Gen: Biixi” in ka badan 70-Khawaarij ayaa lagu dilay howlgal laga fuliyay gobolka Mudug,”

Taliyaha ciidamada lugta Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgal xalay ilaa maanta ka socday deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Generaal Biixi ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan Khawaarijta looga dilay in ka badan 70-maleeshiyo, tiro intaas ka badana looga dhaawacay.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen deegaanka Baraagta hurdaaye oo 10-km u jirto deegaanka Caad oo maleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii ku jabay howlgalka ay u carareen.

Ugu dambeyntii, Taliyaha ciidamada lugta Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa u mahadceliyay saaxiibada caalamiga oo ciidamada xoogga dalka ka taageeryay duqeymaha cirka oo Khawaarij badan lagu laayay.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka oo golaha Wasiirrada faray in ay dedejiyaan qorshaha xasilinta goobihii laga xoreeyey Khawaariijta

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada kaasi oo warbixinno kala duwan oo ahmiyad gaar ah u leh barnaamijka xukuumadda uu kaga dhagaystay Wasiirrada iyo Guddiyada u xilsaaran Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa,uud Aweys ayaa soo jeediyey warbixin la xiriirta xafiiska isku xirka iyo jihaynta macluumaadka hay’adaha dowladda, kaasi oo midayn kara fariimaha ay dowladdu la dawaagayso bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada, Saciid Maxamed Cali ayaa isna kulanka ku soo bandhigay warbixin kooban oo la xiriirta hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka kaasi oo horyaala golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa faray Guddiyada Heer Wasiir ee Barnaamijka Xukuumadda ee Tiirka horumarinta Arrimaha bulshada in ay dedejiyaan qorshaha xasilinta goobihii dhawaan laga xoreeyey Khawaariijta, isla markaana bulshada ku dhaqan deeganadaa la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga sida goobo caafimaad, waxbarasho iy saldhigyo booliis, si bulshadaasi u hesho xuquuqdoodii dowladnimo.

Soomaaliya iyo Masar oo heshiis is-afgarad kala saxiixday

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr Cumar Dalcat ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan Tiknoolajiyadda, ICT-da iyo Boostada.

Goobta lagu kala saxiixday heshiiska waxaa goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mostafa Madbouly iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar  Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh,lataliyaha wasaaradda.

Hishiiska oo socon doona muddo shan sano ah ayaa waxa uu ku saabsan yahay iskaashiga labada dal in la isweedaarsado aqoonta ku saabsan tababbarada ICT-da, Isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta Kaabayaalka Dhijital-ka ah, khibradaha istaraatiijiyada iyo siyaasadda amniga internetka, Iskaashiga dhinaca adeega Boostada, waayo-aragnimada ku saabsan hal-abuurka Teknoolajiyada iyo hal-abuurka ganacsiga.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan oo ka hadlay ahmiyadda hishiishka is-afgaradka ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar ayaa ku micneeyay inuu yahay mid lagu adkeynayo xiriirka soo jireenka ah ee  labada wadan.

Soomaliya oo ku biiraysa ururka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa maanta ka furmay Muqdisho,shirkan ayaa daba socda shir uu horay Madaxweynha JFS uga qeyb galay Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania
islamarkaana muhiimad weyn ugu fadhida bulshadda Soomaaliyeed in ay ka kamid noqoto Soomaaliya ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka kala socoto 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood,waxa inta uu soconyo shirka looga hadli doonaa sida Soomaaliya uga mid noqon lahaayd ururka (EAC)

Ergeyga Soomaaliya u qaabbilsan ku biiridda ururka EAC Cabdisalaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay xubahan guddiga in wada xajood iyo qiimeyn ka dib la samayn doono guddi kasoo baaraan dega, wuxuuna intaa raaciyay in ka Dowlad ahaan ay rajeynayaa in sanadkan gudahiisa ay ku biirto Soomaaliya Ururka AEC,Ergeyga ayaa sheegay in wadammada ka tirsan Ururkan in ay ku biirista Soomaaliya laftooda u tahay muhiim maaddaama aynu dalalkaasi ku leenahay ganacsiyo waaweyn iyo maalgashiyo, qaarkoodna ay ciidamo ka joogaan dalka dano badanna ay innaga dhexeeyaan.

Danjire Hadliye ayaa sheegay inay Soomaaliya ka faa’iidi doonto ganacsiga furan ee kala dhexeyn doona Ummad ku dhow Saddex boqol oo milyan oo ku nool bariga Afrika, iyagoo dhinaca kalana qeyb ka noqon doona la dagaallanka argagixisada oo haatanba dalka ka socda,Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in shan waddan oo Ururkan ka mid ahi aysan lahayn Bad, sidaa daraadeedna ay mustaqbalka isticmaali doonaan dekedaha Soomaaliya lana samayn doono waddooyin waaweyn iyo khad Tareen si ay badeecaduhu isaga kala gooshaan.

Sidoo kale wasiir dowlaha arrimha dibada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)oo ka hadalay shirka ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay shirkaan uu Muhiim u yahay ganacsiga dalka kana soo shaqeeyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,si Soomaliya uga mid noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ka kooban 7-dal kuwaa xubnno ku socda ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Waxa uu sheegay sidoo kale in shirka maanta furmay uu gebogebo u yahay shuruudihii ku xirnaa in ay Soomaaliya ku biirto Ururka EAC

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u gaaray Caruusha-Tanzania ayaa halkaasi uga qeybgalay Shir Madaxeedka 22-aad ee Caadiga ah oo dib loogu xaqiijinayo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Ururka EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Caruusha kaga qeyb galaya shir madaxeedka 21-aad ee caadiga ah ee madaxda dalalka Bariga Afrika, si uu taageero ugu raadiyo sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd bulshada Bariga Afrika. Ururkan oo la aasaasay 2000, isagoo isu keenay toddobo waddan oo leh suuq ganacsi oo baaxad leh oo lagama maarmaan u ah dhaqaalaha gobolka, oo ay ku jiraan Tanzania, Rwanda, Burundi, Kenya, Uganda, South Sudan, iyo DR Congo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ee uu xafiiska qabtay waxaa codsi u gudbiyay ururka Bariga Afrika ee Soomaaliya, balse ururka ayaa ku gacan seyray codsigii Muqdisho ee 2016, Soomaaliya ayaa codsigeedii dib u codsatay 2019-kii xilligii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ashatu Kijaaji, Wasiirka Maalgashiga, Warshadaha iyo Ganacsiga, ayaa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaliya, markii uu halkaa gaaray kuwaa oo ka wada hadleyn sidii Soomaaliya ay u daneyneeyso kamid noqoshada Ururkaasi

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa noqotay waddankii ugu dambeeyay ee ku biira ururkan, isagoo si rasmi ah xubin uga noqday bishii Luulyo 2022, waxayna codsatay xubinnimada 2019.

Guul u soo hoyatay Soomaaliya 10 sanadood kaddib,

War murtiyeedka ka soo baxay shir madaxeedka East African Community ayaa waxaa Golaha ururkaas lagu faray in ay dedejiyaan tallaabooyinka ay tahay in aan marno, kaddibna ay warbixin siiyaan Shir Madaxeedka 23-aad ee ururka.

Tan ayaa noqonaysa tallaabo culus oo hore u qaaday dowladda Soomaliya tan iyo March 2012 markii ay xubinnimadiisa dalbatay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Axmed Haruse ayaa si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika,waxa una sheegay

Ururkaan oo ka kooban 7-dal ayaa soomaaliya hadii ay kamid noqoto wax uu Sara u qaadi doonaan ganacsiga guud ahaan dalka iyo Kobayashi dhaqaale dalka ,madaama Soomaaliya ay u fududaaneyso in kamid noqoto ganacsiyada suuqyada wadamadaasi.

XIGASHO SONNA

Ciidanka xoogga dalka oo 50 khawaarij ah ku dilay gobolka Mudug

Ciidanka XDS ayaa in ka badan konton khawaarij ah ku dilay howlgal maanta ka dhacay deegaanka Miiroon oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Weerarkan oo ay si wada jir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo  saaxiibada caalamiga ah ayaa ahaa mid,iyadoo halkaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijtii halkaasi ku sugnayd.

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General, Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howgalkaas lagu naafeeyay cadowga , haatanna lagu raad joogo firxadka khawaarijta.

Ra’iisul wasaare Xamze oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Salem Al Nuaimi.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qadar.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, iyaga oo ka wadahadlay doorka dowladda Imaaraadka ee la tacaalida arrimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka kaga mahadceliyay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalka iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga codsaday dowladda Imaaraadka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wakiilka Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef,oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa warbaahinta la wadaagay hawgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka,kuwaas oo khasaare weyn loogu geystay kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ahna madaxa hawlgaladda ATMIS ayaa sheegay in Beesha caalamku bogaadinayso hawgallada dalka ka socda kuwaas oo dalka looga ciribtirayo kooxda khawaariij,wakiilka ayaa sheegay in ay jirto ka go’aanshiiyo dagaalka ah iyadoo la arkayo Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka,Ra’iisulwasaaraha iyo golaha wasiirdda oo jooga furimaha dagaalka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac wasiirka Warfaafinta ayaa warfidiyeenada u sheegay in muddo 24 saac guddahood ah Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Shacabka deegaanka ay degmooyinka Galcad,Xarardheere iyo Ceeldheer kaga saareen kooxda khawaariijta,degmooyinkan ayaa ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,iyadoo degmooyinkani mudo 15 sano ah gacanta ugu jireen kooxda khawaariijta,shacabka degmooyinka hadda dareemaya neecow xornimo iyo adeegyadii dowladda oo la gaarsiiyey,sidoo kale degmadda Galcad ayaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta dagaal dhacay ka dib markii khawaariijtu isku da’yeen in ay weeraraan Saldhig Ciidanka Xooggu halkaas ku lahaa,ciidanka Xoogga ayaa dagaalkan waxa kaga shahiiday 7 Askari oo uu ku jiro Taliye kuxigeenkii Ciidanka Danab Gaashaanle Xasan Tuure,Madaxweynaha JFS iyo madaxda Qaranka ayaa uga tacsiyeysay eheladda iyo shacabka Soomaaliyeed shuhaddada dhiigooda u huray difaaca dalkooda.

Deegaanka Beer-faarax oo ka tirsan degmadda Xarardheere kagana beegan dhanka waqooyi waxa isla toddobaadkan hawlgal Ciidanka Xooggu fuliyeen lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta oo halkaas ku dhuumanayey.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe dagaal ka dhacay lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,halka dhinaca Ciidanka xoogga ay kaga shahiideen 5 Askari,sido kale deegaanka Beerta Sheekh Qaasim oo ka tirsan Tuulada Dhagaxow hawlagal ay si wada jirka ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxa lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga iyo Ciidanka hawlgalka midowga Afrika ATMIS kaas oo ka dhacay gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Danow ayey ku dileen 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo ka tirsan gobolka Baay lagu dilay 34 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta, Ciidammada amniga ayaa sidoo kale lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay xarunta Gobolka Banaadir kadib markii ay halkaasi soo weerareen argagixisada,halka 5 qof oo rayid ah oo uu ku jiro samafale aragga la’aa uu halkaas ku geeriyooday,wasiirka ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in hawgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay kooxda khawaariijta ah looga dilay 323 xubnood.
Wasiirka ayaa dhinaca kale hadlay safarkii madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur-galbeed,halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga dhawaaqay in wejiga xiga ee hawlgalada lagu ciribtirayo khawaariijta Al-Shabab ay ka dhici doonaan Dowladda Goboleedyada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland,baaqa nadaxweynaha ka dib waxa bilowday hawlgallo lagu beegsaday Khawaarijta ayaa dhowaan degaannadaasi ka dhacay,waxaa kale oo uu Madaxweynaha JFS kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad oo u diyaar garoobay dagaalka lagu soo afjarayo khawaarijta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo in ka badan 300 culumo ah ay ka qeyb galayaan,Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa xusay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen,madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23 January sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka.

Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kulan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ku casuuntey kulan ayey dowladdu ku soo bandhigtay xafiiska cusub ee isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda ( Government Communication Office ).

 

Shirka Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad

Shirka Culimada Soomaaliyeed ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo galay maalintii saddexaad ayaa waxaa looga dooday doorka culimada kaga aaddan khawaarijta iyo taageeridda dagaalka ay dowladdu kula jirto.

Culimaa’udiinka halkaasi ka hadashay ayaa waxay dhammaantood ballan qaadeen inay garab taagan yihiin dowladda xaaraanna tahay la macaamilka Khawaarijta kuwaas oo ka been sheegay diinta Islaamka banneystayna dhiigga shacabka.

Sheekh Muuse Cadde oo ka mid ah Culimadii halkaasi ka hadahay ayaa yiri” Nimankii na dilay, oo na qaxshay oo madaxa naga guray halala dagaalo hadduu yiri Madaxweyne Xasan ilaahay baa ayiday anaguna saasbaan ku ayidnay”

Sidoo kale Sheekh Dr, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay maanta haystaan fursad ay dowladdu ku garab istaagaan si ay uga adkaato Khawaarijta una baabi’iso fekerka gurracan ee khwaarijta.

Shirkan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed, kaas oo lagu wado in lagu dhiso gole ay ku mideysan yihiin culiaa’udiinka Soomaaliyeed oo dowli ah si loogu midoobo dagaalka khwaarijta.

Cabdisalaan Hadliye oo ka hadlay ahmiyadda shirka Urur goboleedka AEC ee ka furmay muqdisho

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sharraxay ahmiyadda Shirka maanta ka furmay Muqdisho.

Danjire, Hadliye ayaa sheegay in wadamada ka tirsan Ururkan in ay ku biirista Soomaaliya laftooda u tahay muhiim maaddaama aynu dalalkaasi ku leenahay ganacsiyo waaweyn iyo maalgashiyo, qaarkoodna ay ciidamo ka joogaan dalka dano badanna ay innaga dhexeeyaan.

Danjire Hadliye ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iidi doonto ganacsiga furan ee kala dhexeyn doona Ummad ku dhow Saddex boqol oo milyan oo ku nool bariga Afrika, iyagoo dhinaca kalana qeyb ka noqon doona la dagaallanka argagixisada oo haatanba dalka ka socda.

Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in shan waddan oo Ururkan ka mid ahi aysan lahayn Bad, sidaa daraadeedna ay mustaqbalka isticmaali doonaan dekedaha Soomaaliya lana sameeyo waddooyin waaweyn iyo khad Tareen si ay badeecaduhu isaga kala gooshaan.