Shirka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane, Abshir Axmed Haruuse ayaa si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in shirka maanta furmaya uu gebogebo u yahay shuruudihii ku xirnaa in ay Soomaaliya ku biirto Ururka EAC.

Wafdigan oo muqdisho ku sugnaan doona muddo tobban cisho ayaa la kulmi doona madaxda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee hey’addaha dowladda si ay u hubiyaan in Dowladda Soomaliya la jaanjaadi karto xubnaha Ururkan.

Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay faa’iido weyn ka heli doonaan isku gudbinta badeecooyinka la geeyo waddamada xubnaha ka ah Ururkan, taas oo kor u qaadi doonto dhaqaalaha dalka.

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, (EAC) oo ay xaruntiisu tahay Tansaaniya ayaa la sameeyay sanaddii 2,000, waxaana qeyb ka ah waddamada Tansaaniya, Yugaandha, Kenya, Ruwandha, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Congo (DRC), waxaana la filayaa inay siddeed ku noqoto dhowaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Toogasho ka dhacday magaalada Washington

Sida laga soo xigtay Booliiska Mareykanka 3 qof ayaa dhintay kadib toogasho toos ah oo ka dhacday magaalada Washington, taasi oo uu geeystay wiil dhalinyaro ah.

Toogashadan ayaa imaanaysa kadib markii Sabtidii lasoo dhaafay, gobolka California ay ka dhacday, toogasho ay ku dhinteen 18 qof.

Sida laga soo xigtay Booliiska, nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Jared Haddock, ayaa dadkan ku toogtay gudaha magaalada Washington, kadibna goobta ayuu ka baxsaday.

Wali ma cadda, kiiskan iyo waxa uu salka ku hayo, baarayaashuna ma sheegin waxa dhaafsiisan inuu weerarkan dhacay ayna ku dhinteen sedaxdan qof.

Sabtigii la soo dhaafay ayay aheyd markii toogasho ka dhacday waqooyiga California, lagu dilay 18 qof.

 

Sheekh Bashiir Axmed Salaad: “La macaamilka Khawaarijta waa xaaraam”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la macaamilka Khawaarijta uu yahay xaaraam, qofkii kaalmeeya ama xoolo siiyana uu galay dembi aad u weyn.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad “La macaamilka Khawaarijta waa xaaraam, dembi weyn ayuu galay qofkii kaalmeeya oo xoolo siiya.”

Sheekha oo la hadlayay  warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaasi ku daray in diiniyan iyo waddaniyad ahaanba aysan bannaaneey in khwaarijta wax lala wadaago.

Wuxuu sheegay in khwaarijtu ay mar walba ku howlan yihiin inay wax dilaan waxna dhibaan ama laayaan dad walaalahood ah oo aan waxba galabsan muslimiinna ah, sidaa darteedna qofkii la macaamila uu yahay qof ku kaalmeeyay dembigooda diintuna ay fogeysay.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa faray bulshada Soomaaliyeed inay iska diidaan taakuleynta baqdinta ku salaysan ee ay u fidinayaan khawaarinta, wuxuuna intaa raaciyay in ay awooddii nabad-diidku haatan burburtay oo anay jirin wax uu qofku ka cabsado.

KAALINTA GOLAHA MURTIDA IYO FANKA SOOMAALIYEED

Fanka Soomaaliyeed oo heerar kala duwan soo maray ayaa wuxuu doorkiisa si wacan u muuqday 70-kii markii la mideeyay fanaaniinta Raadiyo Muqdisho

Iyo xoogga dalka looguna magac daray Hobollada Waaberi waxay ahaayeen horseedka fanka dalka.

Waxaa dhismay qeybo kale oo fan ah, kuwaas oo wax ku ool ahaa, sida kooxdii Heegan ee Ciidanka Boliiska, Horseed, Danan, Onkod, Iftin iyo Xasuus, fanaaniintaas ayaa soo bandhigi jiray Riwaayado ka turjumi jiray xaaladaha markaas taagan iyo wacyigelinta bulshada.

Kooxahii berisamaadka ee ka jiray dalka ayaa kaalin muuqata ka soo qaatay guubaabada ciidammada waddaniyadda iyo maaweelada jaceylka dad weynaha, waxaa barbar socotay tusaaleyn iyo baraarujin bulshada dhanka dhismaha nadaafadda waxbarashada wax-soo saarka iyo waddaniyadda.

Fanka sidiisaba waxaa uu udub dhaxaad u yahay baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada maaweelo ka sokoow waxaa loo adeegsadaa tubta horumarinta mashaariicda iyo ku guubaabinta bulshada, ka qeyb galka howlaha horumarinta dalka, ruwaayadda raadiyaha iyo sheekooyin murti leh  ee fanaaniinta gudbiyaan ayaa ah mid run ahaantii tusaale u noqota bulshada fanka  marna loogama maarmo wacyigelinta iyo soo bandhigidda taariikhdii gobonnima doonka iwm.

Inkastoo fanka soomaaliyeed uu la mid ahaa burburkii dalka haleelay haddana waa lama huraan in dib boorka looga jafo loona adeegsado dhanka wacan.

Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa waxay xuddun u ahayd curinta iyo  soo saarka fanka dhaqanka iyo hiddaha soomaalida.

Waxaa ka howl geli jiray fannaaniin fanka ku xeel dheer oo Isugu jiray, heesaa, laxamiiste, mu’allif, gabyaa abwaanno u go’doomay soo saarka ruwaayadaha dhaxalgal noqday sidooi kale, golaha murtida waxa uu ahaa goob l agu qabto xuska qaranka, munaasabado gaar ah barnaamijka kedis, barnaamijyo aqooneed oo wax badan laga kororsan jiray iyo weliba heesahii hirgalay.

Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada ayaa haatan dib loo yagleelay, waxaana looga fadhiyaa inay qabato howlihii looga bartay ee wacyigelinta dadweynaha

W/Q: Ibaraahim Abokor Fanax

 

 

 

 

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 oo 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗵𝗲𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗨𝗡𝗜𝗖𝗘𝗙

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayay Agaasime Gobolleedka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee UNICEF, Maxamed Fall.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha samafal ee hey’adda ku hawlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka bini’aadanimo ee hey’addu siiso shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sheegay in hey’addu ka go’an tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Soomaaliya, si loo horumariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana looga taageeri lahaa la qabsiga isbeddelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Soomaaliya.

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta UNICEF taageerada bini’aadanimo ee hey’addu ku bixiso daryeelka carruurta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

DOORKA CULUMADA EE HAGIDDA IYO HANUUNINTA DADWAYNAHA!!

Culumada Soomaaliyeed waligoodba waxa ay ahaayeen kuwa u taagan, hanuunin wax barista iyo wax u sheegista dadkooda, waxay ahaayeen hooyga kaliya ee logu soo hirto mararka ay bulshdu ay gasho xaalado qalafsan oo karaamadooda wax yeeli karta, isla markaana ay garan waayaan hannaankii ay uga bixi lahaayeen mugdiga kaga jiray hawl la xiriirta nolasha waana kuwa mar kasta ka xoreyn jiray jahliga iyo gumaysiga …. iwm.

Taariikhda inta la xusuusan yahay kaalin mug leh ayay buslshada Soomaaliyeed uga jireen Culumadu, Bal fiiri waagii gobanimo doonka iyo gumaysi la dirirka waxaa bulshada gar wadeen iyo hagayaal toosan u ahaa culumadii Soomaaliyeed ee xilligaas noolaa, iyaga oo u kala tilmaamaya waxa bulshada laga doonayo iyo kaalamaha laga rabo in ay ka geestaan waqtiyada culayska ba’an uu ku yimaado umadda intooda badan.

Sidoo kale cululumada waxay ahaayeen kuwa u kala gar­­­­­soora markay ay is qabtaan oo ay wax kala gaarto, isla markaana dadku ay iimaanka ku qabaan, si ay u dhan yihiina u qaatay wixii ay culumadooda guddoomiyaan.

Culumada ayaa ahaa kuwa dadka isu xalaaleeya oo isu guuriya ka dib markii ay lamaanayaasha soo wada heshiiyaan, iyaga ayaa marka isku dhac yimaada ka shaqeeyn jiray islaaxintooda iyo sii waarista wada jirkooda qoysaska Soomaaliyeed ee shaydaanku soo kala dhex galay.

Culumadu waxay inta badan ka shaqeeyn jireen Samaha maadaama ay yihiin indheer garadka iyo waxgaradka bulshada, midnimada iyo wada jirkooda, waxay xoogga saari jireen heshiisiinta qabaa’ilka xurguftu kala gaartay ee gacan ka hadalku uu dhex maray.

Haseyeeshee Qarnigii la soo dhaafay dabayaaqadiisii waxaa bulshada Soomaaliyeed ay u muuqdeen waqtiyadaasi kuwa ka go’doonsan bulshooyinka caalamka intiisa badan kama jirin culumo Soomaaliyeed kala qaybsanaanta maanta gudahooda ka muuqata, sababtuna waxay tahay Soomaalida oo looga soo duulay wadamada kale ee Carabta si loo meel mariyo qaar ka mid ah culumadooda madaahiibta dunida kale ee islaamka ka jirtay ee aan laga aqoon dalkeen, taas oo keentay maanta kala qaybsanaanta culumadeenii midaysnayd kala qoqobka ka muuqda maanta, ka dib markii qaar ka mid ah ay u baqooleen qaar ka mid wadamada Carabta oo loo soo xambaariyey madaahib aan dalkeena laga aqoon.

Nasiib wanaag dadkeena oo ah dad firfircoon oo jecel Diintooda iyo madahabkooda shaaficiga ah oo ay ku kalsoonyihiin waa la qaadsiin waayey madaahibtii qaarijiga ahayd ee laga soo waariday dalalka carabta intooda badan, lnkasta oo in yar oo bulshada ka mid ah la liqsiiyey suntaas argagaxisida maanta abuurtay iyaga oo ku andacoonaya in islaamkii aan haysan jirnay tan iyo markii uu nabiga noolaa NNKH ku tilmaamay Diin aan dhamaystirnayn oo bidca ah, loona baahan yahay in dadku ay mar kale qaataan isla diintii oo la soo cusboonaysiiyey.

Waxaan filayaa in maanta bulshada Soomaaliyeed u kala cadaadeen waxaas la sheegayo ayna u diyaarsan yihiin in ay ilaashadaan Diintooda iyaga oo aan laga dhaadhicin karin Diin cusub iyo mid duqoowday oo aan la jaan qaadi karin Soomaalida maanta, isla markaana Diintu ay tahay mid kaliya ee Bulsho isku hayn karta.

Taasna waxaa ka shaqaynaya maanta culumada wax garanaysa ee Soomaaliyeed, ee aan rabin in ay ku iibsadaan Diintooda xaniifka ah xogaa sandareerto ah oo Adduunyo ku mood ah, mana dhici doonto mar kale in laga raali noqdo danaystayaal ku soo duulaan diinteena Muqadaska ah ee aan ku soo caano maalnay.

Haddaba waxaa looga fadhiyaa Culumada ku shirsan Caasimadda inay cod mideysan uga soo horjeestaan Khawaarijta ku soo duushay Diinta, Dalka iyo Dadka intaba iyagoo banneestay Dhiigga Culumada iyo Caamada loogana haajiray baytkii Alle ee lagu Cinaadeysan jiray.

KHAWAARIIJ WAA KHEYR LAAWEYAAL EE YAAN LOO KALA DHARIN!!

Wefdi ka socda hey’addaha Turkiga ee ka shaqeeya Arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka deg deg oo booqday xarunta cusub ee Maareynta musiibooyinka Qaranka

Mas’uuliyiin ka socday Hay’addaha Turkiga ugu waa weyn ee ka shaqeeya Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmad deg dega ah ayaa maanta booqday xarunta cusub ee gurmadka deg deg ee Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee ku taal degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan oo ka kala socday Hay’addaha TIKA, Bisha CAS, iyo IHH ayaa waxaa xarunta gurmadka deg dega ee Hay’adda maareynta masiibooyinka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaran Maxamuud Macalin Cabdulle, asagoona warbixin ka siiyay marxaladahii ay soo martay dhisida xaruntan, waxaana sidoo kale mahadceliyay Hay’addaha Turkiga sidii wanaagsaneed ee dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ugu soo dhaweeyeen asaga iyo wafdigiisa

Mas’uuliiyiinta ka socday TIKA, Bisha CAS, iyo IHH  Turkiga ayaa  ballan qaaday inay Hay’adda maareynta musiibooyinka ka caawin doonaan tababarida shaqaalaha ku shaqeyn doono xarunta cusub ee gurmadka deg dega, iyagoo ku amaanay shaqada hay’addu u heyso shacabka Soomaaliyeed.

       

NIMAAN KAA DIDI KARIN IN AAD DISHO WAA DIIN DARO

Diinteena suubban ee Xaniifka ah waxey jideysay oo xurmeysay in si gaar ah loogu naxariisto dadka nugul oo isugu jira Caruurta, Haweenka, Waayeelka, dadka Baahiyaha gaarka ah qaba kuwaas oo ay Soomaalidu u taqaan Bib-Ma-geydo.

Faalladan waxaan ku dul istaagi doonaa agaasimihii u qaabilsanaa dadka baahiyaha gaarka qaba ee Gobolka Banaadir kaas oo Khawaariijta si Arxan daran ay ugu toogteen xafiiskiisa isagoo garan la’ meel uu u cararo iyo cid uu ciirsado.

Allaha unaxariisto Agaasimihii Waaxda Naafada Gobalka Banadir Axmed Xasan Warsame Jimcaale oo ka mid ahaa 5-tii qof ee koox ka tirsan khawaarijta alshabab ay ku dileen weerarkii Bahalnimada ahaa ee ay ku soo qaadeen Xarunta Gobolka Banaadir ee loogu adeegaayo bulshada.

Tixdan waxay ku saabsan tahay Allaha u naxariisto Marxuum Axmed Xasan Warsame oo ahaa muwaadin aragga la’

Waxaa tiriyey oo alifay Ag. Liibaan Cabdi Cali

Illaahow anoon eegin bay ila heleen shiishka

Itaal uma lahayn in aan arkoon aayar uga dhuunto

Mana helin qof iga caawiyoo meesha iga saara

Ummaddii markay kala ordeen goobta ila joogtay

Qol yaroon ku soo oodmay bay igu heleen duulku

Aqoon iima laha mana aqaan waxay ahaayeene

Ashahaadka anigoo hayoo aan dhan uga leexan

Ayuun bay rasaas i huwiyeen koox ayaan darane

Adduunka iyo aakhiro adaa uumay oo wada e

Addoommahana adigaa lahoo guda abaalkoode

Allow iiga aar kuwii i dilay una itaal sheego.

Kooxda khawaarijta al shabab ayaa baneystay oo caadeystay daadinta dhiigga iyo dilka dadka Musliinta ah ee Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan.

Khawaarijta ma kala soocaan dadka ay dilayaan, qof kasta oo Soomaaliyeed ayaa dil ugu xukuman, waxay dilaan Shacab, Dowlad, Aqoonyahan, Nabaddoono, Culimo, Dhaqtar, Dadka birimigeedada ah sida Caruurta yaryar, Haweenka, Maatida, iyo Dadka Naafada iyagoon kala soocin.

15 sano ayey xasuuq iyo qaraxyo wadeen kooxda argigixisada ee al shabab taas oo ay ku gumaadaan Umadda Soomaaliyeed waxaana ka mid kuwooda ugu waa weyn Qarixii Soobe1, Soobe2, Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Tiyaatirka Qaranka iyo qaraxyo kale oo waaweyn, taas oo lagu xasuuqay, laguna gumaaday umadda Soomaaliyeed oo isugu jira Bulshada noocyadeeda kala duwan, markasta waxaa rajo beel iyo quus ay ku ridaan dad faraxsanaa ayaa noqda Agoomo, Rajay, iyo khasaaro hantiyadeed, laakiin nama niyad jabineyso oo waa ka soo kabsanaa dhagaraha iyo dabinka cadoowgu ma leego mar kasta taas oo uu ka rabo niyad jab iyo quus in uu ku abuuro bulshada Soomaaliyeed kadibna isku dhiibaan balse ma dhacin.

Baddalkeedii waxaa dhacay in Soomaalidii Geesinimada lagu yaqaanay inay ku baraarugeen oo ay go’aansadeen inay iska dhiciyaa taaso sababtay inay godkey galaanba looga daba galo illeen “Qaniinyo, Qaniinyo ayaa kaa fujisa!” waana tan keentay in iyagoo naf la caari ah ay u meel dayi waayaan weerarkoodii wuxushnimo balse waxaa hubaal ah in sida ugu dhaqsaha badan dalka gabi’ahaanba looga xoreyn doono, inshalh.

Haddaba gabagabda Qormadan waxaan ugu bishaareenayaa inay Dowladda iyo Bulshada Baraarugtay oo iskaashanaya ay u aargudi doono dhammaan dadkii sida xaq-darrada ah loo xasuuqayay 15 sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne go’aan leh, xukuumad u damqanaysa bulshadeeda iyo Kacdoonka shacabka oo isbiirsaday waa kan guusha inoo horseedi doono, illaahay idankiis.

Innaa lilaah waa inaa ileehi raajicuun

Waxaan Alle uga baryayaa inuu jannadiisa ka Waraabiyo isaga iyo intii kale ee weerarkaas ku geeriyootay sidoo kalena inta dhaawaca ahna uu Alle ha u booga dhayo.

WargeysKa Dalka Editorial

 

KAALINTA GOLAHA MURTIDA IYO FANKA SOOMAALIYEED

Fanka Soomaaliyeed oo heerar kala duwan soo maray ayaa wuxuu doorkiisa si wacan u muuqday 70-kii markii la mideeyay fanaaniinta Raadiyo Muqdisho

Iyo xoogga dalka looguna magac daray Hobollada Waaberi waxay ahaayeen horseedka fanka dalka.

Waxaa dhismay qeybo kale oo fan ah, kuwaas oo wax ku ool ahaa, sida kooxdii Heegan ee Ciidanka Boliiska, Horseed, Danan, Onkod, Iftin iyo Xasuus, fanaaniintaas ayaa soo bandhigi jiray Riwaayado ka turjumi jiray xaaladaha markaas taagan iyo wacyigelinta bulshada.

Kooxahii berisamaadka ee ka jiray dalka ayaa kaalin muuqata ka soo qaatay guubaabada ciidammada waddaniyadda iyo maaweelada jaceylka dad weynaha, waxaa barbar socotay tusaaleyn iyo baraarujin bulshada dhanka dhismaha nadaafadda waxbarashada wax-soo saarka iyo waddaniyadda.

Fanka sidiisaba waxaa uu udub dhaxaad u yahay baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada maaweelo ka sokoow waxaa loo adeegsadaa tubta horumarinta mashaariicda iyo ku guubaabinta bulshada, ka qeyb galka howlaha horumarinta dalka, ruwaayadda raadiyaha iyo sheekooyin murti leh  ee fanaaniinta gudbiyaan ayaa ah mid run ahaantii tusaale u noqota bulshada fanka  marna loogama maarmo wacyigelinta iyo soo bandhigidda taariikhdii gobonnima doonka iwm.

Inkastoo fanka soomaaliyeed uu la mid ahaa burburkii dalka haleelay haddana waa lama huraan in dib boorka looga jafo loona adeegsado dhanka wacan.

Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa waxay xuddun u ahayd curinta iyo  soo saarka fanka dhaqanka iyo hiddaha soomaalida.

Waxaa ka howl geli jiray fannaaniin fanka ku xeel dheer oo Isugu jiray, heesaa, laxamiiste, mu’allif, gabyaa abwaanno u go’doomay soo saarka ruwaayadaha dhaxalgal noqday sidooi kale, golaha murtida waxa uu ahaa goob l agu qabto xuska qaranka, munaasabado gaar ah barnaamijka kedis, barnaamijyo aqooneed oo wax badan laga kororsan jiray iyo weliba heesahii hirgalay.

Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada ayaa haatan dib loo yagleelay, waxaana looga fadhiyaa inay qabato howlihii looga bartay ee wacyigelinta dadweynaha

W/Q: Ibaraahim Abokor Fanax

 

 

 

 

BAJAAJTA OO DHAQAALE IYO SHAQO ABUUR U NOQOTAY QOYSAS BADAN OO SOOMAALIYEED

Ka sokow in mooto bajaajtu Mudisho ka tahay gaadiidka ugu badan uguna dhibka badan  hadana waxay kaalin kaga jirtaa dhaqaalaha iyo nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo daqli ahaan ku tiirsan noloshana ka soo saarata waxayna shaqo abuur u noqotay kumanaan dhallinyaro ah oo aan hore u heysan shaqooyin .

Dhallinyaradan waxay hadda illaaween noloshii shaqo la’aan iyo meel fadhiga oo in badan oo ka mid ah u horseedi jirtay caadeysiga maandooriyaasha ay ku jiraan qaadka iyo kuwo kale sidii kalena waxay kaga badbaadeen falalka xun xun sida tuugeysiga iyo dhaca.’

Faadumo Cabdi waa haweeeny ku nool Muqdisho oo leh dhowr carruur ah isla markaana seygeedu hore shaqo u heynin waxayna sheegtya in ay dhqaaale  weydiisteen dad ay qaraabo yihiin ka dibna ay ay mooto bajaaj ku iibsadeen

“Nikeygu hadda wuxuu noogu shaqeeyaa mootadaas biilka qoyskana waa noogu filan yahay “ ayey Tiri Faadumo oo shhegtay in ay qoys ahaan mahadiyeen dadkaa gacanta siiyey iyo mootada uu aabhahu reerka ugu shaqeeeyi haatan.

Hooyadaas waxay sheegtay in maalin walba mootadooda looga keeno toban Doolar oo biilkooda ah iyo wixii dheeraad ah oo ay meel u dhigaan mootada si haddii ay dhibaato ku timaado ugu dayactiraan waxayna sheegtay in ay haatan ka baxeen ciriirigii dhaqaale ee ay ku jireen .

“ Haatan waxaan nahay qoys isku filan oo la cowriyo, seygeeguna haatan waa ka niyad fiican yahay sidii hore waxaana ku faraxsan yahay shaqadiisa” ayey tiri Faadumo.

Cabdi Cismaan Aaadan oo ah aabaha qoyskan oo ku nool Muqdisho ayaa sheegay in bajaajtu u noqotay fursad uu ku shaqeysto oo uu kaga baxay shaqo la’aantii uuna hadda biisho qoyskiisii

”Subax walba marka aan ka soo baxo guriga waxaan ka welweli jiray sida aan wax u heli doono inta bandanna waxaan ku tiirsanaa shaxaad iyo wax la mid ah oo aanan markaas jecleysaneyn inkastoo duruuftu igu qasbi jiraty laakiin hadda waa ka baxay dhibaatadaas waxaana ahay qof niyad leh oo mustaqbal ka fekeraya” ayuu yiri Cabdi.

Haatan wuxuu awood u yeeshay Cabdi Cismaan in uu carruurtiisa geeyo dugsi waxbarasho isla markaana uu ka bixiyo qarashka waxbarashada sidoo kalena kirada guriga uu isaga filnaado.

Cabdi Cismaan ayaa Soomaalida siiba kuwa dibedda ku nool ugu baaqay in ay caawiyaan walaalahooda dalka ku nool oo ay ugu yaraan u sameeyaan shaqo abuur oo qof walba oo dibadeeda ku nool intii uu bil walba wax soo diri lahaa u sameeyo shaqo abuur ha ahaato ganacsi uu u furo ama uu hal bajaaj oo keliya u iibiyo.

Dhammad

WQ; Mohamed Shiil