Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo xalay kulan sagootin ah Muqdisho ugu sameeyey waftdigii ka socday Bulshada Bariga Afrika

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo xalay kulan sagootin ah Muqdisho ugu sameeyey waftdigii ka socday dalalka Bulshada bariga afrika.

Kulan casho sharaf sagootin ah ayaa xalay loogu sameeyey Magaaladda Muqdisho wafdigii ka socday Ururka Bulshada bariga Afrika oo dhowaan safar shaqo ku yimid caasimadda Soomaliya,safarkan oo ay ku qiimaynayeen heerka ka mid noqoshada Soomaliya ee xubnimada dalalka Bulshada bariga Afrika.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa waxa ka qayb galay xubnaha golaha wasiiradda XFS,hoghaanka Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS iyo masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday heya’addaha dowladda.

Wasiirka arrimaha dibedda oo faahfaahin ka bixiyey ujeedka kulanka sagootinta ah ayaa yiri ” Waxaan xalay kulan sagootin iyo casho ah ugu samaynay caasimadda Muqdisho wafdigii ka socdey Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo soo gabagabeeyay safarkoodii qiimaynta ka mid noqoshada dalkeena ee waddamada ku midaysan Bulshada Bariga Africa (East Africa Community)”

Wafdigan ayaa ka kooban in ka badan 40 xubnood oo ka kala socdey waddamada xubnaha ka ah Ururkan iyagoo muddo 10 maalmood oo qiimayn ah ku joogay caasimadda dalka ee Muqdisho.

     

Qaar kamid ah shacabkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe-2 oo lagu soo daweeyey dalka Imaaraatka yaa maanta dalka dib ugu soo laabtay

Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe-2 kadib markii lagu soo daweeyay isbitaallada Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabta,iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen qaar kamid ah ehelladooda iyo Safiirka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaliya Danjire Axmed Jumca Al-Rumaythi.

Dhaawacyada lagu soo daweeyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ee maanta Dalkooda hooyo dib ugu soo laabtay ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka sida ay u garab taagan yihiin markasta walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa weli cisbitaalada dalka Imaaraatka ku jira qaar kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe-2 kuwaasi oo marka ay dhameystaan ​​daweyntooda dib ugu soo laaban doona dalkooda hooyo.

dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka dhaw la ah ee ka taageera arrimaha gargaarka bini’aadantinimada iyo horumarinta, waxayna mar walba gacan ka geystaan daaweynta walahooda Soomaaliyeed ee ku dhaawacma qaraxyada kooxa khawaariijtu ka geystaan ​​Dalkeenna.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Beydhabo

Baydhabo, Febaraayo 03, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socdo wejiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa ku qotama xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee halkan uga socda hoggaanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

 

Soomaaliya oo sanadkaan ku biireysa ururka Bulshada Bariga Afrika.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka Bulshada bariga Africa Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegtay in Sanadkaan gudahiis Soomaliya ay kamid noqon doonto is bahaysiga la magac baxay ururka Bulshada Bariga Afrika.

Ergayga oo ka hadlay Xaflad sagootin ah oo loo sameeyo guddi ka socda ururkaasi oo maalmahaan Muqdisho u joogay sahan la xiriiray qaabka Soomaaliya ay uga qeybgali karto Isnaheysiga ayaa bulshada la wadaagay faaiidada Soomaaliya ugu jira ka mid noqoshada is bahaysiga Bulshada Bariga Afrika.

Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibadda XFS Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii sagootinta wafdigaasi oo oo ka kooban 40 xubnood oo kana  socday dalalaka Kenya,Yugandha,Tansaanoya,Ruwanda  Burundi Jamhuuriyadda Koongo iyo koonfurta Suudaan,kuwaas oo muddo 12 cisho ah oo ay joogaan dalka la kulmay heyadaha dowladda iyo ururada bulshada.

Qodobada aasaaska u ah ururka Bulshada Bariga Afrika,waxaa kamid ah mideynta canshuuraha xuduudaha,suuq wadaag,mideynta lacagaha iyo mideynta siyaasadda,hasa yeeshee xiligaan wafdiga ka socda ururka waxay qiimeynayaan sidii loo heli lahaa suuq wadaag iyo mideynta canshuuraha.

Ganacsatada Soomaaliya ee ka xoogsada dalalka geeska Afrika ayaa la filayaa in kamid noqodhada Soomaaliya ee ururkaasi ay ku soo kordhiyaan faa’idooyin badan oo ay ku jiraan badbaadinta naftooda iyo ganacsigooda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka FS oo la kulmay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samatabixinta K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta ee K/Galbeed Soomaaliya,

Kalankaasi waxaa looga  hadlay dardargelinta wajiga labaad ee shirka dib u heshiisinta Koonfur Galbeed iyo sidii dalka looga xorreyn lahaa  kooxda Khawaariijta ee Al-Shabaab.

Guddoomiyaha , ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka looga arrinsanaayo hannaanka geedi socodka nabadda iyo sidii guul mira-dhal ah loogu gaari lahaa gogosha taalla magaalada Baydhabo.

Qoysas ku dhaqan Raage Ceelle oo helay gargaar ka yimid Hey’adda Qadar Charity

Maamulka Hay’adda Maaraynata Masiibooyinka Qaranka iyo kan Hay’adda Qadar Charity ayaa gargaar bino’aadanio oo wax ku ool ah u qeybiyay 500 oo qoys oo ku dhaqan tuuloyinka ku xeeran Magaalada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellada Dhexe .

Qoysaskaasi helay deeqda raashinka ah ayaa ahaa dadka ugu nugul ee ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka iyo dhibaatooyinka ay horseedeen kooxaha khawaarijta.

Dhowaan Hay’adda Qadar Charity ayaa kaalmo mucaawino ah gaarsiisay qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dhallinyaro ay qaldeen khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Xarardheere

Xarardheere- Dhallinyaran oo kamid ah dadka ay marin habaabiyeen kooxda Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyaga oo isaga soo baxsaday kooxda sii gabaabsiga ah ee haraadigooda howdka lagu baacsanayo.

Labadaan wiil oo kamid ah dhallinyarada ay qaldeen kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isaga soo tagay Kooxda Argagixisada ah kadib markii laga saaray deegaano badan oo ay ka joogeen Galmudug, iyaga oo maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikar oo sheegay inay kaga kala biiireen Khawaarijta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa ka soo cararay nolosha go’doonsan ee ay ku sugan yihiin kooxda Khawaarijta, iyagoo ugu dambeyn isku dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanka si ay uga badbaadan dagaalka lagu leynayo haraadiga kooxda argagixisada ah.

Dhallinyaradaan isaga hartay kooxda Khawaarijta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee lagu baacsanayo argagixisada, iyagoo iska soo dhiibay aagga deegaanka Caad ee gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay howlgallo culus ka fuliyeen ciidanka qaranka.

     

Wasiiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay Madax ka tirsan Safaaradda Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta ku qaabilay u qaabilsanaha Safaaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Madaxa Xirrirka Iskaashiga Horumarinta Mudane Erling hess Johnsen.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Agaasimaha Guud wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxa Xafiiska Isu-duwida Deeqaha iyo Barnaamijyada ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda dowladda Norway ay ku taageereeyso Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-9 iyo mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Norway ku taageerto Soomaaliya

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay in la dardar-galiyo mashaariicda xasilinta ee goboladda dhawaan laga xorreeyey khawarijta, iyadoo taageerada lagu salleeynayo waxyaabaha mudnaanta u leh dalka Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa isla meeldhigay in mashaariicda kala duwan ee la qorsheynayo iyo howlaha socda sidii wadajir loogu hergalin lahaa.

 

Madaxweyne Deni oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada illaalada Xeebaha Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada illaalada Badda iyo Beriga ee PMPF ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud taliska iyo hoggaanada Taliska.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay shaqooyinka Amni ee u qabsoomay, tababarada ciidanka, dadaalada socda iyo shaqooyinka qorshaysan.

Madaxweyna Saciid ayaa ku bogaadiyey ciidamadda iyo hoggaanadoodaba howlkarnimada, hufnaanta iyo dadaalka ay markasta heeganka ugu yihiin difaaca dalkooda iyo garab istaagga shacabkooda, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay inay sii lab jibaaraan dadaalkooda.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo maanta xukun toogasho ah ku fulisay Afar askari

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay afar ka mid ah akarta dowladda Kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasha ah.

Askartan lagu xukunka fuliyay saakay ayaa kala ah: Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsana, Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre oo iyagana ka tirsanaa ciidanka Booliiska.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in dhammaan raggan saakay la toogtay ay horay u dileen saaxiibadooda shaqo wadaagga ay ahaayeen.