Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay Kulan dhex maray Maamulka Gobolka iyo hey’adda UNOPS

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa shir guddoomiyay Kulan Laba geesood ah oo dhex maray Gobolka Banaadir, iyo hey’adda UNOPS.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa G/ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir mudane Xasan Jimcaale, iyada oo looga hadlay arrimo la xiriira dhismaha kaabayaasha Gobolka Banaadir iyo xoojinta wada shaqeynta UNOPS & Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii waxaa la isku afgartay in wadashaqeynta uu saldhigeedu ahaado qorshaha shanta sannadood  ee Gobolka Banaadir & howlaha horumarineed ee Degmooyinka Gobolka.

Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada

Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka(SoDMA) Dr Axmed Cabdi Adan ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlaayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil Sar sare oo ka socday Hay’addaha ka shaqeeyo arrimaha bin’aadanimada iyo kuwa deeq-bixiyaasha ah.

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb-galay masuuliyiin ka socday wasaaradda Arrimaha gudah fedraalka iyo dibu hishiisiinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe Soomaaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Yaasiin Cali Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta  gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta  ee Gobolka Jubbada Hoose.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Cabdiraxmaan Hudle ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wafdigiisa.

Intaas kadib, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Yaasiin Cali Sheekh iyo wafdiga uu hoggaaminayey.

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle(Jaabiri),ayaa ka qeyb galay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay wadanka Aljeeriya.

Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta iyo horu marinta Baarlamaanada islaamka, Xoghayaha Guud waxaa halkaasi kusoo dhawayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Aljeeriya Mudane Cabdulwahab Macalin Maxamed,kaa oo xoghayaha kala kala qeybgalay Shirka Xoghayayaasha baarlamaanada dalalka Islaamka.

kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday dhinacyadu waxa ay ka wada hadleeyn sidii ay u wada shaqeyn lahayeen xoghayaasha Baarlamaanada Islaamka.

Maxkamdda ciidamda oo xukun ku riday odayaal heshiis la galay kooxda khawaarijta.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah iyo il ku haynta Booliska ku xukuntay Odayaal Cadaado laga soo xiray December 27-dii Sanadkii tegay Kadib Heshiis ay Khawaarijta kula galeen Xarardheere intii aan  khawaarijta laga saarin 16-kii bishan.sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xiray December 27-keedii Sanadkii tegay Odayashan oo heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga xorreyn khawaarijta.

Odayaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Argagixisada oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere,Odayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimha Bulshada XFS oo ka qeybgalay Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Shaqada Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqa ku joogay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar  ayaa halkaasi kaga qeybgalay Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta

Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha la xidhiidha cidhibtirka saboolnimada, daryeelka dadka baahiyaha gaar ka ah qaba  iyo horumarinta ilaalin iyo adkaysiga bulshada waxaana Gunaanadka shirka oo si guul ah ku soo idlaaday lagu dhisay Guddiga Fulinta ee Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta oo ka kooban toddoba (7) dal oo Soomaaliya ka mid tahay.

“Sharaf wayn ayay inoo tahay in aan ka mid noqono, dal ahaan, hoggaanka Golahan, oo ah Golaha lagu soo dejiyo barnaamijyada iyo ajendayaasha mudnaanta leh ee la xidhiidha Arrimaha Bulshada”. Sidaa ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan Cige

Wasiirka ayaa sidoo kale shir doceedyo la qaatay madaxda shirka ka qeyb gashay kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Shaqada ee Dawlada Qatar, Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ee Boqortooyada Sucuudiga, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Qatar, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Dalka Libya, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Yemen, Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Dawladda Qatar kuwa oo ay ka wada hadleeyn iskaashiga  arrimaha horumarinta Bulshada, shaqa abuurka, kobcinta awoodaha aadamah

Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiiru dowlihii Wasaaradda Gaadiidka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug oo  kooxda khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Farxiya Cabdi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumada, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada ay ka baxday.

Innaa Lillaahi wa Inaa Ieyhi Raajicuun.

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo gaaray deegaanka Janaay Cabdalle oo laga xorreeyay Khawaarijta

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray jiida hore ee ay Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta JubbalandSoomaaliya  ku suganyihiin ee deegaanka Janaa cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose.

Wefdiga ayaa isugu jira Wasiirka Caafimadka Jubaland mudane Maxamed Oogle, Wasiir Howlaha Guud iyo Guryeenta Injineer Ismaciil Axmed Garas iyo Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiintan Ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka waxa ay gaarsiiyeen Daawooyin ay wasaarada Caafimadka ugu talagashay iney kaga qayb qaadato tageerida Ciidamada iyo xoolo nool oo iyagana loogu talagalay in loo qalo Ciidamada.

Madaxweyne kuxigeenka Jubaland iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa la kulmay dadka deegaanka Janaa Cabdalla waxa ayna ka wareesteen xaaladda Deegaanka iyo joogitaanka Ciidamada, dadkii joogay Janaa Cabdalle ayaana ka mahad sheegtay  Ciidamada oo si wanaagsan ula dhaqmay inta ay joogeen deegaankan, iyagoo ka codsaday masuuliyiinta Dowlada in baahiyaha deegaanka ay Dowlada daboosho.

Deegaankan Jana Cabdalle ee laga saaray gacanta kooxaha khawaariijta ah waxaana uu 60 km u jiraa Magaalada Kismaayo, waana halbowlaha isku socodka kooxda ee Gobolada Jubaland iyo Wadanka Kenya.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa u magacaabay Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Xamza Adan Xaadoow, loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.

Wareegtada ayaa dhaqan galeysa 28-da Janaayo 2023 oo maanta ku beegan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay qaar kamid ah ergada ka qeyb-galaya Shirka dib u heshiisiinta K/galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay wafdiga ka socda Gobolka Bakool ee magalada Baydhabo u jooga ka qeyb galka Shirka Dib u Heshiisiinta Koofur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga ka socda Gobolka Bakool ayaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista Shirka Dib u Heshiisiinta KGS iyo inuu natiijo wanaagsan ku soo dhamaado shirka.

Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasyiin iyo bulshada rayidka ayay Guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa isla-markaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo bannaanka