Wasiirka Deegaanka XFS oo safar shaqo ku tagtay dalka Findland

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS, Khadiijo Maxamed Al- Maqsuumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa kulamo la leh madax ka tirsan dowladda waddankaas.

Marwo, Khadiijo Maxamed Al-Maqsuumi ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Findland, Maria Ohisalo iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimillada dalka Finland.

Wasiir, Khadiijo ayaa sheegtay in dowladda Finland ay ka wada hadleen sidii ay Soomaaliya uga garab siin lahayd dedaalka ay XFS ugu jirto la tacaalidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimillada.

” Finland waxay nagu garab siineysaa dedaalka aan ugu jirno la tacaalidda dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilida”.

Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay wajahaysay abaaro iyo roob yari ka dhalatay isbeddelka cimillada oo fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka ah.

Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)

Todobaakii la soo dhaafay waxaa Dowladda Soomaaliyed iyo Shacbigeedaba u qabsoomay waxyaabo badan oo kor u qaadaya masiirka Umadda Soomaaliyed, hagaajinaya Heykalka Dowladnimo, waxaana ka mid ahaa Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaaladda Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023-ka, laga soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxaana Shirkaan soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaa kaloo jira midka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, (EAC) oo ay xaruntiisu tahay Tansaaniya ayaa la sameeyay sanaddii 2,000, waxaana qeyb ka ah waddamada Tansaaniya, Yugaandha, Kenya, Ruwandha, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Congo (DRC), waxaana la filayaa inay siddeed ku noqoto dhowaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagana ka socda.

Wafdigan oo muqdisho ku sugnaan doona muddo tobban cisho ayaa la kulmi doona madaxda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee hey’addaha dowladda si ay u hubiyaan in Dowladda Soomaliya la jaanjaadi karto xubnaha Ururkan, kaasi oo ah qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan wafuudda shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood, iyo waxaa kaloo jira in Soomaaliya ay guuli u soo hoyatay kadib markii Hawda Soomaaliya la gaarsiiyay darjada A.

Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya, taasoo hadda la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii hore ku soo shaqeyn jirtay heerka Class G, kaasi oo ah meesha ugu hooseeysay habka darajooyinka lagu qiimeeyo hagidda Diyaaradaha hawada mara, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada,taasoo ugu dambeysay markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana xilligaas loo wareejiyay magaaladan Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana howsha la soo wareegidda bilaabay Dowladdii uu markaasi Madaxweynaha ka ahaa Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee muddo xileedkeedii hore, soo dhameystirideedina isaga ayaa leh.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo shalay ka qeyb-gashay munaasabad loogu dabaaldegay guusha ay Soomaaliya ka gaartay heer qiimeynta maamulka hawada dalka,  waxaa kaloo munaasabadaasi ka qeybgalay Xildhibaanno, Masuuliyiinta Shirkada diyaaradaha iyo masuulyiin kale, waxaana halkaasi ka hadlay Wasiirka iyadoo sheegtay in dhawaan howlgali doonto Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliyeed ee loo yaqaan Soomaali Airlines.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay darajada ay gaartay hawada Soomaaliya, sidoo kale waxa ay u mahadcelisay hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay 30 sanno kaddib in uu dalku la soo wareego maamulka Hawada, iyadoo hadalkiisa sii wadata  ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay, soona dhaweynayso in hawada Soomaaliya maanta loo aqoonsado mid buuxisay sharuudaha inay gaarto heerka ugu sareeya ee qiimeyn caalamiga ah.

Maareeyaha hey’adda duulista rayidka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay ku guuleysatay inay gaarto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka, taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada ay meeshii ugu sareysay ay noqotay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, waxaana ku guuleysanay inaan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka, bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed, waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.” Ayuu yir maareeye Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha ayaa sheegay in muddo sanad ah ay ku qaadatay dowladda Soomaaliya in hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee qiimeynta (heerka A), kadib markii dowladdU la soo wareegtay hawada, taasi waxay ka dhigan tahay inaan bixinay dadaal dheeri ah oo aan maanta ku muteysanay qiimeyntaan sare.

Soomaaliya marka ay howshaan la wareegidda u bilaabato waxaa koraya masuuliyad weyn oo dhinaca Diyaaradaha Hawada sare mara, waxaana kordhaya tirada maritaanada Duulimaadyada, islamarkaana waxaa hordhaya dhaqaalaha ay ka helayso Soomaalida, waa guul wax badan lagu taamayay, lana doonayo in lagu fara adeego, waxaa la yiraahdaa Hawasda Soomaaliya waa midda labaad ee ugu dheer uguna ballaaran Qaaradda Afrika, waana waxybaha loogu doortay inay hesho Darajada (A), waxayna noo leedahay faa’ido weyn, islamarkaana ay shaqeyn doonaan lacag ka badan tii ay horay u soo saari jireen, waxa kaloo jira in arintani ay muhiim u tahay badqabka diyaaradaha isla-markaana ay haatan diyaarado caalami ah ku soo dhiiran doonaan Soomaaliya.

Maamulka Hawo-maridda Dal ee heerka A, waxaa lagu maamulaa Hawada ka sarreysa qiyaastii 24,500 feet oo u dhiganta (7,467 mitir), waxaana la siiyaa duulimaadyada oo dhan amarada marista hawada iyo kala hagistooda, iyadoo Hey’adda IATA ay sheegtay in tallaabadani ay si weyn u wanaajin doonto ammaanka Gobolka, ayna kor u qaadi doonto waxtarka Duulimaadyada, waxaana laga maamulayay Hawda Soomaaliya magaalada Nairoobi ee Dalka Kenya intii u dhaxeysa 1992-2018, waxaana hawada Soomaaliya isticmaala 24-kii saacba diyaarado gaaraya 400 caalami ah, balse hadda waxay kordheysaa waxayna gaari doontaa ilaa iyo 600 duulimaad maalintiiba.

Dowladda Soomaaliya markii ay la so wareeysay maamulida hawada, waxay ahayd heerka ugun hooseysay ee dhanka qiimeynta, waxaana ay kaga dhigan tahay guushaani in Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay inay maamulato hawadeeda, cilmi iyo khibrad ku filana way heysata, waana fursad dahabi ah ee soo martay Soomaaliya, waxaase loo baahan yahay in la xajiyo guushaasi, maadama ay tahay tijaabo muddo Lix bilood ah, mar walbana lala socdo tayada qalabka iyo Hagayaasha intaba, oo mar walba lagu dadaalo la jaanqaadidda dunida oo mar walba sii casriyoobaysa.

Qallinka C/laahi Ruush

Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay nin loo heysto dil iyo burcadnimo

Ciidanka Booliska Deegaanka Garasbaalley ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin loo haysto dil iyo Burcadnimo hubeysan, xilli dadka Shacabka ah ee deegaanku ay cabasho ka keeneen kooxo burcad ah oo dhac u geysta bulshada halkaasi ku nool.

Ninkan ayaa rasaas ku furay Ciidanka Amniga isagoo dilay qof shacab ah, laba kalana dhaawacay sida uu sheegay taliska Boliiska deegaanka Garasbaalley ee Gobolka Banaadir.

“Ciidanka ayaa nikaan ka qabtay waaxda 3-aad ee deegaanka Garasbaalley, xilli uu qof dumar ah ka qaatay teleefan, wuxuuna watay Qoriga loo yaqaan M-16” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Boliiska.

DFS oo ku wargalisay hay’adaha ka shaqeeya gargaarka iyo mashaariicda kale inay u soo guuraan dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay hay’adaha ka shaqeeya gargaarka iyo mashaariicda kale inay si buuxda ugu soo guuraan dalka oo ay shaqada ka wadaan gudaha maadaama amnigu hagaagsan yahay.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga XFS , Maxamuud Cabdiraxmaan Beena beene oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay soo guurista hay’aduhu u leedahay dhowr faa’iido oo ay ka mid yihiin, inay usoo dhowaadaan dadka ay u shaqaynayaan , in ay u fududaaneyso ka dowlad ahaan la xisaabtanka hay’adaha iyo in ay shaqa abuurka dalka kor u qaadeyso.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirarka iyo tababarrada lagu qabanayo dalka dibeddiisa ay u baahan yihiin in lagu qabto gudaha dalka.

Wasiir Beena beene “Dowladda Soomaaliya marnaba ma ogolaaneyso  in shirarka Soomaaliya leedahay lagu qabto dalka dibaddiisa.

Shirka Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada dalalka Soomaaliya, Kenya, Jibuuti iyo Itoobiya oo maanta Muqdisho ka fumaya

Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan  Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

Shirkan oo lagu gorfeynayo  dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya, ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho oo uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan amniga gobolka.

Madaxda shirkan ka qeybglaysa ayaa si hoose iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Khawaarijta baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga.

Iskaashigan ayaa la filayaa in natiijada ka dhalata ay horseedi doonto in si dedeg ah waddanka looga xoreeyo Khawaarijta oo toddobaadyadii ugu dambeeyay dherbaaxo culus lagu gaarsiiyey goobaha dagaalka, dhul balaaranna looga xoreeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa Soomaaliya oo cagta saartey dariiqii dalka dib nabad buuxda loogu soo celin lahaa, loogana sifeyn lahaa argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka 15 kii sano ee la soo dhaafay.

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la yeeshay Midowga Musharraxiinta iyo Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay ka guul gaarida shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taala magalada Baydhabo wajigiisa labaad maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ay uga qeyb galeen wajigii koowaad ee shirka isla-markaana Guddiga Farsamada gacan ku siiyay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka lana xaliyiyey shaqaaqooyinkii dhacay ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in wajiga labaad ee shirka si rasmi ah u furmay.

         

Wasaaradda qorsheynta XFS oo fartay hey’adaha gargaarka ee mashaariicda ka fuliya dalka inay si buuxda ugu soo wada guuran

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  ee Xukuumadda federaalka ayaa ayaa fartay hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya dalkeenna inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023, Iyada oo la tixgelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kaddib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah Argagixisada.

Bayaanka ka soo baxay wasaaradda Qorsheynta ee maanta ku taariikheysan ayaa lagu yiri” Wasaaradda Qorsheynta waxay heegan u tahay inay hey’adahaas ka caawiso, una fududeyso inay dalka u soo guuraan, wasaaradda oo fulineysa amarrada golaha wasiiradda ayaa wasaaarddu tallaabada ku haboon ka qaadi doonta hey’adaha fulin waaya amarkan, si deg deg ahna dalka ugu soo guuri waaya”  

Wasiirrada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dagaalka lagu soo afjarayo khawaarijta

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan doceed kula yeeshey magalaada Muqdisho dhigiisa Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed.

Kulanka ayaa inta uu socday labada dhinac waxay si weyn ugu gorfeeyeen dagaalka looga cirib-tirayo dalka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Cabdiqaadir ayaa dhiggiisa Jabuuti iyo waftiga la socda uga mahad-celiyay hiilka walaalnimo ee ay mar kasta dadka Soomaaliyeed iyo dalkeenna la garab taagan yihiin, wuxuuna sheegay Wasiir Cabdiqaadir inay walaalaha Jabuuti ka go’an tahay in Soomaaliya laga sifeeyo cadowga shacabka kusoo duulay ee Shabab iyo Daacish.

Wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa dhankiisa cadeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay ku garab-siinta dowladda Soomaaliya sidii waddanka looga wada xorreyn lahaa kooxaha cadowga ah, isagoona hoos ka xariiqay in Ciidanka Jabuuti ee HIIL WALAAL ay habeen iyo maalin dhiigooda u hurayaan sidii shacabka Soomaaliyeed cadowga Shabab iyo Daacish looga kor qaadi lahaa.

Wasiir Xasan Cumar Maxamed ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay deegaano badan oo dalkeenna Soomaaliya ah looga saaray kooxda Al-Shabab, haddana ciidanka Qaranka ku howlan yihiin inte dhiman iney ka xoreeyaan Shabab iyo Daacish.

Kulanka Labada Wasiir ayaa waxaa ku weheliyay taliyaasha CIidamada Xoogga Soomaaliya iyi Jabuuti, Gen.Odawaa Yuusuf Raage, Gen. Sakariye Ibrahim Sheikh iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaraddaha difaaca.

   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo soo xiray shirka ansixinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee dhaqaalaha Bulluuga ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo xiray shirka ansixinta istaatiijiyada qaran ee dhaqaalaha buluuga ah oo muddo saddex berri ah ka socday magaaladda Muqdisho kaasi ay soo wada qaban-qaabiyeen Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo dhaqaalaha Buluuga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, ayaa tilmaamay in baahi weyn bulshada Soomaaliyeed u qabto ka faa’iidaysiga khayraadka dhaqaalaha buluuga ah si loo gaaro horumar, xasilooni, nabadgalyo iyo in ay lagama maar-maan tahay in la gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale, shaqo abuur iyo horumar bulsho, isagoo ku boggaadiyey Wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga iyo Wasaaradaha wada shaqaynta la-leh in ay ka shaqeeyaan qorsha qaran ee looga faa’iidaysano khayraadka ceegaaga badaheena.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiiru-dowlaha wasaaradda Maxamed Bashiir Cali Baxnaan, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka soo qeyb galay xiritaanka shirka.

Shirkan oo si wada jir u soo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD iyo wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ayaa saddexdii maalin ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray hirgalinta qorshaha qaran ee Dhaqaalaha Buluugga ah.

                          

Wasiir Jabriil “Khawaarijta waa looga guuleystay dagaalkii dhaqaale ee dowladdu ku qaaday”

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday khawaarijta Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoono iyo Akoono tiro badan oo lacagaha loogu diri jiray khawaarijta, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.

Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo qoraal ku baahiyey baraha bulshada ee Internet ka, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeeray ninka sheegta Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab ee la yiraahdo Cali Dheere, isaga oo carabka ku adkeeyey in dagaalka lagu la jiro khawaarijtu uu yahay go’aan shacab oo aan istaagi doonin illaa looga xoreynaayo dalka.

“Dhiigyo cabka Al-Shabaab ee la yiraa Cali Dheere markii isaga iyo khawaarijtii kale la jabiyey wuxu maanta miciin biday calaancal iyo catow, waxaan se u sheegayaa in dagaalkani aanu istaagi doonin illaa inta khawaarijta laga xoreynayo dalka, waana go’aan shacab ee maydkaaga inta aanay haadu ka dhergin ama aanad cidlo ku bakhtiyin adiga iyo khawaarijta kale ba isa soo dhiiba”.  ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi

Wasiirk ayaa ku tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu cadeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo uu xusay in uu ahaa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

“Cali Dheere, wuxu maanta innoo cadeeyey inay khawaarijtu ku jabeen dagaalkii dhaqaalaha ee ay ku qaaday dawladdu, waana guul innoo soo hoyatay oo lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay lee yihiin ganacsato Soomaaliyeed”.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu sheegay in Cali Dheere aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay khawaarijta uu ka tirsan yahay.

 “Cali Dheeroow adiga iyo khawaarijta kale ba wax ba la idin ka waydiin mayo ilaalinta hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinayaana waa idinka oo khawaarij ah oo xalaashaday dhiiga iyo hantida umadda Soomaaliyeed” ayuu sheegay Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu yiri: “Ma jirto cid maanta ku dhageysanaysa Cali Dheeroow, gabalkaagii na waa uu dhacay, shacabka Soomaaliyeed na go’aan bay kaa gaareen adiga iyo khawaarijta kale ee Al-Shabaab, waxaana ay diyaar u yihiin inay idin ka xoreeyaan dalka”.

Wasiirka ganacsiga ayaa dhanka kale ganacsatada Soomaaliyeed ku boggaadiyey u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee joojinta lacagahii baada ahaa ee la siin jiray khawaarijta Al-Shabaab. waxaana uu ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida joogtada ah ee ay u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro Khawaarijta Al-Shabaab oo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaantood.

“Ganacsatada Soomaaliyeed way ku mahadsan yihiin inay si joogto ah noo la wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro khawaarijta sida Taleefanada iyo Akoono oo aanu gacanta ku dhignay dhammaantood”. ayyuu yiri Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi

Ugu dambayn, wasiirka ayaa digniin adag u diray ganacsatada aan ka diiwaangashanayn Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo uu sheegay in haddii la qabto ay mutaysan doonaan ciqaab daran, waxaana uu yiri: “Waxaan digniin u diraynaa ganacsatada aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee hadana sheegta ganacsato inay muteysan doonaan ciqaab adag”.

                                               Dhammaad