Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Kismayo- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmad Xassan Cumar iyo Masuuliyiin kale oo ka tiran maamulka Jubbaland.

Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah taas oo maanta la dhagax dhigay iyo sidii deegaanada Shabaab laga xoreenayo loo gaarsiin lahaa gurmad iyo gargaar raashin ah oo dhameystiran, si lamid ah sida gobolada kale ee dalka ay u gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Golaha Shacabka oo akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa; 1. Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka  iyo Nabadsugidda Qaranka.

Furitaanka Aayadaha Qur’aanka kariimka maanta waxaa xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ka hor Aqriyay Sheekh Xasan Al-Waajidi oo kamid ahaa xubnaha culimadii ka qeybgalayay Shirka Culimada Soomaaliyeed ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada muqdisho.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona xildhibaanada siiyay muddo 3 maalin ah in ay ku soo Aqiryaan Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee maanta loo qeybiyay.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, suud iyo qoraal

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan, dad taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan iyo gudaha

Ra’iisal wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

   

Wasaaradda caafimaadka XFS oo la wareegtay agab caafimaad

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Maryan Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Isbitaal Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa Mashiino kala duwan oo casriya oo  loogu talagalay Horumarinta Isbitaalka gaar ahaan qeybta sheybaarka kala wareegay Cutubka Ciidamada Talyaaniga ee taakuleynta ee loo soo gaabiyo (CIMIC).

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Maryan Maxamed Xuseen ayaa ugu horeyn Talyaaniga uga mahadcelisay doorka weyn oo ay ka qaatyn dayactirka iyo qalabeynta Isbitaalka Banaadir, waxayna dhinaca kale xustay in mashiinadan casriga ah loogu adeegi doono Hooyada iyo dhallaanka oo ah kuwa bulshada ugu nugul.

Madaxa Cutubka ciidamada Talyaaniga ee Taakuleynta Colonel Domenico Di Carluccio ayaa sheegay inay qalabkaan ugu talagaleen horumarinta Isbitaalka Banaadir, isla markaana ay sii xoojin doonaan garab istaaga Isbitaalka oo si bilaasha ugu adeega Hooyada iyo dhallaanka.

Ugu dambeyn, mas’uuliyinta ayaa ayaa si wadajir ah u kormeermay qeybo ka mida ah Isbitaalka oo ay ka socdeen shaqooyinka maalinlaha ah ee u gargaarida iyo baxnaaninta bukaanada isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

      

Xildhibaano ka tirsan DFS oo Wisil u gaaray dardar gelinta howlgallada lagu ciribtirayo Argagixisada

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa gaaray magaalada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo ay si weyn ugu dhoweeyen Saraakiisha Ciidamada xoogga iyo Daraawiishta Galmudug.

Ujeedka socdaalka xildhibaanadan gaaray degmada Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa salka ku haysa sidii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen dagaalka Khawaarijta looga sifeynayo deegaannada gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa degmada gaarsiiyay gaadiid iyo ciidan loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga iyo dagaalka ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta Galmudg ay kula jiraan argagixisada Al-shabaab.

       

Xubin ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Aadan Isxaaq Xasan oo magaciisa afgarashada yahay (Jacfar) oo ka soo goostay Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Jacfar oo muddo 3-sano ka mid ahaa Khawaarijta ayaa u qaabilsanaa waxay ugu yeereen Jabhadaha, isagoona ka soo hawlgallay gobollada Baay, Bakool , iyo Jubbada Dhexe.

Taliska Qeybta 60aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Aadan Isxaaq Xasan ku soo bandhigay magaalada Baydhabo, wuxuuna sababta ku kaliftay inuu Al-shabaab ka soo baxo ku sheegay in ay tahay dhibaatada ay habeen iyo maalin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo ka been sheegida Diinta Islaamka.

Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta

Culumada Soomaaliyeed ayaa si midnimo leh ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigay baadinimada kooxaha Khawaarijta ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jihaadka dalka looga ciribtirayo.

Sheikh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliya ayaa sheegay in culumada iyo shacabkuba ay u midoobeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta rajo wanagsanna ay ka qabaan in laga guuleysto.

” Khawaarij culumada Soomaaliyeed iyo shacabkuba waa u midoobeen mana sii jiri doonaan insha allah” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Usuuli.

Sidoo kale, Sheikh Mustafa Yuusuf Cali ayaa cadeeyay in argagixisada dagaalka ay wadaan uusan ahayn dagaal ay Diinta iyo dalkaba ay ku difaacayaan, balse uu yahay dagaal ay ku bur burinayaan Diinta.

Dhanka kale, Sheikh Aadan Qudubi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si isku mid ah u go’aansadaan in ay iska dul qaadaan cadowga argagixisada ku dul habsaday, islamarkaana ayidaan jihaadka lagula jiro Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Sheekh Cabdulqaadir Soomoow ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa aan leeyahay Khawaarijta kusoo duushay Diinteenna yeeysan maalinba qof naga diline aan u midowna oo iska soo afjarno”, ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir Soomoow.

Culumada Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay howlgalladda xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, islamarkaana Al-shabaab iyo Daacish ay la mid yihiin cadowga Diinta islaamka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo madaxa EUCAP-SOM oo ka wada hadlay daadejinta arrimaha cadaaladda

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay madaxa xafiiska EUCAP-SOM ee Soomaaliya Mr. Kauko Aaltoma.

Labadda mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka iyo Xafiiska EUCAPSOM isaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda, daadajinta iyo sidoo kale, helidda adeegyadda cadaaladda dalka.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Mr. Kauko Aaltoma ayaa isla gartay kor u qaadista qorshaha tayenta xirfadaha shaqo ee howlwadeenadda xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Daadajinta adeegyada caddaaladeed iyo tayaynta xirfadda hawl wadeennada xeer ilaalinta ayaa ka mid ah hawlaha hortabinta u leh xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo ujeeddadeedu tahay sidii shacabka loo gaar siin lahaa adeeg hufan, tayo leh oo loo siman yahay.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo arrimo muhiim ah kala hadlay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan mira dhal ah la qaatay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Mr. Akinwumi Adesina.

Wasiirka iyo Mr. Akinwumi Adesina ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhameystirka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo deyn-cafinta oo hadda meel wanaagsan maraya.

“ Waxa aan kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Mr. Akinwumi Adesina oo aan ka wada hadalnay dhameystirka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo arrimaha deyn-cafinta oo hada meel wanaagsan innoo maraya,” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda federaalka ayaa ku dadaaleysa gaaridda natiijada barta loo yaqaano “kama dambeynta deyn cafinta” taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada sanadkan aan ku jirno ee 2023-ka.

Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo la shaaciyay

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa shaaciyay Jadwalka qabashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga isaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee loo igmaday ayuu shaaciyay doorashada kursigan hoose ku xusan.