Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo daah-furay kulanka farsamo ee arrimaha doorashooyinka dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta furay kulanka farsamo ee arrimaha doorashooyinka dalka ee guddiga farsamo ka talabixinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo bogaadiyay shaqada guddiga  ayaa tibaaxay ahmiyadda ay leedahay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo sheegay Wasiirka in xasilloonida dalka ay ku xiran tahay doorashooyinka dalka.

Guddiga Farsamo ee ka talabixinta doorashooyinka ayaa ka kooban Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliyo iyo maamulka gobolka Banaadir.

      

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka si rasmi ah kagala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Munaasabad waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Ra’isulwasaare Ku Xigeenka JFS, xubno Ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka, Xubno Ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliye Ku xigeenka JFS, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hay’daha Saaxiibada la ah Ciidanka Boliiska Soonaaliyeed (EUCAP, ATMIS, UNSOM & UNDP). Taliyeyaashii Hore ee Ciidamada Qalabka Sida, Taliye Xigeenada Ciidanka Boliiska, Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir.

uu ka qeyb galay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayuu xilka kula wareegay taliyaha cusub, taas oo ka dhacday xarunta Dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo ka hadlay munaasanadda xil wareejinta ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ku talaabsaday Booliska, taliskana uu ciidamo Boolis ah geeyay deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyay wuxuu sameeyay horumar la taaban karo, waxaana diyaarsan qorshe iyo istiraatijiyad cusub oo loogu tagalay Booliska si loo sii hormariyo, taliskuna ciidamo Boliis ah ayuu geeyay magaalooyinka Khawaarijta laga xoreeyay ee gobolka Shabeellada dhexe,” ayuu yiri taliye Xijaar.

Sidoo kale, taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay ayaa dhankiisa balan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’adda Booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka ayaa dhammaadka bishii hore ee janaayo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.

     

Dowladda Soomaaliya oo isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta

Magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay dhammaadkii Todobaadkii la soo dhaafay shir ay ka soo qaybgaleen Madaxda Wadamada Deriska la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ah ama loo yeero Wadamada safka hore, islamarkaana ay ka joogaan Ciidamada nabad ilaalinta ayaa ka qebgalay shirkaasi, kaasi oo socday muddo saacado ah, waxaana uga sii horreeyay shir ay lahaayeen Wasiirada Gaashaandigga iyo Taliyaasha Ciidamada ee dalalkaasi iyo Soomaaliya, ugu dambeyntiina waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 15 qodob oo horay khadka Isgaarsiinta looga wada hadlay halka qaar kalena ay ahaayeen kuwo muddo horeba ay heshiis ku ahaayeen, iyaadoo qodobada qaar ay xambaarsanaayeen fariimmo mug leh, waxaana ka mid ah qodob ka hadlaayay ilaalinta midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Qodobkaasi oo ahaa kan 1-aad ayaa u qornaa sidan:- In la tixgeliyo madaxbanaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Waxaa la dhihi karaa waa kan ugu muhiimsan, waxaa kaloo jira qodobo muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed waxaana ka mid ah qodobka lagu amaanay Dowladda Soomaaliya waana qodobka 2-aad, wuxuuna u qornaa sida:- Waxaa lagu amaanay Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka Alshabaab. Waxaa kaloo xiiso leh qodobka 7-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda federalka Soomaaliya oo ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada.

Shirkaasi Go’aanada laga soo saaray waxaa kaloo jira qodobo muhiim ah sida 10-aad, kaasi oo u qoran sidan;- waxaa La isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale, waxaa kaloo si gaar loogu xusay qodobka 12-aad, waxaana lagu soo dhaweeyay codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub, kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda Ciidamada, balse qodobka ugu muhiimadiisa lahaa ayaa ahaa qodobka 14-aad oo u qoran sidan:- Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023, kaasi oo muujinaya inay Soomaaliya u hesho taageero iyo garab istaag si Qaramada Midoobay uga qaaddo Cunaqabateynta Hubka.

Shirka oo uu Shir-guddoomiyay Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya mudane William Ruto, Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya mudane Abiy Axmed, waxaana looga hadlay arrimaha amniga Gobolka iyo howlgallada guuleystay ee ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaasi oo u baahday in iskaashi lagala sameeyo dalalka deriska, maadama Khataraha amni ee Argagixisada aysan ku koobneyn Soomaaliya, waxayna Madaxdu isku raaceen Qodobada ahmiyaddaweyn waxaana ka mid ahaa in Soomaaliya horumar balaaran ay ka sameeysay nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaa kaloo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana xornimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya dadaalka iyo sida ay u muujiyeen in ay ka go’an tahay dalka in ay ka xorreeyaan Khawaarijta, sidoo kale, waxay madaxdu isla garteen in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Soomaaliya iyo ciidankeeda qaranka ee dadaalka ugu jira dib u xorreynta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dhinaca siyaasadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo gaar ahaan kulamada golaha wadatashiga qaranka ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ay kaga hadlayaan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah iyo in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Shirka ayaa lagu taageeray bogaadinna loogu jeediyey ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaa sidoo kale, lagu soo dhoweeyay shirka dadaalada Soomaaliya ay waddo ee dib u qaabeynta ciidamada, iyadoo ay jiraan ciidamo badan tababarro meelo kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ku soo qaatay, ujeedkoodana uu yahay in ay ka gun gaaraan xoreynta dalka, amniga dalkanna ay sugaan.

Waxaa kale oo la soo dhoweeyay codsi ay soo jeedisay Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya oo ah in dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay sii laba laabaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya haddii ay noqoto dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shabaab iyo xuduudaha dalalkaas ay la leeyihiin in laga ilaaliyo in Khawaarihtu ay falal amni darro ka geystaan, waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.

Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa laga dalbaday in ay Soomaaliya ka taageeraan barnaamijka xasillinta oo deegaannada la xorreeyay ay helaan adeegyada asaasiga ah ee shacabka u baahan yihiin sida waxbarashada, caafimaadka, maamul loo sameeyo iyo in loo dhiso ciidamo sugi kara amniga guud ee deegaannadaasi.

Muhiimad ahaan shirkasi waxa uu u ahaa mid muhiimad gaar u ah Dowladda Soomaaliyeed iyo Wadamada dariska la ah oo si weyn uga arrinsaday waxa ay ka yeelayaan Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta oo uu ku socdo sidii looga sifeyn lahaa Dhulka Soomaalida, islamarkaana aysan firxadkoodu gaarin Dalalka Soomaaliya Deriska la ah, sidaasi awgeed ay iska kaashadaan sidii si wadajir ah loogala dagaalami lahaa waana la isku afgartay qaabkii loo wajihi lahaa Kooxdaasi, marka waxaan dhihi karnaa Dowladda Soomaaliya waxay isbaheysi cusub u heshay dagaalka Khawaarijta.

Qallinka: C/laahi Ruush

Masagawaa magaalo caan ku ahayd fidinta Diinta islaamka

Kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay dhibaatooyinka ay u geystay bulshada Soomaaliyeed kuma eka oo qura dilalka,boob iyo dhaqan doorinta ee waxay sidoo kale burburiyeen goobihii cibaadadda lagu baran jiray sidoo kale waxay goobo qashin qub u beddeleen qaar ka mid ah masaajidada deegaanaddii ay shacabka ku dhibi jirtay kooxda khawaariijtu.

Magaaladda masagawaa oo ku caan ahayd goob fidisa diinta Islaamka sidoo kale ka hor intii kooxda khawaariijtu qabsan ahayd magaalo camiran adeegyadda bulshaduna shaqeeyaan sida waxbarashadda,caafimaadka iyo goobaha lagu barto diinta ayey kooxdu dhamaantood xirtay,kooxda khawaariijtu waxay xirtay mawlacyo diimeed oo magaaladu caan ku ahayd.

Masagawaa ayaa caan ku ahayd ilbaxnimo waayo soo jireen ahayd balse kooxda khawaariijta ayaa u bedeshay goob laga hayaamay marka laga reebo dad tiro yar oo duruufo u gaar ah uga bixi kari waayay,dhowaan ayaa kooxda khawaariijta laga xorreeyey magaaladda lana gaarsiiyey harka dowladnimadda,waxybaaha yaabka leh ee lagu arkay magaaladda ayaa waxa ka mid ah in Schoolkii deegaanka kooxdu ka dhigtay kushin ama goob cuntada ay ku karsadaan sidoo kale Cisbitaalkii deegaanka waxa ay ka dhigteen xerro ay ku xeraystaan xoollaha baadda ah ee ay sida xoogga ah uga soo qaataan shacabka deegaanka,sidoo kale waxay gubeen saldhigii deegaanka.

Ismaaciil Shiine waa Guddoomiyaha deegaanka Masagawaa wuxuu warbaahinta qaranka uga waramay dhibta kooxdku gaarsiisay xarumihii adeegga bulshadda,sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxda khawaariijta ah aysan kala soocin shacabka kala duwan ayna gaarsiiyeen tacadiyo ka baxsan xuquuqda aaddanaha” wax aan rabaa inaan ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibedd ba u sheego dhibaatada ay ku hayaan adeegyadda bulshadda oo marwalba ah waxybaaha ugu horeeya ee bulshadu ku tiirsan tahay,sida Cisbitaallada,saldhigyadda,dugsiyadda iyo goobaha diinta siday u burburiyen”
Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxda khawaariijtu xoog kula isticmaali jireen xoollaha shacabka sidoo kale na ay hanjabaad dilal iyo afduub kula kici jireen dadweynaha deegaanka,dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabkii ka qaxay magaaladda in ay dib ugu soo laabtaan isagoo sheegay in dowladda u fidin doonto adeegyaddii bulshadda.

Kooxda khawaariijta ayaa burburiyey suuqii ganacsiga magaalada masagawaa” halkan waxay ahayd suuq ganacsi kooxda khawaariijta ayaa burburisay si ay culays u saaraan shacabka” ayuu yiri guddoomiye Shiine,isagoo baaq u diray ganacsatadii kooxda khawaariijtu ka qixisay magaalada in ay dib ugu soo laabtaan magaaladda.

Genaraal indha qarshe oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan heya’addaha amniga

Taliyihii hore ciidanka xoogga dalka Genaraal Daahir Aadan Cilmi( Indha qarshe) oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay hawlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha khawaariijta, guullaha ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoraynta deegaannadu ka gaareen jiiddaha hore ee dagaalka isagoo bogaadiyey guulaha is daba joogga ah ee sida joogatadda ah u gaarayaan ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deegaannada.

Gen indhaqarshe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Heya’addaha amniga si guul looga gaaro dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaariijta” qof kastaa waa inuu halkiisa ku noqdaa Boolis, qof kastaa waa inuu halkiisa ku noqdaa Nabadsugid isagoo soo wargelinaya Heya’addaha amniga” ayuu yiri taliye Indhaqarshe.

Kooxda khawaariijta ayaa la gaarsiiyey jab xooggan kaas oo ay kala kulmeen hawlgallada aan kala joogsiga lahayn ee ay ku ekeeyeen ciidanka xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada dib u xoraynta deegaanada, gobollada Shabeellaha dhexe, Galmudug, Hiiraan, Galguduud iyo Shabeellaha hoose ayaa khasaarihii ugu badnaa lagu gaarsiiyey kooxda khawaariijta iyadoo laga xorreeyey deegaannadii ugu badnaa oo ay mudo ka badan 10 sanno ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha XFS oo ka hadlay ciribtirka Khawaarijta iyo masuq-maasuqa

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbaddiisii jimcaha kaga hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab,doorka culumada iyo la dagaallanka masuq maasuqa ay dowladdu waddo.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaalamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.

“ Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la’nahay lala dagaallamo oo sidii dowladda ay u jideysay oo ah Ciidana ahaan (Militari) loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo intaba culumada aad bey uga hadleen,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha JFS.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si adag kaga hadlay cadaaladda iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, wuxuuna sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.

“ Marka laga hadlo masuq-maasuq dadka waxay u yaqaan qofka xukunka ama dowladda jooga kaliya inuu wax masuq-maasuqa, ma oga inuu guriga ka soo bilowdo masuq-maasuqa, ma oga iskuulka inuu ka jiro masuq-maasuqa, Jaamacadaha,Dukaanka inuu ka jiro, masuq-maasuqa Soomaaliya waa mehradeedii, meesha ay ka imaaneyso mashaakilka inuu hoos yahay ma oga,”. ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo masuq maasuqa oo labada ka mid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada,waxayna caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Khadka Taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Mudane Mustafa Şentop.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay xiriirka saaxibtinimo ee Ka dhaxeeya labada baarlamaan iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale, guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe ayaa adkeeyay in la sii laba jibaari doono wada-shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar

:- Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socday Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maalmahaan Muqdisho u joogay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC.

Munaasabadda soo dhaweynta oo aheyd mid isugu jiray casho sharaf iyo soo bandhigida Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC, Danjiraha Soomaaliya u fadhisa Tanzania, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Africa Mrs. Tiri Marie Rose oo Munaasabadda ka hadashay ayaa waxa ay si weyn ugu mahadcelisay soo dhaweynta weyn ee iyada iyo wafdigeeda loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoona rajo weyn ka muujisay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC oo ay ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC Danjire Cabdisalaan Hadliye iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) oo dhankooda ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa sheegeen in wafdiga EAC oo muddo ku dhaw labo isbuuc ku sugnaa Magaalada Muqdisho ay wax badan qiimeyn ku sameeyeen, iyagoona xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC wax badan kusoo kordhin doonno suuqa ganacsiga dalalka Geeska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo gaba-gabadii Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ku faraxsan yihiin marti-gelinta Wafdiga Ururka EAC si ay u arkaan horumarada iyo kobaca dhaqaale ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ay ku taala suuqa ugu weyn bariga Afrika ee Bakaaraha.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu xusay in wafdiga mudada ku dhaw labada isbuuc oo ay joogeen ay arkeen wax badan oo sahli kara in Soomaaliya ay ku biirto EAC, asigoona rajeeyay in quimeynta la sameeyay ay noqon doonto mid buuxisa shuruudaha la doonayay.

Inta Munaasabadda ay socotay ayaa waxaa la soo bandhigay Cuntooyinka Wadaniga, Cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida, iyadoona ugu danbeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu Hadiyad Qaali ah oo ka turjumeysa astaamaha dhaqankeena guddoonsiiyay Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

              

Ra’iisal wasaaraha XFS oo ka hadlay ciribtirka Khawaarijta iyo masuq-maasuqa

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbaddiisii jimcaha kaga hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab,doorka culumada iyo la dagaallanka masuq maasuqa ay dowladdu waddo.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaalamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.

“ Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la’nahay lala dagaallamo oo sidii dowladda ay u jideysay oo ah Ciidana ahaan (Militari) loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo intaba culumada aad bey uga hadleen,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha JFS.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si adag kaga hadlay cadaaladda iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, wuxuuna sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.

“ Marka laga hadlo masuq-maasuq dadka waxay u yaqaan qofka xukunka ama dowladda jooga kaliya inuu wax masuq-maasuqa, ma oga inuu guriga ka soo bilowdo masuq-maasuqa, ma oga iskuulka inuu ka jiro masuq-maasuqa, Jaamacadaha,Dukaanka inuu ka jiro, masuq-maasuqa Soomaaliya waa mehradeedii, meesha ay ka imaaneyso mashaakilka inuu hoos yahay ma oga,”. ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo masuq maasuqa oo labada ka mid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada,waxayna caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan qado sharaf ah la qaatay golaha odayaasha dhaqanka koonfur-galbeed

Baydhabo- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan qado sharaf ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxay ku dhiira geliyeen dadaalka loogu mira-dhalinaayo guul ka gaarista Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay in lagu guuleysan doono hadii laga wada shaqeeyo midnimadda reer Koonfur Galbeed, si dadka deegaannadan ay u heleen xasilooni iyo nabad waarta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku amaanay in ay laf dhabar iyo hoggaan lagu dayan karo ay u yihiin dhaqankeena wanaagsan iyo nidaamka dowlad dhiska dalka oo soo maray marxalado kala duwan.