Ciidamadda Dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay 39 ka tirsan khawaarijta

Xarardheere-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo goordhow la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka waramay howlgal qorsheysan oo ciidanka xooggu ka fuliyeen deeggaano hoos taga degmada Xarardheere, waxaana uu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 39 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ee Shabaab.

Taliye Biixi ayaa sheegay in cashar ay u dhigeen Khawaarijta Al Shabaab, lagana furtay hub, haddana ay uga dabatagayaan deegaanka Jowle oo firxadkooda laga soo sheegay. Waxaana uu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in Khawaarijta laga dilay 45 maleeshiyaad, 50 kalena dhaawacyo soo gaaray.

“Khawaarijta oo dhibaateynaya shacabka ayaa deegaanka Caad ku gubay gawaari ay shacabku leeyihiin iyo kuwa iyagu lahaayeen oo ka halaabay, shacabka ayaana ciidamada la wadaagay xogta oo ah waxa ugu muhiimsan ee la isa siiyo. Ciidamada xoogga ayaana gacanta ku dhigay deeggaano dhowr ah oo laga saaray khawaarijta” ayuu yiri Jen. Biixi.

Jen. Biixii ayaa xusay in howlgalka maanta ay gacan ku siiyeen saaxiibada Caalamka ee taageerada buuxda la garab taagan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay garab istaaggooda joogtada ah .

Ugu dambeyntii taliyaha ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay shacabka Soomaaliyeed oo si buuxda gacan uga siinaya dowladda dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta Alshabaab.

Sida loo cirib tiri karo Argagixisada arxanka daran ee Khawaariijta

Waddan keenu wuxuu leeyahay ciidan xooggan oo abniga suga sida darteed waa  in ay soo celiyaan abniga oo argagixisada khawaariijta ah ka tirtiraan caasimadda dalka soona celiyaan kala dambeyntii caasImadda dalka.

caasimad kasta waddankeeda waxay u tahay  muraayad  laga eego  dhaqdhaqaaqa horumarka ka socda waddanka caasimaddaas.

haddaba waxaa habboon in la sugo abniga oo caasimadda oo laga waayo wax khawaariij ah magaala madaxda iyo nawaaxiga  guud ahaan gobolka banaadir waana in la helo shacab iyo ciidamo saaxiibo ah kana wada shaqeeya abniga dalka iyo dadka.

waxaa habboon in degmooyinka xaafadaha uu ka kooban yahay gobolka in laga  sameeyo waxa loo yaqaanno derisayn iyo xaafiisyo u gaar ah kaas oo loo bixiyo xaafiiska iska  warqabka abniga deegaanka labo boqol oo guriba in sameeyo  shaqaale ka soo  warbixiya afar labaatankii saacba hal mar kasoo  war bixiya hal mar.

haddaba, qaabka deriseynta waa tallaabada ugu habboon ee wax lagu saxi  karo weliba  dadka muslinka  ah  ay  isaga  warqabaan  xaaladahooda  iyo ku  kuwa gaarka  ah  intaba  walalayaal  cidana   ma aqbalikarto  in ciidamada  ka hawlgala  gobollada  koofurta  soomaaliya  ay ku soo noqnoqdaan dhacdooyin  amni  darro  ah.

haddaba  waa in  la helaa  ciidan  iyo  dadweyne  isku  xiran  oo si waddaniyad ah oo  sharci  iskaashi  u sameeya, waana  in  la helo  aqoon  hoggaamisa  xaaladaha  aan  kor  ku soo  sheegay.

haddii in taas la helo  waxaa imaaneysa  kal sooni  iyo  is jacayl, walaalyaal Waddan  waxuu ku horumaraa amni iyo garsoor haddii la waayo labadaas lama helayo  bulsho  nabadda u hoggaansan iyo ciidamo is hareera socda hagardaamo hawl la isku hagrado  ayaa  abuuranta ka dibna waxaa fashilma howlgallada waxaana ka dhasha ururro iyo  kooxeysi.

haddaba si ay u dhicin taasi waa in wax laga baddelaa qaababka hadda loo adeegsado  cadowga gudaha iyo kan dibadda intaba, waa in la helaa diyaar garoow looga hortago  tabcanyaasha shisheeye iyo kuwii ay nooga gumeysteyaashii reer yurub oo aan weli geyiga  soomaaliya kuwaa soo weli u soo hanqal taagaya sidii ay gacanta ula heli lahaayeen  nimcada ceegaagta dalka hadday tahay shidaal dheeman iyo guud ahaan khayraadka  waddanka soomaaliya.

haddii aan sugin abniga oo aragti ka fog midda maanta lagu shaqeynaayo oo aad uga  duwan mabda a qabyaaladda ku dhisaniyo nin jacleysiga taas waxaa lagu magacaabaa  guur oo ha degin haddaba sidaan uga gudubno arramiha waddankeenna dib u dhaca ku waa inla ciidamo abniga suga iyo dadweyne garab taagan  guushu waa gacmo wada jira   daacadnimo haddaba walalayaal waddan keennu waxuu baahan yahay nabad.

Dalka Edatorial

GULUFKA CIIDAMADA QARANKA IYO KALA FIRXADKA KHAWAARIIJTA!!

In badan ayaa la sugayaayey in maalin uun la arko iyada oo lagu dhiiran karo wax ka sheegga foolxumooyinka ay sameeyaan Argagixisada Alshabaab.

in badan ayaa la dhawrayey in maalin maalmaha ka mid ah laga adkaado kooxdaan wax yeelooyinka iyo gumaadka ba’an ku haayey shacuubta soomaaliyeed.

in badan ayay umadda Soomaaliyeed sugayeen in ay indhahooda ku arkaan jabka Qawlaysatada Alshabaab iyo iyaga oo sii kala ordaya ka dib markii ay u gacan qaadaan ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed oo kaashanaya Soomaalida horusocodka ah ee dalka iyo dadka soomaaliyeed jecel in ay xoroobaan.

Maanta ayaa la arkay in ruux kasta oo ka mid ah Muwaadiniinta soomaaliyeed isaga oo u heelan la dagaallanka cadawga argagixisada Alshabaab, waxaa kacay dhiigga qof kasta oo soomaaliyeed ka dib markii uu arkay ama uu maqlay dhacdadii 14ka Oct, ka dibna uu dhagaystay qudbaddii dhaxal galka ahayd ee uu jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mud. Xasan Sheekh Maxamuud, oo runtii tilmaamaysay in Kooxdaan nabadiidka ah ee la magac baxday Alshabaab aysan ahayn koox ku dagaalamaysa Diin iyo xuquuq ka maqan, balse ay yihiin cadaw loo soo wakiishay daadinta dhiigga umadda soomaaliyeed ee muslimka ah.

Durbadiiba waxaa is diyaariyey ciidamada geesiyiinta ah ee Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta xalaasha ah ee ay ka go’an tahay in ay dadka iyo dalkoodaba ka xoreeyaan cadwga Alshabaab.

Dhanka kale, waxaa biloowday abaabul cilmiyeysan oo ay hoggaan ka yihiin madaxda sare ee qaranka waxaana la bilaabay baacsiga kooxda qawlaysatada ah ee alshabaab.

Waxaa lagu weeraray goobo fara ku tirsi ah oo ay ku dhuumaalaysanayeen in dhawaalaba kana soo abaabuli jireen qaraxyada ay ku laayaan dadka masaakiinta ah oo ku nool qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka sida Caasimadda.

Ciidamada Qaranka ayaa u dhigay daruus lama iloobaan ah dhamaan goobihii ay cadawgaasi kula kulmeen, sidoo kale Guulaha lixaad leh oo ay ciidamadu ka soo hooyeen cadawga Al-shabaab ma aha qaar tiro lagu soo koobi karo balse ma aha mid ay kaligood soo hooyeen, waxaase hubaal ah in qaybaha bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaateen la dagaalnka cadawgaas, gaar ahaan Haweenka soomaaliyeed.

Waqtiyadii la soo dhaafay waxaa furrimaha dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab gaaray wafdiyo ballaaran oo kala duwan, waxayna ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Alshabaab gaarsiinayeen deeq dhaxal gal ah oo niyadda ciidamada qaranka kor u qaadayeen isla markaana dareen siisay in aysan kaligood la dagaalamaynin cadawga.

Deeq bixiyeyaasha furimaha tagayay waxay la hadlayeen Ciidamada goobahaasi ku sugan ee xabadda cadwga laabta u dhiganaya si ay dalkooda uga dul qaadaan heeryada uu dulsaaray Cadawga Alshabaab, waxayna u balan qaadeen in aysan marnaba ka maqnaan doonin goobaha ay joogaan ciidanka mar kastana ay soo booqan doonaan, islamarkaana ay u dhimanayaan dalkooda iyo dadkooda.

Waxay intaas ku dareen inta Khawaariijta alshabaab ay dalka goob kaliya ka haystaan aysan seexan doonin furimaha dagaalkana aan laga waayi doonin,

Waxay ballan qaadeen in ay sida ciidamada Qaranka oo kale ay iyaguna u joogi doonaan.

Midnimada Shacabka iyo Ciidanka qaranka waxay dhabar wareen ku noqotay cadawga Alshabaab oo in badan iyo sanado aan tirsi lahayn isku dirka dadka soomaaliyeed, dilka, gawraca iyo kufsiba ku haayey umadda soomaaliyeed, laakiin Alshabaab iyo Amiiradoodaba waxaa maanta u cadaatay haddii shacabka Soomaaliyeed uu midoobo in aysan galaas biyo ah ka sii cabbi doonin dalka Soomaaliya xitaa aan iraahdo Geeska Afrika dalaka kulaala oo dhan.

 Dalka Edatorial

 

 

 

Duqa Muqdisho oo booqday Isbitaalada Muqdisho oo ay ku jireen shacab ay waxyeelo ka soo gaaray weerarkii Khawaarijta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka soo laabtay safar shaqo oo dalka dibadiisa ayaa booqday qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo ka soo gaartay weerarkii Khawaarijta ay shalay ku soo qaadeen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Laamaha Amniga iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha, asigoona ka dhageystay warbixino la xariirta dhacdadii shalay.

Guddoomiye Madaale oo Warfidiyeenada kula hadlay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa uu Tacsi u diray shuhadadii  ku naf weysay weerarkii shalay, asigoona caafimaad deg deg u rajeeyay inta waxyeelada ay soo gaareen, waxa uuna xusay in weerarkii shalay uusan ka niyad jibin doonin Maamulka Gobolka Banaadir shaqada loo haayo Bulshada Caasimadda.

Wax ka ogow qoddobada looga hadlayo shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmay

Shirweynaha Culimadda soomaaliyeed oo ka furmay maanta magaaladda Muqdisho ayaa qodobadda looga hadlayo waxa ka mid ah sidii dagaal adag loola geli lahaa kooxda khawaariijta arxanka daran,wasiir kuxigeenka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay madasha ku casuumeen in ka badan 300 oo culimo ah kuwaas oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo qurbaha,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la dhisi doono heya’adda culimadda soomaaliyeed isagoo xusay in heya’addan qiimo wey ugu fadhido shacabka soomaaliyeed.

Culimadda ka qayb gelaysa shirweynahan oo siyaabo gaar gaar ah ula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay dalka iyo diinta sidoo kalena meel adag la iska taagi doono sidii dalka looga xorayn lahaa kooxda khawaariijta,Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culimada ka qeyb galayso Shirka culimada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Muqdisho ayaa ka hadalay ahmiyadda shirka uu u leeyahay dalka
Sheekha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid uu Madaxaweynaha JFS horay ugu baaqay in loo qabto culimada Soomaaliyeed si looga hadlo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo wax ay shareecada islaamku ka qabto xukunka khawaarijta.

sheekha ayaa sidoo kale waxa tilmaamay in ahmiyada weyn shirkan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed,kuna soo aday xili loo baahnaa madaama dalku uu ku jiro dagaalka ka dhan khawaarijta muhiimna ay tahay in bayaan wada jir ah culimada soomaaliyeed kasoo saraan xukunka khawaarijta iyo sidii dowlada iyo culimada laysugu xiri lahaa.

Sheekha Cabiqani ayaa sheegay in qoddobada culimada ay ka hadli doonaan ay kamid tahay diinta,dowladnimada iyo xiriirka ka dhaxeeyo,iyo in la dhiso Gole sare oo ay culimada ku mideeysan yihiin ahna dastuuri,si loo helo dal soomaaliyeed oo dowladdooda iyo culimadooda ay mideeysan yihiin wana shir ay u dhan yihiin guud ahaan culimada soomaaliyeed.

(2)Sheekha Xasan jaamici oo isna kamid ah culimada soomaaliyeed ee ka qeyb galaya shirka culimada ee maanta ka furmaya muqdisho ayaa dul istaagay inay muhiim tahay in culimada soomaliyeed cadeeyaan dhaqanka guracan ee ay ku dhaqmayaan kooxda khawaarijtu in diinta islaamku aysan waxa sal ah ku lahayn culimadana bayaan wada jir ah ay ka soo saran ” Mareykan ayaa uga imid ka qeyb galka Shirka Culimada, ujeedkuna waa inaan hormuud u noqono la dagaallanka Fikirka Khawaarijta” sidaa waxa yiri Sheekha Xasan jaamici.

Sidoo kale sheekha ayaa tilmaamay in khawaarijtu saddex qoddob lagu cuuryaamin karo qeybna ka ah degaalka lagula jiro khawaarijta in fikira tagfiirka lala degaalamo in qaab Ciidan iyo dhanka dhaqaalaha loola degaalamo intaas hadeeysan culimada hormuud u noqoto ma shaqeeyn doonto shaqeyneyn.

Sheekha Xaan jaamic ayaa sidoo kale tilmaamay in maalmaha saddexda cisho ee shirku socdo intiisa badan diirada lagu saari doono sidoo kalena la daraaseeyo asbaabaha keenay fikirkaan xag jirka ah ee qalddan, in laga doodo xalka ugu sahlan ee arrintaa laga gaari karo uu noqon kara culimada in ay ka doodo kadibna ay soo saraan bayaan sal u noqon karo howlgalka ay dowladdu ku jirto,lana waa fajiyo Shareecada islaamka.

Sheekha aya mar la weydiidayay su”aal ahayd in culimada qaarkood ay ka gaabiyeen ka hadlida dhibatooyinka ee khawaarijtu geysato ayaa sheegay in culimada dibadda ay ka hadleeyn balsa ay jiraan culimo arrintaa ka gaabisay islamarkaan ay rajeeynayaan in Culimadaasi ay ku soo biiran shirka socda.

Sheekh Cabdulqaadir Soomoow oo ka mid ah Culimadda waaweyn ee dalka ayaa isna yiri“Waxa aan maanta isugu imaanay waa inaan gudano waajib diini ah oo ah difaaca diinteenna suubban ee ay kusoo duuleen khawaarijta ka been sheegeysa,Sidoo kale Waa in aan ogaanaa in ciidamada Qaranka ee Jihaadka ku shahiiday waa dhinteen aan la dhihi karin ee waa Shuhado”.

Ciidanka xoogga ayaa dilay 40 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta Al-shabaab

Xarar dheere:-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka beer-faarax oo dhanka waqooyiga kaga beegan degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug,iyagoo halkaas ku dilay 40 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta ah sida ay Saraakiisha Ciidanka Hoggaaminaysaa u xaqiijiyeen warbaahinta qaranka.

Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeedda Caalamiga ah ayaa lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta ee Al-shabaab,oo maalmihii u dambeeyey halkaas ku dhuumaalaysanayey,iyadoo deegaanka ay si buuxda hadda ula wareegeen Ciidanka Dowladda iyagoo ka wada baaritaano dheeri ah.

Degmadda Xarardheere oo uu deegaanka beer-faarax ka tirsan yahay ayaa dhowaan laga xorreeyey kooxda khawaariinta Al-shabaab,iyadoo dhinaca kalena uu xawli ku socdo hawlgalka deegaanada gobolka Mudug looga sifaynayo haraadiga kooxa khawaariijta ee ku dhuumaalaysanaya.

Madaxweynaha puntland oo dhagax dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Boosaaso- Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  dhagax-dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa loo dhisi doonaa qeybo ay kamid yihiin qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger qaybta Xamuulka, dhismaha Dab-damiska iyo dhismaha Tower cusub.

sidoo kale waxaa la dhammaystiri doonaa oo hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hoteel casriya oo uu yeelan doono Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

  

Qaban qaabada furitaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka socota magaalada Muqdisho

Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoghaya guud ee Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed Aweys Cabdi Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheega in shirku uu yahay mid uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS ujeedka shirku yahay in Culimada Soomaliyeed ay caddeyaan waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in lala dagaalamo khawaarijta iyo xukun kooda waxa uu yahy.

Shirka ayaa looga hadli doonaa doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qotadheer u dul istaagayaa saddex Qodob oo kala:-

1-Sharciyad Ka Qaadista al-Shabaab: Sixida Fahamak Saxda ah ee Diinta Islaamka,

2-Sharciyad Siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah.

3. Dhisida Golaha Saree e Culimada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furo Shirweynaha iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeyb galay shirka Guddiga Farsamo ee wasiiradda Cadaaladda iyo Arrimaha Sharciga Midowga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shirka 7-aad ee Guddiga Farsamo ee heer wasiiradda Cadaaladda iyo Arrimaha Sharciga Midowga Afrika (STC-JLA) kaas oo ka furmay magaalada Accra ee caasimada dalka Ghana.

Shirkan oo socon doona labba maalmood ayaa ujeedkiisu yahay  in la isla qaato saddex heshiis oo qeyb ka ah Heshiiska Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA). Kuwaa oo ay kamid yihiin.

1)Heshiiska Maalgashiga ee  Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (Protocol to the Agreement Establishing the African Continental Free Trade Area on Investment)

2)Heshiiska Siyaasadda Tartanka ee Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (Protocol to the Agreement Establishing the African Continental Free Trade Area on Competition Policy) iyo heshiiska Xuquuqda Lahaansha Maan Abuurka (Protocol to the Agreement Establishing the African Continental Free Trade Area on Intellectual Property Rights) Hiigsiga Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) ayaa ah in qaaradda Afrika ay yeelato hal suuq  oo xor ah, wuxuuna sidoo kale dhiirigelinayaa is dhexgal ganacsi oo dhex mara dalalka qaarada.

Heshiisyadan ayaa waxaa hore uga soo shaqeeyey wasaaradaha ganacsiga ee Afrika, oo ay kamid tahay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiiradda Cadaaladda, Arrimaha Dastuurka, Xuquuqul Insaanka iyo Qareenada Dowladaha xubnaha ka ah STC-JLA,dood dheer iyo falanqeyn kadib, wasiiradu waxay ansixiyeen saddexda heshiis.

Heshiisyada la ansixiyey ayaa waxaa loo gudbin doonaa shir madaxeedka Midowga Afrika oo qabsoomi doona bisha soo socota ee Febraayo dhexdeeda,heshiiskan Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ay Soomaaliya saxiixday, laakiin aan weli la ansixin, ayaa hadii uu dhaqan-galo waxaa ka faa’iidi doona guud ahaan dalalka Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Hirshabeelle oo dhagax dhigay dhismaha xarunta deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha dowlada goboleedka  Hirshabeelle Maxamuud Ahmed Gacal ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaa oo dhawaan laga xorreeyay khawaarijta Al-shabaab

Dhismahan xaruntani ayaa qeyb ka aha soo celinta adegyada bulsho ee degaanka Ceelbaraf iyo degaannada kale ee khawaarijta laga xorreeyay oo ay bur buriyeen gobihii bulshada loogu adeegayay, ee degaanakasi,dowladda soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa horay u sheegay in degaannada cadawga laga xorreeyay la geyn doonno adeegyadii bulsho lana dhisi doono xarumihii danta guud oo ay khawaarijtu ku bur burisay degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir dowlaha arrimaha gudaha Hirshabeelle maxamuud Ahmed Gacal ayaa sheegay in dhismaha xarunta ay kamid tahay daadajinta adeegyada bulsho sidii loo gaarsiin lahaa tuulooyinka si bulshadu u helaan adeegyadii ay dowladda uga baahnayeen,wana qeyb kamid qorshaha dowladda  iyo Maamulka Hirshabeelle ay dib ugu soo celinayaan adeegyadii bulsho degaannada laga saaray khawaarijta.

Degaanka ceelbaraf ayaa kamid goobihii dhawaan laga saaray khawaarijta halkaa oo ay mudda ku dhibatayn jireen dadka Shacabka ah