HA QUUSAN (SHEEKO GAABAN)

Waxaa jray niman ganacsato ah oo saaxiibo ah waxayna u kala gooshi jireen safarro dhaadheer oo dhinaca badda ah iyagoo soo qaadi jiray ganacasiyo kala duwan .

Maalin maalmaha ka mid ah iyagoo sida alaabo fara badan ayey u ambabaxeen safar waxayna cagta saareen wadada, muddo markii ay sii socdeen ayaa waxaa ku kacay dabaylo markii ay wateen iyo iyagaba .

Muddo ayey adkeysteen oo ay ku socdeen baddii oo ay dhibaato kala kulmeen markii dambena waxaa dadkii markabka saarnaa la hadlay naaquudihii markabka oo leh” Waxaan halis ugu jirnaa markabku in quuso waxaana naga lumay waddadii , markabakuna wuu liicayaa ee talo keena’ .

Guddi degdeg ah ayey saareen si ay uga tashadaan khatarta ku soo fool leh waxayna guddigu soo diyaariyeen dhowr qodob oo ay ku jiraan:

  • In makabku iska soo socdo oo aan la joojin.
  • In qofka ugu alaabta badan markabka iyo alaabta uu wataba badda lagu tuuro si inta kale u badbaadaan.

Ninkii ugu alaabta badnaa ayaa aad u murugooday markii qodobadaa la isku raacay wuxuuna ku yiri raggii guddiga ka tirsanaa ‘ ma naf jecleysi ayaa idinku qasbeysa in aad I tuurtaan keligey” waxayna ugu jawaabeen “ Inta tobana qof iyo alaabtooda la waayi lahaa, adiga ayaa sahlan” wuxuuse ninkii ku jawaabay “wixii Alle qoray ayaa qoran ee nabadeey” .

Ninkii badda ayaa lagu tuuray isaga iyo alaabtiisaba  alaabtiina wey quustay isagana xeebta ayuu hirku geeyey halkaas oo uu bush ka dhistay si uu nolol u raadiyo hase yeeshee dab ayaa buushkii ka qabsaday wuxuuna ninkii aaminay in noloshiisa aysan rajo kale laheyn.

Muddo ka dib ayey maraakiib xeebta mareysay badbaadiyeen raggii uu la socday ee markabkii hore markii ay isaga soo tureen waxaa la degay markii iyaga iyo alaabtoodiina halkii ayaa ugu dambeysay.

Hadaba ha is dhihin walaalkaa ha dhinto adiguna noolow, walaalkaa ha midiidin cadowna ha u dhiibin ee mar wakba garab taagnow oo ha loogin cadow oo badbaadi inta aad kari karto hana ku xadgudbin nafiisa iyo xoolahiisa  waayo war kama heysid meel la marayo iyo waxa aad mudanaysid.

Haddaad wada dhimataan dambi kuguma aha ee adigu ha dilin ee badbaadiye noqo.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre