Ruushka oo ku biiraya dhoolatuska ciidan ee Shiinaha iyo Koonfur Afrika

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo ku hubaysan hubka nooca loo yaqaan ‘Hypersonic Cruise’ ayaa bisha Febraayo ee soo socota ka qayb qaadan doona dhoolatusyada ciidamada badda ee Shiinaha iyo Koonfur Afrika, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

Ciidamada Difaaca Qaranka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhoolatusku uu socon doono 17-ka ilaa 26-ka bisha February,kaas oo ka dhici doona meel u dhow dekedaha magaalooyinka Durban iyo Richards Bay ee xeebaha bari Koonfur Afrika.

Waxay sheegeen ciidamadu in leyliga wadajirka ah uu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo xiriirka kobcaya ee u dhexeeya Koonfur Afrika, Ruushka iyo Shiinaha”.

Dhoolatuskaan ayaa noqonaya kii labaad oo ay ka qeybgalaan saddexda dal, kaddib dhoolatus la sameeyay sannadkii 2019-ka, sida ay xuseen ciidamada difaaca ee Koonfur Afrika.

Markabka dagaal ee Ruushka ayaa waxa ku xiran gantaalada Zircon, kuwaas oo ku duulaya xaware ka badan dhawaqa 9 jeer,isla markaana gaari kara 1,000-km.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii khawaarijtu ku qaaday dowladda Hoose

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Guure oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka G/Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa booqday dhaawacyadii dadkii ku dhaawacamay weerarkii naf la caarriga ahaa ee khawaarijtu ku qaaday xarunta dowladda Hoose ee xamar.

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta kale ayaa mid mid udul istaagay bukaanada ku jira isbitaalka, iyagoo warbixinno ka dhageysatay maamulka iyo dhaqatiirta isbitaalka Ex Digfeer oo la dhigay inta badan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi,waxa ayna madaxdu u rajeyeen in si deg deg Eebbe caafimaad u siiyo dowladduna ay la garab taagan tahay wixii daryeel caafimaad ah.

Shalay ayay ahay markii khawaarijtu weerar fashilmay  ku qaadeen xarunta Aqalka dowladda Hoose halkaa oo ay ciidamada dowladd kaga hortageen dhibatooyin argagixasadu  la damacasnad dadka shacabka ah, kuwaas oo ugu dambeyntii ciidamadu ay soo afjareen dhammaantoodana halkaa lagu dilay.

KAALINTA QURBA-JOOGTU KU LEEYIHIIN GANACSIGA IYO HORUMARINTA

Tan iyo markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaaladii sokeeye waxaa jiray xaalado nololeed oo la soo dersay dadka oo dhinaca nolosha iyo ammaanka ah taas oo keentay in dad fara badan ay ka qaxaan dalka iyagoo raadinaya nolol dhaanta tii ay dalka kala kulmeen xilligaas.

Dadkani duruufo kala duwan ayey la kulmeen iyadoo qaarna ay badda mareen, qaarna ay dalal kale sii jibaaxeen qaarna ay sanado ku sgnaayeen xeryo qaxooti siiba kuwa ku yaalla Kenya oo aynu derinka nahay.

Dadkan ayaa markii ay tageen qurbaha waxay bilaabeen nolol cusub oo ka duwan tii dalka ay ku yaqaaneen waxaana qaarkood soo food saaray shaqooyin adag oo aaney u baran halka kuwo kalena ay galeen dadaalo waxbarasho oo waqti dheer ku qaatay.

Mudadaas dalka Soomaaliya oo ay ka tageen wuxuu marayey marxalado marba heer taagneyd oo ay ugu badnaayeen dowlado ku meel gaar ah oo is bedelayey ilaa la suurtagaliyey in dalku ka baxao marxaladii ku meel gaarka uuna dalku sameeyo xoogaa horumar ah oo dhinaca nabadda ah.

Tani waxay abuurtay rajo cusub waxaana Soomaaliya ka bilaabantay rajo dowladnimo oo keentay in ay xoogeystaan haykaladii dowladnimo uuna abuurmay jawi suurataglin kara in dalku sameyoo horumar lagu taami karo in Soomaaliya mar kale ay soo gaarto caalamkii ka tagay.

Waxaa dib loo yaqleelay rajadii mudada dheer ay qabeen dadka qurba joogga ah ee aheyd DIB BAA LOO NOQONAYAA, dib ayeyna dalka ugu soo laabteen dad badan oo qurbajoog ah oo ay rajo galisay yididiilada cusub ee nabadda iyo horumarka.

Cali Maxamed C/qaadir wuxuu ka mid ahaa qurabajoogii dalka dib ugu soo laabatay shantii sano ee la soo dhaafay wuxuu abaabulay ganacsi uu ku sameeyey shaqo abuur ayna ka shaqeeeyaan in ku dhow toban dhallinyaro ah wuxuu qabaa in qurbajoogga ay yihiin dad gacan ka geysana dib u dhiska dalka wax weyna u taray.

“Qurbajoogga waxay gacan ku leeyiin ganacsiga, siyaasadda iyo dib u dhiska kale ee dalka “ ayuu yiri Cali.

Qurbajoogga kaalimo ayey ku leeyihin siyaasadda waxaana ku jira golayaasha kala duwan ee siyaasdda dad qurabajoog ah oo dibeedda ka yimid qaarkoodna waxay saraakiil sare ka yihiin ciidamada dalka .

Inkastoo oo taasi jirto ayaa hadana dad kale oo dalka ku sugnaa goob joogna u ahaa wixii dalka ka dhacay waxay qabaan in qurbajoogga haatan dalka dib ugu soo laabtay ay la wareegeen fursadihii dadkii ku sugnaa gudaha dalka xilligii xasilloni la’aanta .

Maxamed Xaaji C/qaadir oo ah dadka gudaha ku sugnaa isal markaana ah arday heysta shahaadada labaad ee jaamacadda ee Master ayaa qaba in dadkan qurbajoogga ah ay la wareegeen fursadihii shaqo iyo kuwii siyaasadeed ee ay heli la haayeenwaxa dadka qaar ugu yeerraan qoorrax-joogga si waali ahna loo siiyo qurbajoogga furasadahaa.

“Maanta Soomaaliya haddii aad mar keliya dibedda tagtay oo aad sheegato wixii aad doonto iyadoon cidna ku dabagalin ayaad heleysaa jago aadan aqoon u laheyn iyadoo waxa keliya ee laguu tixgalinayo ay tahay in aad qurbajoog tahay” ayuu yiri Maxameed Xaaji.

Si kasta ahaatee hadana ma aha wax qarsoon kaaalinta ay qurbajooggu kaga jiraan horumarka iyo sibedelka dalka ka jira.

WQ: Mohamed Shiil

KA SHAQEE NADAAFADDA CAASIMADDAADA

Magaalooyinka adduunka waxaa lagu qiimeeyaa nadaafaddooda waxaana ka wada shaqeeya dadka ku nool oo aan u ooggoleyn in warqad ama wax kale oo qashin ama nadaafad xumi keeni kara lagu tuuro waddooyinkooda.

Magaalooyinka Afrika ee dhinaca nadaafadda loogu ammaanta badan yahay waa magaalada Kigali ee caasimadda u ah dalka Ruwanda oo aan ognahay dhibaatadii ka dhacday iyo sida dadka dalkaas ku dhaqan Soomaaliya oo kale ay u soo mareen dagaalo sokeeye oo dad badan galaaftay.

Muqdisho inkastoo waddooyinka qaar subaxii iyo habeenkii lagu arko dad nadaafadda ka shaqeynaya hadana dadka intooda kale kuma baraarugsanaya in iyaga laftooda xil ka saaran yahay nadaafadda caasimadda.

Isla xil saarid la’aan weyn ayaa jirta waxaana laga arkaa waddooyinka qaar oo laga dhigay goobo lagu soo daadiyo qashinka iyo haraaga maqaayadaha , dumarkana wasaqda guryaha iyo biyaha ku soo daadiyaan.

Cid walba halka ay tabto ayey wax ku shubtaan kuna daadisaa biyaha taas oo keentay waddoyin dhan oo la dhisay qarashna ku baxay ay isu bedelaan meel aan ur, qashin iyo biyo wasaq leh dartood loo mari Karin.

Waxaa la yaab leh in cid kasta oo isku dayda in ay joojiso dhibaatadaa waddooyinka ku dhaceysa loogu jawaabo ma adigaa leh waddada waa naga dhaxeysaa.

Qashinka iyo wasaqda waxaa wanaagsan in loo sameeyo meelo cayiman oo la geeyo iyo in qeybaha magaalada la soo dhigo haamaha qashinka sidii ay hore u sameyn jirtay dowladda hoose.

Sidoo kale waxaa wanaagsan in dadka ku howlan wax u dhimista nadaafadda magaalada in laga qaado tallaabo sharci ah haddii ay tahay maqaayadleyda ama dadka ganacsiyada ku leh hareeraha waddada hadana aan daryeelin wadada iyo nadaafadda caasimadda.

Dhiaabatadan waxay noqotay arrin la iska caadeystay iyo in qashinka la iska dhexmaro bullaacadaha waddada ku soo fatahayana laga tallaabsado laakiin arrintan waa mid aragti fool xun ka bixineysa nadaafadda magaalada iyo dadka ku nool.

Waxaa la yiraahdaa inta qashinku kuu jiro ayaa cudurkuna kuu jiraa hase yeeshee murtidaa weli macnaheeda dhabta ah waan fahmi la’nahay waana tan nagu kallifeysa in aan qashinka weheshanno.

WQ: Mohameed Hassan

CARUURTA DARIIQYADA KU NOOL WAXAY U BAAHAN YIHIIN TIXGELIN IYO FURSADO WAXBARASHO

Carruur badan oo ku nool dalka oo gaaray da’da waxbarashada ma heli karaan fursado ay wax ku bartaan siiba kuwa ku nool dariiqyada ee noloshooda ku debara xoogsi aaney gaarin

Arrintan ayaa loo aaneyn karaa dhibaatooyin kala duwan oo jira oo ay ka mid yihiin :

–          Qoysaskooda oo ah sabool awoodna aan u laheyn in ay ka bixiyaan qarashka waxbarashada.

–          Carruurta qaar oo aan heysan waalidkood oo ay dhinteen ama ay kala tageen sidaasna ku muteystay dayac iyo in ay ku soo biiraan dariiqyada nolosha ka jirta.

Maxamed Cali  waa canug da’diisu tahay 10 jir oo ka xoogsada dariiqyada isagoo qabta howsha ah in uu kabaha tirtiro (Caseeye) wuxuu ka warramay sida uu noloshiisa ku soo dhacsado.

“ Waxaan kabaha u casseeyaa dadka waxa aan ka helana waxaan kula noqdaa qoyskeyga oo ah dan yar una baahan in aan caawiyo” ayuu yiri Maxamed

Magaalada Muqdisho qiyaasha ay bixinayaan hey’adaha qaar sida Unicef ay sheegayaan in waddooyinkeeda ay ku nool yihiin tiro ku dhow 2kun oo carruur ah oo marka laga soo tago howsha caseeyaha qabta howlo kale sida nadiifinta goobaha ganacsiga, maqaayadha iyo kale .

Maxamed Cali waxaan mar kale weydiiyey haddii ay jiraan carruur kale oo suuq jooog ah oo sidiisa oo kale ah oo aan hadana shaqeysan balse ku mashquulsan arrimo kale sida dhuuqista xabagta iyo koolada , sigaarka , tuugsiga iyo tuuganimada.

“Waxaa jira carruur sideyda oo kale suuqa ku jirta laakiin sameeya arrimo kale sidaasna muqstaqbalkooda ku sii xumeeya oo qaarkood ay cabaan ama dhuuqaan koolada kuow kalena maba shaqeystaan ee wey tuugsadaan” ayuu yiri.

Waalidiinta qaarkood inkastoo dhaqaale ahaan aaney dhaqaale ahaan carruurtooda ka reebi Karin suuqa una heli Karin waxbarasho hadana wey ka warqabaan carruutuna wey u hoydaan iyagoo dhaqaale ahanna caawiya qoyska.

Fadumo C/qani waa hooyo Soomaaliyeed oo willkeeda oo da. Ahaan aan ka weyneyn 12 sano uu caawiyo waxayna ka warrameysaa sida canuggeeda uga qeyb qaato dhaqaale ahaan in uu gacan siiyo qoyska.

“Wiilkeyga reer wuu caawiyaa wixii uu soo helana wuu u keena..marna kama soo dhaxo guriga anigana waxaan isku dayaa mar walba in aan ka warqabo halka uu joogo iyo xaaladana uu ku sugan yahay waan jeclaan lahaa in uu wax ii barto oo uu ka haro suuq joogga laakin waa agoon oo wuxuu ila koriyaa carruurta ka yar yare e uu aabihii ka dhintay” ayey tiri hooyadiis.

Dadka qaar waxay qabaan in carruurta nolosha adag kala kulanta suuqyada ee ka shaqeysata  sida wanaagsana u dhaqanta ay qaarkood marka dambe ku guuleystaan in ay dhistaan noloshooda.

C/llahi Axmed waa aabbe ku nool magaalada Muqdisho wuxuuna ka hadlayaa waayo aragnimadiisa carruur suuqa ku kortay oo is koris ah ay u diyaarsadeen noloshooda una dhisteen mustaqbal.

“Aniga kula hadlaya waxaan ahaan jiray canug darbi jiif ah oo aan heysan cid xannaaneysa ..aabahey iyo hooyadey anigoo yar ayey dhinteen..suuqa cid iga wadda ma jirin, waan dadaalay is koris baan ahaan markii dambena makaanik ayaan noqday hadda waxaana hay aabbe qoys iyo carruur leh, carruurteydana wax baan baray” ayuu yiri aabbe C/llaahi Axmed .

Ma aha in carruurtan darbi-jiifka ah kuwooda muujinaya dadaal ah in ay shaqeystaan ama noloshooda soo dhacsadaan lagu sameeyo niyad jabin hankoodana hoos loo dhigo . Wuxuunaabbe Cllaahi Axmed sheegay  in ay tahay in carruurtan niyadda loo dhiso laguna baraarijiyo shaqadu in ay tahay sharaf.

Carruurta waxay mudan yihiin in la gargaaro oo gacan la siiyo siiba kuwooda ku nool xaaladaha nololeed ee adag  iska markaana ku dadaalaya in ay waalidkooda laga yaabo in uu yahay waayel aan wazx qabsan Karin ay gacan siiyaan

WQ: Maxamed Shiil

QAABKEE AFRIKA UGA ADKAAN KARTAA ARGAGIXISADA (QEYBTA 1-AAD)

Argagixisada ayaa siiwada ficiladooda guracan ee khatarta ku ah jiritaanka iyo horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulshada ee qaarada Afrika sababo laxariira inay yihiin kuwo leh sifooyin kharibaad ah oo lid ku ah dadaalada  ay wadamada afrikaanku ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan isbadal dhaqan dhaqaale iyo bulsho oo hanaqaada .

Kahtaraha argagixisadu ku hayaan wadamada afirka ayaa ah mid cuuryaaminaya  dadaalada ay qaaradu ugu jirto sidii ay ugaari lahayd ajandayaasheed dhanka horumarinta qaarada oo lajaan qaadi kara  dunida casriga. Dadaaladaas ayaa  ah  sidii hoos loogu dhigi lahaa ama loo yarayn lahaa caqabadaha dhaqan dhaqaale, amni  iyo bulsho ee sida xun u saameeyey inta badan nolosha  bulshada qaarada ee aadka u liita . ama ah  kuwa nugul dhibaatooyinka dabiiciga ah ama kuwa aan dabiiciga ahaynba .

Duruufaha qalafsan ee ladariska ah bulshooyinka qaarada Africa yaa ah kuwo  sii daciifinaya  awooda bulshada, waxayna noqonayaan kuwo unugul amaba  khatar u yihiin inay ku biiraan, ama gacan siiyaan ururada xagjirka ah iyo kuwa argagixisada ah.

Warbixin ay qortay xarunta ( African Centre for the Study and Reseach on Terrorism )  bartamaha sanadkan 2022  ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay Janaayo – 30 Jun 2022 ay qaarada ka dheceen in ka badan 699 weerar ayna kadhasheen qasaaro dhimasho oo gaaraya 5412.

xarunta ayaa iftiimisay in ficilada kooxaha argagixisada ay caalama ka gaystaan in boqolkiiba 48% ay ka dhacaan  afrika.  soomaalida ku waxyeeloobay ficilada guracan ee argagixisada ayaa tiro ahaan kaaraya boqolkiiba 18% marka labarbar dhigo dalalka Burkiina Faso,Mali iyo Nayjar. Balse waxa kabadan dalka afganistaan oo boqolkiiba 20% ay yihiin dadka kule`day ficilada argagixisada.

weerarada argagixisada ee kusii baahaya Afrika waxay abuuraysaa welwel kale oo ah sida ay qaaradu u xaqiijinkarto yoolka uruka midawga afrika oo ah in qaaradu noqoto meel ka caagan dhawaqa qoriga 2030 , maadaama ay ku guul daraysatay inay xaqiijyo gaarista yoolkan 2020.

Waxaynu ku noolnahay duni ay ka dhacayaan isbadalo waaweyn, sidoo kale waxaa isbadalaya hab dhaqanka ururada argagixisada marka laga eego dhanka ilaha dhaqaalaha ay ka helaan, dadka ay adeegsadaan iyo xirfadaha ( Techniques)iyo sidookale tabaha ama qalabka ay u adeegsadaan inay ku fuliyaan weeraradooda. Isbadala noocaan ah ayaa kadhigaya kuwo ka dhib badan ama ay adagtahayba in lafahmo qaababka iyo tabaha ay ufulinayaa hawlgaladooda waxshnimada ah . sidaas awgeed waxaa qasab ku ah hay`adaha nabadsugiga ( Intelligences ) iyo kuwa Amniga inay noqdaan kuwo u diyaarsan awoodna u leh  inay la falgalaan kooxahaas cadawga ah ee abaabulan, korna u qaadaan dareenkooda iyo garaadkooda ,  waana muhiim in wadamada qaaradu ay qaadaan talaabooyin cad cad oo wax ku ool ah oo ah inay dib u habayn ku sameeyaan dhinacyada xoojinta awooda iyo tayada dadka ka howlgalaya hay`adahaas noqdaana  kuwa u diyaarsan dejinta istiraatijiyadaha dhanka aruurinta xogaha, xuuraansiga wararka , falanqayntooda iyo in sihufan loofaaqido xogahaas, noqdaana hay`adadha amnigu  kuwa awood u leh isdhaafsiga xogaha waqtiga ku haboon iyo go`aan ka qaadashadooda,  sidoo okale waa muhiim inla adeegsato xirfadaha caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn si looga hortago loona fashiliyo weeraada ka imaankara kooxaha argagixisada .

  Mahadsanidiin

                           WQI: Axmed Suudaan

Lataliyaha koowaad Somali embassy Khartoum- Sudan. 

 

MUHIIMADDA CIIDAMADA IYO DIFAACA DALKA

Maxaytahay muhimadda ay leeyihiin ciidan, dal majiri karaa ciidan la’aan?

Ciidan waa awoodda kaliya uu leeyahay dal waliba, ciidanka waa ilaalada ama difaaaca dalka, dadka iyo diinta, dal aan ciidan laheyn dadkiisa, diintiisa wey dayacanyihiin.

awoodda kaliya ee uu wadan ku faano waa ciidan ama difaaca wadamada horumaray miisaniyadda ugu badan waxey ku bixiyaan difaaca sababtoo ah waxey ogaadeen hadeysan difaac jirin inuu san jireeynin wadan.

Ciidamadu waxey qabtaan howlo badan oo aan bulshadu si jogta ah u arki karin waxaa ka mid ah howl galada bini’aadanimada iyo howlaha kale ee caadiga ah, maanta dowladaha horumaray ee distay ciidan xoogan waa kuwa maanta waxii doonaan ka sameeynaya dunida.

Reer galbeedka uu horkacaayo Maraykanka maanta waxey is laheysiyey dunida waxa ay ku gaareena ma ahan awood ay ku dheer yihiin ee waa inay is ku tashteen oo ay dhisteen ciidan kadibna ay ku fakareen inay dunida inteeda kale u taliyaan.

Dhamaan noocyada awoodda ee go’aamiya heerka awoodda dal lagu qey meeyo waxaa saldhig u ah ciidan, wadan leh ciidan xoogan waxey dadkiisa caadiyan ku noolaanayaan darajo ka sareyso amniga iyo xasiloonida, marka loo fiiriyo wada awood militry laheyn.

sidoo kale wadan leh awood xoogan oo militry waxuu awood u leeyahay inuu la wareego ama uu yareeyo awoodda wadan kale, sidoo kale waxuu cuuryaamin karaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo kheyraadka uu leeyahay wadan kale.

waxaa jira arimo badan oo go,aamiya heerka awoodda ciidan uu dal leeyahay. Waxaana ka mid ah

1 Awoodda ciidan ee difaaca xuduudaha: Awoodda uu dalka u leeyahay in uu difaacdo xuduudihiisa, oo haddii loo baahdo ku difaacan karo awood Militry.

2 Awoodda difaaca ee Militry: Wadanka waa in uu awood militry ku ilaalin karo dhulkiisa iskana caabinkaro duulaan kasto oo kaga yimaado wadamada la tartamayo iyo IWM.

3 woodda ciidan ee dhulka: Awoodda uu dalka leeyahay tani waa mida ugu muhiimsan ee lagu qeymeeyo wawoodda dowladda, mar hadaadan aheyn wadan leh awood ciidan ee xagga dhulka matihid dowlad leh awood ciidan.

4 Awoodda ciidanka badda: wadamada waxyaabaha lagu qeymeeyo waxa ka mid ah awoodda ciidanka baddda wadanka waa in uu difaacan karo xeebihiisa waa in uu ka hortagi karo halis kasto oo ku soo wajahan xeebihiisa.

5 Awoodda hawada: awoodda hawada hadda waa qey muhiim ah oo ka mid ah awoodaha guud ee militariga dinidaan casriga ah ayaa sii kordhineysa muhiimadda ciidanka cirka.

Maanta dunida waxyaabaha lisku qeymeeyo waxaa ka mid ah in uu dalka awood u leeyahay in uu soo saarto qalabka militry oo ugu horeeyo hubka nuucyadiisa kala duwan, dowladda haddii ay leedahay hub iyada farsameysay waa dowlad aan lagu soo dag-dagin xiliyada dagaalka.

Maanta waxaa jira farqi weyn oo ku saabsan heerka awoodda militry ee u dhaxeeysa wadamada dunida hogaaminaaya waxay ku kala duwan yihiin miisaaniyadda ay ku bixiyaan ciidamada militariga.

Maanta wadan kasto oo qeymo iyo sharaf ku leh dunida waa wadan leh ciidan militry oo xooggan, wadan kasto oo doonaayo sharaf waa uu inuu dhisaa cidankiisa si uu u gaaro hamigiisa ah inuu ka soo dhax muuqda dunida.

Kaqeyb qaado dhismaha ciidamadaada haddaad dooneyso in la guugu qadariyo dunida.

WQ: Cumar Maxamed Cumar.

 

SIDEE LOO HELI KARAA CIIDAN IYO BULSHO WADA SHAQEYN KARA?

Waddan keenu wuxuu leeyahay ciidan xooggan oo abniga suga sida darteed waa  in ay soo celiyaan abniga iyo kala dambeyntii caasImadda dalka caasimad kasta waddankeeda waxay u tahay  muraayad  laga eego  dhaqdhaqaaqa horumarka ka socda waddanka caasimaddaas.

haddaba waxaa habboon in la sugo abniga magaalamadaxda iyo nawaaxiga  gobolka banaadir waana in la helo shacab iyo ciidamo saaxiibo ah kana wada shaqeya abniga dalka iyo dadka.

waxaa habboon in degmooyinka xaafadaha uu ka kooban yahay gobolka in laga  sameeyo waxa loo yaqaanno derisayn iyo xaafiisyo u gaar ah kaas oo loo bixiyo xaafiiska iska  warqabka abniga deegaanka labo boqol oo guriba in sameeyo  shaqaale ka soo  warbixiya afar labaatankii saacba hal mar kasoo  war bixiya hal mar.

haddaba qaabka deriseynta waa tallaabada ugu habboon ee wax lagu saxi  karo weliba  dadka muslinka  ah  ay  isaga  warqabaan  xaaladahooda  iyo ku  kuwa gaarka  ah  intaba  walalayaal  cidana   ma aqbalikarto  ciidamada  ka hawlga la  gobolada  koofurta  soomaaliya   dhacdooyinka  abni  darro  oo  ka jira

haddaba  waa in  lahelaa  ciidan  iyo  dadweyne  isku  xiran  waddaniyad   sharci  iyo  iskaashi  waana  in  la helo  aqoon  hogaamisa  xaaladaha  aan  kor  ku soo  sheegay in taas la helo  waxaa imaneysa   kal sooni  iyo  is jacayl walaalyaal   Wadan  waxuu  ku horumaraa  abni  iyo  garsoor  haddii la waayo  labadaas  lama helayo  bulsho  nabad  u  heegan  ah  iyo  ciidamo  is hareera socda hagardaamo  hawl  la isku  hagrado  ayaa  abuuranta  ka dibna  waxaa  ka dhasha    ururro   iyo  kooxeysi.

haddaba  si  ay  u dhicin  sidaas  qaababka  ay  adeegsadaan  cadowga  gudaha  iyo  kan  dibadda intaba  waa in  la helaa   diyaar garoow  looga  hortago  tabcanyaasha  shisheeye  iyo  kuwii  ay  nooga  gumeysteyaashii  reer yurub  oo  aan  weli geyiga  soomaaliya   kuwaa soo  weli  u soo  hanqltaagaya sidii  ay  gacanta  ula  heli lahaayeen  nimcada  ceegaagta  dalka  hadday  tahay shidaal  dheeman  iyo  guud  ahaan  khayraadka  waddanka  soomaaliya

haddii  aan  sugin  abniga  oo  aragti  ka  fog  midda  maanta  lagu  shaqeynaayo  oo  aad  uga  duwan mabda a qabyaaladda  ku  dhisaniyo  nin jacleysiga  taas  waxaa  lagu  magacaabaa  guur  oo ha degin  haddaba  sidaan  uga  gudubno arramiha waddankeenna  dib u  dhaca ku waa  inla  ciidamo  abniga  suga  iyo  dadweyne  garab taagan   guushu  waa gacmo  wada jira   daacadnimo  haddaba  walalayaal  waddan keennu  waxuu  baahan yahay nabad.

WQ: Abwaan  C/salaam Axmed gabeyre

 

MUQDISHOOY ISKA JIR DHAGARTA ARGAGIXISADA FIRXADKA AH

Gulufka Ciribtirka Argagixisada Al-shabaab ayaa si weyn uga socda dhammaan gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan gobollada Hiiraan, galgaduud iyo baay, kuwaasoo laga gaaray guulo la taaban karo.

Argagixisada aan damiirka lahayn ee alshabaab ayaa haatan godkooda waxaa ugu galay dhiiggii ay ka daadin jireen bulshada soomaaliyeed waxaa hubkii qaatay kuwii ay laayeen aabayaashooda hooyooyinkooda iyo walaalahooda, waxaa kacay oo gudin af leh ku goobaya dhammaan ummadda soomaaliyeed oo wax badan u dul qaatay maxeysatada gacan ku dhiigleyaasha ah ee alshabaab, balse alshabaab oo ismooday wax kale ayaa haatan taagan hogay oo ba’ay, Waana wax Ilaah looga xamdiyo laguna farxo inay sidaa wax u dhacaan.

Haddaba, dagaalka lagula jiro waa kii lagu baabi’in lahaa khawaariijta argigixisada alshabaab, kaasoo haatan si habsami leh uga socdo  gobollada qaar waxaana la rajeynayaa in si deg deg ah ugu faafo gobollada haray, balse su’aashu waxay tahay in aan faraha lala gelin magaalooyinka waa weyn ee caanka ah kuwaasoo ay ka mid tahay magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

Sida magaalada Beled weyne gudaheeda, Jowhar gudaheeda dhuusa mareeb gudaheeda, muqdisho gudaheeda, baay iyo bakool gudahooda , waayo waa meelaha ugu halista badan oo laga yaabo in uu ka socdo abaabullada iyo hoggaaminta alshabaab, sidoo kale si aysan ugu soo guryo noqon magaalooyinkaas waa in la xiraa dhammaan xudduudaha soo gala magaalooyinkaas, haddii kale kuwa soo firxaday iyo kuwii horay u joogay waxay sababi karaan in wax badan ka geystaan gudaha caasimadaha gobolladaas.

Waxaa habboon in la qaado howlgallo isdaba joog ah oo habeen iyo maalin lagu baarayo guryaha dukaamada iyo suuqyada gudahooda, waxaa hubaal ah haddeey xaajadu ku xumaato alshabaab marka ugu horreysa waxaa ay soo gudbinayaan caruutooda iyo haweenkooda ka dibna iyagaa ayaa ku soo xigaya.

Marka looma baahna wax jiljileec ah in loo sameeyo, waana in loo sameeya xeryo si weyn loo ilaaliyo oo lagu koontoroolo, waayo xaasaska iyo caruutuba waxay xambaarsan yihiin fikirka alshabaab.

Taasi waa in laga digtoonaadaa.

Haddaba, waxaa loo baahan yahay muqdisho waa caasimadda iyo muraayadda dalka alshabaabna wuxuu jecel yahay in uu ka muuqdo oo wasaqeeyo had iyo jeer waana wax la filan karo mar walba, taasi waa inay keentaa in culeys badan la saaro caasimadda amnigeeda si looga feejignaado Qataraha Dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyada iman kara, ileen waxaan ognahay in leysu dhaartay marka waa in dadka deggan caasimadda ay hurdada ka kacaan kana foojignaadaan dhagaraha ay soo maleegayaan.

Waxaa u habboon reer muqdisho degma kasta in ay sameeyaan abaabul wax u dhigma macawisleey oo la howlgala ciidammada dowladda gaar ahaan kuwa dharcadda iyo boliiska si loo soo qabqabto kuwa Pistooladaha wax ku dila iyo Madaxdooda oo ku dhuumaaleysanaya gudaha xaafadaha muqdisho.

Waa in dhallinyarada ay ka qaataan howsha socota kaalintooda wixii ay arkaana usoo gudbiyaan ciidammada heeganka ugu jira soo qabashada argagixisada.

Ogoow alshabaab, waxa uu  ku fikiro  ama uu ka  shaqeeyo waa dhagartaada iyo siduu kuu dili lahaa, intaas ayay ku lacag qaataan ee wax dan ah oo kale ma hayaan.

Sidaa dared, haddaad meel ku ogtahay ha qarinin ee la wadaag ciidammada dowladda meel kasta oo ay joogaan si shartiisa looga badbaadiyo loogana qabto bulshada soomaaliyeed ee abriyada ah oo ay ka mid yihiin hooyada, aabahaa iyo dhammaan ehelladaada.

Haddaba, reer muqdishoow waa inaad gashaan difaac adag iyo dadaal dheeri ah.

WQ: Bootin dheere

Afhayeenka Boliiska oo ka warbixiyay weerarkii Khawaarijtu ku soo qaaday xarunta Gobolka Banaadir

Afhayeenka Boliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Doodishe ayaa faah-faahin ka bixiyay ayaa ka warbixiyay weerarkii naf-lacaariga ahaa ee Khawaarijtu ku soo qaadday xarunta Aqalka Dowladda Hoose.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay xarruunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guulaysteen in ay ka hortagaan weerarka Khawaarijta soo qaadeen.

Mudane Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in kooxda khawaarijta ee weerarka soo qaaday ka koobnayeen 6 dhagar qabe.

Afhayeenka ayaa sheegay mid kamid ah xubnaha khawaarijta uu isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha, halka shan xubnood oo kale la toogtay iyaga oo aan soo gaarin halkii ay u socdeen.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay soo badbaadiyeen dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab. Tirada dadka rayidka ee dhintayna ay gaarayaan 6 ruux.