Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed

Baydhaba- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii lixaad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed.

KHAWAARIIJTA OO CAQABAD KU AH KOBACA DHAQAALAHA IYO GANACSIGA SOOMAALIYA.

Kooxda khawaarijta al shabaab oo 15-kii sano ee la soo dhaafay caqabad ku aheyd hormarka iyo nabada dalka soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa, kooxda ayaa aysan jirin wax ay xeerineyso, waxayna ku xadgudbeen diinteena suuban iyo guud ahaan shareecada islaamka, iyo dhaqanka suuban ee soomaaliyeed.

Deegaanada ay ka taliso meeleeshiiyaadka argagixisada kama jiraan wax hormar dhaqaale ah iyo ganacsiyo madax banana oo la taaban karo taas badalkeeda waxa ay u xireen ganacsiga dad iyaga fikirkooda taageersan ama ka tirsan, ma ogala khawaarijtu in deegaanadeeda aad ka furato ganacsi hadii aadan ka tirsaneyn ama fikirkooda ku ganacsaneen.

Waxa ay mamnuuceen isu socodka ganacsiga ma ogola in deegaanadeedu ay ka gudbaan gawaarida sida mixnada iyo macaashka, quutul daruuriga, iyaga oo guba ama xoog ku qaata alaabta ay sidaan gawaarida ay u socoto ama u raran ganacsata soomaaliyeed iyagoo xoog kula wareegaayo.

Kooxda ayaa ganacsiyada yar yar ay deeganada ay maamulaan ka jira ama ka furan ka qaada baad oo ay ugu yeeraan canshuur taas oo ganacsata yaryar aysan awoodin in ay bixiyaan taas oo ganacsiga ku keenta in uu burburo ama socon waayo.

Kooxda ayaa caqabad xoog leh  ku leh in ay soomaaliya la soo baxdo Shidaalka ama ay qodoto taas oo kaalin xoog leh ka qaadan la heyd hormarka iyo kobaca dhaqaalaha soomaaliya, taas oo abaaraha soo noqnoqda iyo shaqo la aanta xoog ka qaadan la heyd, soomaaliy ayaa ku jiri la heyd dalalka dhoofiya soona saara shidaalka, madanta iyo waxyaabaha dabiiciga ah taas oo ka qeyb qaadan la heyd ilaha dhaqaale iyo kobaca guud ee hormarka iyo nabada.

Shidaalka waa meelaha ugu badan ee laga helo dhaqliga lagana helo dhaqaale farabadan taas oo ay ku tartami la haayeen shirkado badan oo kala duwan taas oo laga helayo lacag iyo daqli ka dibna laga xusho shirkada ugu fiican intaas ka dibna lagu guda galo shaqada qodida iyo soo saarista shidaalka dalka.

Dalxiiska wuu ka mid yahay ilaha ugu waaweyn ee laga sameeyo dhaqaalaha kooxda al shaqabaab ayaa caqabad weyn ku leh dalxiiska soomaaliya guud ahaan.

Dalxiiska gudaha kooxda ayaa mamnuucday isu socodka iyo safarka deegana ay ka taliso iyo deegaanada kale dalka, halka deegaanada xorta ah aysan ka talin ay dadka ku qarxiyaan taas oo ay u yaraatay cabsiga lag qabo iyo amni darradda ay sababeen.

Dalxiiska dibada dalka waxaa soo gali lahaa ajaaniib farabadan oo dalkeena soomaaliya iyo goboladeena u soo dalxiis tagi lahaa taas dalka ku soo kordhin la heyd dhaqaalo farabadan balse taas waxaa sababay in ay yaraadaan amnidarada iyo xasilooni xumada ay sababtay kooxda al shabaab ee ah qarxinta dadka, baada laga qaado ganacsata iyo dilalka joogtada ah iwm.

Soomaaliya ayaa waxa ay leedahay bad, webiyo, xeebo qurux badan, buuro iyo beero qurxoon iyo dhul doog leh oo qurxoon taas oo ku fiican dalxiiska iyo damaashaadka halkaas dalxiisayaashu ay ku qaadan la haayeen waqti quruxbadn jawi dagan iyo neecaaw.

Maalgashiga waa ilaha ugu waaweyn ee qarash iyo lacago laga sameeyo waxa uu ka mid yahay kaabayaasha dhaqaalaha , maalgashiga dalkeena waxaa caqabad weyn ku ah kooxda al shabaab

In shirkadaha waa weyn ee ajaanibta iyo ganacsata waaweyn ee dalkeena maalgashi iyo mashaaric waa weyn ay ka fuliyaan waxaa hortaagan oo diidan meeshidka argagixisada ee al shabaab ee hoos taga ururka al qaacida.

Taas ayaa qeyb weyn ah ka ah shaqo la aan dalkeena ka jirta iyo guud ahaan tan heysata dhalin yaradeena .

Sidoo kale wax ay mamcuuneen in dadkeenu ay beertaan beeraha oo ay wax soo saartaan, tabaca beeraha waa ilaha ugu waayeyn ee daqliga soo saara.

Haddii ay kuu soo go do beerta waxaa lagaa rabaa kala bar waxa kuu soo baxay sidoo kale waxaa kuu sii dheer baad iyo waxa ay ugu yeereen sako waada iyo  canshuur. Taas ayaa dadka ku qasbeeysa in ay dadka ka soo tagaan deegaanada maleeshiyada ay ka tiliso una soo wareegaan deegaanada dowlada ay maamusho.

Al shabaab 15 sano  ka dib ma jirto wax ay dalka ku soo kordhiyeen, hadii ay ahaan la heyd in maalgashi la sameeyo, dad shaqo abuur loo sameeyo, iskuulo la furo, ceelal la qodo, dadka oo la nabadgaliyo, iwm

Iskaba daa in ay wax qabtaan balse iyaga ayaa laga nabad heli la yahay oo caqabad ku ah guud ahaan dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Dalka Editorial

 

MEEL KASTA OO AADAME TAGEY AYAAN DARRO LAGA SOO SHEEGAYAA!

Hay’adda NASA ayaa sheegtey in meeraha dhulka ay ku dul wareegayaan, in ka badan 128 malyan oo ah jajab ka dhashey burburka aalado hore loogu direy hawada sare.

Cibbirka walxahaan ayaa lagu qiyaasey in ay ka weyn yihiin 1mm, waxayna ku socdaan xawaare ka dheereeya xabadda.

Hugh Lewis oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacadda Southampton, ayaa shirkii Reer Yurub ee sanadkii 2009 lagaga hadley hawada sare iyo khataraha la xariira ka sheegey in 10-ka sano ee soo socota, jajabka dhulka ku wareegaya ay 50% kordhi doonaan, halka 50-ka sano ee socotana, ay afar laami doonaan.

Jajabka ka dhashey Burburka Dayax-gacmeedyo, gaadiidka lagu gaaro meereyaasha iyo aalado kale ayaa dul meeraya dhulka, waxayna abuurayaan khataro ku imaanaya dayax-gamceedyo ay ku xiran yihiin adeegyo badan oo dunida laga istimcaalo maanta.

Midoowgii Soviet-ka ayaa bishii Oktoober ee sanadkii 1957, sameeyey wixii dunidu u aragtey mucjisada ee ugu horreeyey, iyaga oo hawada sare u direy dayax-gamceedkii ugu horreeyey oo Aadame sameeyey, kaas oo lagu magacaabi jirey Sputnik1.

Laga soo bilaabo, tijaabadii ugu horreeysey ee dayax-gamceed hawada sare loogu diro, ilaa maanta la joogo, waxaa sii kordhayey tirada dayac-gamceedyada, Gaadiidka (Spacecraft), iyo aaladaha kale ee loo dirayo hawada sare, waxayna si xowli ah u sii kordhinayaan jajabka ku dul meeraya dhulka.

Sanadkii 1996, dayax-gamceed uu lahaa dalka France, ayaa waxaa ku dhacey oo burburiyey jajab ka dhashey burburka Rocket uu lahaa isla dalkaas.

Sanadkii 2007, dayax-gamceed uu lahaa dalka China, kaas oo qaabilsanaa cimilada, balse laga maarmey, ayaa tijaabadii ugu horreysey oo burburin ah lagu sameeyey, waxaana dhacdadaas ka dhashey 3,500 jajab ah, kuwaas weli ku dul wareegaya dhulka.

Bishii Febraayo, sanadkii 2009, spacecraft uu lahaa dalka Ruushka, ayaa ku dhagey oo burburey dayax-gamceed uu lahaa dalka Mareykanka, waxaana shilkaas ka dhashey 2,300 oo jajab ah, kuwaas oo weli ku dul wareegaya dhulka.

Jajabkaan ayaa khatar gelinaya dayax-gamceedyada adeegyada bixiya iyo aaladaha kale ee dunidu u baahan tahey, kuwaas oo hadda ku jira hawada sare. Sidoo kale, waxay khatar gelin karaan dunida.

Jajabkaan ayay qaarkood aad ugu soo dhowaanaya dhulka, waxayna ku wareegayaan una jiraan dhulka 1,200 miles, halka qaarna ku wareeganayaan meel dhulka u jirta 22,236 Miles.

Dalalka ku horreeya adeegsiga hawada, Sida USA, Russia, China, Japan, France, India iyo qaar kale, ayaa hadda ku mashquulsan sidii hawada looga cirib tiri lahaa ama looga yareyn lahaa walxaha jajabka ah ee khatarta ku ah socdaalka iyo adeegyada hawada sare.

United Nations Committee on the Peaceful Uses of Outer Space (COPUOS), ayaa sanadkii 2007, soo saarey habraac hagaya maareynta jajabka dul wareegaya dhulka, kaas oo dalkii doonaya uu isticmaali karo, isla markaana aan aheyn qasab. Sidoo kale guddigaan ayaa ka doodey sidii loo sameyn lahaa habraaca isticmaalka jidadka ama khadadka hawada sare.

Hay’adda Cilmi baarista hawada sare ee dalka India, ayaa sanadkii 2006, soo saartey hab lagu maareynayo jajabka ka dhalan kara Aaladaheeda ku jira hawada sare.

Dalka Mareynkanka ayaa sanadkii 2001, soo saarey, hab lagu maareynayo jajabka ku dul wareegaya dhulka, kaas oo ka koobnaa ilaa sedax heer oo ay ka mid ahaayeen; in la soo jiido ama la soo dejiyo aaladaha howlgabka ah, iyo in hawada sare laga sameeyo, goobo gaar ah oo lagu qubo aaladaha shaqada ka baxay.

Dhammaan dadaaladaan oo jira, ayaa haddana, waxaa sii kordhaya walxaha jajabaka ah ee ku dul meeraya dhulka, kuwaas oo khatar gelin kara adeegyada hawada sare iyo nolosha dhulka.

Maareynta jajabka dul meeraya dhulka, waxaa ku hor go’an caqabo curyaaminaya dadaalada lagu yareynayo ama lagu ciribtirayo walxahaan;

  1. A) Xog sax ah oo aan laga heyn jajabka dul meeraya dhulka ayaa ka mid ah caqabadaha.

Xogo la hayo ayaa jira laakiin aan lagu kalsoonaanin karin, iyada oo la duri karo tayada xogta

  1. B) Dalal qaar ayaan ogoleyn, in ay la qeybsadaan xogta kuwa kale, taas oo keeneysa, in aan la helin xog isku mid ah oo la xariirta jajabka dul meeraya dhulka
  2. C) Adeegyada gaarka loo leeyahey (ganacsiga ah), oo aan si dhab ah uga qeyb qaadaneyn maareeynta jajabka dul meeraya dhulka, ayaa ka mid ah caqabadaha, waxaana loo sababeynayaa in ay ilaashanayaan danahooda ganacsiga, iyaga oo ka cararaya in ay u gacan galaan, shuruuc saameyneysa ganacsigooda iyo danahooda.
  3. D) Dhibaatooyin saameyn kara deegaanka, taas oo haddii jajabkaas dhulka loo soo dejiyo, keeni karta in biyaha, carada iyo dhirtaba saameyn ku yeeshaan.

Laga soo bilaabo, markii dunida la keeney Nabi Aadam CS iyo Xaawo, gaar ahaan dhashii ay ka tageen, waxaa dunida ka socdey dhacdooyin Aadamuhu sabab u yahey, kuwaas oo khatar gelinaya noloshooda iyo mustaqbalkooda.

Kutubta Alle soo dejiyey oo dhan ayaa uga digayey Aadamaha masiibooyin ay gacantooda ku keensadaan, waxaase meel kasta oo aadame ku nool yahey laga sii warinayaa ayaan darro iyo dhibaatooyin uu isagu sabab u yihiin.

Colaadaha, dhirta oo la xaalufiyo, buuraha oo la baabi’iyo, kiimikada badaha iyo wabiyada lagu shubo, hawada oo la wasaqeeyo, iyo qaar kale ayaa ka mid ah, dhibaatooyinka aadamuhu naftiisa u horseedo, waxayna hadda mareysaa in meeraha dhulka iyo meereyaasha kalaba carqalado laga abuuro.

Muddo fog ayaan maqli jirey, in ay jiraan dad dhibsadey fowdada dunida, kuwaas oo qorsheynayey in ay u guuraan meereyaasha kale, kana fogaadaan dhibta dhulka taala iyo Aadamaha kalaba, waxayse hadda ogaanayaan, in meel kasta oo Aadame cagto saarey ay carqalado iyo dhibaatooyin sii yaalaan.

WQ: Dr. Maxamed Aadan Koofi

 

HIJRADII NABIGA CSW?

Marka hore waxaan guud ahaan umadda muslimiinta  ugu hambalyeynayaa  sannadka cusub ee Hijriga 1442, aniga oo Ilaah uga baryaya inuu Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan ka saaro dhibaatooyinka iyo kala tagga ay ku jiraan.

Hijrada nabiga csw waxaa ku jira cashirro badan oo la rabo in muslimiintu ka faa’iideystaan, isna xasuusiyaan xlliyadaan oo kale.

Siirada Rasuula csw waxaa laga qoray buugaag badan laakin si kooban ayaan dhowrkaan qodob u soo xushay, anigoo is leh waa noogu filanyihiin cibra qaadasho iyo wax fahmid.

  • Qorshaha wanagsan ee nabiga csw: Inkasta oo nabiga csw la faray inuu Maka ka tago una guuro Madiina hadana wuxuu sameeyay qorsha aad looga fikiray oo ah sidii Maka looga bixi laha iyadoon la ogaan. Qorshahaas waxaa si xoog leh uga qayb qaatay qoyskii Abuubakar kuwaas oo qof walba kasoo baxay howshii loo diray. Waxyaabihii nabigu sameeyay waxaa ka mid ahaa inuusan marin waddaddii lagu yiqiin in loogu safro Madiina si aysan u arkin dadka safarleyda ah.
  • Diyaarinta dad wax huri kara: Nabiga csw wuxuu dhowrkii sano ee ka horeeyay Hijrada diyaarinay asaxaab diyaar u noqon karta wax kasta, wuxuuna ku guuleystay inuu soo saaro dad huri kara naftooda iyo maalkooda. Arrintaas waxa daliil kuugu filan sidii asaxaabtu u aqbaleen inay ka guuraan magaaladoodi, maalkoodi iyo xitaa qaar ka mid ah qoyskoodi ay jeclaayeen si ay diintooda u badbaadsadaan.
  • Loolanka xaqa iyo baadilka: Markaad taariikhda si fiican u akhriso, waxaad ogaane in loolanka u dhaxeeya xaqa iyo baadilka waligiisi soo socday siina socon doono inta adduuyada la joogo. Waxaan hijrada nabiga csw ka fahmeynaa sida xun ee gaaladii Maka joogtay ula dhaqmeen nabiga iyo asaxaabtiisa. Nabigu wuxuu la doonayay reer Maka kheyr iyo inay Rabbigood adeecaan iyaguna waxay rabeen inay diin xumo ku jiraan. Ugu danbeyn waxaa guuleysanaaya dadka xanabsaarsan xaqa, reer baadilkuna waxay ku danbey doonaan meel xun.
  • Kaalinta Dumarka: Asmaa iyo Caai’sha oo ahaa gabdhihii Abuubakar waxay kaalin wayn ka qaateen sida nabiga csw maka uga soo bixi laha iyadoon la ogaan. Caa’isha waxay noo soo gudbisay xog badan oo ku saabsan soo amba bixiddii nabiga iyo Abuubkar. Asmaa dhankeeda waxay ku dadaashay sida nabiga iyo aabaheed u heli lahaayeen cunto iyadoo adeegsatay xeelado badan oo cadawgu uusan ogaan karin.
  • Is beddel taariikhi ah: Inuu nabigu csw usoo guuray Madiina waxay eheed is beddel wayn oo taariikh galay. Waxaa is bedel ku yimid faafinta diinta islaamka, waxaana dhidibada loo taagay dowladdii islaamka oo caasimad looga dhigay magaalda Madiina. U soo wareegidda Madiina waxay eheed billawga iyo gelidda marxald ka duwan tii Maka. Waxaa  dhidibada loo taagay ciidan si la isaga difaaco haddii ay reer Maka isku dayaan inay soo weeraaran. Waxaa sidoo kale heshiisyo lala galay dadkii ku noolaa Madiina oo qaarkood Yuhuud ahaayeen si looga fogaado in isku dhac gudaha yimaado.
  • Jaceylkii nabiga csw ee Maka: Nabiga csw wuxuu nabaraya inaad jeclaato dhulkaaga iyo meesha aad kasoo jeddo taas oo maanta loo yaqaano waddaniyad. Inkasta oo Maka ay tahay magaalo si gaar ah u sharfan hadana waxay daliil u tahay sida ay u dhib badan tahay inaad ka guurto waddankaaga iyo dadkii aad muddo la nooleed.
  • Inaan la quusan: Hijrada nabiga csw waxaan ka baraneynaa inaan la quusan oo laga raja dhigin naxariista Ilaah. Si kasta oo laguu dhibo ama ay kusoo foodsaaraan dhibaatooyin adduunyo, waxaa lagaa rabaa inaad niyadda ku heyso in maalin uun laga baxaayo dhibka. Hijradu waxay hor dhac u eheed in dadka muslimiinta ay ka bixi doonaan dhibkii Maka ku heystay sidoo kalena ay noqon doonaan dad awood u leh inay iska difacaan cadawga soo weerara.

Siirada Rasuulka csw waxaa ka buuxa cashirro badan oo ay tahay inaan fahano si aan u sameyno is bedel wanaagsan oo dhan kasta leh.

W.Q: Axmed Maxamed Axmed

 

CIRIB XUMIDA DULMIGA LAGA DHAXLO

Marka hore waa maxay Dulmi? Dulmigu waxa ay culimada ku qeexeen shay kasto oo aan booskiisii xaqa ahaa aan la dhigin, ama shay kasto oo aan booskiisii sharciga ahaa aan la waafajinin, shay kasto oo laga saaro ama la waafajiyo halkii uu xaqqa u lahaa waxa uu noqonayaa caddalad, shaykasto oo laga kormariyo ama laga hoos mariyo booskiisa xaqqa ah waxa uu noqonayaa Dulmi, aayaadka Qur’aanka kariimka eek a hadlaayo cadaaladda dhamaan waxay reebayaan Dulmiya, waxaad halkaas ka ogaanaysaa in ay iska soo horjeedaan Dulmiga iyo Cadaaladda.

Culimada waxay noo sheegeen in dulmiga loo qaybiyo sidax qab oo kala ah 1- Ruux naftiisa dulmiya oo naftiisa ku hogaamiyo shirki o Alle ku caasiyo, ‘’Allah SWT waxa uu leeyahay Gaalnimada waa Dulmi wayn’’ Dulmiga koobaad ee la reebay waa in lagu xad gidbo xuquuqda Allah SWT.

Qatbta 2- waa Ruuxa uu naftiisa kulmiyo macaasi, Ruuxaan waxa uu dulmiyey naftiisa oo waxa uu ka tagay qayb ka mid ah waajibaadkii uu Rabbi faray waxa uuna ku dhacay qayb ka mid ah waxa uu Rabbi ka xarimay.

Qaybta 3-aad ee dulmigu, waa qofku oo dadka kale Dulmiyo oo xuquuqdooda ku xad gudbo Nabigeenna Maxamed NNK waxa uu yiri’’ Qofka walaalkiis dulmi ka galay cafis ha waydiisto, Allah SWT adoomankiisa waa uu u dambi dhaafaa balse haddii aad adoon kale aad dulmisay waxaa waajib kugu ah in aad cafis waydiisato adoonkaas.

‘’Ilaahay SWT xadiisul qudsi ayaa waxuu ku leeyahay dadow dulmiga aan ka mamnuucay nafsadayda adinkana waan idinka mamnuucay ee dhaxdiina ha is dulminina’’

Cirib xumada Dulmiga waxaa tusaale inoogu filan dhacdooyinka dunida ka dhacay ee u baahan in lagu cibro qaato, halkaan waxaan idinku soo gudbinayaa sheeko u baahan in lagu cibro qaato.

Nin oday ah oo indhool ah ayaa waxaa ka xeeyey wiilkiisa xilli ay reerka guuraayen, wiilkaas oo ay wiilashii kale ee odayga ay kula dardaarmeen in uu soo kaxeeyo odayga iyagane ay sii rari doonaan reerka, wilkii markii uu kaxeeyey odaygii ee uu geeyey meel duur ah ayaa waxa uu dulmiyey odaygii waxaa uuna sameeyey in uu odayga fariisiyey geed cidlo kuna yiri aabo halkaan sii fadhi reerkii ayaa raadinayaaye, ka dibna halkii a yuu kaga dhaqaaqay, wiilkii markuu u tagay walaalihii soo ka xay ku yiri odaga waxaa uu walaalihiis u sheegay in uu odaygii maqan yahay oo uu san arkin, odaygiina waxa uu ku geeriyooday halkii oo ugu dhaqaaqay wilkii.

Mudo ka dib maxaa dhacay wiilkii ayaa guursaday waxuuna dhalay ciyaal, kadib waa yeel ayuu noqday waxuuna beelay indhaha kadib xilli ay reerka guurayeen ayaa waxaa ka xeeyey mid ka mid ah wiilashiisa markii la maraayo halkii uu ugu dhaqaaqay aabihiis ayaa wiilkii waxa uu ku yiri aabow reerkii ayaa noo sahminayaaye geedkaan sii fariiso, oday oo xasuusan in uu horay u dulmiyey aabihiis ayaa waxa uu ku yiri wiilkii geedkaan magaciis, wiilkii waxa uu u sheegay magaca geedka, odaygii ayaa yiri is ka bax waxaan ogahay in Aadan soo laabanaynine.

Walaalayaal aan ka digtonaana oo aan iska ilaalino dulmiga wax aan khasaaro ahayn kama faa’idaynee.

W/Q: CUMAR MAXAMED CUMAR

QUURSIGA WAA LA DIIDA

Mar haddii rag aad xisaabtantaan oo aad foodda is gelisaan si kasta oo tabartaadu u yar tahay oo aadan haysan ciidan iyo maaliyad haddana lama qaato hadallada bahdilka iyo quursiga ah.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Soor quureed waa la qaataa, laakiin Hadal quureed lama qaato) sideedaba waddamada xafiiltanku idinka dhexeeyo waa laga feejignaadaa laakiin maahan in aad tiraahdo geeddi maalintiisa la sugaa waxaana la eegayaa dadnimodaada waxaana indhaha kugu haya siyaasiyiinta caalamka iyo saxaafadda oo kaa qoreysa wax allaaliyo wixii afkaada ka soo baxa xumaan iyo samaan,

Dhanka kale, waxay soomaalidu ku maahmaahdaa (Lugna dirir ugu taagnoow Lugna baqasho) ceeb maahan goobaha aadan ka libkeeneyn in aad ka weji dadabto, soomaalida ayaa tiraahda oo ku mahmaahdaa (Ninkii galliinkaaga diida guushaada ma rabo) macnihii kulama doonayo guul iyo guri wanaagsan in aad degto laakiin gartiisa sii taadana ka cesho, Soomaali ayaa tiri (Gaalka dil gartiisana sii).

Cadaaladda ilaaheybaa jecel markasta oo Baarlamaan iyo Xukuumad la dhiso waxaa billowda guux aad ka maqleyso maqaayadaha iyo xafiisyada dhexdooda haddii aad weydiiso su,aalo arrimahaas ku saabsan wax sax kuuma sheegi karaan.

Dadka noocaasi ah waxay qabaan aragti gaaban oo aan jid iyo jiho midna laheyn kuwaasi markii aad la kulanto waxaa kuu soo baxaya in ay hayso qandho aan dawo laheyn, taasoo ah qabiil eex iyo qof jecleysi, waa kuwa had iyo jeer doonaya

Kala qoqobnaanta dalka, halka kuwa kalena ay doonayaan in ay xeradii gumeysiga dib noogu celiyaan, kuma qanacsana soomaali mid ah awood qarannimo  leh kuwa noocani ah waxay doonayaan in ay shisheeyaha dillaal u noqdaan intii iyagu dilaal loo noqon laha oo loo shaqeyn lahaa

ayay ku qanacsan yihiin dulaalnimada waa mid laga xumaado in dalkaaga aad lugooyso dalkana aad dabadhilif u noqoto iyo ummadda aad ka soo jeedo ee muslinka ah ee soomaaliyeed.

dib u fiiri dadkaaga iyo dalkaaga iyo diintaada ha ku noqon dugaag ee ka dhowrso  dulliga adduun iyo  dembi aakhiro, muwaadin waxaan talo iyo tusaale ku bixineynaa in aad noqoto waddani diin leh oo dhihi kara wuxuu doonayo marnaba aan qaadan quursiga iyo hadallada jees jeeska ah.

Tani waa dardaaran ku socota qof kasta oo soomaali ah oo jecel dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaana leenahay weligaa hanoqon qof  isdhiibay oo laga quustays

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre

 

WADAJIR BAA WAX LOO QABSADAA

Wadajir ayaa wax lagu difaaci karaa waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa

Ilko wada jir ayeey wax ku gooyaan, sidoo kale adduunyadu waa iskaashi iyo wax wada qabsi.

Dadku markuu isku duuban yahay ayuu wax noqdaa waayo xoogga  iyo isku duubnida ayaa adduunku guul lagu garaa, midnimo iyo wadajirku waxay dhalaan iskaashi, wada tashi iyo kal sooni.

haddii intaa aan la helin oo inta lays aamino  gacmaha la is qabsado oo dadku ay mideeyeen maskaxda muruqooda  iyo maalkooda  markaas ayey dadku gari karnaa qaran xoog leh geeddiga horumarka waxaa loo maraa waddada caddaaladda iyo garsoorka.

Haddaba, markii la helo garsoor iyo caddaalad ayaa waxaa la helaa midnimo iyo iyo kalsooni iyo ummad iska difaaci karta cadowgeeda dadku haddii ay waayaan kal sooni iyo xoog wadajira waxba ma qabsan karaan.

bulshada soomaalidu waxaa gacmaha ka buuxsaday cadowga gudaha iyo kan dibadda oo mudda dheer hareeraheda difaac uga jiray waqti dheer.

haddaba, gumeystuhu wuxuu ahaa kii burburka daaqdaha nooga soo geliyay ee caloosheenana gacmaha la galay, gumeysiga iyo gumeysi gargaarku waxay noo diideen hoyaad iyo harsimo, iyagoo noo adeegsanayay tacbanayaasha ay horay dalka ugu tacbadeen.

Gumeysteyaashu waxay soomaalida u diideen nabad iyo maamul in laga dhiso dalka soomaaaliya waxayna  ka yimideen  yurub iyo ameerika iyo qaar ka mid ah afrikada aan deriska nahay.

Waxay dalka soo geliyeen ciidamo magacyo kala duwan leh qaarna ay leeyihiin gargaar ayaan idiin wadnaa laakiin waxaan ogaanay in ay abuurayeen colaado cusub iyo iska horkeen in ay wadeen oo aysan marnaba wanaageenna  aysan dooneyn.

mar haddii xageena  aysan  ka jirin walaalnimo iyo is garabsi waxaa aad iy aad u sahlan inuu kaa guuleysto cadowgaadu oo aadan  fahmin dhibaatooyinka uu xambaarsan yahay iyo duulaan hoosaadka iyo kala dilista ummaddaada  soomaaliyeed mar haddii aad ogaato in ay dhibaato soo wajaheyso  dalkaaga iyo dadkaaga wuxuu u baahan yahay isku tashi iyo midnimo una diyaar garoowdo in aad iska dulqaado masiibada rabaaniga ah ee kugu habsaday adigoo ilaahey la kaashanaya.

waxay arrintasi u baahan tahay isku tashi iyo feker wada jir ah ayadoo ay xukuumaddu ay hor kaceyso shacabkeeda waana  iney iska dul qaadaan culeysyada siyasadeed iyo duullaamada qaawan oo ay xambaarsan yihiin gumeysiga iyo gumeysi kalkaalka waayo dalkeennu wuxuu u baahan yahay difaac sababtoo ah haddii aan dal jirin  ma jiraan diin iyo dad.

Sidaa darteed, guud ahaanba waa in la difaacaa dalkeenna iyo diinteenna iyo dadka ku nool ee soomaaliyeed waayo gobannimo haddii aad maqasho gobannimo waa dad iyo dal madax bannaan iyo xukuumad maareysa arrimahooda, si aan loo waayin waa In loo difaacaa dalka si isku duubni ah. waddankeenna dadka ku nool iyo sharafta  dowladnimada .

Haddii la waayo dal iyo dowladnimo ma jiraan aqoonsi iyo xaq dhowr caalamka ay kugu tix geliyaan

Sidaas darteed, waa ln lagu  fara adeego sharafka iyo karaamada qarannimada dalka soomaaliya gobannimada iyo xornimada.

Sida aan wada ognahay dalkaan dad ayaa qabriga u galay hantidoodana u huray

Ka dib markii ay gumeysiga iyo cawaankiisa kula dagaaleen meelo badan oo dalka ka mid ah, si loo helo Calan Soomaaliyeed oo xor ah.

sidaas awgeed laguma soo helin xornimada baryo iyo walaaloow maantana difaaciisu uma baahna saaxiib been ah iyo shaxaad iyo in lala hoos galo cadowgii shalay laga xoreeyey isagoo ka raalli ahayn ee waxuu u baahan yahay waddaniyiin dhexda u xirta difaaciisa iyo hoggaamintiisa.

Gumeystuhu daa’iman wuxuu u jeedaa kheyraadkan dahan ee dhex ceegaaga dalkeenna.

Haddaba, ogoow muwaadin haddii aan lagu shukrin nimcada Ilaaheey wuu kaa qaadayaa, waayo isaga ayaa mulkiga adduun iyo aakhiroba iska leh

WQ: Abwaan Gabeyre 

 

GUURKA AAN LAGA FIIRSAN KHASAARO AYAA LAGA DHAXLAA

Magaalo, Demo ilaa heer tuulo soomaaliya dadka markaad dhageysato hadalladooda waxay wax ka sheegayaan, dabaaldegga arooska iyo fantasiyaha hoteellada lagu dhigayo ay aad u fiican yihiin farxad badanna ay ka jirto halkaas, laakiin soomaalidu waxay ku mahmaahdaa farxadi waa naxdin feker iyo la yaab leh.

todobaad ka dib ayaad arkeysaa wiilkii iyo gabadhii is guursaday oo qarashka badani ku baxay oo is furaya.

Haddaba,  arrimaha nuucaan ah oo galoo ka baxda ah amase habeen tuurashada lagu sifeyn karo waxaa ku dhasha caruur badan oo aan cidina daryeelin weliba waxaa aad iyo aad ugu dhibaatooda haweenka oo ayagu meel ay wax geeyaan aan aqoon,  cidlana aan ku tuuri Karin hilibkooda, maadaama ay noqdeen hooyooyin aad u qalbi jilicsan .

inta bandanna gabdhaha ay la kulanto arrintan oo kale waalidkood kuma daryeelaan carruurtaasi, waa kuwa aan laheyn meel ey ku hirtaan oo weliba haysan meel ay ku hoydaan  ka dib markii la soo furo.

Caruurtan ay ku dhacday nasiib xumada sida hooyadood ula rafaadeyso markii ay orod billaabaan ayay ugu daran tahay korintooda iyo ilaalintooda

Dhibaatadaas ayaa laga yaabaa in gabadhaasi yari ay mudato dhibaato aysan u qasdi lahayn markii hore, caruurtiina waxaa laga yaaba ugu dambeyn inay noqdaan kuwo derbi jiif ah oo u shaxaad taga hotteellada iyo meelaha dadka isugu yimaadaan

Caruurtan iyo hooyadood ayaa  laga yaabaa in si qaldan looga faa,iideysto  xooggooda iyo sharafkooda, waxay u nuglaadaan daruufkastoo soo wajahda, ugu dambeyntana caruurtaasi waxay isu beddelaan kuwa aan nixin oo duur gal ah.

Haddaba, Caruurta iyo hooyad waxay u baahan yihiin daryeel, guurkuna waa mas’uuliyad weyn waxaana habboon in aan lagu deg degin si aysan u dhicin waxa aan sheegeyno, waa la dhalaa waa la tuuraa dan soomaali uguma jirto, waxaa loo baahan yahay in arrimahan oo kale laga sameeyo wacyigelin iyo baraarujin aad u ballaaran iyadoo ay iskaashanayaan xaafadaha iyo degmooyinka gobollada dalka oo dhan.

haddii aan la helin culumaa’uddiin iyo qaaddi degmada jooga oo ka socda wasaaradda arrimaha diinta waraaqna u heysta in uu xalliyo arrimaha nuucaan oo kale ah waxaa sii badanaya dhibaatada ku imaaneysa haweenka iyo caruurta ay dhalaan.

Waa in il gaar ah loo yeeshaa dhibaatooyinka ka jira arrimaha guurka iyo qoysaska arrintaan si kale laguma ilaalin karo, habeen kasta boqolaal la guuriyaa Subaxdiina  waa la furaa, cag ma dhigaan isla todobaadkaas ayey nin kale guursaneysaa isagana guursanayaa mid kale oo haddana isla tabtiiya

haddaba waa in la helaa waddo sax ah oo lagu kaantaroolo waxaa dhacaya iyo waxa soo baxaya.

Fiiri  carruurta daadsan meel walba ee noqday ciyaal derbiga oo aad da’dooda aad ka naxeyso inta ay jiraan kuwaasoo aan aqoonin meel ay u ciirsadaan waa in loo helaa dareel iyo barbaarin jawi deggan ah, haddii kale waxay gacanta u galayaan kuwa manaxayaasha ah oo udeegsan kara wax walba oo aan munaasab ku ahayn caruurta.

Waa la heli karaa in laga kaxeeyo meelaha ay ku dhibaateysan yihiin iyagoo la geynayo meelo lagu dhaqan celiyo waxna lagu baro.

Waxaa dib loo soo nooleyn karaa ama loo soo celin karaa xarumahii dhaqan celinta sida xaruntii asluubta ee ahayd agagaarka jaamacadda lafoole, sidoo kale dugsigii gabdhaha ee afgooye.

Waxaa habboon in dhibaatooyinkan si isku duubni ah loo arko loona wajaho sababaha keena in ilmahaasi yari uu dhibaato muto aakhirka, waa in laga fiirsadaa marka hore waxaan isguursanaya ma yihiin wax qaadi kara mas’uuliyadda guurka

Waa inay jirtaa meel xukuumi ah arrintan wax ka qaban karta, sidoo kalena waa in la mamnuucaa in qof waliba wax iska mehriyo iyadoo la eegayo qadar yar oo lacag ah oo laga qaato kuwo sharci darro isku guursanaya.

 

 WQ: Abwaan Gabeyre

FAA’IIDOOYINKA LAGA HELO WAX AKHRINTA

Akhriska waa awoodda aad u leedahay  in aad ogaataa ama baartaa soyaalka taarikh tagtay, taxana tagan ama timaado tilmaaman.

Akhrisku wuxuu u dhexeeya akhriyaha iyo waxa la akhrinayo, waxyaabaha aad akhriyayso waxey noqon karaan buug, jaraa’id, kitaab ama wax lamid ah.

Ujeeddada aad wax u akhrinaysaa waxay noqon kartaa cilmi korodhsi, madadaalo, cilmi baaris ama wax lamid ah.

Diinta Islamka waxay boorisay wax akhriska. Aayaddii kowaad ee ku soo dagta nabi Muxamed (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha noqotee) waxaa lagu yiri “Akhri” إقرأ.

Waxaa jirto dood cilmiyeed tagan taas oo ah in qorista ay xeriir la leedahay akhrinta oo haddii aysan akhrin jirin qoris ma jirteen. ( الذي علم بالقلم ).

Marka uu qofka wax akhriyo, waxna qoro, qofku waxa uu ogaadaa waxyaabo aanu hore u ogayn. Sidaas ayaana lagu gaadhaa horumarka ogaal iyo aqoonba. Oo horumar waa ka dheer yahay aadane aan wax akhriyin; ( علم الإنسان ما لم يعلم ).

Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.

Akhriska buugag, kutub ama jaraaidyada waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ayuu akhris ku gaadhayaa, wakhti uuna noolayna ummaddii joogtay ayuu waayahooddii akhrisanayaa.

Akhrisku waxa uu kobciyaa xusuusta qofka, wuxuna daawo u yahay cudurka dadka waawayn ku dhaca sida Asaasaqnimada.

Yaxye Ciise Xussen waa aqoonyahan daraaseeyo wax akhriska waxaa uu qabaa in wax akhrisku yahay “Aas-aaska koriinada Maskaxeed Ee qofku ku cabiraayo wax walba oo la xiriira hormarka naftiisa iyo wax kasta oo caqligiisa uu ku xabiraayo.”

Sidoo kale Yaxye waxaa uu Wargayska dalka u sheegay in qofka marka uu wax akhriyo ay ka yaraato fikirka la xiriira guuldarada

“Marka uu qofku bilaabo inuu wax aqriyo waxaa ka yaraada fikirka la xiriira guuldarada, isagoo qofku dunida u arka mid ka fursad badan tii hore.” ayuu yiri Yaxye Ciise.

Ayaan Yusuf Farax waxay baratay Cilmiga Bulshada, Wargayska dalka ayay u sheegtay in ‘akhrisku ka qayb qaato go’aan gaarista shaqsiga’

“Dadka wax badan akhriya marka ay go’aanka gaarayaan ama ka aragti dhiibanayaan aragti kale waxaa ay qataan go’aan wanagsan ama fikir wanagsan ayay keenaan waxaana taa sabab u ah in akhriskoodu badan yahay.” ayay tiri Ayaan Yusuf Farax.

Haddaba waa maxay faa’idoyinka Akhrisku leeyahay?

Waxaa jirto Faa’iido badan oo uu leeyahay wax akhrisku,  Halkaan waxaan kugu xusi doonaa ilaa afar faa’iido oo uu leeyahay wax akhrisku.

1: Akhriska waxa aad kaga dhuuman kartaa walwalka iyo dhibaatada inagu lamaan, buug aad akhrido ayaa ku ilowshiisanaya wixii ku haystay oo kuu sawiraya duni kale oo xasiloon oo aad ku raaxaystid.

2: Akhriska waxa aad ka helaysaa macluumad badan oo aad kaga jawaabtid daruufaha nololeed ee ku haysta. Waxa uu ku siinayaa fikraddo cusub oo aad kaga baxdid daruufaha kolba ku haysta.

3: Waxa aad ka helaysaa caqli cusub iyo murti cusub oo aad wax ku abuurtid, buugta waxa ku kaydsan afkaaro iyo aqoon wixii dunidan soo martay.

4: Akhrisku waxa aan suuro-galka ahayn ayuu suuro-gal ka dhigaa, waxa uu ku fududaynayaa qabashadda waxyaabo aad lahayd suuro-gal maaha ama aan caqligaaga soo galin.

WQ: Maxamed Ibraahim Salaad

 

Taliyaha Booliiska G/Banaadir oo sheegay in ay baaritaano ku socdaan askar ku eedeysan dilka Darawal Bajaaj

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dilka Darawal Bajaajle ahaa oo saaka lagu dilay isgoyska degmada Howl-wadaag.

Talyaha ayaa sheegay in dhacdadan loo soo xiray tiro badan oo ciidamo ku sugnaa goobta, ayna socdaan baaritaan lagu oggaanayo dambiilaha geystay dilka, si loo horgeeyo Maxkamada.

Sidoo kale, Gaashaanle Mahdi ayaa Ciidamada ka howlgalla gobolka Banaadir uga digay dilalka dadka shacabka ah, taasi badalkeedana looga baahan yahay sugida iyo ilaalinta muwadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay is-dejiyaan, kuna kalsoonaadaan Sharciga, markii ay xaaladaha oo kale yimaadaan, si looga digtoonaado in ay dhashaan dhibaatooyin iyo burbur wadooyinka ah.