Xaaladda Khawaarijtu waa sidee?(WARBIXIN)

Muddadii uu uu bilowday Dagaalka Khawaarijta oo ay iska wada kaashanayeen Ciidanka Qalabka Sida iyo Xoogagga Deegaanka ayaa waxaa lala wareegay  in ku dhow 50 Goobood oo isugu Jira Degmooyin iyo Tuulooyin waxaana ka mid ah:- Deegaannadaasi:- Moqokori , Tardo, Bukure, Ceel Hareri, Mabaax, Jiciboow, Booco, Beerxaano,  Ruun Nirgood, Mora ari, Xaawa Gadiid, yasooman, Aboorey , Xawaadley ,Masjid Cali Gaduud,  Nuur Dugle, Ceel Bacad,Hilowle Gaab , Cadaan Laxeey , Warta Dibi samatar, Aadan Yabaal, Guulane,Ceel dheere Buraale Wargaadhi,Ceel Baraf, Alkowthar, Geel Gub, Miir Taqwa, Cadaan Laxeey, Masagawaay, Galcad, Qaayib, Dhisiq Shurufle, Sinadhaqa, Ceelhuur, Faax, Maraay Suuleey, Ceeldheer, Xarardheere iyo kuwo kale.

Wararka laga helaayo Deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ay ku jiraan xaqiijinta Deegaannadii dhawaan lagala wareegay Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah ee kala ah Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere haatan ay ka socdaan Xaqiijin amni iyo inay dib ugu laabtaan Deeggaanadooda Dadkii ka barakacayba, waxaana hadda ka bilowday nolol cusub, waayo waxay la‘aayee daryeel iyo Ammaan, waxaana lagu wadaa in looga sii gudbo inta ka harsan Gobolka Galguduud oo kala ah Deeggaanada hoos yimaada Degmooyinka Galhareeri iyo Ceel Buur, si loo soo gabagabeeyo Wajiga 1-aad, loona gudbo Wajiga 2-aad, si uu Iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta uu ka bilaabanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar oo guuleystay kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyay khawaarijta “Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa koowaad ayaana gabogabo ah, wajiga labaadna halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xorreynaya dagaalka wajiga labaad laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”.

Madaxweyna Xasan sheeg ayaa sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xorreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijta ee isku xira goboladda dalka, Mudane Xasan Shiikh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhamman dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha koowaad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “.

Dhinaca kale Wasiirk ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ku jirta in si wadareed loola dagaalada Maleeshiyaadka Kooxada Khawaarijta ah, wuxuuna tilmaamay in  kadib hirgalinta balanqaadkii Aadan Yabaal iyo Xarardgeere ee Khawaarij xoraynta, Madaxwaynuhu wuxuu sameeyay balanqaadka Koofur Galbeed, isagoo ka dhigay Wajiga Labaad ee halganka.

“Wiilasha iyo Gabdhaha geesiyaasha ah ee reer Koofur Galbeed waa markooda iyo fulinta Balanka Madaxwaynaha ilaah Idankiis, garab iyo gaashanna waxaa idiin ah Ciidamada Qaranka.Reer Koofur Galbeed waxeey haystaan fursad aanay haysan reer Galmudug iyo reer Hirehabeelle kuwaas oo ay ka mid yihiin:- 1- Khawaarijtii oo la tabartiray.2- baraarugga Bulshada Soomaaliyeed oo sareeya.3- Khibrad badan oo aad ka hesheen dagaaladii horay u soo dhacay. Iyo tan 4- kuwa guulaystay oo idin garab taagan hiilna idiin ah iyo arrimo kale”ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka oo nala wadaagay qoralkaan ayaa waxaa kaloo uu yiri:- “ Maanta, waxaa idiin soo gashay fursad aad uga aar goodan kartaan Khawaarijtii idin ihaanaysanaysay muddada Dheer, kuwii aad jeclaydeen idinka laysay, idnka hor istaagay in aad ku noolaataan dhulkiina Hodanka ah, ka faaiidaysataan Barwaaqada Dhulkiina, kuna noolaataan Nolol barwaaqo leh, una Cibaadaysataan si aan  cabsi lahayn. Hadaba, Indhuhu waxay soo eegayaan dhankiinna.Barabarkeey ka baxdaa waa bakayle qaleen ayay joogtaa. Agtiinna ayay taallaa. Guulaysta”.

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalada lagula jiro Khawaarijta ayaa sheegaya in Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoos tagta deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhul beereedka Sheekh Qaasim, iyadoo Maleeshiyaadka la laayay uu ku jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka Xawaadleey oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida la xaqiijiyey kooxda Khawaarijta ayaa halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo iyaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaalada dalka looga xoraynayay,iyadoo xogaha la helay muujinayaan in khawaariijtu ku dhamaystireen dhaawacdii ay goobta ku haysteen, waxaana jirta in howlgalka inta uu socday Khawaarijta laga soo furtay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen, kuwaais oo uu ku jiro Gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Marka ay dunidu fallaago ama Argagexiso la gasho 3 weji ayaa laga rabaa in lagu wajho:- Midda 1-aad  oo ah guluf dagaal oo Xorrayn. Wejiga labaad oo ah gacan ku heynta goobaha laga xorreeyay. Iyo kan Wejiga 3-aad oo ah  Xasilin, lana sameeyo dhismaha maamulka garsoorka, hey’addaha amniga, deegaanka iyo bixinta adeegga asaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, si ay bulshadu u dareemaan neecawda nabadda iyo in ay fallaagadii ka raysteen.

Haddaba marka ay jabeen Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug halkeey tahay inay u sii jeestaan?, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa shewegaya in Khawaarijtu Horjooyayaashooda iyo Maleeshiyaadkooda ay ku wajahan yihiin deegaannu ka tirsan Maamul-goboleeyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, si ay sii wataan howlahoodii guracnaa, balse loogama hari doono, waxaana lagu kala furi doonaan dagaalada xoreynta wajigiida 2-aad iyo kiisa 3-aad, madama uu kii 1-aad uu gababa ku dhow yahay.

Diyaarintii C/Ruush

Hawlgal ka dhacay Tuulada dhagaxow ayaa lagu dilay 49 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta

Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoos tagta deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe,howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

Sida la xaqiijiyey kooxda Khawaarijta ayaa halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo iyaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaalada dalka looga xoraynayey,iyadoo xoggaha la helay muujinayaan in khawaariijtu ku dhamaystireen dhaawacdii ay goobtan ku haysteen.

Howlgalka inta uu socday Khawaarijta waxaa laga soo furtay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku shahiiday inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray ilaa iyo saddex kale oo ka tirsan ciidamada qaranka.

Maleeshiyaadka la laayay waxaa ku jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad kamid ahaa kooxdii weerartay saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka Xawaadleey oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Khawaarijta oo bur buriyay Masjid ku yaalo degmada Ceel-dheer si aan loogu tukan

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa bur buriyay Masaajid Jaamicii degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo badan gacanta ku hayeen.

Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas lagu aqrin jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya hadii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah.

Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida Masaajid Cali-guduud, Masagawaa iyo Ceel-dheer ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo aan muddada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.

     

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka qaybgalay furitaanka ololaha dhirbeerista Soomaaliya oo Baydhabo ka bilowday

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  ka qeyb galay munaasabadda furitaanka ololaha Soomaaliya cagaaran ee Koonfur Galbeed, kaas oo ah mashruuc uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo qeyb ka ah ololaha dhir beerista ee Soomaaliya cagaaran ayaa maanta waxay geedo ku beereen qeybo ka mid ah xarunta madaxtooyadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, barmaajinka dhir beerista waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen), Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay ku-xigeenka Danjiraha QM ee Soomaaliya

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Adem Abdelmoula.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga Q.M. kala hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya  kala dhexeeya hay’daha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxyaabaha hortabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran.

Mr. Adem Abdelmoula ayaa dhankiisa ballanqaaday in Q.M. ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto xasilinta deegaannada dhawaan laga xoreeyey khawaariijta, si loo xaqiijiyo in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka soo kabtaan dhibaatada ka soo gaartey kooxaha argagixisada ah ee nolosha iyo horumarka u diidey.

     

Wasiirka Warfaafinta XFS oo wakiilada Beesha caalamka ku casuumay kulan ku saabsan mideynta fariimaha Dowladda

Kulanka oo ay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku casuumtay wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah waxaa diiradda lagu saaray mideynta farriimaha iyo macluumaadka hay’adaha qaranka si loo gaaro himilada dowladda ee dib u xoreynta iyo adeeg gaarsiinta bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa soo bandhigay istaraatiijiyadda dowladda ee ku aaddan warbaahinta iyo wacyigalinta bulshada iyada oo loo marayo isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu sameysay xafiiska Isku Xirka Macluumaadka Dowladda( Government Communication Office) oo loogu talo galay jiheynta iyo mideynta farriimaha dowladda ee ku aaddan dagaalka ka dhanka khawaarijta, iyo hirgalinta himilooyinka dowladda ee dib u xoreynta, dayn cafinta, daadajinta adeegyada bulshada iyo in dadka Soomaaliyeed ay gaarto farriinta saxda ah.

Wakiilada beesha caalamka,sida Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho, Wakiilka Midowga Yurub, Tina Intelmann , Danjiraha Kenya General Thomas Chepkuto, Ku Simaha Safiirka UK Eid Barnett, Chen Wendi Ku Simaha Safiirka China, Haakon Svana Ku Simaha Safiirka Norway iyo madaxa Warbaahinta ee Safaaradda Mareykanka Lary Soche oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay istaraatiijiyadda dowladda ee isku xirka macluumaadka iyo farriimaha dowladda iyo dhismaha Xafiiska Isku Duwidda Howlaha Warfaafinta Dowladda ( GCO ), iyaga oo balan qaaday in ay dowladda ku taagerayaan hirgelinta qorshaha mideysan ee ay la timid.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo gabo-gabada kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyay wakiilada beesha caalamka ka qeyb galka kulanka oo muhiim u ahaa jiheynta iyo horumarinta mideynta farriimaha dowladda iyo gaarsiinta dadka Soomaaliyeed farriinta saxda ah.

           

Madaxweynaha Kenya iyo Danjire Mohamed El-Amine Souef oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb: Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweyne Ruto iyo Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya sida xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida iyo taageerada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo loo marayo hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo adkeeyo dadaallada nabad-dhiska ee socda.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo xubno kale.

  

Ciidamada DF oo qaaday weerar Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidanka xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta weerar culus ku qaaday deegaanka Bacadka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo 10 KM ah.

Howlgal xooggan ayaa wali socda waxaana cadowga gaaray khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan, sidoo kale waxaa gacanta looga dhigay Gaadiid dagaal iyo hub.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay Khawaarijta ka saaraan deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo maamulka Galmudug.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo la kulmay Safiirka Dowladda Qatar

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda FS Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya mudane Dr. Cabdallah bin Saalim Al-nuaimi.

Wasiirka oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa ugu horayn uga mahadceliyey dowladda Qatar sidii quruxda badnayd ee ay uga soo dhalaashay martigelintii koobkii kubadda cagta adduunka ee Qatar 2022 oo saamayn gooni ah reebay.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa danjiraha dowladda Qatar la wadaagay dadaalada ay wasaaraddiisu ugu jirto dayactirka garoomada dalka, isagoo safiirka la wadaagay baahiyaha xagga garoomada iyo goobaha dhallinyaradu isugu timaado ee dalka ka jira.

Dowladda Qatar ayaa qorshaynaysa in garoomada guurguura iyo agabkii kale ciyaarihii koobka adduunka lagu qabtay loogu deeqo wadamada adduunka qaarkood.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay golaha malaaqyada dhaqanka ee Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay in kaalintooda odeynimada ah qaataan.

Kulanka odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyaha ayaa diirada lagu saaray sida wajiga 1-aad ee dib u heshiisiinta looga mira-dhalin lahaa, waxaana odoyaasha dhaqanka loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii madmadow ah ee Ka dhex jira bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa boggaadiyey doorka odayaasha dhaqanka iyo ilaalinta dhaqankeena ku aaddan xalinta khilaafaadka, taas oo ah mid soo jireen ah, islamarkaana ah mid laf dhabar u ah isdhexgalka iyo nabada bulshada Soomaaliyeed.