Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka difaaca XFS oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee degmada Xarardheere

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga XFS  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda goboleedka Galmudug, ayaa kormeeray xaafadaha magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo mas’uuliyiinta kale  ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka guud iyo saldhigga Booliska degmada Xarardheere.

Dowladda iyo Culumada Soomaaliyeed oo u midoobay sidii loo ciribtiri lahaa fikirka gurracan ee xagjirka

Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu gorfeynayo sidii loo ciribtiri lahaa fekerka gurracan ee xagjirnimada iyo waafajinta dowladnimada ayaa waxaa baaqyo mideysan kasoo jeediyay madaxda dowladda iyo Culimadii kasoo qeyb gashay kulanka.

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada u sheegay inuu ka rajeynayo in dadka loo bayaaniyo waxa ay shareecada Islaamku ka qabto dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale usoo jeediyay Culimada in ay dowladda siiyaan talooyin ku aaddan ka mira dhalinta la dagaallanka xagjirka iyo in la dhiso Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa Hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

Sheekh Cismaan Usuuli oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qaadanayaan soo jeedinta madaxweynaha mar walbana ay u taagan yihiin bayaaninta xaqa, haddii ay ka gaabiyaanna maalinta qiyaamo lagula xisaabtamayo.

Sheekh Cismaan Usuuli” dagaalka aan ku jirno waa mid xaq ah, Xaqa inaan caddeyno ayaan halkaan u joognaa, haddii aanaan caddeyn wallaahi waa nala weydiinaa”.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in mideynta dowladnimada iyo diintu ay tahay mid wanaagsan, laguna daro dastuurkeenna mad-habta ay Soomaalidu haysato, dadkana loo fasiro waxyaabaha looga shaki gelinayo fahamka toosan.

Sheekh Maxamed Al Qudubi, ayaa ku baaqay in dagaalka Khawaarijtu ee dhanka Culimada uu noqdo mid ficil ah, haddii kale aan halkaa laga dhaqaaqi doonin.

”Dagaalka Khawaarijtu waa inuu ficil naga noqdaa, haddii kale halkaan ka dhaqaaqi meyno, waa halka qolo ee lagu murmo khawaarijtu ma islaambaa mise waa gaalo”

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad ka socda Muqdisho ayaa maanta diiradda lagu saarayaa sharciyadda dagaalka lagula jiro Khawaariijta.
 
Shirka ayaa sidoo kale ku qotoma doorka culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.
 
Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: fahamaka saxda ah ee Diinta Islaamka.
2.Sharciyad-siinta Dawladda: xukunka Islaamka iyo Dowladnimada casriga ah.
 
Dhisidda golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed: muhiimaddiisa iyo sharciyadiisa.
Dowladda iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa u midoobay sidii meesha looga saari lahaa in laga been abuurto Diinta Islaamka, tallaabadaas oo meesha ka saaraysa in cid kasta oo sheegata magac diimeed aan si fudud lagu aaminin.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka oo Bilad Sharaf guddoonsiisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya

Geneva- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Xarunta dhexe  ee Hay’adda  Caafimaadka Aduunka ( WHO ) ee Geneva ku guddoomay Bilad sharaf  weyn oo uu guddoonsiiyay madaxa Hay’adda  Caafimaadka Adduunka  Dr. Tedros.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa abaal marintan ku mutaysatay hirgalinta Xarumo Caafimaad oo ku shaqeeya tamarta (qorraxda), Xarumahan Caafimaad ayaa waxay bixiyaan adeegyo Caafimaad oo kala duwan, Waxaana xusid mudan in xilligii uu dalka saameeyay caabuqii COVID19-ka ay wasaaradda ku guulaysatay hirgalinta warshadaha dhaliya hawada ( oxygen ) kuwaas oo  100% ku shaqeeya tamarta cadceedda, waxaana laga hirgaliyay Gobollo  kala duwan oo ku yaala dalkeena Soomaaliya.

Bilowga faafinta goobaha Caafimaad ee ku shaqeeya cadceedda ayaa ah qorshe weyn oo ay wado Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo laga damacsan yahay in uu kor u qaado tirada iyo tayada adeega caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale waxay ka qayb galeen kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen waaxaha kala duwan ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada farsamo ee hey’addu ay siiso dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn kulamada oo socon doona ilaa 24 ka Bishan Janaayo ayaa waxaa la rajaynayaa inay guulo badan u soo hooyaan hanaanka Caafimaadka ee Soomaaliya oo howlaha horumarintiisu u socdaan si habsami leh.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh “Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab inay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii indhoolaha ahaa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen.

Madaxweynaha ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, maanta oo kale sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Khawaarijta Al-shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoogeysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku diideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fikirka xagjirnimada ah.

“Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

SOO XASUUSO WIXII LA SOO MARAY

Soo Xasuuso wixii la soo maray si aad ugu fakarto waxa soo socdaGobannimada iyo Dowladnimadu maahan wax si sahlan ku yimid mana mudna in lagu ciyaaro, Siyaasadduna maahan wax qof waliba uu deegta iska suran karo ama uu iska sheegan karo.

Qaasatan marka la joogo dalkeenna waaba Meesha ugu darran haddii la fiirsho caalamka intiisa kale sida siyaasadda loo fahansan yahay ayaa waxaa mooddaa in ay tahay kaaf iyo kala dheeri.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, qof kasta oo soomaali ah waa mas’uul ugu yaraanna wuxuu mas’uul ka yahay naftiisa iyo qoyskiisa, wixii intaasi soo dhaafana waxay u baahan tahay aqoon siyaasadeed, garaad suuban iyo waayo aragnimo dheer.

Haddaba, dalkeennu wuxuu soo maray dhibaatooyin aan indhaha laga qabsan Karin hoog iyo halaag aan loo soo kala harin oo sababay in dalka ku yimaado dib u dhac weyn waxaa habboon taasi in wax weyn laga barto, siyaasaddii noocaas ahaydna wax weyn laga beddelo.

Maamul kasta ama hoggaan kasta oo loo idmaday in uu wax hoggaamiyo waa in marka ugu horreysaa nuqul siyaasadeedkiisu ku darsadaa qorshaha uu doonayo in uu ku dabaqo hoggaamintiisa.

Runtii maahan wax sahlan in lugaha lala galo wax aadan garaneyn mana ahan in lagu deg dego wax aadan aqoon u lahayn, siyaasadduna maahan in loo barto muufo darteed ee waa in barashadeeda loogu shaqeeya dalka iyo dadka si daacad iyo rabbi ka cabsi leh.            Soo Xasuuso wixii la soo maray si aad ugu fakarto waxa soo socda

Soomaalida waa inay wax badan xeeriyaan iyagoo u turaya dalka iyo dadka waayo qof walba oo sheegta in uu siyaasi yahay una soo qalab qaatay in uu noqdo hoggaamiye, marka hore waa inuu yahay qof wax badan og oo ah wixii la soo maray si uu jaan goyn wacan ugu helo waxa isaga siyaasaddiisa ku soo fool leh iyo waxa looga baahan yahay ee ka hor tag ah.

Si kastaba arrintaasu ha ahaatee, waxaa siyaasiyiinteennu looga baahan yahay in ay soo yagleelaan dowlad cusub oo dadku raali ka yihiin, waxaana xildhibaannada cusub saaran mus’uuliyad qarameed oo la doonayo in ay daacad u ahaadaan dalkan iyo dadkan, bixiyaan codkooda iyagoo maanka ku haya in ay dhisayaan dowlad hanan karta mas’uuliyadda, waayo codbixintaadu waxay asaas u tahay helidda dowlad lagu faa’iido ama lagu khasaaro, haddaba xildhibaanoow cidna how eexan adigoo fiirinaya wajiga Ilaahey, daacadnimada, sinnaanta iyo caddaaladda adigoo adeegsanaya waddaniyadda iyo jaceylka ummaddaada soomaaliyeed u adeeg dalkaaga oo ka gudo waajibaadka codbixinta maalintaas kaaga aaddan intaasi waa wacyigelin loo baahan yahay.

Gebagebadii iyo gunaanadkii waxaan ku soo meerayaa in qof waliba oo u dhashay magacan sharafka iyo karaamada ilaahay ku maneystay ee Soomaali, sheegato ahayn waxaa waajib ku ah in uu ka soo dhalaalo wixii kaga aaddan dalkan iyo dadkiisa sidii loo horumarin lahaa, dowladaha dunnida joogaa waxay horumar ku gaareen isku duubni iyo wada jir annaguna waxaa nalaga doonayaa sidaa iyo si kasii fiican maadaama aan nahay dad islaam ah oo weliba sunni ah.

Waxaan dardaarmayaa inaan ahaanno kuwo is jecel oo is xambaarta, dhanka difaaca dalku wuxuu leeyahay cadow badan oo qof waliba garanayo waa in loo diyaar garoobaa difaac dal iyo dibad ah, guud ahaan beel weynta shanta soomaali waa inay is goobtaan lana soo dhirindhiriyaa sidii mar kale loo midoobi lahaa oo waxa naga maqanna u soo dhacsan lahayn kaca oo kulmiya maskaxdiina waana Guul Inshaa Allaah

WQ: Osman Dhiblaawe

SOOMAALIYA FAA’IIDO MA UGU JIRTAA KU BIIRISTA URUURADA GANACSIGA AFRICA.

Dalka Soomaaliya waa Dal madaxbanaan oo africa ah kuna yaala geeska Africa lehna xeebta ugu dheer geeska Africa sidoo kalena leh kheyraad kala duwan oo kuwa dhulka ay ku dihan yihiin ama ku keedsan yihiin kuwa muuqda oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan inksta oo jirta caqabada haysta bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxa ay dalalka africa kuwooda ugu xoogbadan lahaana cudud ciidan , kaabayaal dhaqaalo, iyo hormaro kala duwan oo uu dalka lahaa dalka oo xiligaas ku biiray ururo caalami ah, hay’ado ayaa nasiib wanaag dalkii waxaa ku dhacay burbur xooggan oo waxkasta oo uu dalka lahaa burbur kuyimid sida dowladdii in ay dhacdo, cududii ciidan meeaha kabaxdo, kaabayaashii dhaqaale meeahii kabaxaan oo dalka ku jiray muddo Sodon sano ah xaalad hubanti la aan ah iyo mid jahwareerba balse muddo lagu jiray dowladd dhis iyo dib u habeen lagu sameenayey hay’adaha dowladda maanta waxaa jirta hormar la sameeyey iyo hiigsiyo la hiigsanaayo.

Hadda haddii aan u nimaano su aasha ah Soomaaliya faa’iido ma ugu jirtaa ku biirista Ururada Ganacsi ee Ka jira qaarada Africa , Aasiya , Yurub iyo America?.

Haa faa’ iido waa ay ugu jirtaa haddii ay ku biirto Ururada ama hay’adaha ganacsi ee Ka jira Gobolka sababtoo Soomaaliya waxa ay kasoo baxaday marxalad adag balse maanta  waa dowladd leh sharciyo adag oo ay Kula macaamili karto Africa, Yurub iyo wadamada kala.

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan ayaga oo ganacsiyo xoogleh ku leh dalka gudihiisa iyo sidoo kale waxa ay ganacsiyo xooggan ku leedahay wadamada Dariska taasi oo Ka dhigan in bulshada Soomaaliyeed ay ku wanaagsan yihiin hormarinta ganacsiga.

Haddaba bulshada sidaas ganacsiga xooggan u leh ayaa waxa ay fursad u tahay ku biirista Ururada Ganacsi ee Ka jira qaarada Africa waxaana ay kasameenayaan hormaro kala duwan oo dhanka shaqaalaha ah.

Sidoo kale ku biirista Ururada Ganacsi ee wadamada Bariga Africa waxa ay sahleysaa isku socodka taasi oo u fududeeneyso ganacsatada Soomaaliyeed in ay ganacsigooda ay u iib geen karaan wadamada kuyaala africa waxaana ay kasameenayaan dhaqaaalo xooggan.

Dowladd ayaa iyana wadda dib u dhiska iyo daadijinta hay’ada Taya -dhowrka qaranka oo ah hay’ad baaris ku sameesa dhamaan Ganacsiyada kala duwan ee dalka soo gala iyo kuwa kabaxa taasi oo hay’ada Taya -dhowrka qaranka ay bulshada Soomaaliyeed ay siineyso shahaado cadeeneyso ku waalatiga ama tayada ay leeyihiin taasina ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u sahleysaa ganacsigooda in ay u iibgeeyaan wadamada kala duwan ee adduunka.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho iyaga oo soo arkay dagaalo, dowladd balse shaqadooda ganacsi aan marnaba joojin taasina waxa ay kuu muujineysaa dhabar adeegooda iyo kartidooda dowladdu waxaa looga baahan yahay in ay ururo badan oo ganacsi ay ku biirito si ganacsatada Soomaaliyeed ay u helaan ganacsigooda hormaro kala duwan.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

DHALLINYARADA MUQDISHO OO KU TALLAABSATAY SAMEYNTA GOOBO GANACSI OO SHAQO ABUUR AH

Dhalin yarta Dalka Waxku bartay Oo Muqdisho ka sameeyay Goobo Ganacsi ayaa  shaqo abuur u noqday dhalin yaro ku jira Heerarka Kala Duwan  ee waxbarashada

Dhalin yartu 75% ayay ka yihiin bulshada somaliyeed sidaa oo ay thay waxaa wali lagu sheegaa inay kaalin firfircoon ku lahayn siyaasada qanacsiga Iyo Horumarada kale ee dalka ka socda,

Badankoodna waxay baryo ku hamin jireen isku biimaynta badaha shisheeye si ay u helan Nolal ka wanagsan tan somaliya, balse iminka waxaa muuqda ififaalo intasi ka duwan,

Dhalin yartu dalka waxa ku bartay iminka waxay wadaan YIdidalo ay ku doonayaan inay meesha kaga saaaraan aragtida dhalinta qaarkood ay aamisan yihiin oo ah inaan qof dalka wax ku baratay uusan shaqana heli Karin ama uusan abuuri Karin .

Eng Abdi samad haji axmed haji diriye waa mid ka mid ah dhalinta dalka wax ku baratay waxaa sidoo kole  uu qeyb ka yahay dhalin yaro  aas aasay goob ganacsi oo ay shaqo ahaan kaga faaidaystaan in ka badan 30 dhalin yaro ah oo qudhoodu ku jira heerarka kala duwan ee wax barashada iyo kuwa jaamacado dhameeyay.

Cabdisamad ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay aas aasitaanka xaruntaasi shaqo abuurka u noqotay dhalin karo awal la daalaa dhacayay Daruufaha shaqo yari ee dalka.

“ waxaan arkay in xaaladaha shaqo ee dhallinyaada dalka ku heysataa ay adag tahay taas ayaana ugu waaweynaa sababha keenay in aan ku fekero in aan sameeyo wax uun noqn kara shaqo abuur ay ka faa’ideystaan dhallnyarada ay shaqo la’aantu dalka ku heyso “ ayuuna yiri.

Qudhooda dhalinta shaqo abuurka ka heshay ayaa inala hadlay  waxayna fariin u direen kuwa dalka wax ku barta balse nafsadooda u hura   u tariibida wadamo shisheeye,

“ In aad tahriibto oo aad naftaada khater galiso waxaa ka wanaagsan in aad dalkaada iimaansato oo aad ka shaqeysato ha kuu badnaato ama ku yaraadeen waxa aad ka heleyso waayo ma jirto meel ku dhaanta dalkaada” a ayey tiri Faadumo Cabdi Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho.

Marka laga sootago dhalinta ganacsadata ah dalka wax ku bartay ee hadana ganacsiga ka Abuuray waxaa sidoo kole gancsato qurba jog ah oo door biday inay maal galin ka sameeyaan gudaha dalka oo mudo dhibaatooyin kala duwan   ladaalaa dhacayay

Yeelkeedee  Abduqadir oo goob ganacsi ku leh muqdisho ayaa garowsan in ganacsatada Qurba jog ah ay maal galinta dalka wax badan ku soo kordhin karaan oo ay kazoo min Guuriyeen dalalka caalamka

W/Q : Mohamed Hassan

 

 

GAARSIINTA GARGAAR DEG DEG AH MEELAHA LAGA XOREEYAY KHAWAARIIJTA ARGAGIXISADA AH.

Dalka waxaa ka socda Gulud dagaal oo kama dambeys ah, kaasoo lagu soo afjarayo maleeshiyada arxanka daran ee alshabaab oo caadeystay daadinta dhiigga dadka abriyada ah.

Iyadoo ay jiraan abaaro daran ayaa dadka shacabka ah ee muddo dheer ku hoos jiray gacanta gumeysiga alshabaab ee maanta arkay iftiinka xornimada in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo gargaar cunto iyo agabka lagama maarmaanka u ah nolosha isla markaana lala gaaro booyado biyo ah.

Waxaa habboon in ay is daba socdaan xorreynta iyo gargaarka, waayo waxaa laga yaabaa in aad ka dul tagtaan dad aad u liita oo macluul halis u ah.

Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hay’adaha la midka ah waxaa looga baahan yahay in ay u muujiyaan dadaal dheeri ah una gurmadaan meelaha cusub ee u baahan taakuleynta.

Middeeda kale, dagaalka socdaa waa inuu ahaadaa saddax saf iyo taakuleyntii oo daba taagan, macnaha jiidda hore ee dagaalka waa inay ka dambeeyaan jiid labaad oo daba taagan iyo taakuleyntii oo daba socota.

Sidoo kalena, meel kastoo la xoreeyaa isla markaasba lagu wareejiyo ciidammada boliiska si ay usugaan amniga Meesha la xorreeyay iyadoo isla markaasna laga dhisayo maamul howsha toos u gala.

Iska soco ee dib usoo noqo suura gal maahan ciidanka milliteriga waa xoreynaya  booliskana wuu la wareegayaa meeshii la xorreeyaba si aan loo soo daba maryeynin maamulkuna adeeggii loo baahnaa ayay durbadiiba qanabayaan.

Howshu waa inay isdaba joog ahaataa, si dadka la xoreeyay aysan u dareemin wax firaaq ah oo Meesha ka bannaan.

Dhanka kale, madaxda ugu sarreysa dalka waxaa fiicnaan lahayd in ay ka muuqdaan jiidaha hore ee dagaalka si rikoor fiican ay dunida ugu yeeshaan iyo quluubta shacabkaba, waayo dagaalkan waa dagaal is xoreyn ah.

Dowladaha caalamka ee saaxiibada dhow ah waa inay dalka la soo gaaraan gargaar iyo gurmad deg deg ah taasoo micnaheedu yahay in dalku ku jiro laba dagaal oo kala ah mid argagixiso la dagaallan ah iyo mid abaar la dagaallan ah.

Sidaa daraadeed, si ay guusha u noqoto mid huban waa in howluhu isdaba socda.

Marka dagaalka noocaan ah oo kale  lala galayo argagixiso dalka ku raagtay waa in aan marna gadaal looga noqon waayo haddii tashuush yimaado oo meeshii la qabtay dib looga soo baxo argagixisadu waxay dib u laaynayaan dadkii maatida ahaa ee lagu kor dagaallamay taasina uma fiicna dadka deggan meelaha la xoreynayo, waa in wax badan laga fiirsadaa arrimaha noocaan ah oo keeni kara fashil.

Haddaad maqasho qaa’in wadan waa kan markan oo kale dhabar jabiya ciidammada dagaalka ku jirta oo sirtoodana siiya cadowga lala dagaallamayo, kaasii jisadiisu waa dil waana in la raacaa xeerarka dagaalka u yaalla.

Xilligaan soo qabashada argagixiso dagaal kaala soo horjeedda wax faa’iido ah ma laha ee wuxuu mudan yahay in uusan soo dhaafin barta lagu arko, waayo dal iyo dadba wax dambe uma tarayaan.

Xaqiiqo waxaa ah markay arkaan xanuunka xabadda in ay isa soo dhiibaan taasina uma geynin jaceyl ee waxaa ugeysay cabsi marka waa in loo fiirshaa sharciga iyo xeerarka militeri waxay ay ka qabaan argagixiso hubeysan ee dalkiisa duulaan ku ah, Kuwa ajnabiga ahna waa in barta lagu dilo waayo wuxuu soo doontay ayaa sidaa ahayd.

Talo kooxaha hujuumka ah ee qaadaya weerarka waxaa habboon in dagaalku lahaado bar hoggaamineed iyo taakulelynta, sida caafimaadka, rasaasta waa inay ka kala go’in dagaallamaha.

Waa in baleenka iyo qariidadduba si fiican loo dejiyaa waayo dagaal waa siyaasad iyo tab howlgelineed.

Taagtiiggu hadduu xumaado ama ay hagari ku jirtu badanaa dagaalkaasi guul lagama gaaro, taana waa mid muhiim ah.

Dardaaran:

Ciidammada ku jira jiidaha hore waa inay gacmaha is qabsadaan iyaga iyo shacabka is xilqaamay una naxariistaan dadka ay xoreynayaan marka ay gacanta usoo gasho degmo tuulo ama gobolba, waa inay tusaan dadka inay ka beddelan yihiin kuwii gumeysan jiray, waayo dadkan wax badan ayaa horay loogu shubay oo waxaa laga yaabaaba in uu kuu heysto gaalo qabsatay, taa daraadeed waa inay dadka wacdiyaan tusaan inay yihiin dowladda una sheegaan inay yihiin dad muslim ah oo aanay ahayn dad gaala ah.

Waayo qofkani isagoo reer miyi ah oo aan weli garaadsan ayaa la dul degay lagana dhaadhiciyay wax aan Alle iyo Rasuulkiisuba aysan raalli ka ahayn

Sidaa daraadeed, waa in gargaarka iyo taakuleyntuba ahaadaan dadka tabarta yar ay ahaadaan mid Alle looga cabsado.

Dalka Edatorial

 

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ee XFS oo kulan la qaadatay Safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad, iyagoo ka wada-hadlay qorshaha loogu diyaar garoobayo duulimaadyada Xajka, iskaashiga horumarinta dhinacyada gaadiidka iyo duulista Hawada.

Wasiir Fardowsa, ayaa xaqiijisay in qorshaha sannadkan ee dowladda ee ku aaddan Hajka inuu yahay mid lagu doonayo in la fududeeyo duulimaadyada qaadaya xujeyda. Waxayna intaa ku dartay in iskaashiga iyo xiriirrada caalamiga ah ee duulimaadyada, Duuslita Hawada iyo Gaadiidka uu door muuqda ka qaadanayo qorshaha iyo dadaallada horumarinta ee dhinacyada.