FOORNOOYINKA OO DABOOLAY BAAHIDA BULSHADA

In kastoo meesha ay ka baxday foornooyinkii casriga ee caanka ku ahaa soo saarka roodhi tayo leh sida kuwa laga soo saari jiray foorno asaan iyo foorno lawriya ayaa haddana waxaa soo if baxay kuwo daboolay baahida bulshada ee maalinlaha ah ee isticmaalida roodhiga quraac iyo casho ahaan.

Foornooyinkaan ayaa waxaa laga heli karaa meel kasta sida xaafadaha iyo degmo kasta.

foornooyinka ayaa soo saara noocyo kala duwan ee roodhi oo lagu kala magacaabo sida ay soomaalidu u taqaanno, Baano olyo, Abuukeey oo ah mid adag, iyo nooca la galyo qudradda iyo hilibka waa kuwa hanbeegarka loo isticmaalo.

waxaa kaloo ay soo saaraan Doolsho, Buskud, ayadoo xiliyada ciidaha iyo aroosyada halkaas dadku ay geystaan Buskud si loogu sameeyo, waana iyadoo aad ka mehrado badan ka heli karto noocyadan kala duwan ee foornooyinka soo saaraan.

buskudyo bacaysan oo kala heer ah ayaa lagu iibiyaa doolsho ama keek waa ka mid.

Tani waa howl loo baahnaa in mar kasta ganacsatada isha ku hayaan waxa bulshada u baahi qabto oo ay ka haqab tiraan, arrintani ayaa ah mid dad badan ay ku tiirsan yihiin ka ganacsigiina oo ay k soo saartaan faa’iido si ay u kaabaan biilka reerka.

halka kuwa is kaleh madbaqa ay muujiyeen dadaalku adaan wax soo saarkooda kaasooah mid hada lagu diirsaday oo kaafiyey bulshada goor walbana aad ku arkeysid suuqa waaweyn ee magaalada iyo hareerooyinka laamiyada xiliyada habeenkii.

goobo badan ayaa u furan ganacsigaasi waana arin lama huraan aheyd waxaa bogaadineynaa kuwa soo saara rootiga balse ay ka daayaan beeqaaminta tayada rootiga oo aad u yaryar.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali Fanax

WAREYSI GAAR AH OO LALA YEESHAY MAJAAJILIISTE JAAJUUMOW YARE

Taariikhda fannaankan hibada u helay ka qoslinta Dadka ee Jaajuumow Yare magaciisa runta ah waxaa la yiraahdaa Maxamuud Cabdi Maxamuud oo ku  dhashay  magaalada Kismaayo, jaajuumow yare wuxuuna ku soo barbaaray magaala madaxda Muqdisho.

Fannaankan ayaa ka soo muuqday riwaayado badan isagoo kaalinta uu caanka ku yahana uga qeyb qaata, dhanka kalena wuxuu aad uga muuqdaa meelaha dhallinta ku kulanto iyo meelaha sida badan lagu gaxweeyo isagoo aad loo jecleysto waayo waa af maal qosol badan oo dadku ka helaan la jooggiisa

Si kastaba ha ahaatee, fannaankan da’da yar ayaa wuxuu sida badan ka soo muuqdaa goos goosyada iyo barnaamijyada ay qabtaan Universal Tv.

Laakiin haatan wuxuu si toos ah uga tirsan yahay sida uu noo sheegay shaqaalaha Madaxtooyada Qarank.

Mar wax laga weydiiyay jaceylka uu u qabo fanka ayaa wuxuu sheegay inuu fanku ku abuuran yahay jirkiisa oo in uu dadka ka qosliyana ay tahay hibadiisa gaar ahaaneed, mustaqbalkana uu rajeynayo in uu meelo wanaagsan ka gaaro fanka uuna noqdo Comedian Caalamka laga yaqaano.

Mar aan wax ka weydiinay in uu ku fiican yahay dhanka heesaha, ayaa wuxuu ku jawaabay in wax ka reeban aysan jirin hadduu doonana uu heeso, waayo qof aan heesi karin ma jiro, laakiin waxaan ku xoog badanahay dhanka majaajilada caankana aan ku ahay.

Wareysi qaade: Aamino xuseen

 

 

waxa uu ka

 

qosliyaa dadka

Majaajiliiste jaajuumow Yare  waxa uu ku dhashtay magaalada kismaanyo. Waxa uu na ku soo barbaaray magaalada muqdisho

Majaajiliistahaani caan ka ah ayaa waxa uu soo bandhigaa ruwaayado qosol leh .asigoo in dabadan ka qosliya ama u shactireeya dadka meelaha ee Is kuugu imaadaan

Jaajuumow Yare majaajiliistahaan caan baxay ayaa waxa uu sheekay in xilligiisi hore uu jeclaa in uu ka qosliyo dadka.

 

FIKRADDA GURACAN EE KHAWAARIJTA

Waxaan maqaalkaan ugu hadli doonaa Khawaarijta ama xagjirnimadda nooceeda diimeed ama loo yaqaano burcad Diimeedka iyo khatarta ay ku hayso guud ahaan ummudda Muslimiinta iyo ka been sheegidda Diinta Islaamka, Waxaan ifindoonaa hadalkii Culimaa u diinka Soomaaliyeed ay ku cadeeyeen in ay fikradda qaldan ee khawaarijta ay meel ka soo galaynin diinta suuban ee islaamka iyo astaamaha astaamaha ay xagjirnimaddu leedahay iyo waxa lagu garto qofka xagjirka ah ama khawaarijta ah.

Xagjirnimaddu waxay weligeed ahayd cudur soo jireen ah oo sabab u noqda in Ummadda lagu laayo maga diinta suuban ee Islaamka, Waxaan shaki ku jirin in Ummadda Soomaaliyeed la soo daristay xagjirnamadu ayna saldhig u tahay dhiiga xurmadda leh ee sida aan kala go’a hayn u daadanayaan Kooxda Argagixisada ah eeku qaraabata ama gabaad ka dhigata diinta islaam.

Xagjirnadu waxay gaartey baarkeedi ugu sareeyay horay waxay waxay umadda Soomaaliyeed u soo joogtay in ay khawaarijta banaysato dhiigga Muslimiinta iyaga oo aan u kala soo waayeel, caruur, dumar, aqoonyahay, culimaa’udiin balse hadda waxay ku dareen in ay ugaarsadaan oo ay laayaan xoolihii maahinka ahaa ee la dhaqanaayey  waxay umadda Soomaaliyeed ay wada ogtahay in ay argigixisadu ay halmaalin gudaheed ku dhawaad300 oo nee foo ari ah ku gowraceen bariga gobolka Hiiraan, taa oo cadaynayso ama muujinayso in ay ka dhamaatay awoodii ay ku xasuuqu jireen ummadda Soomaaliyeed.

Khawaarijta waxay diinta islaamka magaceeda ku xasuuqeen  Culimadii iyo biri ma geydadii,  isla markaasna ay ku faanaan in daadashada dhiiga xurmada leh lagu gaarayo raali ahaanshada Rabbi iyo shahiidnimo! Xagjirnadu waxay soo ifbaxday markii ay Khawwarijtu sheegeen in Nebi Muxammad (Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee) in uusan caddaalad samayn! Waa yaabe haddii uusan Nebigii Rabbi soo dirsaday ee risaalada lagu aaminay uusan cadaalad sameyn yaa laga sugayaa in uu cadaalad sameeyo.

Sido kale waxay sheegeen Culimada Islaamka in ay  Xagjirnimadu ama Khawaarijta soo bilaabantay markii Cali Ibnu Abii Daalib oo ka mid ahaa khulafa’uraashidiinka ahaana qofkii ugu horeeyay isaga oo nool Jannsda iyo Rabbi raali ahaanshihiis loogu bishaareeyey ay Khawaarijta u dileen si gal darro ah iyaga oo wali ku faanay  in ay ku Janno tagayaan dhiigiiisa.

Xagjirnamadu dalkeena  Soomaaliya waxa si bareer ah uga soo ifbaxday markii Kooxda Arxan laaweyaasha ah ay  dhiiga Culimada iyo dadka diinta fidinteeda ku cireystay si aan gabasho la hayn ay u daadiyeen, iyaggoo ku andacoonaya in lagu Janno tegayo.

Xagjirnadda iyo khatarta ay leedahay Qur’aanka iyo Axaadiista Nebbi Maxamed NNKH  aad ayay uga hadleen, waxaana laga qoray kutub aad u fara badan si ummadda looga badbaadiyo cudurkaan wax-ma reebaha ah ee laynaayo dadka diinta ahelka u ah.

Rabbi isaga oo la hadlaya reer banii Israa’iil ayuu ku yiri: “Kuwa kitaabka la siiyeyow, ha ku dhicinnina xagjirnimo diimeed” (Nisaa, 171).

Xaddiis saxiix ah wuxuu Nebigeenu ku yiri (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha haatee): “War iska jira xagjirnimadda diimeed, maxaa yeelay ummadihii hore waxay ku haligmeen xagjirnimo diimeey.

Ibnu Mascuud (Rabbi ha ka raali noqdee) wuxuu Nebiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato) ka weriyey in uu yiri: “Waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku” (Saxiix Muslim)  Saddex jeer ayuu Nebbigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ku cel-celiyey khatarta ay leedahay xagjirnimadu darteed.

Xagjirnaddu waxay la macno tahay xad-gudub oo ah in qofku uu talaabo soohdinata la ogolyahay, Waxaa lid u ah dhex-dhexaadnimada oo ah in qofku ku ekaado xuduuda ama soohdinta sharciga ah oo uusan ka gaabin ama uusan talaabin xuduudada Allah u asteeyey sida Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) uu yiri: “Rabbi wuxuu idinka rabaa waajibaad ee ha dayicinnina, wuxuuna idiin xadeeyey xuduud ee ha gudbinina” (Bukhaari iyo Muslim.

Culimada Soomaaliyeed waxay cadeeyeen in fakarka argigixisada ay ku xasuuqayaan umadda Muslimiinta aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta islaamka waxayna sheegeen in ay banaantahay in lala diriro oo liska dhiciyo argigixisada, majirta maanta sabab ay dadkeena iyi hantida ummadda Muslimiinta ah ay u sii xasuuuqaan waa in lala diriro oo liska celiyo maadaama uu dhiigooda banaanyahay.

W/Q: Wargayska Dalka

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo shirguddoomiyey kulanka degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay dardargalinta horumarrinta Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka D.H.X, Saraakiisha ciidanka Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) kaas oo la xariiray in talaaba adag laga qaado Xoollaha lagu soo fasaxo Magaalada, kuwaas oo caqabad ku ah bilicda Caasimadda.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa faray Madaxdii iyo Saraakiishii kulankan ku sugneyd in la xoojiyo howlaha lagu horumarinayo Amniga, Nadaafada, Kobaca Dhaqaalaha, iyo hoos u daadajinta adeegyada Bulshada.

MARNA HA ILOOBIN IN KHAWAARIIJTU YIHIIN KUWO ARXAN DARAN

Haddii aan dib u milicsanno waxay aheyd maalin Sabti ah, gelinka dambe abbaare salaadda Casir, jawiga magaalada oo ah mid daggan dadkana ay si caadi ah u kala adeeganayaan, waddooyinkana uu ka jiro ciriiri, ayaa waxaa mar qura la maqlay dhawaqa qarax, qof walba ay la noqotay ama uu u maleeyay in khayaamihii uu dhacay, qof walibana uu umaleeyay in uu ka dhacay meel aan isaga ka fogeyn.

Waxaa is beddelay hal mar jawigii, qof walbana wuxuu raadshay halka ay wax ka dhaceyn, qofna maanka kuma heyn in ay dhici karaan wixii ay maalintaas indhaheennu qabteen, waxaana qof walba oo Soomaali ah soo wajahay murugo iyo argagax.

Waxa ay aheyd seddex sanno ka hor maanta oo kale, waxaa luminnay dad fara badan oo qaali ah, qaarkood innagoo arag raq iyo ruuxdooda ayaan ku xisaabinnay geeri, waxaa ku burburay hanti aan xisaab laheyn, waxeyna tacsi gashay guri kasta oo Soomaaliyeed.

Waxaa dhacay kacdoon shacab, waxaa sameynay isu-gurmasho aan hagar ku jirin, wuxuu mid walba oo naga mid ah dareemay naxariis, waxeyna Muqdisho gashay maalmo xanuun, murugo iyo tiiraanyo ah.

Hooyooyin badan ayaa waayay carruurtooda, qaarkood waxaa kaga geeriyooday tiro ka badan hal, halka kuwo kalena ay waayeen waalidkooda, taas oo dareen aan maskaxda ka go’in ku reebtay dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba xasuusta 14-Oktoobar 2017, waxey Soomaali u tahay maalin madow,

Halka uur ku taalladii labaadna ay ahayd 29-kii Oktoobar 2022.

Haddaba haatan sir kasta oo ay soo maleegaan waa la fur furaa oo waxaa heegan buuxa ku uruuray ciidammada soomajeesteyaasha oo yiri shabaabow maya mar saddexaad.

Maantadan aan joogno waxaa sidii iyo si ka qurux badan ku soo laabtay ganacsigii iyo bilicdii isgoyska loogu magac daray 14 Oktoobar Ex- Zoobe.

Waxaa Eebbe naxariistiisa uga rajeynayaa intii ku geeriyooday maalmahaas muragada badan, waxaan caafimaad taam ah Allaah Swt u weydiinaynaa intii ku dhaawacantay, intii ku hanti beeshayna waxaan leeyahay “Allaha idiin siiyo beddel ka qeyr badan”.

DALKA EDATORIAL 

 

KHAWAARIIJTU WAXAY DAGAAL KULA JIRTAA DADKEENNA IYO DIINTEENNA.

Dagaalka ka dhanka ah Diinta Islaamka ayaa aad ugu sii xoogeysanayo Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Marka la fiiriyo kooxaha khawaariijta ah waxay dagaal cad kula jiraan diinteenna iyagoo beegsada had iyo jeer masaajiddada iyo meelaha lagu barto qur’aanka kariim ah.

Sidoo kale khawaariijta waxay toogasho ku dilaan ama qarax ku laayaan dad abriyaa ah oo aan waxba galabsan iyagoo is moodaya in ay ilaahey ugu dhawaanayaan dilka muwaadiniinta soomaaliyeed.

Shabaabku waxay si aad ah u laayaan culimaa’udiinka, waayo waxay diidan yihiin oo aysan arki Karin ruux iyaga wax ku qabsan kara ama indheer garad ah, iyagoo doonaya in bulshada soomaaliyeed ay indha tiraan.

Dhanka kale,  Dad badan oo aan ageyn xaqiiqda ka dambeyso Kufsiga ayaa qeyb weyn ka qaadanayo in la waayo arday xaadirta dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee diinta lagu barto.

Maalin kasto, waxaa isoo gaarta warbixin sheegeysa in la kufsaday Gabar yar oo arday dugsi ah ama in la faro xumeeyay wiil arday ah waxaana falalkaas la sheegaa in ay ka dambeeyaan macalimiin dugsi.

Waan baaray in badan oo ka mid ah ugu dambeynna waan waayaa xaqiiqada sheekada, mar iyo laba ma ahan inta jeer ee aan maqlay ka dibna aan waayay war sugan oo bulshada lala wadaago.

Taas badalkeeda waxaan si hordhac ah u helay in ay jiraan shaqsiyaad lacag ku qaata in ay warar been ah oo kufsi ah magaalada soo geliyaan, in la sharaf dilo macalimiinta si aan loo aadin dugsiyada una dhunto kalsoonida waalidiinta si aan loo baran Qur’aanka iyo guud ahaan waxbarashada diiniga ah.

Wali ma maqashay Macalin Iskuul ayaa gabar kufsaday? Ma maqashay xanaano ayaa gabar ama wiil lagu xumeeyay? Sababta loo beegsanayo dugsiyada waa dagaal ka dhan ah diinta Islaamka.

Dad badan ayaa jiro oo lacag ku qaata in ay falkaas sameeyaan waxaana qaarkood lacagta loogu daraa in laga hor istaago xukun kasta oo laga gaari karo sida ay iisheegeen Xildhibaano ka tirsan guddiga xuquuqul Insaanka ee BFS.

Walaalayaal been ma ahan kufsi waa jiraa laakin uma jiro sida loo sheegayo. Fadlan ku baraaruga in dalka ka socdo dagaal weyn oo ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan.

Wararka ugu badan waxey sheegayaan inuu jiro xiriir ka dhaxeeyo wararka kufsiga iyo xeer baarlamaanka horyaalo oo ay gadaal ka riixayaan reer Galbeed.

Fadlan haka qeyb qaadan dagaalka lagula jiro barashada Qur’aanka iyo kalsooni darrada laga dhax abuurayo waalidiinta, ardayda iyo macalimiinta dugsiyada. Aad isaga hubi wararka kufsiga, haddii aadan adiga hubin haka hadlin

DALKA EDITORIAL

 

 

DOORKA CULUMADA EE HAGIDDA IYO HANUUNINTA DADWAYNAHA!!

Culumada Soomaaliyeed waligoodba waxa ay ahaayeen kuwa u taagan, hanuunin wax barista iyo wax u sheegista dadkooda, waxay ahaayeen hooyga kaliya ee logu soo hirto mararka ay bulshdu ay gasho xaalado qalafsan oo karaamadooda wax yeeli karta, isla markaana ay garan waayaan hannaankii ay uga bixi lahaayeen mugdiga kaga jiray hawl la xiriirta nolasha waana kuwa mar kasta ka xoreyn jiray jahliga iyo gumaysiga …. iwm.

Taariikhda inta la xusuusan yahay kaalin mug leh ayay buslshada Soomaaliyeed uga jireen Culumadu, Bal fiiri waagii gobanimo doonka iyo gumaysi la dirirka waxaa bulshada gar wadeen iyo hagayaal toosan u ahaa culumadii Soomaaliyeed ee xilligaas noolaa, iyaga oo u kala tilmaamaya waxa bulshada laga doonayo iyo kaalamaha laga rabo in ay ka geestaan waqtiyada culayska ba’an uu ku yimaado umadda intooda badan.

Sidoo kale cululumada waxay ahaayeen kuwa u kala gar­­­­­soora markay ay is qabtaan oo ay wax kala gaarto, isla markaana dadku ay iimaanka ku qabaan, si ay u dhan yihiina u qaatay wixii ay culumadooda guddoomiyaan.

Culumada ayaa ahaa kuwa dadka isu xalaaleeya oo isu guuriya ka dib markii ay lamaanayaasha soo wada heshiiyaan, iyaga ayaa marka isku dhac yimaada ka shaqeeyn jiray islaaxintooda iyo sii waarista wada jirkooda qoysaska Soomaaliyeed ee shaydaanku soo kala dhex galay.

Culumadu waxay inta badan ka shaqeeyn jireen Samaha maadaama ay yihiin indheer garadka iyo waxgaradka bulshada, midnimada iyo wada jirkooda, waxay xoogga saari jireen heshiisiinta qabaa’ilka xurguftu kala gaartay ee gacan ka hadalku uu dhex maray.

Haseyeeshee Qarnigii la soo dhaafay dabayaaqadiisii waxaa bulshada Soomaaliyeed ay u muuqdeen waqtiyadaasi kuwa ka go’doonsan bulshooyinka caalamka intiisa badan kama jirin culumo Soomaaliyeed kala qaybsanaanta maanta gudahooda ka muuqata, sababtuna waxay tahay Soomaalida oo looga soo duulay wadamada kale ee Carabta si loo meel mariyo qaar ka mid ah culumadooda madaahiibta dunida kale ee islaamka ka jirtay ee aan laga aqoon dalkeen, taas oo keentay maanta kala qaybsanaanta culumadeenii midaysnayd kala qoqobka ka muuqda maanta, ka dib markii qaar ka mid ah ay u baqooleen qaar ka mid wadamada Carabta oo loo soo xambaariyey madaahib aan dalkeena laga aqoon.

Nasiib wanaag dadkeena oo ah dad firfircoon oo jecel Diintooda iyo madahabkooda shaaficiga ah oo ay ku kalsoonyihiin waa la qaadsiin waayey madaahibtii qaarijiga ahayd ee laga soo waariday dalalka carabta intooda badan, lnkasta oo in yar oo bulshada ka mid ah la liqsiiyey suntaas argagaxisida maanta abuurtay iyaga oo ku andacoonaya in islaamkii aan haysan jirnay tan iyo markii uu nabiga noolaa NNKH ku tilmaamay Diin aan dhamaystirnayn oo bidca ah, loona baahan yahay in dadku ay mar kale qaataan isla diintii oo la soo cusboonaysiiyey.

Waxaan filayaa in maanta bulshada Soomaaliyeed u kala cadaadeen waxaas la sheegayo ayna u diyaarsan yihiin in ay ilaashadaan Diintooda iyaga oo aan laga dhaadhicin karin Diin cusub iyo mid duqoowday oo aan la jaan qaadi karin Soomaalida maanta, isla markaana Diintu ay tahay mid kaliya ee Bulsho isku hayn karta.

Taasna waxaa ka shaqaynaya maanta culumada wax garanaysa ee Soomaaliyeed, ee aan rabin in ay ku iibsadaan Diintooda xaniifka ah xogaa sandareerto ah oo Adduunyo ku mood ah, mana dhici doonto mar kale in laga raali noqdo danaystayaal ku soo duulaan diinteena Muqadaska ah ee aan ku soo caano maalnay.

Haddaba waxaa looga fadhiyaa Culumada ku shirsan Caasimadda inay cod mideysan uga soo horjeestaan Khawaarijta ku soo duushay Diinta, Dalka iyo Dadka intaba iyagoo banneestay Dhiigga Culumada iyo Caamada loogana haajiray baytkii Alle ee lagu Cinaadeysan jiray.

KHAWAARIIJ WAA KHEYR LAAWEYAAL EE YAAN LOO KALA DHARIN!!

Dalka edatorial

MEEL KASTA OO AADAME TAGEY AYAAN DARRO AYAA LAGA SOO SHEEGAYAA!

Hay’adda NASA ayaa sheegtey in meeraha dhulka ay ku dul wareegayaan, in ka badan 128 malyan oo ah jajab ka dhashey burburka aalado hore loogu direy hawada sare. Cibbirka walxahaan ayaa lagu qiyaasey in ay ka weyn yihiin 1mm, waxayna ku socdaan xawaare ka dheereeya xabadda.

Hugh Lewis oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacadda Southampton, ayaa shirkii Reer Yurub ee sanadkii 2009 lagaga hadley hawada sare iyo khataraha la xariira ka sheegey in 10-ka sano ee soo socota, jajabka dhulka ku wareegaya ay 50% kordhi doonaan, halka 50-ka sano ee socotana, ay afar laami doonaan.

Jajabka ka dhashey Burburka Dayax-gacmeedyo, gaadiidka lagu gaaro meereyaasha iyo aalado kale ayaa dul meeraya dhulka, waxayna abuurayaan khataro ku imaanaya dayax-gamceedyo ay ku xiran yihiin adeegyo badan oo dunida laga istimcaalo maanta.

Midoowgii Soviet-ka ayaa bishii Oktoober ee sanadkii 1957, sameeyey wixii dunidu u aragtey mucjisada ee ugu horreeyey, iyaga oo hawada sare u direy dayax-gamceedkii ugu horreeyey oo Aadame sameeyey, kaas oo lagu magacaabi jirey Sputnik1. Laga soo bilaabo, tijaabadii ugu horreeysey ee dayax-gamceed hawada sare loogu diro, ilaa maanta la joogo, waxaa sii kordhayey tirada dayac-gamceedyada, Gaadiidka (Spacecraft), iyo aaladaha kale ee loo dirayo hawada sare, waxayna si xowli ah u sii kordhinayaan jajabka ku dul meeraya dhulka.

Sanadkii 1996, dayax-gamceed uu lahaa dalka France, ayaa waxaa ku dhacey oo burburiyey jajab ka dhashey burburka Rocket uu lahaa isla dalkaas.

Sanadkii 2007, dayax-gamceed uu lahaa dalka China, kaas oo qaabilsanaa cimilada, balse laga maarmey, ayaa tijaabadii ugu horreysey oo burburin ah lagu sameeyey, waxaana dhacdadaas ka dhashey 3,500 jajab ah, kuwaas weli ku dul wareegaya dhulka.

Bishii Febraayo, sanadkii 2009, spacecraft uu lahaa dalka Ruushka, ayaa ku dhagey oo burburey dayax-gamceed uu lahaa dalka Mareykanka, waxaana shilkaas ka dhashey 2,300 oo jajab ah, kuwaas oo weli ku dul wareegaya dhulka.

Jajabkaan ayaa khatar gelinaya dayax-gamceedyada adeegyada bixiya iyo aaladaha kale ee dunidu u baahan tahey, kuwaas oo hadda ku jira hawada sare. Sidoo kale, waxay khatar gelin karaan dunida. Jajabkaan ayay qaarkood aad ugu soo dhowaanaya dhulka, waxayna ku wareegayaan una jiraan dhulka 1,200 miles, halka qaarna ku wareeganayaan meel dhulka u jirta 22,236 Miles.

Dalalka ku horreeya adeegsiga hawada, Sida USA, Russia, China, Japan, France, India iyo qaar kale, ayaa hadda ku mashquulsan sidii hawada looga cirib tiri lahaa ama looga yareyn lahaa walxaha jajabka ah ee khatarta ku ah socdaalka iyo adeegyada hawada sare.

United Nations Committee on the Peaceful Uses of Outer Space (COPUOS), ayaa sanadkii 2007, soo saarey habraac hagaya maareynta jajabka dul wareegaya dhulka, kaas oo dalkii doonaya uu isticmaali karo, isla markaana aan aheyn qasab. Sidoo kale guddigaan ayaa ka doodey sidii loo sameyn lahaa habraaca isticmaalka jidadka ama khadadka hawada sare.

Hay’adda Cilmi baarista hawada sare ee dalka India, ayaa sanadkii 2006, soo saartey hab lagu maareynayo jajabka ka dhalan kara Aaladaheeda ku jira hawada sare.

Dalka Mareynkanka ayaa sanadkii 2001, soo saarey, hab lagu maareynayo jajabka ku dul wareegaya dhulka, kaas oo ka koobnaa ilaa sedax heer oo ay ka mid ahaayeen; in la soo jiido ama la soo dejiyo aaladaha howlgabka ah, iyo in hawada sare laga sameeyo, goobo gaar ah oo lagu qubo aaladaha shaqada ka baxay. Dhammaan dadaaladaan oo jira, ayaa haddana, waxaa sii kordhaya walxaha jajabaka ah ee ku dul meeraya dhulka, kuwaas oo khatar gelin kara adeegyada hawada sare iyo nolosha dhulka.

Maareynta jajabka dul meeraya dhulka, waxaa ku hor go’an caqabo curyaaminaya dadaalada lagu yareynayo ama lagu ciribtirayo walxahaan;

A) Xog sax ah oo aan laga heyn jajabka dul meeraya dhulka ayaa ka mid ah caqabadaha. Xogo la hayo ayaa jira laakiin aan lagu kalsoonaanin karin, iyada oo la duri karo tayada xogta

B) Dalal qaar ayaan ogoleyn, in ay la qeybsadaan xogta kuwa kale, taas oo keeneysa, in aan la helin xog isku mid ah oo la xariirta jajabka dul meeraya dhulka

C) Adeegyada gaarka loo leeyahey (ganacsiga ah), oo aan si dhab ah uga qeyb qaadaneyn maareeynta jajabka dul meeraya dhulka, ayaa ka mid ah caqabadaha, waxaana loo sababeynayaa in ay ilaashanayaan danahooda ganacsiga, iyaga oo ka cararaya in ay u gacan galaan, shuruuc saameyneysa ganacsigooda iyo danahooda.

D) Dhibaatooyin saameyn kara deegaanka, taas oo haddii jajabkaas dhulka loo soo dejiyo, keeni karta in biyaha, carada iyo dhirtaba saameyn ku yeeshaan.

Laga soo bilaabo, markii dunida la keeney Nabi Aadam CS iyo Xaawo, gaar ahaan dhashii ay ka tageen, waxaa dunida ka socdey dhacdooyin Aadamuhu sabab u yahey, kuwaas oo khatar gelinaya noloshooda iyo mustaqbalkooda. Kutubta Alle soo dejiyey oo dhan ayaa uga digayey Aadamaha masiibooyin ay gacantooda ku keensadaan, waxaase meel kasta oo aadame ku nool yahey laga sii warinayaa ayaan darro iyo dhibaatooyin uu isagu sabab u yihiin.

Colaadaha, dhirta oo la xaalufiyo, buuraha oo la baabi’iyo, kiimikada badaha iyo wabiyada lagu shubo, hawada oo la wasaqeeyo, iyo qaar kale ayaa ka mid ah, dhibaatooyinka aadamuhu naftiisa u horseedo, waxayna hadda mareysaa in meeraha dhulka iyo meereyaasha kalaba carqalado laga abuuro.

Muddo fog ayaan maqli jirey, in ay jiraan dad dhibsadey fowdada dunida, kuwaas oo qorsheynayey in ay u guuraan meereyaasha kale, kana fogaadaan dhibta dhulka taala iyo Aadamaha kalaba, waxayse hadda ogaanayaan, in meel kasta oo Aadame cagto saarey ay carqalado iyo dhibaatooyin sii yaalaan.

WQ: Dr. Maxamed Aadan Koofi

Pakistaan:Pervez Musharaf oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta

Madaxweynihii hore ee Dalka Pakistan Pervez Musharaf ayaa la sheegay in uu ku dhintay Cisbitaal ku yaalla magaalada Dubai, ka dib markii uu xanuunsanaa in muddo ah .

Pervez Musharaf oo da’diisu aheyd 79 jir ayaa u dhintay xanuun haayey muddo dheer, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo militari oo u waramay Al Jazeera manta oo Axad ah.

Musharaf oo ahaa jeneraal ayaa Dalka Pakistan soo xukumay ku dhawaad toban sano kadib markii sanadkii 1999-kii uu xilkaasi kula wareegay afgambi aan dhiig ku daadan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Suudaan

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suudaan ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Suudaan Dr. Haytham Mohamed Ibrahim.

Kulanka Labada wasiir oo ahaa mid qaatey saacado badan laguna gorfeeyey xoojinta xiriiraka iyo horumarinta qeybaha Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ugu dambeyn waxaa kasoo baxay qodobadan muhiimka ah ee hoos ku xusuan.

1. In la xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Wasaaraddood

2. In la xaliyo caqabadaha ka taagan lacagta lagu soo rogay Ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jirta sanadkii ugu danbeeyay ee waxbarashada Caafimaadka( Internship)

3. In Soomaaliya laga taageero dhinacyada dhisidda iyo xoojinta qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wasaaradda
4. In Wasaaradda Caafimaadka dalka Suudaan ay usoo dirto Soomaaliya dhaqaatiir ka fulisa qaliimada kala duwan

5. In Soomaaliya laga taageero tababarada Shaqaalaha Caafimaadka qaybahooda kala duwan

6. In Hey’addaha Caafimaadka dalka Suudaan ay ka qayb qaataan dhismaha iyo xoojinta Hey’adaha Caafimaadka Soomaaliya, sida dhisidda golaha sare ee taqasusiga Caafimaadka, xoojinta iyo dardar gellinta shaqada goloha Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo dhamaystirka hey’adda Qaranka ee nidaam usamaynta Dawada.

Golaha sare ee Mihnadlayaasha Caafimaadka dalka Suudaan oo la aasaasay Sanadkii 1955 ayaa Guddoomiyahoodu aqbalay in booqasho rasmi ah uu ku iman doono Soomaaliya si golahaasi ay gacan uga geystaan tayeynta iyo howlgalinta qeybta Caafimaadka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta iyo horumarinta Caafimaadka Dalkeena si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u hellaan adeeg Caafimaad oo tayo sare leh isla markaana la gaarsiiyo goob kasto oo ka mid ah Dalkeena.