KA FAA’IIDEYSIGA KHEYRAADKA BADDA WAA LAMA HURAAN

Badda cas iyo bad weynta Hindiya ayaa labaduba Allah swtc ku maneystay Dalkan Soomaaliya.

Badda ugu xeebta dheer Africa ayaa marta melo badan oo dalkaan ka mid ah taasoo ay ay ceegagan kheyraad tiro badan oo ahmiyad u leh Dibbad u dhoofin . waxaa ku jira badda gudaheed kalluun kal;a duwan oo kala magac leh balse kan ugu wacan ayaa hadana ah midka loogu Jaceylyahay Dunida(yuunbi) ama Grelled king fish.

Inkastoo ay jiraan Kalluumaysati istood uga jalaabta xeebaha Dalka ayaa hadana aysan ka marneyn kuwo iskaashato ah oo ku kalaha Badda si ay u helaan kalluun, yaxaas oo beryahan hoos udhac ku yimid, aargoosato ayaa hoos u dhac weyn ku yimid iyadoo markii hore la dhoofin jirahy.

Yaxaaska iyi Yibiriga ayaa suuq wacan Soomaalidu ku laheyd Barriga Africa ilaa Koonfur Africa kaasoo Maliixaan loo dhoofin jiray dalalka  Tansaaniya. Namiibiya iyo Koonfur Africa taasoo haatan mesh aka baxday.

Waxaa muuqata hoos u dhac ku yimid qalabkii, Maraakiibtii kalluumaysiga oo runtii aan howgalin imika sida Shirkaddii Soomal fishi oo bur bur tay.

Sidaasi oo ay tahay waa in la abiyaa ama la dhisaa hab iskaashitio kalluumaysi oo leh Maraakiibta Kalluunka oo ay u dhan yihiin tashiilaadkooda sida Qaboojiiyaal, qalabka Shabaakta dabashada taasoo kaalin wax ku ool ah ka ciyaaratysa kobcinta dhaqaalaha Dalka.

Sare u qaadista habka Kalluumaysiga iyo kala soo bixidda kheyraadfka kala duwan ee dhex jiifa Badaha dalka waa mid lama huraan ah si markaasi logo faa’ iidaysto kheyraadka badda ku jira oo aad mooddo in dad shisheeye iyo maraakiib kale si xattooyo ah oo qarsoodi ah ku xaabsadaan kheyraadka Dalka.

Inkastoo aysan jirin hab wacan ee lagu kontroolo sidii loogu hortagi lahaa kuwa caadeystay in sharci daro ku gurtaan kheyraadka badaheena kuna soo xad gudbaan Xudduuda baddeena iyadoo dhowr jeer looga digay inay kusoo xad gudbaan.

Waa in sharci lala tiigsadaa Maraakiibta lagu helo falkaasi xad-gudubka ahee gurashada kheyraadka Badda Soomaaliyeed.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waa in ahmiyad gaar ah loo yeeshaa soo celinta habkii casriga ahaa ee Kalluumaysiga Maraakiibta dalka si kor loogu qaado Ganacsiga iyo dhoofinta waxyaabaha ku jira Badda.

Waa muhiimad hiigsi wacan leh ka faa’iideysiga iyo ka ganacsiga kheyraadka Badaha dalka ku jira.

WQ: Ibraahim Fanax

 

 

SHIRKADAHA SOOMAALIYEED OO MAALGASHANAYA DALKOODA

Waxaa wadanka dib ugu soo laabtay Muwaadiniin Somaaliyeed kuwaasi oo  Dal-tabyo muddo dheer ay haleshay, waxay xiiso iyo jaceyl u qabeen dalkooda Hooyo oo ay muddo dheer ka maqnaayeen.Waxaana ay hadda dad badan dib ugu soo laabteen Waddankooda ayigoo go’aan ku gaaray inay Maalgashi dhan walba leh ay ku sameystaan si ay kor ugu qaadaan bilicda, haybada iyo horumarka Magaalooyinka waaweyn.

Waxaa la dareemay inay isa soo tarayaan maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabtay dalka waxayna bilaabeen Ganacsi kala duwan ayagoo ka eegaya Baahida markaasi ka jirta Goobta, Degmo ama Caasimad.

Waxaana ay dabooleen qeybo badan oo ganacsi sida-Hoteelo , Carwooyin, Makhaayado heer sare ah, Cafeteria, Shirkado kala duwan, wax soo saarka Beeraha, abuuris Warshado yaryar, Shaqo abuur, mahrado Ganacsi oo kala ceyn ah kuwaasi oo guud ahaan ka jira Dalka oo idil siiba Gobollada.

Waa arrin yadadiilo leh Muwaadiniinta dalka dib ugu soo laabtay in ay go’aan sadaan Maalgashiga Dalka. Waa mid bilow wacan ah waana wadiiqo furraysa in ay u sii gudubto mid sare oo soo jiidata Shisheeyaha  daneeya Maalgashiga Soomaaliya.

Arrintani ayaa loo arkaa kolkii muwaadin arkeen in Soomaaliya ka soo reynayso ayna tahay xilligii Dalku lagelin lahaa Fikirka Ganacsi ee horumarsan iyo soo wax soo saarka dhinacyada badan  in diirada la saaro sida horumarinta wax soo saarka beeraha, Kalluumeysiga, xanaanada Xoolaha, Warshadaha iyo Dalxiiska.

Waa arrin loo riyaaqo marka aan aragno dhallin yaro dalkooda  daneeynaya Maalgashigiisa.

Maalgashigu waxa uu leeyahay ujeedo badan oo runtii maldahan, waa marka hore waxa uu abuuraya shaqo taasoo dhalin yaro badan oo aan waxba heyn ay shaqo helayaan.

Tan labaadna waa horumar iyo saami Ganacsi oo dalka kusoo kordhay  ayadoo Faa’iido dhinacyo badan leedahay. Muwaadiniinta waa inay kusoo dhiiradaan maalgashiga Waddankooda halkii ay dibad joog dal kale bulaalin lahaayeen.

Waa lama huraan dalkaaga hooyo waana mid aad asal u leedahay hadaba ku dhiso ku dhaqo kuna bulaalaal.

Waxaa aad u mudan ganacsatadeenna oo u soo jeesatay in ay dalkooda maalgashadaan durbana waxaa kor u kacay bilicda magaalada muqdisho oo habeen iyo maalinba siraadan oo quruxda maasha allaah ay adduunku layaaban yihiin, waxaana ku boorinayaa ganacsatadeenna inay halkaasi ka sii wadaan horumarinta dalkooda iyo dadkooda si ay ugu dhiiradaan maalgashadayaasha caalamka inay dalkeenna wax gashtaan.

WQ: Ibraahim Abokor Ali

 

FOORNOOYINKA OO DABOOLAY BAAHIDA BULSHADA

In kastoo meesha ay ka baxday foornooyinkii casriga ee caanka ku ahaa soo saarka roodhi tayo leh sida kuwa laga soo saari jiray foorno asaan iyo foorno lawriya ayaa haddana waxaa soo if baxay kuwo daboolay baahida bulshada ee maalinlaha ah ee isticmaalida roodhiga quraac iyo casho ahaan.

Foornooyinkaan ayaa waxaa laga heli karaa meel kasta sida xaafadaha iyo degmo kasta.

foornooyinka ayaa soo saara noocyo kala duwan ee roodhi oo lagu kala magacaabo sida ay soomaalidu u taqaanno, Baano olyo, Abuukeey oo ah mid adag, iyo nooca la galyo qudradda iyo hilibka waa kuwa hanbeegarka loo isticmaalo.

waxaa kaloo ay soo saaraan Doolsho, Buskud, ayadoo xiliyada ciidaha iyo aroosyada halkaas dadku ay geystaan Buskud si loogu sameeyo, waana iyadoo aad ka mehrado badan ka heli karto noocyadan kala duwan ee foornooyinka soo saaraan.

buskudyo bacaysan oo kala heer ah ayaa lagu iibiyaa doolsho ama keek waa ka mid.

Tani waa howl loo baahnaa in mar kasta ganacsatada isha ku hayaan waxa bulshada u baahi qabto oo ay ka haqab tiraan, arrintani ayaa ah mid dad badan ay ku tiirsan yihiin ka ganacsigiina oo ay k soo saartaan faa’iido si ay u kaabaan biilka reerka.

halka kuwa is kaleh madbaqa ay muujiyeen dadaalku adaan wax soo saarkooda kaasooah mid hada lagu diirsaday oo kaafiyey bulshada goor walbana aad ku arkeysid suuqa waaweyn ee magaalada iyo hareerooyinka laamiyada xiliyada habeenkii.

goobo badan ayaa u furan ganacsigaasi waana arin lama huraan aheyd waxaa bogaadineynaa kuwa soo saara rootiga balse ay ka daayaan beeqaaminta tayada rootiga oo aad u yaryar.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali Fanax

CIDINA MA HELEYSO AMMAAN ILAA DADKA OO DHAMMI AY HELAAN AMMAAN

Cidina Ma Helayso Ammaan Ilaa Dadka oo dhammi ay Helaan Ammaan
“Aragtida Shiinaha ee ku aadan Maamulidda Amniga Dunida”

“Xoojinta isku duubnida iyo isku xirnaanta si loo gaaro amni mid ah” ayaa waxaa uu ahaa halku-dhegga kulanka 2-aad ee heer wasiir ee madasha Amniga iyo Nabadda ee Shiinaha iyo Afrika, kaas oo la qabtay dhowr todobaad ka hor July 25. Madaxweyne Xi Jinping oo dhambaal hambalyo ah u diray madasha ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in Shiinaha iyo Afrika ay yihiin saaxiibo, shuraako iyo walaalo, oo u wada shaqeeya si wadajir ah, isna garab istaaga dhib iyo dheefba.

Dunidan waxaa hareeyey isbadallo caalami ah iyo cudur safmar ah oo aan qarni la arag. Waxaa ay khataraha amni usoo ifbaxayaan midba kan ka dambeysa halka bulshooyinka caalamka ay wajahayaan caqabado aan horay loo arag. Xaqiijinta nabad waarta iyo amni caalami ah waa han ay wadaagaan shucuubta Shiinaha iyo kuwa Afrika.

Shiinuhu waxaa uu mar weiba hormariyaa xiriirka kala dhaxeeya Afrika iyo ka go’naanshiyaha taageeridda maslaxadda guud ee ku aaddan xaqiijinta danaha midka ah, kuwaas oo ku qotoma mabaadi’da daacadnimada, niyad wanaagga, isu soo dhowaanshiyaha iyo gaarista hadaf mid ah.

Shiinaha waxaa uu kala shaqeyn doonaa saxiibbada Afrikaanka ah, u hoggaansanaanta aragti amni oo guud, mid ah, la iska kaashado, oo waarta iyo ilaalinta nidaamka dowliga ah oo ay xuddun u tahay Qaramada Midoobay, iyo ilaalinta cadaaladda iyo cadaaladda dowliga ah, xoojinta fulinta hindisaha amniga dunida iyo dhismaha bulsho leh masiir mid ah oo ku aadan casriga cusub.

Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha Wei Fenghe oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Shiinaha iyo Afrikaba looga fadhiyo iney ku adkaadaan isfahamka saxiibtinimo iyo iskaashiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika, iyada oo la raacayo hindisaha amniga ee dunida iyo weliba in si qotodheer loo sii taageero iskaashiga nabadeed iyo midka amni ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika iyo in wadajir ah loo dhiso bulsho amni. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka qeyb galay shirka ayaa waxaa uu sheegay in iskaashiga amni ee Shiinaha iyo Afrika uu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo dunidaba taasi oo ay ku jirto danaha bulshoweynta caalamka.

Inta u dhaxeysay June 20 ilaa 21 June, waxaa Adis Ababa, Itoobiya lagu qabtay shirka 1-aad ee Shiinaha iyo Geeska Afrika oo ku saabsanaa nabadda, dowlad wanaagga iyo horumarka. Dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Djibouti, Kenya, Uganda, Sudan iyo koonfurta Suudaan ayaa shirka usoo diray wafuud heer sare. Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan geeska Afrika oo shirka lagu casuumay ayaa khudbad ka jeediyey.

Dhinacyada waxaa ay guud ahaan isla soo qaadeen aragtiyo sidii si madaxbannaan oo wadajir ah loo wajihi lahaa arrimaha amniga gobolka, horumarka, maamulka, iyaga oo gaaray heshiis muhiim oo lagu soo saaray warmurtiyeedka soo baxay shirka kadib, laguna xusay teegeeridda feker kala duwanaanshiyaha, diidmada cunaqabateynta halka dhinac ah, faragelinta dibadda ah iyo weliba in wada hadal lagu dhameeyo wixii khilaafaad ah oo jira.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sanadkan mar uu booqasho ku yimid Afrika waxaa uu soo bandhigay aragtida nabadda iyo horumarinta geeska Afrika, taasi oo ay soo dhoweeyeen dalalka ku yaalla geeska Afrika.

Shiinaha waxaa ay taageerayaan in dalalka gobolka ay si madaxbannaan u xalistaan qadiyadaha gobolka, waxaa uu si firfircoon uu xikmadiisa ugala qeyb qaatay dadaalada la xiriira nabadda iyo horumarinta gobolka. Waxaa mahadleh dadaallada wadajirka ah ee Shiinaha iyo Afrika, oo waxaa bilowday hirgelinta guushii ka dhalatay aragtida shirkii ugu horeeyey ee nabadda gobolka kaas oo tarjumayey sifada ay ku caan yihiin Shiinaha ee la xiriira fulinta iyo dhowrista ballamaha u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika si waxtar leh, oo u adeegeysa iskaashiga iyo hadafka lagu heshiiyey.

Iyada oo uu Shiinaha soo bandhigay aragtidan nabadda iyo horumarinta geeska Afrika ee lagu taageerayo dalalka gobolka sidii ay u wajihi lahaayeen caqabadaha amni, horumar iyo maamul, hadana waaqica horteenna ah waxaa uu noo sheegayaa in hannaankaas nabadda iyo horumarka uu wajahayo khataro halis ah, oo aan horay loo arag. Waqtiga la joogo waxaa dunida meel walbo weli cirka isku shareeraya Covid 19.

Iyada oo ay dhibaatada Ukraine kasii dareyso, siina faafeyso, taasi oo keeneysa sare u kac la xiriira qiimaha cuntada iyo tamarta, waxaa dhammaan hareeraha dunida kasoo ifbaxaya kharato iyo caqabado amni oo horay u jiray iyo qaar cusub.

Xilligan xasaasiga u ah nabadda caalamka iyo horumaraba, waxaa uu soo jeediyey madaxweynaha Xi Jinping hindisaha amniga dunida taas oo jawaabo cadcad ka bixineysa su’aalaha casriga sida: Aragti amni noocee ah ayey dunida u baahantahay iyo sida dalalka u gaari karaan amni guud, kaas oo bixinaya aragti muhiim ah, xal cusubna u ah maamulidda amniga dunida.

Hindisaha amniga dunida waxaa uu xoogga saarayaa mabda’a amniga oo aan kala qeybsamin kaas oo ah (1). Ma haboona in la kala saaro amniga qofka iyo amniga dadka kale, horumarrada qotada dheer ee dunidan, basharka oo dhan waxaa ay wajahayaan masiir mid ah, keliya in la qaado halka hirka u socdo, lana maro waddo amni oo ay ka muuqato wax wadaqabsi mid ah, masaalix wadaag iyo guul labo dhinac ah oo laga wada shaqeeyo ayaa lagu gaari karaa nabad iyo amni muddo dheer ah oo ku aadan nafteena iyo dunidaba.

(2). Ma haboona in la kala qeybiyo amniga horay loo yaqiin iyo midka cusub, marka laga soo tago khatarta amni ee ay argigixisadu keento, cudurka Covid 19, cunno iyo tamar yarida khatartoodu kama fududa, bal waaba dilaa. Dalalka oo dhan waxay baahi weyn u qabaan in ay iskaashigoodu xoojiyaan iyo in ay qaataan istaraatiijiyad guud oo la xiriirta in dawo loo helo astaamaha iyo waxa keena, loogana jawaabo guud qadiyadaha amni kuwa horay loo yaqaaney iyo kuwa cusubba. (3). Ma haboona in la kala qeybiyo xuquuqda amni iyo waajibaadka. Dalalka oo dhan, weyn iyo yar, mid xoog leh iyo tamar yar, mid hodan ah iyo faqiir ah waxay xaq u leeyihiin ilaalinta amnigooda, sidoo kale waxaa uu waajib ka saran yahay in ay hubiyaan xaquuqdaasi ay isticmaaleen aaney khatar amni gelin dalalka kale. (4). Ma haboona in la kala saaro amniga iyo horumarka, amniga waa aasaaska horumarka halka horumarka uu yahay dammaanadqaadka amniga.

Taariikh ahaan waayo-aragnimadu waxaa ay na tusayaa in daahis dabadheeraata oo ku timaada dhanka horumarka waxaa ay isku badashaa daahis amni. Haddii qadiyadaha amni aan si wacan loo maareyn, guulaha horumar ee la gaaray waxaa ay ku burburi karaan maalin iyo habeen.

Keliya iskudheelitirka horumarka iyo amniga ayaa noo suurtogelin kara nabad waarta iyo baraare guud.
Iyada oo laga jawaabayo qalalaasaha ka taagan dalka Ukraine, dhammaan waddamada jecel nabadda, oo uu ku jiro Shiinaha, waxay ku baaqayaan in la joojiyo xabadda iyo colaadda, in gacan laga geysto dejinta xaaladda, bixinta gargaar banii’aadamnimo, iyo in loo gogol xaaro in nabadda aan la dib dhigin,oo degdeg lagu soo celiyo.

Laakiin waxaa jira dalal qaar oo dib u dhigaya, oo carqaladeynaya wada hadallada diblomaasiyadeed iyaga oo leh dano la xiriira geopolitics, waxaa ay doorteen in ay cunaqabateeyaan, ayna hub usoo diraan si ay dab ugu shidaan, xaaladdana iska hor imaadkana uga darto.

Halkii la xalin lahaa dhibaatada taasi waxaa ay horseeday in heerka loolanka oo sii ballaarto, si aad ahna kor ugu kacaan qiimaha shidaalka iyo cuntada. Cunaqabateynta dhaqaale waxaa ay horseedday natiijo caski ah, oo waxaa ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo dad badan oo ku nool dalalka soo koraya.

Dhibaatada Ukraine waxay nooga digaysaa, weliba si aan loo riyaaqin, in dunida isku xiran tahay, oo qaarkeen haddii ay dhibaato soo gaarto, ay inta kale ay la dhibaatoonayaan. Xaqiiqooyinka waxaa ay na tusayaan in cunaqabateyn dheeraad ah iyo hub tiro badan aaney keeni karin nabad, balse ay uga sii darayaan uun dhibaatada dhaqaale ee caalamkan la daalaa-dhacayey cudurro.

Shiinuhu waxa uu rumeysan yahay in mar weliba oo dunidan hareeyo qalalaaso ay sii adkeyneyso caqabadaha iyo dhibaatooyinka heysta Afrika, waa inaan fiiro gaar ah u yeelanno rabitaanka Afrika, badinno taageeradeenna iyo kaalmaha aan siinno Afrika, innaga oo ah walaal wanaagsan ay leeyihiin dalalka Afrika, Shiinuhu waxaa uu sii joogteyn doonaa inuu garab istaago Afrika, in Afrika aad uga taageero amniga iyo nabadda iyo in Afrika ka taageero dib u kabasho dhaqaale, si aad ah Afrika uga taageero dhowrista xuquuqdeeda iyo danaheeda sharciga ah, iyo in Afrika la siiyo gacanqabad waajib ah oo la xiriira madaxbannaani iyo horumar dhan walba kulmiya oo waara.

Shiinaha iyo Afrika waxay abid ahaayeen bulsho mustaqbal wadaag ah, iskaashiga amnina waa mid ka mid “Tiirarka shanta” ah ee aasaas u ah wax wada qabsiga Shiinaha iyo Afrika. Sanadihii dambe waxaa ay si firfircoon usoo jeedin jirtay talooyin la xiriira amniga iyo nabadda Afrika.

Marka laga soo tago aragtida nabadda iyo horumarka ee geeska Afrika, Waxaa ku jiray “sideeddii hindise ee muhiimka” ahaa ee Shiinaha iyo Afrika ay ku gaareen shir madaxeedkii ka dhacay Beijing 2018 ee madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika(FOCAC) hidise la xiriira nabadda iyo amniga, sidoo kale “Sagaalkii Barnaamij” ee lagu gaaray shirkii 8-aad ee heer wasiir ee iskaashiga Shiinaha iyo Afrika(FOCAC ) ee 2021 waxaa ku jiray barnaamij la xiriiray nabadda iyo amniga.

Hindiseyaashaasi iyo barnaamijyadaasi waxaa ay tixgeliyaan duruufaha dhabta ah ee Afrika, waxaa ayna ka tarjumaan baahida Afrika, waxaa ayna Shiinaha iyo Afrikaba siiyeen hab aad u cadcad ah, lana xadidi karo iyo xariiq dhismo oo ay si wadajir ah bulshada Shiinaha iyo Afrika ugu lahaadaan mustaqbal aamin ah, oo ay wadaagaan.
Kalsoonida siyaasadeed ee ka dhaxeysa, taas oo sii xoogeysaneysa iyo iskaashiga adag ee saxiibtinnimo ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika waxaa ay tusaale u yihiin dhismaha nooc cusub ee xiriirka caalamiga ah, oo lagu yaqaan furfurnaan iyo isu keenid.

Dhinacyada dhammaantood waa in ay meel iska dhigaan caqliyaddii dagaalkii qaboobaa oo ay, iska hor imaadka ka doortaan wada hadal, is qasbidda ka doortaan wada tashi, xulufeysiga ka doorbidaan shuraakada iyo in hal dhinac guuleystana ay ka doortaan in la wada guuleysto.

Waa waddada keliya ee looga gudbi karo hummaagga amni, laguna xaqiijin karo amni caalami ah iyo barwaaqo mid ah.

May sanadkan, waxa boorka laga jafay doorashooyinkii Soomaaliya, waxaana dalka u furmay bog cusub oo ku aaddan in la aado dhanka amniga iyo horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si cad ugu sheegay xafladdii caleemosaarkiisa in amnigu yahay waxyaabaha hortabinta u leh xukuumadda federaalka ah, Soomaaliyana ay ka go’an tahay in dhexdeeda heshiis ahaato, dunidana ay heshiis la ahaato.

Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeyo xiriir saxiibtinnimo, qoto dheer oo taariikhi ah, waxaa ay mar walba ahaayeen labo is fahamta, is xushmeysa, iskana taageerta dhinacyada amniga marka la joogo heerarka la xiriira kuwa labba geesoodka ah ama qaarka dhinacyada badan, waxaa ayna si wada jir iskaga kaashadaan caqabada amni ee kala duwan, ha ahaadeen qaar horay loo arki jiray ama qaar cusube.
Dhanka Shiinaha waxaa uu sii wadi doonaa inuu si dhow ula shaqeeya xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo xoojiyo xiriirka saxiibtinnimo oo taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya iyo in inta karaankiisa ah uu dadaal ku bixiso in dhinaca Soomaaliya laga taageero dhinacyada nabadda iyo amniga iyo ka qeybgalka dib u dhiska nabadeed ee Soomaaliya.
Haddiiba uu cudurka Covid 19 wax na baray, cidina caafimaad fiican ma helayso ilaa dadka oo dhammi helaan caafimaad wanaagsan, maanta marka Bini’aadamka oo dhammi wadaagaan masiir amni oo mid ah, ma jirto cid gaar ah oo amni helaysa ilaa dadka oo dhammi ay helaan amni, taasina waa aragtida dhabta ah ee amni ee Shiinuhu u arko in ay ku jirto dannaha caalamka.

WQ: Ambassador Fei Shengchao, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

MASKAX LA TUUJIYEY AYAA LAGU KALA TAGEY

Dhinaca dagaalka iyo difaaca, Aadane maskaxdiisa adeegsadey, ayaa sanadkii 1364 soo saarey qori ay xabadi ka dhaceyso, kaas oo waxba kama jiraan ka dhigey aragtiyadii dagaalka iyo difaaca ee ka horreeyey, kuwaas u badnaa; waran, gamuun, tooreey, faas, seef iyo qaar kale oo gacanta laga isticmaalo.

Aragtida sameynta gantaalada iyo bambooyinka, ayaa noqdey qaar ka saameyn badan qoriga xabbadda yari ka dhaceyso, waxaana laga tagey qofkii adeegsanayey qoriga yar.

Sameynta hubka Bayooloojiga iyo Kiimikada ah, ayaa noqdey aragtiyada ugu khatarta badan ee ka soo maaxatey maskax Aadane, waxayna waxba kama jiraan ka dhigeen, wixii hub dagaal iyo difaac hore loo heystey.

Sida ay qabaan dad badan, Antrax, Ebola, HIV, Smallpox, COVID19 iyo qaar kale, waxay hor dhac u yihiin, tijaabooyin lagu sameynayo adeegsiga Bayooloojiga iyo Kimistariga, si loo burburiyo nolosha iyo dhaqaalaha Aadanaha.

Fikradaha sameynta iyo diridda Dayax-gamceedka (1957), sameynta Computer-ka (1942), iyo noocyada kale ee tijnoolajiyadda ayaa ah aragtiyo laga soo dhalaaliyey maskaxda Aadanaha, waxayna noqdeen kuwa Aadanaha kala saaray, una sameeyey qeybo aan isku hormar iyo awood aheyn.

Aragti kasta oo maanta shaqeynaysa, berri waa laga sii tagayaa, waxaana hadda socda aragtiyo xiran oo kaliya dadkii soo saarey ay adeegsan karaan, inta kalana haddii ay u baahdaan ay ku qasban yihiin in ay sii maraan dadka leh hal-abuuriddeeda.

Soomaalidu, waxay ku jirtaa umadaha tiro ahaan ugu yar dunida, jir ahaan ugu daciifsan, dhaqaale ahaan ugu hooseeya, midab iyo muuqaal ahaan la yaso, haddana waxay weli aaminsan yihiin in ay xoog xal ku heli karaan, taas oo ah mid aan dhici karin.

Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira, nooc kasta oo ay yihiinba, xaqiiq waxaa ah haddii la tuujiyo, lana isticmaalo maskaxda, in dhammaan xal loo heli lahaa. Warka badan, gacan ka hadalka badan, iyo hurdada badan waxay calaamad u yihiin in aysan maskaxdu shaqeynayeyn.

Hadda, waxaa lagu mashquulsan yahey sidii loo heli laha ama loo soo saari laha, aragtiyo lagu koontoroolayo dareenka, iyo garaadka dadka, taas oo keeni karta in maskaxdaada lala wareego, lagana dhigo mid la hoggaamin karo si toos ah, waxayna ku bilaaban doontaa, chip yar oo jirkaaga la gelinayo, laguna qasbanaan doono. aragtidaan hadda waxay ku jirtaa tijaabooyinkeeda ugu horreeya.

Kheyraadkii dhulkeena, innaga oo aan ka faa’iideysan, ayey hadda dunidiiba ka maaran tahey, innaguna ka soconeynaa, maskaxdiina, innaga oo aan isticmaalin ayey hadda ku dhowdahey in lala wareego, maxaa inoo xal ah?

Ogoow, waxkasta oo maanta kuula muuqda wax aan dhici karin, waxaad arkeysaa berri iyaga oo dhacay ama dhacaya.

Malaayiin aragtiyo ah ayaa maskaxdaada ku jira ee imisa ayaad hubtaa inaad la soo baxdey?

WQ: Dr. Maxamed Aadan Koofi

 

XAAJO MEEL AYSAN JIRIN LAGAMA GOOBO

Howlaha iyo Xaajooyinka marka la rabo in la guto waxay leeyihiin marriinno loo maro, haddii aadan aqoonna waa laga fogaadaa, waayo waxaad laga yaabaa inaad lugaha la gasho dhiiqo iyo inaad kala kulanto waji gabax.

Wuxuu yiri abwaankii- Howlaha adduunyada waa kuwaa is heysto aan kala hareyno Hammigiyo faraxuna midba waa halkiisee

tala bixintu iyo tiraabtuba waxay u baahan yihiin in wax badan la rog rogo si loo waafajiyo halkii ay mudneyd ujeedada iyo tilmaantuna waa  toosin iyo tixgelin.

haddaba dulucda maqaalkeyga waa mus’uulka daacadda ah iyo dowga laga rabo.

mar haddii lagu doorto oo dowlo lagaa dhigo dal dhis iyo dad wax u qabasho ayaa lagaa rabaa doonayaa, wixii aan dantooda ahaynna waa laga fogaadaa.

sumcad xumada dalka iyo dadka waa laga ilaalshaa, barwaaqo sooran iyo dal barwaaqo inaad ka dhigtaa la doonayaa, daacad inaad ahaataa la doonayaa, daciifnimo inaad ka dheeraataa la doonayaa, doolar iyo diinaar inaad u keenta la doonayaa, shidaalka dihan inaad dibadda keentaa la doonayaa, dayuuska, daydayga iyo dilaaga  inaad dabargooysaa la doonayaa, intaasoo wada da’ah iyo wax ka badan ayaa la doonayaa.

haddaba, tallaabada ugu habboon ee mas’uulka laga rabo waa inuu la tashado dadkiisa iyo kuwa talada kala dhaxeyso ee ugu habboon ama uu ku tuhmayo daacadnimo iyo Alle ka cabsi.

haddaan dib uraacno talooyinka muslinka nabigeenna muxamad Scw wuxuu la tashan jiray asxaabtiisa mana ahayn mid isku kooba talada.

wadiiqada ugu habboon ee aan umari karno hoggaaminta waa inaan ku dayano isaga iyo khulufaa’u raashidiin si looga baaqsado guuldarrada cadowga kula damacsan yahay adiga iyo hoggaamintaada.

ha u dabcin hana u jixin jixin koox kasta oo dooneysa dib u dhac, caddaalad darro, qabyaalad, eex iyo nin jecleysi, ummad kastoo muslim ah waxay mahdiyaan hoggaanka wanaagsan waxayna eedaan oo dhibaato ku dhacdaa hoggaanka xun.

guushu waxay u baahan tahay adkeysiimo, ka fiirsi iyo daacadnimo, markaas ayaa waxaad gaareeysaa meel aan cadowgaadu kula rabin oo wanaagsan.

muslimka toosan ilaah baa garabkiisa ah, mas’uul kasta waxaa habboon in uu iska ilaaliyo Diin laaweyaasha iyo kuwa gacanta dhiigga ku leh ee ku soo dhuuman kara taliskiisa, hana soo dhaweysan ruuxa xun, hana ku tixgelin qabiil iyo xisbi toona, waayo wuxuu doonayaa inuu dilo sumcaddaada iyo sharafka qarannimo ee aad hoggaanka ka tahay.

weligaa runta sheeg oo been how sheegin dadka aad hoggaamiso,  la wadaag dhacdooyinka hadey xun yihiin iyo haddey san yihiinba, waayo way kula qaadanayaan ama way kaala talinayaan, iska jir kuwa ku siinaya talooyinka khaldan, waxaa la yiri wixii aad qarsato way ku qarsadaan dadka aad hoggaamineysana mas’uulow way ku jeclaanayaan.

Dardaarankuna waa dadka iyo dalka daacadnimo ku hoggaamiya oo ummadda u horseeda nabad iyo ammaan, sheekaduna waa nin la sugaayow maxaad sugi.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

 

TUUGSI IYO TACBASHO KALA MUUNAD ROON

Dhowr iyo soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxaa dalkeena ku habsaday dhibaatooyinka ka dhashay dagaallo sokeeye oo aan anaga qudheenu iba-furkooda lahayn, hayeeshee aanu afarkooda awoodi kari waynay oo aanu illaa maanta la tiicayno.

Abaaro, bara-kac joogto ah, cudurro, fahaado, sicir barar, biyo la’aan iyo baad yari, iyo dac-darro dad iyo duunyoba basarkii iyo bahdii ka dishay ayaa kaalimaha hore kaga jira waxyaaba aanu collaadaha ka dhaxalnay oo miyi iyo magaalo bulshadii baylahda dhan walba ah u horseeday.

Hooggii iyo hagaaskii dhibaatooyinkaas ka dhashay ayaa kumanaan soomaali ah  ku riixay inay dalaabaan oo ay dalal shisheeye u tacabiraan nolol feecan baadi goobaya, carrigooda hodankaana ay jinnigii  isha caddaa ka nebcaadaan  oo isaga huleelaan.

Socdaal ay halis baaxad lihi ku gadaamantahay oo dhimasho iyo dhur xumo kale leh ayay isku biimeeyaan ayagoo halku-dhaggii caan baxay oo ahaa ” ama yurub ama yaxaas” laabta ku qabowsanaya oo aan miyir iyo maamin kale toone lahayn.

Kuwaa buufiska baahida huwane qaaday garanaye, waxaa ayaguna jira qaar ay abaaraha iyo fatahaaduhu cayrteeteen ama deegaankoodii collaad uga bara kacay oo magaalooyinka buushash iyo cooshado ka ag waabtay, yididiilladooduna ay ku soo ururtay kaalmada danaha shisheeye ku daaban ee ay hay’aduhu bixiyaan.

Qaarkood qabkii iyo iimaankii ayaaba ka dhintay markaa bay baryadii Illaahay iyo maciinsigiisii ka hormariyeen tuugsiga iyo gacma hoorsiga faranjiga, marka  noloshooda ka waramayaanna ka billaabaya “waanu  dhibaataysannahaye hay’aduhu si deg deg ah ha nooga soo gaareen”.

Ayaga qura ma ehee soomaalida oo dhan ayuu dawarsigu meherad u noqday oo qolo waliba waxay ku leeyihiin keligeen waxba ma qabsan karno haddii aynaan taageero helin oo aan waxaa iyo waxaa laynaga gacan siin, caalamkuna inoo soo gurman.

Warbaahintu markay qof abaar, fatahaad ama collaadi saameysay wareysanayaan wuxuu yidhaahdaa” waxaan baaq u dirayaa hay’adaha caalamka, haddii aan si deg deg ah laynoogu soo gurman waxaan qarka u saarannahay inaanu gaajo iyo harraad u baaba’no iwm”.

Dhawaqyada caynkaas ihi waxay kansho dhaqaale u noqdeen boqolaal urur oo magaca soomaaliyeed qaaraanno badan ku aruursada, magaallo walbana intay xeryo iyo daashad ka samaysteen yidhaahda dadka tabaalaysan ayaan u gargaaraynaa.

Kooxahaasi dhowrkii biloodba waxay soo saaraan warbixinno ay ku sheegayaan in dalka soomaaliya uu halis ba’an wajahayo, loona baahanyahay in in malaayiin doolar loogu deeqo si noloshada dad badan loo badbaadiyo tusaale waxay dhahayaan” 2.5 malyan oo soomaali ah ayaa macaluul la il-daran, haddii aan deg deg loogu soo gurmanna dhimasho ayay qarka u saaranyihiin”.

Howlaha caynkaas ah ayay 30 sanadood ka badan ku caano maalayeen, mana muuqato tab iyo xeelad looga gudbi karo qorshahan bah-dilaadda xambaar oo astaanta saboolnimada mageceenna ku ladhay.

Waa run oo haddii ay dhibaato culuse inagu habsato waan u baahannahay garab istaag iyo gacan siin, balse ma aha inaanu abbaar iyo aaranba u hanqal taagno sandareerto iyo deeq yaroo dullinimo huwan, tabcashada iyo isku tashigana inaga hor istaagaysa.

Haddaba waxaa habboon inaanu dhammaanteen xoogga saarno sidii aanu maskaxdeenna iyo muruqeenna u maali lahayn, cuuryaanimada iyo cindi xumaanta maankeena  ku dahaaran oo wax-qabsiga noo diidanna aanu iska tirno oo isku tiirsanaan iyo tanaadnimo  u tafa-xaydanno.

W/Q: Abwaan Hareeri

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Taliye Ku-xiggenka Danab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyey geerida Saraakiisha iyo ciidanka ku shahiiday Galcad.
Madaxweynaha ayaa xusay sida geesinimada iyo naf hurka ah ee ciidamadu ay u jabiyeen argagixisadii soo weerartay deegaanka, iyagoo u dhigay cashar lama ilaawaan ah oo muujinaya sida ay ugu diyaarsan yihiin ka hortagga dhagarta argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Taliye Kuxigeenkii Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku shahiiday weerarkan, waxa uuna Alle u weydiiyey Jannatul Firdowso isaga iyo dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku shahiiday jidda hore ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka argagixisada iyo xoreynta deegaannada, taas oo caddeyn u ah dhammaadka argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah aragagixisada, dadkeeduna ay hiigsadaan horumar iyo nolol wanaagsan.
DHAMMAAD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada Baydhabo kala Hadlay ka qeyb qaadashada dib u heshiisiinta iyo dib u xoreynta Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorkooda wanaagsan ee fidinta diinteenna suubban, wacyi gelinta iyo toosinta bulshada isaga oo ku adkeeyay in ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar goynta fikirka gurracan ee Khawaarijta.
Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo la dagaallanka fikiraayay xagjirka ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xoreynta, xasilinta dalka iyo dowlad-wanaagga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xasillan isla markaana Barwaaqo ah.
      

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyaysay geerida Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Tuurre)

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa tacsi u direysa shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo saaka ku shahiiday weerar naf la caari ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dulqaadaan.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa ku shahiiday hawlgal saaka ka dhacay Galcad, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.