Wefdi ka socda hey’addaha Turkiga ee ka shaqeeya Arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka deg deg oo booqday xarunta cusub ee Maareynta musiibooyinka Qaranka

Mas’uuliyiin ka socday Hay’addaha Turkiga ugu waa weyn ee ka shaqeeya Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmad deg dega ah ayaa maanta booqday xarunta cusub ee gurmadka deg deg ee Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee ku taal degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan oo ka kala socday Hay’addaha TIKA, Bisha CAS, iyo IHH ayaa waxaa xarunta gurmadka deg dega ee Hay’adda maareynta masiibooyinka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaran Maxamuud Macalin Cabdulle, asagoona warbixin ka siiyay marxaladahii ay soo martay dhisida xaruntan, waxaana sidoo kale mahadceliyay Hay’addaha Turkiga sidii wanaagsaneed ee dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ugu soo dhaweeyeen asaga iyo wafdigiisa

Mas’uuliiyiinta ka socday TIKA, Bisha CAS, iyo IHH  Turkiga ayaa  ballan qaaday inay Hay’adda maareynta musiibooyinka ka caawin doonaan tababarida shaqaalaha ku shaqeyn doono xarunta cusub ee gurmadka deg dega, iyagoo ku amaanay shaqada hay’addu u heyso shacabka Soomaaliyeed.

       

NIMAAN KAA DIDI KARIN IN AAD DISHO WAA DIIN DARO

Diinteena suubban ee Xaniifka ah waxey jideysay oo xurmeysay in si gaar ah loogu naxariisto dadka nugul oo isugu jira Caruurta, Haweenka, Waayeelka, dadka Baahiyaha gaarka ah qaba kuwaas oo ay Soomaalidu u taqaan Bib-Ma-geydo.

Faalladan waxaan ku dul istaagi doonaa agaasimihii u qaabilsanaa dadka baahiyaha gaarka qaba ee Gobolka Banaadir kaas oo Khawaariijta si Arxan daran ay ugu toogteen xafiiskiisa isagoo garan la’ meel uu u cararo iyo cid uu ciirsado.

Allaha unaxariisto Agaasimihii Waaxda Naafada Gobalka Banadir Axmed Xasan Warsame Jimcaale oo ka mid ahaa 5-tii qof ee koox ka tirsan khawaarijta alshabab ay ku dileen weerarkii Bahalnimada ahaa ee ay ku soo qaadeen Xarunta Gobolka Banaadir ee loogu adeegaayo bulshada.

Tixdan waxay ku saabsan tahay Allaha u naxariisto Marxuum Axmed Xasan Warsame oo ahaa muwaadin aragga la’

Waxaa tiriyey oo alifay Ag. Liibaan Cabdi Cali

Illaahow anoon eegin bay ila heleen shiishka

Itaal uma lahayn in aan arkoon aayar uga dhuunto

Mana helin qof iga caawiyoo meesha iga saara

Ummaddii markay kala ordeen goobta ila joogtay

Qol yaroon ku soo oodmay bay igu heleen duulku

Aqoon iima laha mana aqaan waxay ahaayeene

Ashahaadka anigoo hayoo aan dhan uga leexan

Ayuun bay rasaas i huwiyeen koox ayaan darane

Adduunka iyo aakhiro adaa uumay oo wada e

Addoommahana adigaa lahoo guda abaalkoode

Allow iiga aar kuwii i dilay una itaal sheego.

Kooxda khawaarijta al shabab ayaa baneystay oo caadeystay daadinta dhiigga iyo dilka dadka Musliinta ah ee Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan.

Khawaarijta ma kala soocaan dadka ay dilayaan, qof kasta oo Soomaaliyeed ayaa dil ugu xukuman, waxay dilaan Shacab, Dowlad, Aqoonyahan, Nabaddoono, Culimo, Dhaqtar, Dadka birimigeedada ah sida Caruurta yaryar, Haweenka, Maatida, iyo Dadka Naafada iyagoon kala soocin.

15 sano ayey xasuuq iyo qaraxyo wadeen kooxda argigixisada ee al shabab taas oo ay ku gumaadaan Umadda Soomaaliyeed waxaana ka mid kuwooda ugu waa weyn Qarixii Soobe1, Soobe2, Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Tiyaatirka Qaranka iyo qaraxyo kale oo waaweyn, taas oo lagu xasuuqay, laguna gumaaday umadda Soomaaliyeed oo isugu jira Bulshada noocyadeeda kala duwan, markasta waxaa rajo beel iyo quus ay ku ridaan dad faraxsanaa ayaa noqda Agoomo, Rajay, iyo khasaaro hantiyadeed, laakiin nama niyad jabineyso oo waa ka soo kabsanaa dhagaraha iyo dabinka cadoowgu ma leego mar kasta taas oo uu ka rabo niyad jab iyo quus in uu ku abuuro bulshada Soomaaliyeed kadibna isku dhiibaan balse ma dhacin.

Baddalkeedii waxaa dhacay in Soomaalidii Geesinimada lagu yaqaanay inay ku baraarugeen oo ay go’aansadeen inay iska dhiciyaa taaso sababtay inay godkey galaanba looga daba galo illeen “Qaniinyo, Qaniinyo ayaa kaa fujisa!” waana tan keentay in iyagoo naf la caari ah ay u meel dayi waayaan weerarkoodii wuxushnimo balse waxaa hubaal ah in sida ugu dhaqsaha badan dalka gabi’ahaanba looga xoreyn doono, inshalh.

Haddaba gabagabda Qormadan waxaan ugu bishaareenayaa inay Dowladda iyo Bulshada Baraarugtay oo iskaashanaya ay u aargudi doono dhammaan dadkii sida xaq-darrada ah loo xasuuqayay 15 sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne go’aan leh, xukuumad u damqanaysa bulshadeeda iyo Kacdoonka shacabka oo isbiirsaday waa kan guusha inoo horseedi doono, illaahay idankiis.

Innaa lilaah waa inaa ileehi raajicuun

Waxaan Alle uga baryayaa inuu jannadiisa ka Waraabiyo isaga iyo intii kale ee weerarkaas ku geeriyootay sidoo kalena inta dhaawaca ahna uu Alle ha u booga dhayo.

WargeysKa Dalka Editorial

 

KAALINTA GOLAHA MURTIDA IYO FANKA SOOMAALIYEED

Fanka Soomaaliyeed oo heerar kala duwan soo maray ayaa wuxuu doorkiisa si wacan u muuqday 70-kii markii la mideeyay fanaaniinta Raadiyo Muqdisho

Iyo xoogga dalka looguna magac daray Hobollada Waaberi waxay ahaayeen horseedka fanka dalka.

Waxaa dhismay qeybo kale oo fan ah, kuwaas oo wax ku ool ahaa, sida kooxdii Heegan ee Ciidanka Boliiska, Horseed, Danan, Onkod, Iftin iyo Xasuus, fanaaniintaas ayaa soo bandhigi jiray Riwaayado ka turjumi jiray xaaladaha markaas taagan iyo wacyigelinta bulshada.

Kooxahii berisamaadka ee ka jiray dalka ayaa kaalin muuqata ka soo qaatay guubaabada ciidammada waddaniyadda iyo maaweelada jaceylka dad weynaha, waxaa barbar socotay tusaaleyn iyo baraarujin bulshada dhanka dhismaha nadaafadda waxbarashada wax-soo saarka iyo waddaniyadda.

Fanka sidiisaba waxaa uu udub dhaxaad u yahay baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada maaweelo ka sokoow waxaa loo adeegsadaa tubta horumarinta mashaariicda iyo ku guubaabinta bulshada, ka qeyb galka howlaha horumarinta dalka, ruwaayadda raadiyaha iyo sheekooyin murti leh  ee fanaaniinta gudbiyaan ayaa ah mid run ahaantii tusaale u noqota bulshada fanka  marna loogama maarmo wacyigelinta iyo soo bandhigidda taariikhdii gobonnima doonka iwm.

Inkastoo fanka soomaaliyeed uu la mid ahaa burburkii dalka haleelay haddana waa lama huraan in dib boorka looga jafo loona adeegsado dhanka wacan.

Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa waxay xuddun u ahayd curinta iyo  soo saarka fanka dhaqanka iyo hiddaha soomaalida.

Waxaa ka howl geli jiray fannaaniin fanka ku xeel dheer oo Isugu jiray, heesaa, laxamiiste, mu’allif, gabyaa abwaanno u go’doomay soo saarka ruwaayadaha dhaxalgal noqday sidooi kale, golaha murtida waxa uu ahaa goob l agu qabto xuska qaranka, munaasabado gaar ah barnaamijka kedis, barnaamijyo aqooneed oo wax badan laga kororsan jiray iyo weliba heesahii hirgalay.

Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada ayaa haatan dib loo yagleelay, waxaana looga fadhiyaa inay qabato howlihii looga bartay ee wacyigelinta dadweynaha

W/Q: Ibaraahim Abokor Fanax

 

 

 

 

BAJAAJTA OO DHAQAALE IYO SHAQO ABUUR U NOQOTAY QOYSAS BADAN OO SOOMAALIYEED

Ka sokow in mooto bajaajtu Mudisho ka tahay gaadiidka ugu badan uguna dhibka badan  hadana waxay kaalin kaga jirtaa dhaqaalaha iyo nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo daqli ahaan ku tiirsan noloshana ka soo saarata waxayna shaqo abuur u noqotay kumanaan dhallinyaro ah oo aan hore u heysan shaqooyin .

Dhallinyaradan waxay hadda illaaween noloshii shaqo la’aan iyo meel fadhiga oo in badan oo ka mid ah u horseedi jirtay caadeysiga maandooriyaasha ay ku jiraan qaadka iyo kuwo kale sidii kalena waxay kaga badbaadeen falalka xun xun sida tuugeysiga iyo dhaca.’

Faadumo Cabdi waa haweeeny ku nool Muqdisho oo leh dhowr carruur ah isla markaana seygeedu hore shaqo u heynin waxayna sheegtya in ay dhqaaale  weydiisteen dad ay qaraabo yihiin ka dibna ay ay mooto bajaaj ku iibsadeen

“Nikeygu hadda wuxuu noogu shaqeeyaa mootadaas biilka qoyskana waa noogu filan yahay “ ayey Tiri Faadumo oo shhegtay in ay qoys ahaan mahadiyeen dadkaa gacanta siiyey iyo mootada uu aabhahu reerka ugu shaqeeeyi haatan.

Hooyadaas waxay sheegtay in maalin walba mootadooda looga keeno toban Doolar oo biilkooda ah iyo wixii dheeraad ah oo ay meel u dhigaan mootada si haddii ay dhibaato ku timaado ugu dayactiraan waxayna sheegtay in ay haatan ka baxeen ciriirigii dhaqaale ee ay ku jireen .

“ Haatan waxaan nahay qoys isku filan oo la cowriyo, seygeeguna haatan waa ka niyad fiican yahay sidii hore waxaana ku faraxsan yahay shaqadiisa” ayey tiri Faadumo.

Cabdi Cismaan Aaadan oo ah aabaha qoyskan oo ku nool Muqdisho ayaa sheegay in bajaajtu u noqotay fursad uu ku shaqeysto oo uu kaga baxay shaqo la’aantii uuna hadda biisho qoyskiisii

”Subax walba marka aan ka soo baxo guriga waxaan ka welweli jiray sida aan wax u heli doono inta bandanna waxaan ku tiirsanaa shaxaad iyo wax la mid ah oo aanan markaas jecleysaneyn inkastoo duruuftu igu qasbi jiraty laakiin hadda waa ka baxay dhibaatadaas waxaana ahay qof niyad leh oo mustaqbal ka fekeraya” ayuu yiri Cabdi.

Haatan wuxuu awood u yeeshay Cabdi Cismaan in uu carruurtiisa geeyo dugsi waxbarasho isla markaana uu ka bixiyo qarashka waxbarashada sidoo kalena kirada guriga uu isaga filnaado.

Cabdi Cismaan ayaa Soomaalida siiba kuwa dibedda ku nool ugu baaqay in ay caawiyaan walaalahooda dalka ku nool oo ay ugu yaraan u sameeyaan shaqo abuur oo qof walba oo dibadeeda ku nool intii uu bil walba wax soo diri lahaa u sameeyo shaqo abuur ha ahaato ganacsi uu u furo ama uu hal bajaaj oo keliya u iibiyo.

Dhammad

WQ; Mohamed Shiil

 

 

BARASHADA DHISMA-AFEEDKA (QEYBTII 6-AAD)

Akhristeyaasha milgaha iyo muunadda lahow qeybihii ugu dambeeyay qormadan tixanaha ah waxaynu kaga soo hadalnay falka iyo jaadadkiisa, haatanna waxaynu faaqidaynaa tiir kale oo afka udub-dhexaad u ah, kaasoo ah xariiriye  am isku dare.

Ugu horrayn waxaynu ka war-celinaynaa weydiinta ah waa maxay xariiriye?, waxaanan odhan karnaa waa xubin kamida qeybaha hadalka oo loo adeegsado isku xirka iyo kala baridda weedhaha dhaadheer ama ay ku jiraan tiro magacyo, falayaal, tilmaama badan,iyo is diidooyinku.

Sidaan sare ku soo tibaaxnay hawsha ugu mudan oo ay Xariiriyeyaashu  qabtaani waa isku darka xubnaha kale duwan ee weedha, waxayna ka koobanyihiin dhowr qeybood oo ay ka mid yihiin: iyo, oo, na,ama, mise, amaba, balse, hayeeshee, si kastaba ha ahaatee, sidaa darteed, kaasoo/taasoo iyo iwm.

Haddii aynu eegno tusaalayaasha soo socda waxaynu arki karnaa sida ay Xariiriyeyaashu hadalka dhihid ahaan iyo dhigaal ahaanba lagama maarmaan ugu yihiin tus: cali (iyo) jaamac ayaa guriga jooga, guuleed (oo) xanuunsan ayaa yimid, faadumo waa dhaqtarad waxay-(na)ka hawl-gashaa xarun cusub, ma shaah baad cabaysaa (mise) maraq, maamulka ma wicin (balse) farriin baan u diray, wax-barasho ma helin (hayeeshee) waayo-aragnimo ayaan leeyahay iwm.

Laso qeybta xigta.

W/Q: Abwaan Hareeri

 

 

Madaxwaynaha Puntland oo Daahfuray Dhismaha Ballaarinta iyo Horumarinta Dekeda Boosaaso

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta daah furay dhismaha ballaarinta iyo horumarin Dekeda Magaalada Boosaaso, taasi oo qayb ka ah qorshayaasha Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Puntland iyo Gobalka Bariba.

Dekeda Boosaaso ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horreeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m, waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekeda mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay ku soo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekedu yeellanayso.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi Dani ayaa mashaariico kala duwan Ka furay maalmihi Danbe, kuwo kalana ka dhagax dhigay magaalada Boosaaso taasi oo qayb ka ah qorshayaasha Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Puntland iyo Gobalka Bariba.

         

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad ka soconaya Muqdisho

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii Labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa Culimadu waxa ay ku soo bandhigeen sharciyadda diimeed ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Alshabaab, muhiimadda uu leeyahay iyo dabar-goynta sababaha keena xagjirnimada.

Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya Shirweynaha oo qaarkood safar dheer u soo galeen ka qeyb galka shirka ayaa maanta labaad jeediyay khudbado ay kaga hadlayaan doorka culimada ee dagaalka ka dhanka al-shabaab. Iyagoo xuay muhiimadda uu leeyahay in la dabar-gooyo fekerka gurrucan ee keena xagjirnimada.

Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa ku saabsan doorka culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Fahamaka Saxda ah ee Diinta Islaamka.

2.Sharciyad-siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah.

  1. Dhisidda Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed: Muhiimaddiisa iyo Sharciyadiisa.

Madaxweye Xasan Sheekh oo shalay furay shirka ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

                       

Shirka Ururka bulshada bariga Afrika oo berrito ka furmaya Muqdisho

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan wafuudda shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood.

Ergeyga Soomaaliya u qaabbilsan ku biiridda ururka EAC Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay wafdigan joogi doonaan muqdisho maalmaha foodda innagu soo haya, iyagoo u kuur geli doona howl maalmeedyada wasaaradaha dowladda ah iyo sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay ku biirista Ururka.

Danjire, Hanliye oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wada xajood iyo qiimeyn ka dib la samayn doono guddi go’aan kasoo baaraandega, wuxuuna intaa raaciyay in ka Dowlad ahaan ay rajeynayaa in sanadkan gudahiisa ay ku biirto Soomaaliya Ururka AEC.

Cabdisalaan Hadliye , ayaa sheegay in ku biirista AEC ay Soomaaliya u yeelan doonto faa’iidooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin, maalgashadayaasha Soomaaliyeed inay helaan xuquuq la mid ah tan muwaaddiniinta ay dalalkooda ku ganasanayaan, in waddamadaas aynu isku meel kaga soo wada jeesanno la dagaallanka argagixisada iyo in xadadka dalalkaas laysu furo si ganacsiyadu ay isaga kala gooshaan waddamada ku bahoobay Ururka.

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada

Dalalka caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuquuq aadane, dan guud iyo mas’uuliyad dadweyne.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 24-ka Janaayo inay tahay maalinta caalamiga ah ee waxbarashada, iyadoo loo dabaaldegayo doorka waxbarashada ee nabadda iyo horumarka.

“Haddii aan la helin waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo fursadaha nolosha oo dhan, dal kasta kuma guuleysan doonaan inay gaaraan sinnaan iyo inay jabiyaan meertada faqriga ee ku habsaday malaayiin carruur, dhallinyaro iyo dad waaweyn”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay UNESCO.

244 milyan oo carruur  ah ayaa ka maqan iskuullada, halka 771 milyan oo qaangaar ah ay  yihiin kuwa aan waxna akhriyin maanta.

“waa wax aan la aqbali Karin in la waayo Xaqa ay caruurta iyo dhallinyaradu u uleeyihiin inay helaan waxbarasho” ayaa lagu yiri warbixinta sanadkaan ee ay soo gudbiyeen maamulka hey’adda qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo tacliinta sare (UNESCO).

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka difaaca XFS oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee degmada Xarardheere

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga XFS  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda goboleedka Galmudug, ayaa kormeeray xaafadaha magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo mas’uuliyiinta kale  ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka guud iyo saldhigga Booliska degmada Xarardheere.