Waxgaradka Gaalkacyo oo isku raacay in la taageero kacdoonka ka dhanka ah Khawaarijta

Kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayay waxgaradka iyo Bulshada magaaladaas ku go’aamiyeen in ahmiyadda koowaad la siiyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda dalka.

Waxgaradka reer Gaalkacyo ayaa ku adkeystay in la garab istaago ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta lana bogaadiyo guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada Galguduud iyo Mudug.

Odayaasha ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ay isla garteen in la taageero howlgallada Khawaarijta looga sifeynayo dalka, kuwaas oo hadda meel wanaagsan maraya, islamaraakana meel la iska dhigo danaha gaarka ah loona wada jiheysto dagaalka.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dadweynaha ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay la dagaallanka Khawaarijta, kaas oo degmooyin iyo degaanno badan looga saaray, waxaana hadda nabad iyo kala dambeyn ku soo laabtay goobihii laga saaray nabad-diidka.

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta masiibooyinka Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga Adduunka

Gudoomiyaha Hay’adda maareeynta masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga adduunka oo uu hoggaaminyay Mr. Harris Khan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha sugnaanta cuntada (food security) iyo howlgelinta xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.

Hay’adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii gargaar raashin ah lagu gaarsiin lahaa qoysaska danta yar ee ku dhaqan guud ahaan dalka gaar ahaan deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka tababbarka ku qaatay Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.
Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.
Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen faraxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.
   

Wafdi ka socda Hey’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Qadar oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Abdulle iyo xunmo kale oo ka socday Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka  Jubbaland.

Mas’uuliyiintaasi ka socday Dowladda Federaalka iyo Dalka Qadar,waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyay Wasiiro katirsan Maamul Jubbland.

Dhinacyadaasi ayaa si wadajir ah Magaalada Kismayo Kaga daahfuri doono mashuruuc gargaar raashin ah lagu gaarsiin doono 46,000 oo Qoys oo dalka gudahiisa ah.

Dowlada Qatar ayaa kamid ah dalalka Carabta ee sida weyn taageerada ugu fidiya dadka Soomaaliyeed ee la daalaa-dhacaya waxyeelada abaaraha ee ka jira dalka Soomaaliya.

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo Shaaciyay waqtiga la qabanayo dhismaha hoggaanka ururka

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Ururka dhakhaatiirta aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgaslay kulan looga hadlaayey dhismaha hoggaan cudub oo uu yeesho ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ujeedka kulankaan oo ahaa shaacinta waqtiga la qabanayo doorashada iyo diiwaangalinta xubnaha ururka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddigga doorashada ururka Dr.Tahliil Cabdi Afrax.

Mas’uulkaasi waxa u sheegay in mudada u dhaxeysa 27 bishaan illaa 8 maarso ay socon doonta waqtiga diiwaangalinta xabnaha kamid noqonaya ururka,isagoo intaa raaviyay in 17 marso la qaban doono doorashada ururka.

Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cilmi, Guddoomiuyaha Ururka ee xilligaan Maxamed Yuusuf iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Dr,Ibtaahim Guuleed,kuwaas oo u rajeeyay doorashada in ay ku qabsoonto Nidaam hufan oo wada ogol ah.

Mareykanka oo sheegay in ay dileen Hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya iyo tiro Maleyshiyaad ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa  hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale oo kooxda ka tirsanaa,warka ayaa lagu yiri” Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Halwgalkaan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in aysan dad shacab ah waxyeelo ka soo gaarin, sidoo kalena ciidankooda aysan waxyeelo ka gaarin iska caabinta Khawaarijta.

Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Difaaca Dalka Mareykanka Lloyd J. Austin ,isla markaana uu kaga hadlaayey hawlgalka Somalia,ayuu ku sheegay in tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen ciidamada cirka ay muujineyso sida Mareykanka ay uga go;an tahay ilaalinta khatarta argagixisada ee gudaha iyo dibaddaba.

Shabakadda caalamiga ah Al-Sudani waxa ay mas’uul ka ahayd kobcinta joogitaanka sii kordhaya ee ISIS ee Afrika iyo maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afgaanistaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday deegaanada Xaradheere ee laga xoreeyay khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi ayaa goobihihii laga xoreeyay khawaarijta ee aagga Xarardheere kula hadlay Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Safatka taliyaha oo qeyb ka ahaa dhisidda mooralka ciidanka,ayaa halkaasi hadallo isugu jiray mahadcelin iyo boogaadin u jeediyay qeybaha ciidamada xoogga ee halganka kula jira xoreynta kooxaha khawaarijta.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay uga qeybqaateen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo damiirka adag ee ay u yeesheen in ay iska dulqaadaan kooxahaasi nabad-diidka ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi,waxa uu ku baaqay in kooxaha khawaarijta ay gartaan dantooda,isla markaana ay isu soo dhiibaan dowladda.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho sharaf u sameeyay xubnihii ka qayb galay Shirweynihii Culuma’udiinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyay Culumadiin ka qayb gashay Shirweynaha Culumada soomaaliyeed ee lagu soo gabagabeebay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay culumaudiinka sida midnimada leh ee ay ummmadda soomaaliyeed ugu soo bandhigeen xumaha iyo baadilnimada kooxaha Khawaarijta, ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka mahadceliyay garab istaagga culumada ee dhinaca la dagaalanka khawaarijta iyo dadaalada Jihaadka ah ee dalka looga ciribtirayo kooxdaasi.

Munaasabaddan waxaa kasoo qayb galay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Culumaa’udiin soomaaliyeed.

  

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo toddobaadkan guulo waa wayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

                

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo toddobaadkan guulo waa wayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.