Ciidamada amniga oo soo af jaray weerar koox ka tirsan Khawaarijtu ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Maanta ayaa koox ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah waxay soo weerareen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir.

Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.

Weerarka Khawaarijta  waxaa ku shahiiday 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan.

Dowladdu waxay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.

Neef gowracan geedo kama waabto (warbixin)

Kooxda khawaarijta Al-shabaab ayaa hada xaladoodu mareeysaa heer gaba qabo ah iyadoona geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay khawaarijtu ka sareeyn degaanno badan oo katirsan goboladda shabeellada Dhexe,sheellaha Hoose, hiiraan iyo gobolada Mudug iyo Galgaduud halkaa oo ay argagixisada mudda  ku dhibateen jirta shacabka.

In kabadan 2000 (Laba kun) oo Maleeshiyaad ah ayaa 8 dii biloodeed ee la soo dhaafay kooxda looga dilay dagaallo ka dhacay jihooyin kala duwan kuwaasi oo Khawaarijtu ay kala kulmeen Ciidammada Qalabka Sida Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

khawaarijta dhibaato badan ayey ku hayeen  shacabka degaannada laga xoreeyay, kuwaas oo isugu jiray dillal barer ah, dhac joogta ah, burburinta goobaha cibaadada iyo in ay si qasab ah ay ku askareeyaan carruuta, dhibatooyinkaasi oo isbiirsaday ayaa keentay dadkii degaannadaasi inay iska diidaan gumaadka ay khawaarijtu muddo dheer ku heysay.

Argagixisadu marka laga yimaado ficillada gurracan oo ay kula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee dilka, gumaadka, qaraxyada iyo baadda ah ee ka hor imaanaya diinta islaamka waxaa u dheer beegsiga dugsu qur’aanka goobaha tacliinta lagu barto iyo xarumaha taarikhiga ee raad-raaca u ah diinta, dhaqanka iyo Sooyaalka ummadeed, taas oo lagu fasiray isir baabi’in ama aasidda taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxaana la fahansan yahay inay ku lug leeyihin gacmo shisheeye oo la diriraya sooyaalka ummaddan ee facaweyn.

Khawaarijta ayaa hada ku soo aruuray inn weeraro gaadmo ah aya ku qaadaan ciidamada dowladda kuwaa intoodaban ciidanku fashilyeen ,waxana wali ciidamada xoogga iyo xoogagga kacdoonka degaanada qaara ay ka wadaan howlagallo khawaarijta melaha ay ku dhuumaleysanyaan looga xoreeynayo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo kormeeray Wasaaradda Ganacsiga

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Salah Ahmed Jama ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xaruunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u kuur-galaayey hawlaha shaqo ee baaxadda leh ee Wasaaraddu ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorsheyaasha horumarinta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maal-gashiga, iyo guud ahaan dedaalada ay sameeyeen, iyo caqabadaha jira inta ba.

Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta XFS

Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda, ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Daa’uud Aweys, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka kala warqaadasho.

Wasiir Daa’uud Aweys, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay diyaarinayaan, isagoo guddiga ugu mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan Shaqada Wasaaradda iyo xaalada guud ee wariyaasha Soomaaliyeed.

Madaxda SoDMA oo kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socday IHH ee Turkiga

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed(SoDMA) waxaa looga hadlay sidii labada hay’addood si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen Arrimaha binaadanimda

Gudoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyay Masuuliyiinta ka socday Hay’adda IHH sidii wanaagsaneyd ee ay dalka aan walaalaha nahay Turkiga ugu soo dhaweeyeen asiga iyo wafdigiisa, waxaa sidoo kale kaga mahadceliyay raashin gaaraayo 500 oo tan oo dhawaan Hay’adda IHH ay ku wareejisay Hay’adda SoDMA, asigoo balan qaaday in raashinkan la gaarsiin doono goobaha laga xoreeyay kooxaha nabad diidka ee khawaarij-ta.

kulanka ayaa waxaa dhanka IHH kaga qeyb-galay Hassan demir oo ah madaxa xafiiska IHH ee somalia iyo Atta Turabi oo ah ku xigeenka xafiiska IHH ee Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in aan la aqbali doonin askartii ilaalin lahayd shacabka in ay iyagu ku xadgudbaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaannada uu ka bilaabanaayo Koonfur-galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur-galbeed in ay dardar geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta ah ee dhawaan ka bilaaban doono degaanada konfur galbeed.

 

Wasiirka Beeraha XFS oo ka qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta wax soo saarka dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow ayaa ka qeyb galay Shirka madasha caalamiga ee Cunnada iyo Beeraha (Global Forum for Food &  Agriculture) oo ay isugu yimaadeen 70-wasiir iyo in ka badan 2000 oo wafuud oo ka kala socdey hay’adaha, deeq-bixiyaasha iyo daneeyayashaasha aarimaha wax soo saarka beeraha.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa shir doceedyo la yeeshey wasiirada beeraha ee Dowladaha Jarmalka,Norway,Talyaaniga,Nederland iyo Kenya,wuxuuna kala hadlay horumarinta iyo kor u qaadista wax soo saarka dalka.

Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay wadatashiyo kula yeelaneyso khubarada iyo xeel-dheerayaasha beeraha caalamka si loo gaaro isku filnaan xagga wax-soosaarka ah.

Deg. Ceeldheer Noloshii ka socotay, Khawaarijtu waxay u rogeen Bur-bur,cidlo iyo cabsi (WARBIXIN)

Degmada Ceeldheer waxay ka mid tahay Dagmooyinka ugu qadiimisan Gobalka Galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobalka, waxay 18 Km u jirtaa xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya, waxaana markii ugu horreysay la soo degay sanadkii1937-kii kadib markii dadkii deganaaMareeg oo aheyd magaalo taariikhi ah ay ka soo guureen dagaalkii labaad ee aduunka kadib kolkaas oo Talyaaniga iyo Ingiriiska uu dagaal dhinaca badda ah ku dhex maray Mareeg.

Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaasi, oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo Soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe, halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen Ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.

Magaalada Mareeg oo ahayd saldhigii sadexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa ahayd magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda baday weli ka taagan halkaas,waloow qaarkood aad u gaboobeen hadana waxaa weli bed qaba, Misaajidkii Sh Da’ud Culusoow, Saldhigii Police ka, Xabsigi, Musawac,Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolodhaqato….

Markaan u soo laabano habkii looga soo guurayMareeg Xaaji Maxamed Afrax Fareey ayaa ahaa Ninkii ugu horeeyay ee dhisme ka kooban guri & dukaan ka taago Degmada Ceeldheer, dad badan ayaa isla markiiba qaatay fikradii Xaajiga taas oo suurto galisay in ay Ceeldheer noqotay xarun ganacsi oo ay u soo dukaameysi tagaan tuulooyinka ku dhow dhow & dadka reer miyiga ah, waxaana dhamaan u soo wada guuray dadkii reer Mareeg oo nolol ka bilaabay halkaas, Sanadkii 1954-kii waxaa la sameeyay doorashadii golaha Odayasha.

Sanadkii 1954 Waxaa booqday Ceel-dheer wafdi uu hogaaminayo Muuse Boqor oo markaas ahaa Wasiirkii Arimaha gudaha Dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed ee Cabdulaahi Ciise madaxda ka ahaa waxaana dadkii la socday ka mid ahaa Daa’uud Cabdule Xirsi oo ahaa sarkaal sare, Shir ay yeesheen waxgaradkii Ceel-dheer & Muuse boqor ayaa waxaa leysla meel dhigi waayay, qodabadii layku soo qaaday oo ay u horeysay in Ceel-dheer laga sameeyo maamul Degmo.

Sagootintii wafdiga Muuse Boqor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha isugu soo baxay dadweyne fara badan oo halkaas ka muujiyay sida ay uga xun yihiin in Muuse hor istaagay qorshahoodii ay ku doonayeen Degmonimo waxaana gabayga caanka ah ee ( Qoodhiinya xeradaa maxaa qadiyay Ceeldheer) ka tiriyay halkaas AUN Abwaan Jimcaale Dhega-taag

1962-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheer.Degmada Ceel-Dheer, dhaqaalaheeda waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, kaluumeysiga, beeraha oo inta badan ku xiran waraabka roobka iyo ganacsiga caadiga ah, Waxa ay Degmadu xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya qaar ka mid ah waxaana gacanta ku hayo

  1. Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa’uud &
  2. Sheekh Caamir Sheekh Siciid Seekh Ibraahin Yare oo labaduba hayo goobo wax barasho oo la furay bartamihii qarnigii 18aad.

Degmada waxaa ku yaal garoon Diyaaradeed oo ay maalgalisay hey’ada Talyaaniga ah ee CISP iyo madaxa shirkada Alba Inj Cali Xuseen Maalin, waxaana si joogta ah u isticmaalo diyaarado u badan kuwa hey’adaha gar gaarka oo todobaadkii sadex jeer agab isugu jira daawo & qalab caafimaad soo gaarsiiya labada cisbitaal ee degmooyinka Xarar- dheere & Ceeldheer, balse intaasi oo horumar iyo sii maalgalinta waxaa dhabarka ka jabiyay Kooxda Khawaarijta oo degmadaasi xoog ku qabsaday sanadkii 2010-kii, waxayna burbiriyeen dhammaan adeegyadii Bulsho, kuwaasi oo kala ahaa Isbitaalkii, goobihii Waxbarasho iyo adeegyo kale.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Khawaarijta ay burburisay Masaajidka Jaamicii degmada Ceel-dheer, Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas lagu aqri jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya haddii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah, waxaana Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida, Masaajid Cali-guduud, Masagawaa iyo Ceel-dheer ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo aan mudada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab markii looga adkaaday dagaaladii ka socday gobolada dalka waxay ku soo aruureen in ay qarxiyaan masaajida, xaafado ay degan yihiin dad rayid ah iyo shirkadaha isgaarsiinta, marka Kani waa masjidka weyn ee degmada Ceeldheer oo toddobaadkan laga xoreeyay cadowgii cuuryaamiyay Alshabaab.

Muuqaalka masjidka ayaa soo koobaya wixii kooxdani aheyd iyo xumaanteeda dhan kastoo laga eego, Masjidkani ma aheyn oo kaliya meel lagu tukado ee lagu kala tago ee wuxuu ahaa madal cilmi iyo cibaado oo cammiran maalin iyo habeen, iyadoo In ka badan 500 oo xer ah ay ku baran jiray culuumta diinta, kuwaasi qaarkood ka yimaadeen magaalooyin iyo deegaanno ka durugsan Ceeldheer, si ay uga cabbaan darka culuumta diinta ee magaaladani caanka ku tahay.

Nololoshii, cilmigii iyo cibaadadii halkan ka socotay waxay argagixisadu u rogeen burbur, cidlo iyo cabsi, Haddii ay beydkii Alle sidan u kharaabiyeen, bal qiyaas qeybaha kale ee nolosha iyo dhaqanka bulshada?, waxay ahaayeen diirato arxan daran oo 13 sano oo ay halkan joogeen ku reebay xanuun iyo hurgumo weyn, marka waxa lagu arkay ama lagala kulmay ayaa ah “Ayax tag Eelna reeb”, ‘blasé waxaa la joogaa xilligii la dhayi lahaa dhaawacyadii ay argagixisadu ka tageen, lana baabi’in lahaa afkaarihii qalloocnaa ee ay faafiyeen’, sidaanna waxaa yiri Liibaan Cabdi Cali oo ka soo jeeda deegaankaasi.

Diyaariye: C/laahi Ruush

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray fariisimaha Ciidanka ee deegaano hoostaga Degmada Xarardheere

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay fariisamaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaano hoostaga Degmadaasi.

Booqashada madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga Xuukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ciidamada qalabka sida ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah.

Dab khasaaro geystay oo xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha

Kooxda Dab damiska Gobolka Banaadir oo kaashaneyso Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa ku guulaystay daminta dab ka kacay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, dabkaas ayaa sababay khasaaro hantiyeed oo balaaran.

Maamulka Sare ee Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayey Kusimaha gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa gurmad u fidiyey ganacsatada suuqa bakaaraha, ayagoo xilweyn iska saaray sugida amniga iyo la socodka Howsha ay wadeen kooxaha dab damiska.

Ciidanka Amniga ayaa dadaal xoogan ku bixiyey sugidda amniga hantida ganacsatada iyo guud ahaan amaniga guud ee suuqa Bakaaraha.