In ka badan100 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud

In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Mujaahidiinta Xoogga Dalka waxaa dagaalka uga Shahiiday 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay jabinta Khawaarijta.

Dawladdu waxay Ilaahay uga rajeynaysaa in uu shahaadadooda u aqbalo Mujaahidiinta Xoogga Dalka ee goobtaas ku shahiiday, iyadoo dhanka kalena hambalyo u diraysa geesiyaasha halganka adag kula jira Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka ka ciribtirto Khawaarijta oo hadda maraysa marxalad naf la caarinimo ah.

Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sacuudiga oo ka qeybgalay mahrajaan sanadeed ka dhacay Jiddah

Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa ka qeybgalay  mahrajaan sanadeed ka dhacay Magaalada Jiddah oo kagu soo bandhigayey Dhaqamada iyo caadooyinka 35 dal .

Bandhigaan oo ay soo gudbiyeen ardayda wax ku barata Jaamacadda maalik Ibnu Cabdi Casiis ,waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka Xarunta Jaamacaadda ee Jiddah, Amiirka Mandiqada Maka Al Mukarama iyo marti dharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenka Qunsuliyadda Soomaaliya Yuusuf Xasan Caddaan , la taliyaha Qunsuliyadda Cali Nuur Macalin iyo xubno kale oo ka socday Qunsuliyadda Somaaliya ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabaddaasi sanadlaha ah.

Qeybaha rdayda ee jaamacaddaasi ayaa munaasabaddaasi ku soo bandhigay dhaqamo iyo caadooyin ka tarjumaya dalalka islaamka

Guddoomiyaha Baarlamaanka FS oo la kulmay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samatabixinta ee K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samatabixinta ee Koonfur Galbeed.

Kulankaasi,waxaa dhinacyadii ka qeybglay ay diiradda ku saareen sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulankii xalay ayaa daba socda kulammo  muhiim ah oo looga hadlaayo sidii loo taabagalin lahaa xal ku aadan arrimaha shirka dib u heshiisiinta.

Khawaarijta oo saaka lagu jabiyay weerar ay ku qaadeen Galcad

Ciidamada Dowladda ayaa saaka jab xoogan u geystay kooxaha Khawaarijta,ka dib markii weerar naf-la-caari ah ay ku qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Gaalgaduud.

Xaalada magaalada ayaa hadda dagan waxaana si buuxda amniga gacanta ugu haaya ciidanka qaranka iyo dadka geesiyaasha ah ee deegaanka.

Waxaa jira khasaarooyin badan oo la gaarsiiyay khawaarijta.

Goor dhow la soco faah-faahin dheeraad ah

Maamulka Waxbarashada XFS oo xarigga ka jaray qeybo xusub oo lagu kordhiyay Jaamacadda Umadda

Maamulka Tacliinta Sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda XFS iyo maamulka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta Jaamacadda ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.

Dhismaha qeybahaan hool oo ay maalgaliyeen maamulka Wakaaladda TIKA ee Turkiga waxaa loogu magacdaray Abukaate Maxamed Cumar Saalixi oo kamid ahaa qareenadii ka qeybgalay dacwadii badda ee u dhaxetsay Soomaaliya iyo Kenya..

Labadaan dhismo ayaa mid kamid ah loo qorsheeyay in lagu qabro xafladaha qalin jabinta,halka midka kale loo asteeyay  garoon kubadeed.

Munaasabaddaasi xarigga looga jaray dhismaha cusub ee hoolalkaasi,waxaa ka hadlay Agaasimaha Tacliinta Sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda XFS  Ismaaciil Yuusuf Cismaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Dr.Xasan Cumar Mahad-alla,kuwaas oo ka mahadceliyay dadaalka Dowladda Turkiga,gaar ahaan Wakaaladda Dhismaha ee Tika.

Faadumo iyo Ismaaciil oo ah caruurtii uu dhalay qareen Saalixi,ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdaasi .

Waxaa kaloo xafladdaasi ka hadlay Madaa Wakaaladda Dhismaha ee Tika Ilhaami Turus,isagoo sheegay in ay sii hoofteyn doonaan howlaha gurmadka ah ee lagu taageeraayo umadda Soomaaliya.

 

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo qayb wayn ka qaadan doona dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta.

Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

    

Kulan casho sharaf ah oo xalay muqdisho loogu sameeyey Wasiirka arrimaha dibedda dalka Yemen

Waxaa kulan casho sharaf ah Muqdisho loogu sameeyey wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo maalmihii la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalkeenna.

Waxaa kulanka cashada ah kasoo qayb-galay masuuliyiin badan oo ka kala socotay golayaasha kala duwan ee JFS iyo qaar ka mid ah safiirrada safaaradaha dalkeenna jooga.

Wasiir Axmed Cawad oo hadallo kooban ka jeediyay munaasabadda cashada ah ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhoweynta iyo niyad wanaagga uu kala kulmay ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu soo dhoweeyey dalka iyo booqashadiisii rasmiga ahayd ee uu ku tegey wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

    

Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi

Nairobi- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’addaha Dowladda,hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn-cafinta oo qoddobka ugu muhiimsan uu yahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda,shirkan ayaa Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa gaaaridda natiijada barta loo yaqaano ‘kama-dambeysta deyn-cafinta’ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.

shirkaan ayaa waxa ka soo qeyb galay he’addaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Dalka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

      

Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’addaha Dowladda,hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn-cafinta oo qoddobka ugu muhiimsan uu yahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda,shirkan ayaa Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa gaaaridda natiijada barta loo yaqaano ‘kama-dambeysta deyn-cafinta’ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.

shirkaan ayaa waxa ka soo qeyb galay he’addaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Dalka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Ciidanka Xoogga ayaa Deegaanka Goof-guduud ku dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal ka dhacay deegaanka Goof-guduud ee gobolka Baay ku dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey wasiirka cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Xasan Cabdiqaadir oo ku sugan deegaanka.

Hawlgalkan ayaa sida la xaqiijiyey lagu dilay laba Horjoogeyaal sar sare oo ka tirsanaa Khawaarijta,horjoogayaasha la dilay ayaa waxa ka mid ahaa horjoogihii madaxa sirdoonka u qaabilsanaa kooxda khawaariijta goboladda koonfurta iyo bartahama Soomaaliya,sidoo kale waxa ka mid ahaa madaxii hawlgelinta goboladda Baay iyo Bakool.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur galbeed ayaa sidoo kale warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in khawaariijta laga gubay Baabuur ciidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa shalay ku dhawaaqay in hawlgalka dib u xorraynta dalka wejigiisa labaad ka bilaabi doono deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed.