Ra’iisul wasaare Xamse oo ciidamada qalabka sida ku bogaadiyay xoreynta deegaanka Janaay Cabdalle
Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku boggaadiyay howlgalkii ay maanta ay Khawaarijta Al-shabaab kaga xoreeyeen deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in deegaanka laga xorreeyay Khawaarijta uu muhiim u yahay isku socodka deegaanno badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.
“Dowladda soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Alle uga mahadcelinayaan guulaha is xigxiga ee uu ku galladay iyo jabka ay gaarsiiyeen cadowga ummadda ee Khawaarijta.
Halganka looga xoreynaayo dhammaan deegaannada fara-kutiriska ah ee ay Khawaarijtu ku suganyihiin wuu socon donaa ilaa aan dadkeenna iyo dalkeenaba aan ka dulqaadno heeryada cadowga” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qeybaha bulshada Koofur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka dib u heshiisiinta
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa kulamo kala duwan la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamada Shirka Dib-u-heshiisiinta Maamulka Koofur Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa looga dooday qiimeynta iyo in baaritaan lagu soo sameeyo xal u helida dhacdooyinkii dhacay iyo xalinta caqabadaha kale ee taagan, iyadoo guddigu uu warbixintooda kusoo celin doonan Golaha Malaaqyada Dhaqanka, Guddiga Farsamada iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.



Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha XFS oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha Dowladda
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guryeynta iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa mid-mid u kormeeray xafiisyada saddexda wasaaradood, isagoo kulamo la yeeshay madaxda iyo shaqaalaha kana dhagaystay qorshahooda sannadka cusub, waxaana dhinaca kale uu ku bogaadiyey shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan, isaga oo kula dardaarmay shaqaalaha inay laba jibaaraan shaqada ay ummadda u hayaan.



Wasiirka warfaafinta XFS oo Saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta qoraalka Af-Soomaaliga iyo Wargeyska dalka
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay xuska munaasabadda 50-sano guuradii ka soo wareegatay markii uu soo baxay wargeys ku qoran Af-Soomaali ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka.
Wasiirka ayaa bahda warbaahinta xusuusiyay waajibaadka ka saaran Af-Soomaaliga iyo sare u qaadistiisa, wuxuuna nasiib wanaag ku tilmaamay inuu wargeyska maanta shaqeynayo caqabad kasta oo la soo maray.
“ 21-ka Janaayo taariikhiyan marka laga hadlaayo qoraalka Af-soomaaliga muhiim ayuu u yahay guud ahaan dalka Soomaaliya, waa tan koowaad waa maalintii ugu horeysay Wargeys Af-Soomaali ku soo baxa uu soo baxo, waxaana markaas dhashay kacaanka Af-Soomaaliga adeegsigiisa ah, warbaahinta maanta aan haysano ha noqoto tan dowladda ama tan Privateka intaba waxaa jira horumar muuqda,” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in bur burkii dalka ka dhacay uu saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka iyo adeegsiga Af-Soomaaliga, wuxuuna uga mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed sida ay uga soo dhalaaleen kaalinta kaga aaddan dhowrista iyo sare u qaadista Qoraalka Af-Soomaaliga.
“ Nasiib wanaag ayay inoo tahay inuu wargeyska maanta shaqeynayo caqabad kasta oo aan soo marnay waxaana ammaanteeda iska leh bahda warbaahinta, markale waxaan leeyahay hambalyo 21-ka Janaayo, waxaan idin xusuusinayaa waajibaadka idinka saaran Af-soomaaliga iyo sare u qaadistiisa,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.
21-ka Janaayo sanadkii 1973-dii, ayaa loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka, waana maalin qaran oo ku weyn quluubta bulshada,iyadoo maanta oo kale loo dabbaldego munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhiggeeda uu ka soo wareegtay 50-sano.
Madaxweynaha JFS oo shir guddoomiyey gollaha wasiirada Koonfur Galbeed
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Gollaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa looga hadlay Xoojinta Dowladnimada iyo u diyaargarowga la dagaallanka Khawaarijta oo la filayo in dhawaan laga bilaabo degaannada maamulkaas.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku adkeeyay wasiirada in ay ka qeyb qaataan gogosha dib-u-heshiisiinta ee taala magaalada Baydhabo iyo xoojinta wadashaqeynta wasaaradaha heer federal iyo heer dowlad gobolleed.






Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Janaay Cabdalle ee gobolka J/hoose
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa si buuxda ula wareegay degaanka Janaay Cabdalle oo 60-KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaan muhiimka ah, baaris ayay ka wadaan ciidamadu xaafadaha deegaanka.
Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Khawaarijta laga ceyriyay deegaankaas, islamarkaana ciidamada ku sii daba jiraan firxadka Khawaarijta.
Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir looga hadlay adkeynta amniga Xarardheere
– Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay adkaynta amniga degmada Xarardheere iyo xorreynta degaannada kale ee khawaarijta Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka dhulka General Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka degmada iyo Saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan
Madaxweynaha Galmudug ayaa ka xog-wareystay Saraakiisha amniga qorshayaasha socda ee ku aadan dagaalka Khawaarijta la doonayo in looga sifeeyo guud ahaan deegaanada Galmudug.
Ciidamada dowladda iyo xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa ku daba jira firxadka khawaarijta Al Shabaab ee wali ku dhuumaalaysanaya Galmudug.

ISKA HUBI QATARTA HUBKA QORSOODIGA LAGU KEENO
Mar haddii ay ka jiraan waddan kaaga mushkulado kala duwan iyo wejiyo badan oo siyaasadeed.
Waxaa loo baahan yahay in si weyn looga fekero abniga iyo wax yaalka saameynta ku leh oo laga yaabo in lagu soo geliyo magacyo kale oo ganacsi sharci ah oo dushiisa ku qaran, waxaana yimaada dalka gudihiisa qalab ganacsi lagu keeno oo magacyo lagu soo geliyo waxaana ka mid ah saanad millateri oo ah hub qarsoon iyo lebbis uu u badan yahay tuutaha
ciidanka kolba nuuca ugu dambeeyey ee uu ciidankeennu wato waxaa kale oo si toos ah u yimaada middiyaha booda oo qatarta ah iyo seefo ulo loo bedelay waxay ganacsato qarsoodi ku keenaan malabka oo magaciisa lagu shaqeysto ka dibna usu bedela qaraxyo iyo bamka gacanta laga tuuro waxaana dhibaatooyin ka dhaceen hoteello badan iyo goobo lagu caweeyo oo bulshadu isugu tagaan xilliyada ay nashada leeyihiin.
waxaa kale oo gacan siiya ciyaal weerada, dadka maan dooriha istic maala iyo ganacsiga ku keena qalabka aan kor ku sheegnay ee kala duwan guud ahaan qalabkaani waxay kasoo degaan dekadda iyo ayraboorka qaarna waxaa keena gaadiidka safarrada meelaha fog u aada oo ay ka mid yihiin keynya iyo itoobiya waxaa kale oo ayaguna doorka ciyaara keenista alaabtaan oo aad u fududeeya in ay dalka soo galaan doonyaha iyo maraakiibta.
haddaba haddii cashuur laga qaado maxaa loo arki la’ yahay qataraha ku soo foolleh magaalada caasimadda ah? maxaa loo arki waayey maandooriyaha iyo hubka qarsoon oo ah kuwa aan kor kusoo sheegnay oo midba midka kale ka qatarsan yahay?
waxaa kale oo wax laga xumaada ah In had iyo jeer magaalada lagu soo weeraro lebbiska ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.
Waxaa kale oo is weydiin leh sida loosoo dejiyey hub iyo lebbis ciidan ee uu magaalada iyo koontaroollada ku dhex maray waayo waxaa jooga ciidamo abniga sugaya haddaba waxaa habboon arrintaas dib loogu noqdo lana hubiyo meesha ay wax ka yimaadeen iyo sida ay wax u dhaceen markaasna sida ugu hobboon wax looga qabto qatarta qarsoon.
hadaba la soco dhibaatada iyo qaladaadka ka jira gudaha dalkeenna hooyo, ka soo tala bixi sidaan wax uga qaban laheyn abniga waddan keenna gudahiisa adigoo ku fekeraya maskax waddanimo oo ka buuxdo akhli si wanaagsan u fekeraya
WQ: C/salaam Axmed Gabayre










