KHAWAARIJTA IYO SIFAADKOODA

Qormadan gaaban waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay in looga digo qataraha iyo dhaqamada qalifsan ee Khawaarijta ay leedahay. Maadaama ay  maanta ummadda Soomaaliyeed dhibane u tahay dhibaateyn joogto ah oo ay ku hayaan kooxda khawaarijta, waa muhiim in laga digo dhibaatada iyo cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (SCW) ee toosan iyo kitaabkii Alle (SWT). Kuwaas culimada islaamka ay tilmaamtay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (SWT).

Marka laga hadlayo khawaarijta iyo magacyadooda wey fara badan yihiin  balse hadduu Alle ogolaado waxaan ka tilmaami doonaa wixii Alle (SWT) ina waafajiyo si aan u gaarsiino ummadda soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah ee khawaarijtu maanta banaaneysteen dhiigooda, maalkooda, iyo waliba sharafkooda, si ay uga foojignaadaan dhibaatada iyo hagardaamada joogtada ah ee ay ku hayaan kuwa usoo xirtay shaatiga diimeed si ay u qaldaan umadda Soomaaliyeed una xalaaleystaan naftooda iyo xoolahooda.

Khawaarijta iyo dhibaatooyinkeeda lidka ku ah diinta Islaamka iyo muslimiinta ma ahan wax hadda uun soo bilowday, horey ayey u jirtay dunidana usoo martay, horey waxay usoo laayeen qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka kuwooda ugu waaweynaa uguna fadli badnaa, sida Cusmaan bin cafaan iyo SayidCali Ilaahay haka wada raali noqdee oo la ogyahay qiimaha ay lahaayeen iyagoo kamid ahaa afartii khulafaa u raashidiin, islamarkaasna safka hore kaga jiray tobankii saxaabi ee iyagoo nool jannada loogu bishaareeyey, waxaa intaa ka daran khawaarijtu waxay aaminsaneyd in dilkooda Alle ugu dhawaanayaan!.

Qofka markuu maankiisu meel baas u jaheysto waa majnuun aan waxba kala ogeyn, muslimbaa dilayaa, maalkiisan dhacayaa, maatadan laynayaa, marasta iyo masaakiinta ayan xasuuqayaa, dilkooda ayan ilaahay ugu dhawaanayaa waa waxyaabo aan ku fakiri karin ruux Islaamnimo iska daaye xitaa Insaannimo ku jirto, dhaqannimada noocaas ah waxaa ku sifoobay oo astaan u ah khawaarijta.

 

Sida magacooda laga dareemayo khawaarij waa ruuxa banaanka ka joogo diinta Islaamka oo wax shuqul ah ku laheyn dhaqan islaam, marka aad u fiirsatid dhaqamadooda waa dareemi kartaa waayo waxa ay sameenayaan iyo ficilladooda  waa wax liddi ku ah islaamnimada iyo xitaa bin aadannimada, midaas waxaa daliil u ah waxyaabaha ay maanta ku sameynayaan umadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah, ficillada qurracan ee ay khawaarijtu ku kacaan waxay muujinaysaa inaysan wax diin ah shaqo ku laheyn wadankana aysan dan ka laheyn, waxaa kaloo kuu soo baxaya inay yihiin dad fulinaya ajandayaal dibadda looga soo dhiibay oo iyagana ay yihiin waa kuwa soomaalinimada sheeganaye kuwo u shaqeeya cadow soomaaliyeed oo isu baheystay bur burinta dalka Soomaaliyeed iyagoo uga faa’ideystay kala daadsanaantii dadka soomaaliyeed ee sababta u aheyd qara jabkii ku dhacay soomaaliya.

Warka kusaabsan khawaarijta marka aad fiiriso waxaad fahamaysaa oo taariikhda ku cad khawaarijta koox ahaan waa kuwo soo jiray waqti hore oo saxaabadi rasuulka SCW soo wada dagaalameen, tilmaamahooda Nabiga (SCW) uu sii sheegay kooxda Cali ibn Abii Taalib uu la dagaalamay ee khawaarijta ihina waa (muxalu ijmaac) waana (nas) wixii iyaga ka dambeeyay ee sifaadkooda wax kamid ah laga helay in khawaarij xukunkooda la siiyo waa (ijtihaadi).  Waa qadiya ijtihaadiya waaye, laakiin qolodaan hore inay khawaarij yihiin (nas) bay ahayd. Maxaa yeelay astaantii Cali ibn Abii Taalib Nabiga SCW u sheegay, sideedii baa loo helay markii la laayay kadib oo dagaalkii dhamaaday buu Cali wuxuu ku yiri:

‘’Ninka noocaas ah hala soo raadiyo, ninkaan idin sheegay ee astaantaa lahaa hala soo raadiyo.’’Waa la tagay niman meykoodi aad u badan baa la dhax maray waa la soo waayay. Markaasuu (Cali) yiri: Ilaahay baan ku dhaartayee [maa kadabtu walaa kudibtu]. ‘’Ilaahay baan ku dhaartee anne been ma sheegin, Nabi Maxammadna been iima sheegin.’’Arintu xaqiiqa jirto weeye dib ugu noqdoo soo baara! Waa la raadiyay, waxaa loo tagay ninkii oo dhowr nin oo dhintay ay kor saaran yihiin oo hoostooda ku jira oo meyd ah, nimankii baa laga kor qaaday isagii baa la soo bixiyay, mise calaamadii iyo astaantii  Nabigu tilmaamay waa sideedii.

 

Markaas Cali ibn Abii Taalib (rc) wuxuu yiri: ‘’Ilaahay run buu sheegay, Rasuulkiisuna run buu sheegay.’’Taa marka waxay cadeyneysaa kooxdaas in ay yihiin kuwo aan laysku khilaafsanayn oo la dagaalankoodana waajib yahay nas iyo ijmaacba ku cad. Xiliga ay soo baxeena waa lasheegnay dhaqamadoodana waa la tilmaamay, afkaartooda iyo Mabaadi’dooda iyo Sifaadkooda waana sida kuwa maanta jooga ka muuqato Alle ummadda haka qabte.

Waxa aan wax ka tilmaamaynaa qaar ka mid ah  Afkaartooda, Mabaadi’dooda iyo Sifaadkooda:

Sida laysku waafaqsantahay, khawaarijitu qaas kuma ahayn qolodii hore ee aan kasoo sheekeynay ee cid kasta oo sifaadkooda laga helo waxay qaadanayaan xukunkii khawaarijta. Inay jiri doonaan waa la tilmaamay ilaa kan ugu dambeeya ama gadaashooda uu ka soo baxo (Dajjaal).

Sifaadka lagu garan karo Khawaarijta

Waxaad u baahan tahay marka inaad ogaato maadaama ay jiri doonaan, fikirkuna jiro siina jiri doono, soona jiray, waxaa u baahan tahay inaad ogaato lagu siiyo Sifaadka ay leeyihiin oo aad ku aqoonsan karto khawaarijta ama fikirkaan qaloocan sifaadka aad ku garan karto iyo (Usuusha) uu leeyahay. Miizaanka markaad qaadato adiga oon cidina kuu sheegin baad leedahay Alleylahee kuwaasi sifaadkii bey leeyihiin. Sidaa daraadeed aad bey muhiim u tahay Manaahij toodii, Usuushoodii iyo Sifaad koodaba in la barto.

Sifaadka khawaarijta lagu aqoonsan karo waxaa ka mid ah:

In dadka lagu gaaleeysiiyo oo diinta lagaga saaro [dadka muslimiinta] ah waxaan gaalnimo keeneynin.

Miizaanka sharciga marka la saaro waxaan uu ruuxa ku gaaloobeeynin oo diinta kaga baxaynin ayay dadka diinta kaga saarayaan, oo (Ridda) ugu xukumaan.

Dadka waxay ku gaaleeysiiyaan waxaan gaal nimo keeneynin miizaanka sharciga.

Dambiyada waaweeyn baa ka mid ah, oon gaal nimada gaarsiisneyn sida:

Zinada Khamrada iwm

Wuxuu noqon karaa inay shey waajib ah oo diintaba waajib ka dhigtay iyagu intay gaal nimo u qaataan dadka diinta kaga saaraan. Sida in heshiis la galo oo dhiiga muslimiinta la baajiyo ama [mustaxab] buu ahaa ama waajib buu ahaa, iyaguna waxay ka dhigeen in heshiis la galo wax lagu gaaloobo sida horay u dhacday walina lasoo taagan yihiin. Miizaanka (shareecada) marka la fiiriyana arrinkaas (heshiiska) waa waajib ama waa mustaxab.

Waxaa ka mid ah mathalan: mar marka qaarkood waxyaalo iska banaan oo (mubaax ah) ah, baa dhici karta inay dadka ku gaaleeysiiyaan.

Waxaa dhici karta in dadka ku gaaleeysiiyaan, masaa’il:

Salafka aktooda, Saxaabada aktooda iyo Aimatul sunnah midna Masaa’il ijtihaadi oo khilaafi ah, masaa’il aragtida culimada ku kala gedisan yihiin (ijtihaadi) ah ijtihaad keeduna uu (saa’iq) yahay in dadka lagu gaaleeysiiyo madhicin, dhaqanka aragti isku gaalaysiinta waa fikir iyo dhaqan khawaarij.

Waxaa soo galaaya dadka culimada ee (muta awwiliinta) ah (ta’wiil saa’iq) ah oo khilaaf saa ugu dhacay in la gaaleeysiiyo (ta’wiilkoodana) waxba laga soo qaadi waayo waa dhaqan ay ku sifoobeen khawaarijta. Marka in la yiraahdo un dunuubta waaweeyn bey dadka ku gaaleeysiiyaan ma ehee sida saxda ah waxay dadka ku gaaleeysiiyaan, waxaan dembiba ahayn bal laga yaabo inuu mubaax yahay, bal laga yaabo inuu waajib yahay. Iyaga caqli yaradoodii, faham yaradoodii iyo cilmi yaradooda, intay si kale u qaataan bey intaa ku ekaan maayaan, waxay ka ratibaayaan inay dadka ku gaaleeysiiyaan diinta kaga saaraan.

Markay dadkaana gaaleeysiyaan waxay ula dhaqmaayaan marka (axkaamtii) gaalada bey siinayaan waxayna leeyihiin:

Daartooda waa daar gaalo Mucaamaladooda waa mucaamalo gaalo

Waa lala dagaalamaya Dhiigooda waa banaan yahay Asal waxaa u ah xadiithkii  Nabiga SCW ee ninkii  (Dhu’l-Khuwaysirah) markuu u yimid naga uu ku yiri:

‘’Maxammadoow cadaalad samee, cadaalad maadan sameynin.’’

Nabi Maxammad wuxuu sameeyay sow cadaalad ma ahayn, ma shaki baa idin kaga jira, cadaaladii waajibka ahayd bey ahayd.Cadaaladii waajibka ahayd miizaanka shareecada marka la saaro baa isaga la qaloocatay ninkan nabiga ku dhahayo cadaalad samee, markaasuu bilaabay inuu Nabiga scw cadaaladiisu ku inkiro, uma haysto markaa oggow, hadalka Nabiga ku dhahayo inuu ku gaaloobayo diintana kaga baxaayo, waa dambi weyn oo uu ku gaaloobayo ma ehee mas’aladu waa fahamka ayaa la qaloocday ninkan (Dhu’l-Khuwaysirah) ah . Shey waajib ah buu u qaatay qalad kadibna wuxuu bilaabay Nabiga inuu ku inkiro bilaabay.

Sheekhul Islaam Ibnu Tayymiyah (rc) [towjiiha] noocaas ah markuu ka hadlaayo, hadal noocaas oo aad u qiimo badan buu leeyahay, uu leeyahay:

Khawaarijta markuu ka hadlaayay laba qaas oo caan ah bey leeyihiin buu yiri oo muslimiinta intooda kale iyo (Aimadooda) ay kaga baxeen.

Tan koowaad waxa weeyeen buu yiri: Inay jidkii (dariiqadii) sunnada ka baxaan,

Waxaan xumaan ahayna bay xumaan ka dhigaan, Waxaan wanaag ahayna wanaag bay ka dhigaan.

Waana midday Nabiga hortiisa ka muujiyeen buu yiri oo ninkaa [Dhu’l-Khuwaysirah at-Tamiimi] uu nabiga hortiisa ka muujiyay markuu ku yiri:

(Icdil itaqillaah) Iicdil fa inaka lam tacdil) Cadaalad samee Ilaah ka cabso adiga cadaalad maadan sameyne.

Ninkan nabiga sidaa ku leh fakirkiisa ayaa la qaloocday ee nabigu wuxuu sameeyey cadaalad middii ugu fiicneyd nabi Maxamed NNKH ma ahan qof cadaalad loo sheegayo.

Khawaarijtu waa qolo fakirkooda qaloocday, aragtidoodaas qaldan ee habowsan ayeyna rabaan inay dadka qasab uga dhaadhiciyaan ee wax diin ah oo shaqo ku leeyihiin ma jirto. waxaase Ilaah mahadiis ah in hadda la wada fahmay shacabka soomaaliyeed ee waqtiga dheer dhibatada y ku hayeen ay hadda ogaadeen inay waxay wadaan ay been yihiin iyagoo bilaabay inay kasoo horjeystaan islamarkaana iska dhicinayaan, iyagoo laga xureeyey degmooyin iyo deegaano fara badan oo horey umadda uga dhibaateynayeen, kadib kolkii ay u midoobeen dowlad iyo shacab iyadoo culumadiina ay cadeeyeen in khawaarijtu lala galo dagaal laysaga dhicinayo iyagoo cadeeyey in dagaalkoodu uu yahay jahaad qofkii dilo uu ajar ka helayo kii ay dilaana ahlu janno uu yahay.

DALKA EDITORIAL

 

MADAXWEYNAHA OO DADAAL BADAN GALINAAYO CIRIBTIRKA KHAWAARIJTA

Dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mahamuuud ayaa shaqadiisa kowaad waxa uu Ka dhigtay ciribtirka kooxda khawaarijta Alshabaab oo dhibaato xooggan ku haayey muddo 15sano ah.

Madaxweynaha, Raiisal wasaaraha ayaa Ka go an soo afjarida kooxaha khawaarijta Alshabaab ayaga oo Ciidmada xoogga dalka iyo dadka deekaanka ku booriya ciribtirka arxan laawayaasha ah kuwaa oo bulshada Soomaaliyeed xasuuq ba’ an u geestay Haldoor, Aqoonyahano, dhalinyaro,haween iyo caruur.

15kii sano ee lasoo dhaafay kooxaha khawaarijta ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku haayeen dhibaato xooggan sida dilal arxan daro ah , qaraxyo joogta ah , dhaca iyo boobka hantida dadweynaha taasina waxa ay keentay in bulshadii Soomaaliyeed ay xanuunkii dareemeen oo ay Ka keceen xanuunkaas taasina waxa ay keentay in dowladdu ay bulshada Soomaaliyeed ku garab istaagto la dagaalanka khawaarijta.

Dadka shacabka oo kaa shanaayo Ciidmada Dowladda ayaa deegaano badan Ka xureeyey koooxda khawaarijta

Sidoo kale Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayaa  bilaabay baarujinta Shacabka sida ay iskaga dhicin la haayeen kooxda khawaarijta sidoo kalena dowladdu ayaa bilowday culimada in ay isku keento oo go aano mideysan oo looga soo horjeedo khawaarijta ay soo sareen taasina waxay bar bilow u tahay in bulshadii , ganacsatadii , culimadii ay ku dhiiradaan ladagaalanka fikirka xagjirka ah ee kooxda khawaarijta Alshabaab.

Kooxaha khawaarijta ayaa ah kuwa gabalkooda sii dhacaayo sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku haayeen dhib aad u weyn taasina waxa ay keentay kacdoon dadweyne oo deegaano badan laga xureeyey kooxaha khawaarijta ah ee gabalkooda sii dhacaayo.

Dowladdu waxaa looga baahan yahay sii wadida baraarujinta shacabka Soomaaliyeed ee heeganka u ah iska dhicinta kooxaha arxanka daran ee khawaarijta ee dhiigya cabta oo aan u naxeyn dad iyo dalba dowladdu dhiirigalin joogta ah, dagaalka oo lagu sii xanuunjiyo, dhaqaalaha oo laga cunaqabteeyo taasina waxa ay keeneysaa in marba marka kasii danbeysa ay bulshada Soomaaliyeed ku dhiiradaan af iyo adinba in ay iskaga dhicyaan kooxaha khawaarijta.

Wargeyska Dalka.

MUQDISHO OO KU SOO BADANAAYO BEERO CASRI AH.

Magaalada muqdisho waa caasimada dalka waxaana ku nool caasimada dad aad u badan kuwaa oo lagu qiyaaso in ay gaarayaan sadax Milyo ilaa sadax malyan iyo bar kuwaa oo hormaro kala duwan kawada caasimada dalka.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka waxa ay u keenaan faa’ido kala duwan oo ay ku hormarinayaan dalka ayaga oo keenay ganacsiyo kala duwan oo casri ah kuwaa oo adduunka si saa’id ah looga isticmaalo isla markaana hormaro baaxad leh laga sameeyey ganacsiyadaas.

Beerahan cusub ee magaalada muqdisho ku soo badanaayo waa beero ay bulshada Soomaaliyeed aysan hori u aqoon sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay garan jireen Beeraha ku baxa Wabiyada Jiinkiisa ama hareerihiisa, Beeraha ku baxa Ceelka iyo Beeraha ku baxa xili roobaadka balse Beerahan casriga oo ah beero aad loo qalabeeyey islamarkaana xanaanadooda ay sareeso.

Hadaba qaab noocee ah ayaa looqaabeeyaa Beerahan casriga ee caasimada dalka ku soo badanaayo.

Beerahan casriga waa Beero aad loo casriyeey isla markaana waxaa loo casriyeey qaab aad u cajiib ah oo indhaha aad u soo jiidanaayo.

Beerahan casriga dabacan waa beero loo dhisay qaab aad u heersareeyo waxaana loo adeegsadaa Guryo loo dhisay qaabka teendhooyinka ah oo dadan isla markaana Ka ilaalineyso in ay beerta soo weeraraan cayayaanada cuno beerta iyo sidoo kalena waxa ay Ka ilaalineysaa daanyeerada ku dheelaha Beeraha.

Hadaba maxay faa’ido ay leeyihiin beerahan casriga ah ee laga hirgeliyey magaalada muqdisho dhexdeeda.

Faa’idooyin badan ayey leeyihiin beerahan casriga ah ee laga hirgeliyey magaalada muqdisho waxaana ay kala yihiin.

  1. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada waxa ay u sahlayaan dalagyo fireesh ah islamarkaana ay helayaan oo aan waqti badan aan ku qadaneynin.
  2. Bulshada ku nool caasimada dalka ayaa Ka reesanaayo qudaarta iyo dalagyada kala duwan ee looga keeno Afgooyo ilaa iyo gobolada dalka balse taasi badalkeeda muqdisho ayaa lagu Beeraa oo dalagyadana laga helaa.
  3. Beerahan casriga waxaa laga helaa qudaar aan dalka ka bixi jirin ayey beeraan oo lagu iibiyaa suuqayada magaalada muqdisho qudaartaasna waxaa Ka mid ah Yaanyo waa weyn ee intabadan Ka baxa wadamada Kenya iyo Ethiopia sidoo kalena Beeraha waxaa Ka baxa Istiroobari , Afa kaadho iyo qudaar badan oo kala duwan.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed ee caasimada ku nool waa bulsho u diyaarsan hormarinta ganacsiyadooda kala duwan taasina waxaa laga dheehan karaa caasimada dalka hormaro kala duwan sameesay.

Dowladduna waxaa looga baahan yahay garab istaagto , dhiirigalin iyo ufududeenta ganacsiyadooda in ay u iibgeeyaan wadamada kala duwan ee adduunka.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo dalka ku soo dhoweeyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Wasiirka gashaandhiga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Garoonka Adan Cade ee magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka gaashandhiga dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladdaha xubnaha ka ah hawlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta midowga Afrika ATMIS,iyagoo ka hawlgala gobolka Hiiraan.

Dowladdaha Soomaliya iyo jabuuti ayaa leh xiriir qoto dheer kaas oo ku dhisan dhinacyadda dhaqaalaha,Amniga iyo siyaasadda.

 

 

Ciidanka xoogga oo howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka wada dhul ballaaran oo ka tirsan Galmudug

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka wada dhul ballaaran oo ka tirsan Galmudug.

Halkaan waa tuulooyin hoos taga deegaanka Caad ee gobolka Mudug oo saacadihii la soo dhaafay ay ciidamadu ka sameeyeen howlgallo Ballaaran, iyadoo khawaarijta looga saaray goobo ay ka joogeen deegaankaas.

Faah faahin dheeraad ah la soco Insha allaah.

     

Mareykanka oo ku dhawaaqay dhaqaale uu kaga qeyb galayo arrimaha gargaarka Soomaaliya

Kadib shir jaraa’id ay ku  qabatay magaalada Muqdisho Danjiraha dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa kaga hadashey xaaladaha abaaraha Soomaaliya, lacago dheeraad ay oo Mareykanka kaga qeyb qaadanayo arrimaha gargaarka, iyo kulan ay la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Maanta waxaaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo, in ka badan 40 million oo dollarka, kaasi oo dowladda mareykanku ay ugu talagashey in lagu kabo miisaaniyadda, gargarka ee Soomaaliya, iyadoo loo marsiinayo hay’adda USAID, taasi oo loo gutalagalay in lagu caawiyo dadka soomaaliyeed oo abaaraha ay saameeyeen, waxaana lagu kabay 1.3 billion oo horey loo qoondeeyey.”

Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la dagaalanka Khawaarijta Alshabaab oo deegaano badan laga xoreeyey.

Shirka ay Safiirada la yeelatay Madaxda dalka ayaa waxaa uu daba socdaa kulankii arimaha Afrika ee diiradda aan ku saaray, sidii loo heli lahaa istraatiijiyada ku saabsan amniga, iyo sidaan gacan uga geysan karno, sidoo kale abaaraha qaabkii loo mareyn lahaa, waxaana ugu hambalyaynay dadaalka dowladda soomaaliya ay wado.

Muddo 15 sano ah kadib waa markii ugu horeysay wafdi heerkan ah oo ka socda Mareykanka oo y  Soomaaliya,  xiligaasi oo uu dalku soo gaaray Johan kerry wasiirkii arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan miro dhal ah la yeeshay Ergayga Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas.

Madaxweynaha oo la wadaagay Danjire Linda guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka argagixisada iyo xoreynta deegaannada ayaa ku bogaadiyey dalka Maraykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaallanka argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhankeeda, Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanyaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad fadhiya, dad taagan, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya iyo gudahaWaxay noqon kartaa sawirka 3 qof

Wasiir Al-cadaala “Khawaarijta awood iyo dhaqaaleba waa u jabeen”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee Khawaarijta laga gaaray guulo waawayn, isaga oo ka mahadcelisay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Al-cadaala oo shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ayaa sheegay in lagu guulleystay dagaalka dhinacyada awooda, dhaqaalaha iyo fikirka.

“Guulo waa wayn ayaa laga gaaray dagaalka dhinaca dhaqaalaha, taasina waxaa laga dheehan karaa catowga ka soo yeeraya Khawaarijta Al-shabaab, jeebabkoodu waa marmeen”

Wasiirka ayaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyay in Khawaarijta awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba jabeen, isla markaasna ay kaliya sugayaan sidii loo dhammeystiri lahaa.

Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo looga hadlay howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta

Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh Dowladda.

Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay warbixinta xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta alshabaab isagoo xusay in dhowaan howlgalada ay ka bilaaban doonaan deegaanada Galbeedka Hirshabeelle waxa uuna shacabka deegaanadaas ugu baaqay inay isu diyaariyaan  qeybgalka howgaladaas lagu ciribtirayo khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso barnaajimka xasilinta si ay bulshada u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda isagoo dhinaca kale xusay in degmada matabaan uu dhowaan ka bilaaban doono barnaamijka deegaan bile oo waxtar u leh bulshada Hirshabeelle sidoo kalana uu dhowaan bilaaban doono dhismaha xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, dhismaha wadada xiriirisa garoonka diyaaraha ilaa Magaalada Jowhar, dhismayaasha xarumaha degmooyinka iyo saldhigyada  Hirshabeelle iyo dhismaha buuntada degmada Buulo burde oo ay khawaarijtu waxyeeleeyeen.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen u mahadceliyay xubnaha Golaha Wasiirada waxa uuna faray inay dardargaliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 11 qof, dad taagan iyo gudaha

In ka badan 136 ka tirsan khawaarijta oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

In ka badan 136 ka tirsan khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay tiro kale oo ku dhow Boqol kalana waa lagu dhaawacay Howlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Dhul kayn ah oo u dhaxeeya tuulooyinka Tawakal iyo Garas Jeereed oo 12 KM galbeed ka jira Degmada Jannaale ee Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan Meel war biyood ah oo Khawaarijtu ugu yeeraan Warta Badar.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday goobtaan oo muddo ay ku aruurinayeen maleeshiyaad badan oo ay ku doonayeen inay ku gaystaan weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogayaasha howlgalkaan lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah

1. Horjoogaha howlgala Xeebta, Salmaan-dheere.

2. Horjoogaha u qaabilsan weerarada Janaale, Qoryooley, Bariire iyo Awdheegle, Macalin Salaxey.

3. Horjoogaha guud ee Jabhadaha G/Sh/Hoose, Macalin Xaashi.

Intii howlgalka uu socday waxaa la burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ku jirtay goob u ahayd keydka hubka oo ku taala deegaanka uu howlgalka ka dhacay.

Aaggaan War biyoodka leh ee howlgalka laga sameeyay ayaa Khawaarijtu waxay ka samaysteen godad iyo teendhooyin ay isku qariyaan balse ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ku burburiyay dhammaan,kaydkii halkaas u yaallay.