iyo wejiga iyo xubnaha.

Arrintani waa mid ku timaada quruxda gaarinimada, xishoodka iyo dad soo dhoweyntu, waxaas oo dhan waxay ka mid ahaayeen qodobbada xulashada ee guurka.

waxaan kor ku soo sheekeynay qaybaha geedaha iyo ragga, waana isku mid wax kasta oo dunida guudkeeda Ilaahey ku abuuray oo wuxuu leeyahay hidde iyo meel uu ka soo farcamo oo dib loogu akhriyo xumaan iyo wanaag wixii lagu arko, waxaana ka soo farcama qaybaha dhaqanka oo dhan, hiddaha ayey ka yimaadaan waana loogu abtiriyaa xumaan iyo wanaag wixii uu la yimaado.

Waa wax yaalka la kala dhaxlo sida marti soorka wejiga furan iyo dulqaadka iyo deeqsinimadu waxay ka timaadaa hiddaha iyo asalka meesha uu ku leeyahay qofku, waxaa la mid ah noolaha uu ilaahey naf ku abuuray oo ay ka mid yihiin geedaha xoolaha la dhaqdo iyo duur joogta qaybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin maroodiga, geriga, biciidka, cowllada, deerada, libaaxa, shabeelka, haramcadka.

qaybaha wax u gaarsada iyo kuwa la ugaarsado iyo bini aadamka oo ah khaliifkii  carrada ilaahey u dhiibay mid kasta wuxuu leeyahay hidde iyo asal laakiin aadanahu waa ka duwan yahay intaas oo dhan.

Aadanaha waxaa dhalay hal aabbe iyo hooyo kaligeed ah, waxaa lagu magacabaa aabbaha dhalay dadka aadan hooyaduna waa xaawo, ka dib marka dib loo soo akhriyo, aabbahii labaad wuxuu ahaa nabi nuux cs waxaana ka dib laga farcamay seddax wiil oo nuux dhalay.

waxay kala ahaayeen xaam bini nuux saam bini nuux iyo yaafis bini nuux  haddaba dadka dunida jooga waxaa dhalay seddexdaaas wiil oo ilma nuux ah waana aabihii  labaad nabi nuux mana dad meelkale ka yimid kaddibna waxay ku kala leexdeen dadka dunida joogaa diin iyo deegaan laakiin ma jiraan wax kale oo ay is dheer yihiin  sharafta iyo nasabaddu waa diinta iyo all aka cabsiga iyo qof waliba sida uu u dhowro sharafkiisa .ss

WQ: Abwaan C/salaam Gabayre