Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Shacabka Caasimada ugu baaqay in dulqaada mujiyaan maalmaha ay xiranyihiin wadooyinka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf Al-cadaalla ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dulqaad u mujiyaan xirnaansha wadooyinka Caasimada oo maanta intooda badan xiran,sabab la xiriira shirka Madaxada dowladaha dariska la ah Soomaaliya oo Maanta ka furmayo Magaalada Muqdisho.

“Shacabkeenna sharafta badanoow, Dawladdiinu waa og tahay duruufaha aad ku nooshihiin kumana faraxsana culaysyada aad la kulmaysaan balse waxay ku faraxsan tahay in ay ka shaqaynayso sidii meesha looga saarilahaa kuwii abuuray duruufahaan (Khawaarijta)
Mahadsanidiin markasta walaalayaal.”sidaa ayuu yiri wasiir Al-Cadaala

Shirka madaxda dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo goordhaw ka furmaya Muqdisho

Muqdisho waxa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore Sida (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) kaa oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ,Madaxweynaha Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle

Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore:

1-Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.

2-In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore.

3-Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada.

4-Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu dambaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD.

Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa  isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyey kulankii ay Golaha Wasiiradu yeesheen oo lagu ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay la galayso Uganda.

“Shirka waxaa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo muhiim u ah dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo socdaalka, sidoo kale waxay wasiirradu ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadanka Uganda,” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Sharciga koowaad ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya wuxuu ahaa ‘Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, maadaama lagu jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale hindise sharciyeed kale oo dhinaca socdaalka quseeya ayaa lagu ansixiyey shirkii caawa, waxaana labadaas hindise sharciyeed soo diyaarisay wasaaradda amniga Soomaaliya.

“Golaha ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyey heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Uganda, heshiiskaan ayaa ku saabsan iskaashiga dhinaca ganacsiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farxaan Jimcaale oo warbaahinta u faahfaahiyey shirka golaha wasiirrada.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda XFS oo Gaadiid ka guddoomay dowladda Kuuriya

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Xamse Aadan Xaadoow ayaa guddomay gaadiid ay dowladda Kuuriya ugu deeqday Wasaaradda Arimaha Dibada Dibada iyo Iskhaashiga Caalamiga ah.

Gaadiidkan oo ka koobnaa afar(4) gaari  oo ah nooca Hyundai Santa ayaa ah qeybtii labaad ee taageero gaadiid ah oo dowladda Kuuriya ay soo gaarsiiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa uga mahadcelinay dowladda Kuuriya taageerada gaadiidka ah, isagoo sheegay inay uga faa’iidaysan doonaan fududaynta hawlaha Wasaaradda.

   

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay shirka Soomaaliya iyo dalalka safka hore

Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta Muqdishu ka furtay Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu dambaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD.

Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore:

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BJFS oo kulan la yeeshay Madaxda wasaaradda Waxbarashada XFS

Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay madaxda wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS oo ugu horreeyo wasiirka waxbarashadda mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka BJFS Xil. Nadra Saalax Cabdi ayaa shir guddoomineysay kulanka, waxaana madaxda wasaaradda waxbarashadda looga dhageystay kulanka Qorshe-howleedka guud ee wasaaradda Waxbarashadda.

Kulanka inta uu socday ayaa diiradda lagu saaray Qorsh-howleedka guud ee Wasaaradda, Shuruucda Hortebinta u leh ee u qorsheysan inay Wasaaradda horkeento Baarlamaanka, Xaaladaha guud ee waxbarashada Dalka iyo Deeqaha Waxbarashada iyo Dalalka ay nooga imaadaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha iyo wasiirka ku xigeenka Wasaaradda ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku aadan xaaladda guud ee waxbarashadda dalka iyo qorsheyeyaasha u degsan wasaaradda ee lagu horumarinayo waxbarashadda dalka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda oo ka jawaabay dhammaan su’aalihii guddigu weydiiyay, waxaana la isla meeldhigay hirgelinta dhammaan waxyaabihi shirka looga hadlay kulamka.

           

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya

Taliyaha ciidan xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.

labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxaha Khawaarijta oo dhibaato ku ah ammaanka labada dal.

Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka Ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka, isagoo ballan qaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan ciribtirka Khawaarijta.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa u mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

    

Safiir ku xigeen Safaaradda Soomaaliya ee dalka Indonesia oo madaxweynaha dalkas kala hadlay xariirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Indonesia

Jakarta- Ku simaha Safiirka ahna safiir ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Indonesia, Mudane Axmed Maxamuud Maxamed ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dalka Soomaaliya iyo guulaha ay dawladdu ka gaartay horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, xasillinta iyo iskaashiga dunidda la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Joko Widodo.

Safiir ku xigeenka Axmed Xiish ayaa si mug leh madaxweynaha dalkaasi, uga waramay in dowladda Soomaaliya tan iyo markii uu taladda qabtay madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Seekh Mxamuud bartamahii sannadkii tagay ay guulo la taaban karo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee Al Shabaab, isla markaana ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen dhulkii ugu ballaarnaa oo muddo ka badan 10 sanno ay maamulayeen Khawaarijta cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo Islaamka intaba.

inta ay socotay xafladda uu Madaxweyne Joko Widodo kula wareegay hoggaaminta sannadka 2023 ee ururka Koonfur bari Aasiya (ASEAN Chairmanship of 2023), waxaa uu sii hayaha safiirka uu kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labadda sida dhaqaalaha,ganacsiga, maaliyadda, tababaradda iyo sido kale amaanka.

Wasiirka Warfaafinta oo faahfaahin ka bixiyay shirka Taliyeyaasha iyo Wasiirrada waddamada safka hore ee lagu qabtay Muqdisho

Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir gogol xaar u ah shirka madaxda dalalka safka hore ee ay berri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kulankaas oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyey Shirka Wasiirradda gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Ciidamada dalalka deriska ee loo yaqaan waddamada safka hore.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Shirkan lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee dalalka safka hore iyo sidii laysaga kaashan lahaa howlgallada, isagoo xusay in kulankani uu sahlayo ciribtirka Khawaarijta.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Waddamada safka hore ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo gulufka Millateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Dowladdu ay cudur daar ka bixineyso saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo saamayn ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Shirka waddamada safka hore ee ay Soomaliya horkacayso kana mid yihiin dalalka Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya ayaa lagu wadaa in lagu mideeyo Istiraatiijiyadda lagu wajahayo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Wasiirka qorsheynta X.F.S oo qaabilay wafdi ka socday EAC

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax (Beenebeene),  ayaa maanta ku qaabbilay xafiiskiisa  wafdi ka socday Wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EAC.

Wafdigan ayaa dalka u yimid in ay qiimeeyaan sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay ku biirista Ururka EAC iyo sida ay uga faa’iidaysan karto ganacsiga, xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo muhiimadda xiriir adag oo ay la yeelato dalalka  ku bahoobay Urur gobaleedka EAC.

Wafdigan ayaa  waxay isugu jireen khubaro iyo farsamo-yaqaano sar-sare, kuwaas oo ka kala socday  dhammaan waddamada xubnaha ka ah Urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.