Tirada Shaqaalaha Rayidka ee shaqada soo gala oo kor u kacday 26% ka dib amarkii Ra’iisul wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan lagu dardargelinayo howlaha xukuumadda maanta la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, isagoo ka dhageystay warbixinno la xariira isbeddelka shaqo ee yimid, kadib kulankii 24 December 2022 uu la yeeshay.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaal muhiim u ah howlqabadka dowladda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay dowladdu gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo horey u faray Agaasimeyaasha Guud in ay wasaaradahooda ka dhaqan geliyaan isla xisaabtan dadka aan shaqeysan ee haddana mushaarka ka qaata dowladda, ayaa waxa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah soo bandhigeen in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ay 26% korortay shaqaalaha shaqada u soo xaadira wixii ka danbeeyey khudbaddii uu Ra’iisul Wasaaraha amarka ku bixiyay bishii Diseembar.

Mudane Xamse ayaa mar kale ku adkeeyay Agaasimeyaasha inay ka shaqeeyaan isla shaqeynta iyo isku xirka hawlaha ka dhaxeeya Wasaarradaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo boggaadiyey natiijooyinka ka dhashay kulamadii hore, ayaa mar kale ku celiyey  in aan la aqbali karin shaqaale qaata mushaar oo aan imaanayn goobtiisa shaqada. Waxuuna kula dardaarmay guddiya ku shaqada leh in ay dardargeliyaan isla xisaabtanka, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

 

Photographer: Abdishukri Haybe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray wajiga 1-aad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur galbeed

Baydhabo- Guddoomiyaha Golaha Shacabkaee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta KGS oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray ayaa Guddiga Farsamada Shirka iyo Guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen warbxin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen dhacdooyinkii dhacay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay dhacdadii 23-kii December 2022, isagoona xusay in wixii culeys ah ee ka yimaada la xalin doono, islamarkaana wixii warbxin ah ay dib ugu soo celiyaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gabagabada shirka, waxaa uu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, iyadoo lagu wado in wajiga 2aad ee dagaalka Khawaariijta ka bilaawdo deegaanada Koonfur Galbeed.

               

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

Mudaneyaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay Kalfadhiga labaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka  iyo Nabadsugidda Qaranka oo horray loogu qeybiyay. Xildhibaannadda ayaa dul istaagay qodobada wax ka bedalka u baahan ee sharciga ku jira.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaana shir guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa:

1-Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka  iyo Nabadsugidda Qaranka.

2-Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise sharciyeedka Korantada.

Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye ayaa xildhibaannada ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo uu guddigu ka soo shaqeeyay, asagoona sheegay in diyaarinta sharcigaan ay la kaashadeen khubaro sharciyaqaano ah iyo khubaro ku xildheer sharcigaan, waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan., iyagoo ayaa intooda badan doododu ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maant, waxaana uu sheegay in 17 xildhibaan ay ka harsan yahiin ka doodista sharcigaan oo maalinta Arbacada ahna ay dhameeystiri doonaan ka doodista Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

                       

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo Maareeyaasha hey’addaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre yaa guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo maareeyaasha hey’addaha dowladda oo ah laf dhabarta howl-socodsiinta dowladda,

Shirka ayaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay xaadirinta shaqalaha dowladda iyo xaqiijinta qorshayaasha hortabinta leh sidoo kale waxa ay dhinacyadu shirka uga hadleen xasilinta dalka, iyo gaarsiinta adeegyadii bulsho degaannada laga xorreeyay khawaarihta,dardargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta iyo in laga fogaado waxa walba oo keeni kara musuq maasuq.

Inta uu kulanka socday ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xoojinta guulaha laga gaaray isla Xisaabtanka oo ay ugu horreyso xaadirinta shaqaalaha dowladda ,taas oo muujineysa in horumar laga Sameeyay iyadoo la dhaqan galinayo amarkii Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo Maareeyaasha hey’addaha dowladda faray in ay abuuraan hannaan muujinayo wada shaqeynta heya’ddaha dowladda ah, taas oo Sahleyso in adeegyo tayo leh bulshada la gaarsiiyo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Kulan la qaatay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha horumarinta iyo Bani’aadanimada  Mr Adam Abdelmoula iyo madaxa Hayadda UN OCHA Justin Brady.

Guddoomiyaha ayaa  Ergayga Q.M iyo Madaxa Hayadda UN OCHA kala hadlay guud ahaan xaaladda bani’aadanimo ee dalka ku suganyahay iyo sidii wada shaqeyn dhow looga yeelan laahaa gargaar gaarsiinta goobaha laga xureeyay kooxaha Khawaarij-ta

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey  Mr Adam Abdelmoula iyo Madaxa Hayadda UN OCHA Justin Brady ayaa ku bogaaday hay’adda SODMA dadaalka ay muujiyeen si gargaar  loo gaarsiiyo dadka ay dagaalada iyo abaabaruhu samaayeen, ayidoo hay’addu shaqeyneyso muddo kooban waxeyna u balan qaadeen in ay sii wedi doonaan wada shaqeeynta dhow ee ay la leeyihiin hay’adda SoDMA iyo dhamaan hay’adda Dowlada ee ka shaqeeyo arrimaha Bin’aadanimada  si dalka looga badaadiyo in ay macluul ka dilaacdo.

  

Wasiirka difaaca Jabuuti oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ayaa warbaahinta la hadlay markii Muqdisho lagu lasoo dhaweeyey kadib, wuxuuna si qota dheer uga hadlay hiilka ay walaalaha reer Jabuuti la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiir Xasan Cumar ayaa si gaar ah u balan qaaday in Jabuuti ay kaalin hagar la’aan ah ku yeela doonto dagaalka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab lagu soo afjarayo, kaas oo ciidanka Hiil-walaal ee Jabuuti ka socda ay dowladda Soomaaliya ku garab siinayaan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey wafdiga uu hoggaaminayey wasiirka gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, isagoo sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay abaal-weyn u hayaan shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Safarka wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ee Muqdisho ayaa la xariira ka qeyb galka shir weyn oo maalmaha soo socda ka dhici doona caasimadda Soomaaliya, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda wadamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee Howlhalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Shirkaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Soomaaliya uu ka socdo gobollada dalka Soomaaliya uu ka socdo dagaal lixaad oo lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

 

   

“Hantida shacabka Soomaaliyeed idinka oo khawaariijta ah ayaa laga ilaalinayaa”Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshaddaha Xukuummada Federaalka Soomaliya,mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaariijta kuwaas oo caadaystay boobka dhaca iyo dilka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in ilaalinta hantida shacabka Soomaaliyeed tahay masuulyad saaran dowladda ayna ilaalinayso cida laga ilaalinayaana tahay kooxaha khawaariijta” Cali Dheere adiga iyo Khawaarijta kale waxba la idin ka waydiin maayo ilaalinta Hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinaya waa idinka oo khawaarij ah” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaliya ayaa dagaalkii ugu adkaa ku qaaday illaha dhaqaalaha kooxda khawaariij iyadoo dowladdu xanibtay 250 Account sidoo kale na dowladda ayaa xirtay 70 Telefon oo khawaariijta u adeegsan jirtay ururinta illaha dhaqaalahooda.

Xaaska Horjoogaha kooxda Daacish oo xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday xaaska horjoogaha kooxda daacish Fartuun Cabdirashiid Xuseen.

Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha ayay ka soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ay hey’adda Nabad-Sugidda ogaatay in xiriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xiraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida Bilal-Alsidani, Bilaal ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya, sida 27-kii January ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Fartuun ayaa hadda Waxa ay tahay Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Al-shabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho.

2012-kii ayay Khawaarijta Cabduqaadir Muumuin u direen wakiil ahaanshiyaha dhulka Bari ee Puntland, way la guurtay, waxa ayna ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto inkasto deegaanka rasmiga ah u ahaa Gaalkacyo.

2021 ayay u soo guurtay Muqdisho, waxa ay si gaar ah ugu xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish, waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada ku dhuumaalaysto ama kuwa ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun

Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Safiirka Maraykanka u jooga Soomaliya oo ka hadlay doorkooda taageero siinta hawlgalada dalka looga xorraynayo khawaariijta

Safiirka dowaladda Maraykanka u jooga Soomaliya Amb Larry Andre oo ay waraysi gaar ah la yeelatay warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay doorka Dowladda maraykanka ee taageero siinta dowlad dhiska Soomaaliya,hawlgalada dalka looga xorraynayo kooxaha khawaariijta iyo iskaashiga dhaqan dhaqaale/siyaasaddeed ee dowladdaha Marayakanka iyo Soomaliya.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanku xiriir qoto dheer la leedahay dowladda Soomaliya kaas oo ku dhisan dhinacyadda siyaasadda,dhaqalaha iyo Amniga,safiirka ayaa sheegay in Maraykanku door weyn ka qaadanayo taageerida dowlad dhiska Soomaliya iyo qorshaha dib u xorraynta dalka oo uu hormuudka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,safiirka ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaliya qorshaha Cusub ee dib u xorraynta dalka kaas oo si weyn u wiiqay awooddii kooxdaha khawaariijta ee dhinacyadda dhaqaalaha iyo deegaanaddii ay gacanta ku hayeen oo laga xorreeyey,safiirka ayaa sheegay in tani guul weyn u tahay in laga qaado shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyinkii ay ku haysay kooxda Al-shabaab”dowladda mareykanka waxay ku faraxsan tahay in ay qeyb ka ahaato garab istaaga Soomaaliya, sida ururada kale ee caalamiga ah, sida saaxiibada, Turkiga, Britain,Qaramada midoobey iyo Amisom, iyadoo 18,500 ciidan lagu qiyasay ay joogaan dalka.” Ayuu yiri Amb Larry safiirka Maraykanka u jooga Soomaliya.

Mar la waydiiyey safiirka doorka dowladda Maraykanka ee hawlgalada dalka socda ayaa wuxuu sheegay in ay taageero siiyaan ciidanka qaranka Soomaaliya, sidoo kalena ay taageero siiyaan ciidamada kale ee dowlad goboleedyadu u gaarka ah,iyadoo dowladda Maraykanku ka taageerto dhinacyada tababarka iyo qalabaynta,safiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanku horaantii bishan ay ku dhawaaqday adduun maaliyaddeed oo gaaraya 9 milyan oo dollar taas oo lagu fulinayo taakulo militari,dhinaca kale safiirka ayaa sheegay in dowladda Maraykanku gacan ka geysanayso xasilinta goobaha laga xorreeyey khawaariijta iyadoo u maraysa heya’addaha kala duwan ee dowladda Soomaliya.

GUULAHA LAGA GAARAY KOOXDA KHAWAARIJTA AL SHABAAB

Maqaalkaan waxaan uga hadleynaa guulaha ay dowlada iyo dadka deegaanka ah ka gaareen maleeshiyaadka argagixisada al shabaab ee ka dagaalanta soomaaliya kaas oo socday 8dii bilood ee la soodhaafay kuwaas jab iyo halaag iyo kharaase culus  loogu geystay dagaaladii dhacay.

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxida ah, waxaa kaloo ii muuqda guulo kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaas, guulahaas oo aan ka tilmaami karo:

  1. Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sidaba ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo. Ayadoo goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey. Arinkani oo ah mid aad ahmiyaddiisa u leh marka laga hadlayo dagaal iyo istiraatiijayahiisa.
  2. Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya ” Dowlad iyo koox gaar ah” . Arinkani waxuu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka danbeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan. Waana qodab kale oo muhiim u ah ka guul gaaridda kooxaha argagaxisada.
  3. Guusha sadexaad: In markii ugu horeysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dahwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah. Arinkaan oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayey shacabkooda.

Guulahaas sadexda ah ee aan soo xusay waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah. Waxaana soo jeedinayaa hoostana ka xariiqayaa in arimahaas la sii xoojiyo, lana sii adkeeyo.

Waxaan kaloo soo jeedin lahaa kuna talin lahaa; in si dagaalka loo xoojiyo loogana miro dhaliyo la qabto SHIRWEYNE QARAN oo deg deg ah oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Saraakiisha, Culumada, Haweenka, Jaaliyadda dibadda iyo Dhalinyarada. Shirweynahaas oo lagu xoojinayo laguna dhameystirayo qorshaha Qaran ee la dagaalka iyo ciribtirka argagaxisada iyo xagjirnimada intaba.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta, iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaas.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkooda uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waxaa xor, galmudug waxyar ayaa nooga dhiman , Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyay, kuwo kale hadda ayaa u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay Xaaladda magaalada Baydhabo, isagoo wixii shalay ka dhacay ku tilmaamay wax aad looga xumaado, wuxuuna dhinacyada is haya ugu baaqay in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, xalna ka gaaraan khilaafka jira,

Waxaa socda, howlgalo isdaba joog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta, iyadoo isa soo tarayaan xubnaha ka soo goosanaya Khawaarijta ee isku dhiibaya dowladda.

DALKA EDITORIAL