War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta u akhriyey war-murtiyeedka shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoomiyey madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya mudane William Ruto, madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha  Itoobiya mudane Abiy Axmed, waxaana looga hadlay arrimaha amniga gobolka iyo howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo u baahday in iskaashi lagala sameeyo dalalka deriska, maadama Khataraha amni ee argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya.

Qodobada ahmiyadda wayn leh ee madaxdu isku raacay ayaa waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya horumar balaaran ay ka sameeysay nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxda shirka ka soo qeyb gashay ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana xornimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya dadaalka iyo sida ay u muujiyeen in ay ka go’an tahay dalka in ay ka xorreeyaan Khawaarijta, sidoo kale, waxay madaxdu isla garteen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Soomaaliya iyo ciidankeeda qaranka ee dadaalka ugu jira dib u xorreynta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dhinaca siyaasadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo gaar ahaan kulamada golaha wadatashiga qaranka ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ay kaga hadlayaan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah iyo in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Shirka ayaa lagu taageeray bogaadinna loogu jeediyey ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaa sidoo kale, lagu soo dhoweeyay shirka dadaalada Soomaaliya ay waddo ee dib u qaabeynta ciidamada, iyadoo ay jiraan ciidamo badan tababarro meelo kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ku soo qaatay, ujeedkoodana uu yahay in ay ka gun gaaraan xoreynta dalka, amniga dalkanna ay sugaan.

Waxaa kale oo la soo dhoweeyay codsi ay soo jeedisay Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii laba laabaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya haddii ay noqoto dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab iyo xuduudaha dalalkaas ay la leeyihiin in laga ilaaliyo in Khawaarihtu ay falal amni darro ka geystaan.

Sidoo kale, beesha caalamka ayaa laga dalbaday in ay Soomaaliya ka taageeraan barnaamijka xasillinta oo deegaannada la xorreeyay ay helaan adeegyada asaasiga ah ee shacabka u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, maamul loo sameeyo iyo in loo dhiso ciidamo sugi kara amniga guud ee deegaannadaas.

Wasiirka deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS oo la kulantay wasiirka arrimaha dibadda Finland

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo  Khadiijo Maxamed Almakhzoumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa maanta la kulantay Wasiirka arrimaha dibadda Finland mudane Pekka Haavisto.

Waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashi laga sameeyo isbedelka cimilada iyo taageerada Finland ee dadaalka soo kabashada dalkeenna Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Argagaxisa Al-Shabaab.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

    

Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Beledweyne- Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xooggaga dib u xoreynta deegaanka ee Macawisley oo is kaashanaya iyo kooxda Khawaarijta ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanku weerar ku qaadeen goob Khawaarijtu isku aruursanayeen taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo.

Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad aayna wehliyaan ciidanka Gorgor ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijyay in khasaare xooggan Khawaarijta la gaarsiiyay ayna ka saareen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne kuwaas oo ku teedsan wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Koonfur Galbeed

Baydhabo- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Koonfur Galbeed

Shirka ayaa looga hadlay Dardargelinta Wajiga Labaad ee Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed iyo amniga guud ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed,waxaana kulanka ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Gudiga Farsamada Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa halkasi dhawaan kaga qeyb galay wajiga koowaad ee shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS

    

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮𝗱

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan hawlaha dhismaha Dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay Guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

 

 

Mudane Xamse waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay si gaar ah u dhiirigelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, oo uu tilmaamay inuu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto.

 

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalkeenna, tan iyo markii la doortay.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

    

Madaxweynaha JFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliyq iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

    

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho Ku Soo dhaweeyey Dhiggiisa Jabuuti Madne Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

 

   

Ilyaas Sheekh Axmed oo ku guleeystay doorashada Kursiga Hop147

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa goordhaw si rasmi ah u bilaabey doorashada kursiga Hop147,  oo ay ku tartamayeen musharaxiinta kala ah, Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim iyo musharax Aamino Tahliil Warsame.

Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga #Hop147 ee deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, isagoo ka Guuleystay Musharrax Aamino Tahliil Warsame oo la tartantay,ka qeyb galeen Munaasabadda Masuuliyiin Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ah.

Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad.