Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho sharaf u sameeyay xubnihii ka qayb galay Shirweynihii Culuma’udiinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyay Culumadiin ka qayb gashay Shirweynaha Culumada soomaaliyeed ee lagu soo gabagabeebay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay culumaudiinka sida midnimada leh ee ay ummmadda soomaaliyeed ugu soo bandhigeen xumaha iyo baadilnimada kooxaha Khawaarijta, ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka mahadceliyay garab istaagga culumada ee dhinaca la dagaalanka khawaarijta iyo dadaalada Jihaadka ah ee dalka looga ciribtirayo kooxdaasi.

Munaasabaddan waxaa kasoo qayb galay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Culumaa’udiin soomaaliyeed.

  

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo toddobaadkan guulo waa wayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

                

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo toddobaadkan guulo waa wayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo loo magacaabay Ganaraal Sulub Axmed Firin

Shirka khamiislaha ee Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Ganaraal Sulub Axmed Firin loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Sulub Axmed Firin ayaa bedalay Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku dhawaad muddo afar sano ah hayey xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamada Israa’iil oo dilay afar Falastiin ah oo ay ku jirto haweeneey da’ ah

Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan afar Falastiini ah, tiro kalena way dhaawaceen,kadib matkii weerar hubeysan ay ku qaadeen magaalada Jenin, oo ku taal waqooyiga daanta galbeed ee la haysto.

saraakiisha Falastiiniyiinta,dad goobjoogayaal ah iyo dhakhaatiirta caafimaad,ayaa sheegay in haweeney da’ ah ay ku jirto dadka dhintay.

Wasiirka caafimaadka ee Falastiin, Mai al-Kaila, ayaa sheegay in ciidamada Israel ay sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen isbitaal ay ku jireen carruur, taasoo keentay in caruur badan ay ku neefqabatoomaan.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in howlgal ay ka sameeyeen Jenin maanta oo Khamiista ah, balse ma aysan bixin faah faahin dheeri ah.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Jeeniin.

Magaalada Jenin waxa ay ka mid tahay aagagga woqooyiga Daanta Galbeed ee ay ka dagaalamaan Kooxaha hubeysan ee Xamaas iyo Islamic Jihad ,waxayna Israa’ii; dooneysaa in ay ka hortagto wax iska caabinta Falastiin  ee sii kordhaya.

Tirada Falastiiniyiinta ay dileen ciidamada Israel intii lagu guda jiray duulaanka ay ku qaadeen Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus bishaan ayaa hadda ah 24 dhimasho ah oo ay ku jiraan shan caruur ah,iyadoo sanadkii tagay  ciidamada Israa’iil ay dileen 170 falastiiniyiin ah oo u badan rayid. .

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo dalka Qatar kula kulmay wasiiradda arrimaha bulshada ee Qatar iyo dalka Sacuudiga

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Dr. Cali bin Samikh iyo wasiirka horumarinta arrimaha bulshada ee dalka Sacuudiga mudane  Axmed Bin Suleymaan .

wasiirka ayaa kala hadlay wasiirada Qatar iyo sacuudiga xoojinta xiriirka iyo ka wada shaqaynta arrimaha la xiriira dhinacyada shaqada, horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo is dhaafsiga khibradaha.

Wasiir Biihi ayaa magaalada Dooxa ugu qeyb galaya kalfadhiga 42-aad ee golaha wasiirada Carabta u qaabilsan arrimaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen siyaasadda arrimaha dibadda

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo shalay si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahan yahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa dhanka kale ka hadlay muhimadda shirkaan uu u leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay sameysay horumar ballaaran, iyadoo lagu hagayo hal ku dhigga ah “Soomali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” si gaar ahna wasaaraddu mas’uul uga tahay qeybta Soomaaliya dunida heshiis la ah.

“ Muddada kooban ee dhan shanta bilood oo aan xafiiska joogo, haddii aan u dib  milicsanno siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, dhadhaqaaqayaga iyo dadaallada aynu sameynay wax weyn ayaa siyaasadda arrimaha dibadda ka qabsoomay.”

Wasiir Haruuse ayaa xusay in tallabo wanaagsan loo qaaday marka ay timaaddo iskaashiga iyo wada shaqeynta Soomaaliya kala dhaxeysa wadammada caalamka iyo kuwa gobolkaba ee xariirku uu kala dhaxeeyo, ururada aan wada shaqeynta la leenahay iyo dhammaan hey’adaha caalamiga, iyadoo loo marayo siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan isqaadasho, is ixtiraam iyo iskaashi, taas oo sahashay in siyaasad ahaan ay isku furmaan Soomaaliya iyo Caalamka, dalalka dariska ah, kuwa Qaaradda Afrika oo dhan iyo dhammaan urur goboleedyada ay Soomaaliya qeybta ka tahay

“Aad bay u horumarsan tahay, wax weyn ayaana runtii iska bedalay siyaasadda arrimaha dibadda, horay ayaana u sii soconeynaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dowladda.

 

Soomaaliya oo ku guuleysatay in hawadeeda loo dalacsiiyo heerka ugu sareeya ee qiimeynta duulimaadyada Caalamiga ah

Maareeyaha hey’adda duulista rayidka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay ku guuleysatay inay gaarto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka, taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada ay meeshi ugu sareysay ay noqotay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, waxaana ku guuleysanay inaan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka, bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed, waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.” Ayuu yir maareeye Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha ayaa sheegay in muddo sanad ah ay ku qaadatay dowladda Soomaaliya in hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee qiimeynta (heerka A), kadib markii dowladdU la soo wareegtay hawada, taasi waxay ka dhigan tahay inaan bixinay dadaal dheeri ah oo aan maanta ku muteysanay qiimeyntaan sare.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soona dhaweynayso in hawada Soomaaliya maanta loo aqoonsado mid buuxisay sharuudaha inay gaarto heerka ugu sareeya ee qiimeyn caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya markii ay la so wareeysay maamulida hawada, waxay ahayd heerka ugun hooseya ee dhanka qiimeynta , waxaana ay kaga dhigan tahay guushaani in Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay inay maamulato hawadeeda, cilmi iyo khibrad ku filana wey heysata.

Ciidamada DF oo soo afjaray kooxo Khawaarij ah oo ku sugnaa deegaanka Baraagta reer Shadoor

Ciidanka Xoogga dalka ayaa weerar qorshaysan ku qaaday koox ka tirsan Khawaarijta oo ku sugnaa tuulada Baraagta reer Shadoor oo hoostagta degmada Ceeldheer ee gobalka Galduguud.

Ciidamada ayaa soo afjaray kooxdii Khawaarijta ee deegaanka ku sugnaa,waxayna ciidamada howlgalka ku gubeen Gaari Cabdibile ah oo Khawaarijtu wateen halka gaari kale oo qoriga lidka diyaaraduhu saaran yahayna ka furteen..

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in deegaankii uu howlgalkaasi ka dhacay ay gacanta ku dhigeen, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.

Gen: Biixi” in ka badan 70-Khawaarij ayaa lagu dilay howlgal laga fuliyay gobolka Mudug,”

Taliyaha ciidamada lugta Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgal xalay ilaa maanta ka socday deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Generaal Biixi ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan Khawaarijta looga dilay in ka badan 70-maleeshiyo, tiro intaas ka badana looga dhaawacay.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen deegaanka Baraagta hurdaaye oo 10-km u jirto deegaanka Caad oo maleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii ku jabay howlgalka ay u carareen.

Ugu dambeyntii, Taliyaha ciidamada lugta Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa u mahadceliyay saaxiibada caalamiga oo ciidamada xoogga dalka ka taageeryay duqeymaha cirka oo Khawaarij badan lagu laayay.