War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo geba gabeeyey shirkii dib u heshiisiinta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, waxayna dhinacyadii shirkaas ka qayb galay ay isku raaceen in soo xulista xildhibaannada ay sameeyaan odayaasha dhaqanku dhammaadka sanadkan, iyo in doorashada guddoonka iyo tan madaxweynahana la qabto bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2024.

Go’aannada laga soo saaray shirka ayaa u qornaa sidaan:

Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19kii bisha November 2022, si lamid sidaas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo Golaha Badbaadada KGS.

Ka dib, Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa soo Magacaabay isaga oo la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi farsamo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda marka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah.

 

GUDDOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA

Markuu Arkay: Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoboka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG;

Markuu Arkay: Qodobka 4aad ee War-murtiyeedka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17, Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga Farsamadda;

Markuu Arkay: Qodobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS;

Markuu Arkay: Qodobka 37aad farqadda 1aad Go’aanka Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay tahay hay’ada ugu sarreysa ee sharci dajinta Dowladda Koonfur Galbeed;

Markuu Dhageystay: Talo soo jeedinta odoyaasha dhaqanka KGS oo ah marjica marka ay la soo gudboonaato xaalad Goloyaashada Dowladda si waafaqsan Qodobka 60aad Xarafka (C) ee Dastuurka KGS, xukuumada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta ku middobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka.

Markuu Arkay: Dhamaan Nuquladda ay soo wada Gudbiyeen Golaha Wakiiladda nuqulka 1aad ee soo baxay 18ka Abriil 2020 iyo Nuqulka 2aad Tix: GW-DGKGS/XG-09/2020 kuna taariikhsan 20ka Abriil 2020 oo labaduba ku saabsan: wax kabadalka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya Qodobka 50aad kaas oo lagu daray Farqro 3aad;

Marka uu Tixgaliyey Nuqulka go’aan ay soo gudbiyeen oo ay xukumadda DKGS Shirka Dib-u-heshisiinta, kuna taariikhsan 01st Febraayo 2023, iyo kan dalladaha ku midoobey; Midowga Musharixiinta iyo Madasha samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isna ku taariikhsan 2 Febraayo 2023;

Markuu Arkay: Ismaandhaafka Siyaasaddeed ee ka jiro KGS uu caqabad ku yahay dhamaan horumarada laga sameyn lahaa la dagaalanka kooxda khawaarijta al- Shabaab iyo Horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya;

Waxaa uu gudoomay guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qodobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG, sidoo kalena isaga oo tixgalinaya Qodobka 37aad Farqadda 1aad ee Dastuurka KG.

Qobkobka 1aad

Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsheed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey:

In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG.

In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

Qobkobka 2aad

Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂-𝘅𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗹𝗸𝗮 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗲𝗲𝗷𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin iyo Taliyihii hore S/G Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Booliska ee Janeraal Kaahiye ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku uga mahad celiyey Taliyihii hore shaqadii uu dalka u soo qabtay muddadii uu hoggaaminayey Booliska oo guulo wax ku ool ah gaaray.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in xilligan muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kaalin weyn kaga jiraan howlgallada socda. isla markaana ay gacanta ku hayaan xasillinta dhammaan deegaannadii la xoreeyey.

Mudane Saalax ayaa xusay in ciidanka Booliisku uu yahay hooyada ciidamada kala duwan ee Qaranka, waxuuna ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyagoo qeyb ka ah barnaamijka xasillinta ee deegaannada la xoreeyey u qorsheysay Xukuumadda Dan-Qaran.

Munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidanka Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale.

   

Guddoomiyaha aqalka sare oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa shirguddoomiyey kalfadhigii aqalka sare ee maanta

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 9-aad oo ajandihiisu ahaa, Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xubnaha Sanatarrada Golaha Aqalka Sare u sharraxay muhiimiyadda hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman kaas oo ka soo gudbay Golaha Shacabka.

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Masuuliyiinta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga horumarinta adeega Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa wasiirka looga dhageystay war bixin ku saabsan qorshe howleedka wasaaradda, arrimaha shaqaalaha iyo shaqo abuurka, mashaariicda ay maamusho iyo sida ay wasaaraddu uga hirgeliso mashaariicda Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Biixi Imaan Cige oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cismaan Ibraahim Libaax, Wasiir Dowlaha Wasaraadda Yuusuf Maxamed Aadan iyo xubno kale oo la socday, ayaa guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo dhammaan su’aalihii ay qabeen.

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Gaadiidka XFS oo gaaray Magaalada Beledwayne

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaamineeyso ayaa gaaray magaalada  Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wefdi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye Xildhibaan Cabdirsaaq Macalin Ciid oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka ahna guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax maalin iyo madax kale oo maamulka kamid ah ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi aay hoggaamineysay ayaa kormeeray qeybha uu ka koobanyahay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif gaar ahaan qeybta diyaaradaha ku ordaan oo bur-burka ka muuqda aawgiis halis ugu jiryo garoonka in uu xermo.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in maalmo kaddib wajigii koobaan ee dhismaha garoonka uu billaabay doono aayna hakin doonaan diyaaradaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo aay wehliyaan Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa gunta dhiisha isaga dhigay dhismaha garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, oo dhawaan loo dhisi doono qaab lamid ah garoomada Caalami ah.

      

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa  Guddoomiyay Kal fadhiga 2-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajendihiisu ahaa

  1. Dhaarin Xildhibaan (Ilyaas Sheekh Axmed)
  2. Dhameystirka ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
  3. Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Korantada
  4. Qeybinta Warbixinta Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka 11aad.

Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Ayaa dhaariyay Xildhabaan Ilyaas Sheekh Axmed Oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa siiwaday dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka. xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye “Nuur Afeey” iyo qaar kamid ah xubnaha gudiga Ayaa umahadceliyay xildhibaanada aygoona ku Amaanay xildhibaanada dooda adag ee ka yeesheen sharcigaan, soo jeedintooda iyo turxaan bixintooda ku aadan sharcigaan.Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulanka ayaa guddiga faray in ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ayagoona ka duulaya talooyinka iyo qodabada ay dul istaageen xildhibaanada muddo labo maalin Ahna ay ku keenaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad)Ayaa xildhibaanada ka hor Aqriyay hindise sharciyeedka korantada oo uu guddigu soo diyaariyay Asigoona sheegay in sharcigaan uu yahay sharci Arimo bulsho muuhiimna uu uyahay dalka iyo dadka soomaliyeed waxa uuna ka codsaday xildhibaanada in ay Ansixiyaan si sharcigaan uu udhaqangalo.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan

Xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland,ayaa maanta howlgal qorsheysan ku dilay ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ku jiray horjoogihii khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Jannaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cadde.

Afhayeenka Howlgallada Ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir, ayaa Jubbaland TV la hadlay ayaa xaqiijiyey dilka kooxdaan, sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey saldhigyo ay lahaayeen khawaarijta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo daah-furay tirakoobka Shaqaalaha dowladda

Wasiirka wasaasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshadda ee DFS Mudane Biixi Iimaan Cige, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Mudane Cumaan Libaax  Ibraahim iyo  Gudoomiyaha Guddiga  Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed  ayaa maanta si wada jir ah u daah furay tiro koobka shaqaalaha dowlada.

Tiro koobkaan oo laga sameyn doona dhaman Shaqaalaha Rayidka ee  dowlada ayaa manta lagu bilaabay wasaarada Shaqada & arimaha bulshada iyo wasaarada Howlaha guud ee DFS.

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa xusay in hormar wanaagsan laga sameyay dhanka diiwangelinta iyo tiro-koobka shaqalaha Rayidka waxuu xusay in waxii hadda ka danbeeya xogta halkaan lagu diiwangeliyo go’aan lagu qadan doona.

Ugu danbeyn, Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Mudane Biixi Iman Cige ayaa bogaadiyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo howl-wadeenada shaqada wada asagoo kula-dardaarmay in si hufan ay howsha u qabtaan.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee (UNSOM)

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxa Xafiiska Siyaasadda (UNSOM) Mudane Fexton Matupa.

Guddoomiyaha iyo Mudane Fexton Matupa ayaa ka wada hadlay arrimaha dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed iyo guulaha la gaaray shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Mudane Fexton Matupa, ayaa guddoomiyaha ugu hambalyeeyay sida hufnaanta leh uu ugu guulaystay wajiga 1aad ee shirka. Sidoo kale, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa garab istaag iyo taageero u muujisay sidii shirka uu guul ugu soo dhammaan lahaa.

 

  

Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray 150-askari

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar u soo xiray  dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland oo qaatay tababar kala duwan, kuwaas oo gaaraya 150-askari.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortagga dambiyada, dambi baarista, ka hortagga rabshadaha iyo Booliska.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay la wareegan amniga deegannada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka.

Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubbaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaannadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in howlgallada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaannada Jubbaland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, tilmamay in ciidamadan ay ka howlgali doonan dhammaan deegannadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Khawaariijta ah, isla markana ay la wareegi doonaan mas’uuliyada sugida amniga.