Wasaaradda qorshaynta oo dardar galinaysa hirgalinta tira-koobka Qaranka

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta Muqdisho ka daah furay shir lagu dardargalinayo qabashada tirakoobka Qaranka.

Wasiirka ayaa shegay in tirakoobku aad muhiim ugu yahay horumarka dalka iyo in laga fuliyo mashaariic waxtar leh, maadaama la ogaanayo tirada saxda ah ee bulshada soomaliyeed, taas oo lagu salaynayo qorsheynta bixinta adeegyadda dowladda.

Shirka oo ay qeyb ka ahaayen wasiirada wasaaradaha qorsheynta ee dowlad goboledyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka (Galmudug, Hirshabelle, Konfur Galbeed, Jubaland) iyo madaxa Hay’ada UNFPA Soomaaliya ayuu wasiirka ku booriyey wasiirada inay si mugleh uga qeyb qaataan qabashada tirakoobka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa uga mahadceliyay agaasimaha guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka mudane Sharmarke Faarax, Ku-xigeenka agaasimaha guud mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir Iyo dhammaan hawlwadeenada Hay’adda hawsha quruxda badan oo ay Qaranka u hayaan.

May be an image of 5 people, people standing and text that says "FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA SOMALIA NATIONAL BUREAU OF STATISTICS SHIRKA KATASHIGA DARDARGELINTA HIRGELINTA TIRAKOOBKA DALKA EE HEER WASIR MINISTERIAL CONS PC ATION HOUSI ENSUS (MPLE FOR ATION ce.o"

May be an image of 3 people, people standing, people sitting and indoor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.
Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.
Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.
Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.
Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jamac iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo.
May be an image of 7 people, people standing, people sitting and indoorMay be an image of 8 people, people sitting, people standing and indoor

Guddiga Beeraha ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Beeraha & Waraabka XFS

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda Beeraha & Waraabka XFS.
Shirka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga Xil. Mukhtaar Maxamed Guuleed ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanada Xubnaha ka ah guddiga ayaa wasaaradda loogu dhegeystay warbixin guud oo ku saabsan shaqada ay wasaaraddu uheyso bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beeraleyda ah ee ay sida gaarka ah umatasho.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Xil. Axmed Madoobe Nuunow oo guddiga warbixin guud ka siiyey shaqada wasaaradda ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey xubnaha guddiga wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhexeyso isagoo sidoo kale balan qaaday inay guddiga si dhow uwada shaqeyn doonaan iyagoo iska kaashan doono horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed iyo Suuq geynta wax soo saarka dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha guddiga ugu mahadceliyey wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay uhayaan shacabka Soomaaliyeed isagoo sidoo kale ka codsaday inay hab qoraal ahaan ugu soo gudbiyaan guddiga dhamaan waxyaabihii ay shirka uga wada hadleen si hawlaha korjoogteynta ee guddigu ugu fududaato.
Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo dad fadhiya
Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo dad fadhiya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Qatar ee Soomaaliya Mudane Dr.Abdollah bin salem Alnuaimi

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii Dowlada Qatar ay Baarlamaanka Galmudug uga taageeri laheyd mashruucyada hormarineed ee lagu tayeynaayo Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa safiirka qatar ka codsaday in Dowlada qatar ay gargaar gaarsiiyaan dadka kusugan Deegaanada Khawaarijta laga xoreeyay ee katirsan Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

Madaxweynaha jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo daddaal dheeri ah ku bixiyey ka miro dhalinta shirkan oo uu tiro laba jeer safar ku tegay magaaladda Baydhabo.

Madaxweyne Xasan ayaa u mahadceliyay shacabka Koonfur Galbeed dadaalka ay ka qateen in uu guullaysto shirka dib u heshiisiinta ee lagu soo gaba qabeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmamay in dhanka dowladda ay mar walba diyaar u tahay qabashada shirarka kan la midka ah si nabad waara loo helo, isagoona sheegay in dowladdu ay qaadaneyso kaalinteeda kaga aadan dhaqangalka waxyaabihii lagu heshiiyay ee shirka ka soo baxay, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida guud ee Dalka.

Wasiir dowlaha Amniga XFS oo uu wehliyo taliyaha ciidanka Booliiska ayaa xariga ka jaray Saldhiga degmada Waaberi oo dib u dhis lagu sameeyey

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo ku-xigeenadiisa ayaa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayay Saldhigga Cusub ee Degmada waabari oo lagu sameeyey dib u dhis casri ah.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale dhagax dhigay Qeybta baarista dambiya” CID-da”ciidanka Booliska Soomaaliyed oo lagu kordhinayo qeybo Cusub.

mashruuc lagu dhisayo qeybtan cusub ayaa waxa dowladda Soomaliya ka taageeraya dowladaha Ingiriiska iyo Germany.

Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta

12kii bishii May,2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan ku guuleysan kursiga madaxweyne, maalinkaa wuxuu weydiistay Baarlamaanka in ay codkooda siiyaan, wuxuuna balan qaaday inuu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab, waxna ka qabanayo amni-darada iyo dib u dhiska hey’addaha Dowladda.
“ Waxaan diiradda saari doonaa oo ugu horeeyo haddii uu Alle yiraahdo waa amniga, oo ah in dalka dib loo xorreeyo, lagana xoreeyo Khawaarijta, la isku furo waddooyinka magaalooyinka si ganacsiga iyo dadka si xor ah isaga kala gudbaan,” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii adkeynaya balanqaadkiisii ahaa ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab ayaa madaxtooyada qaranka kula kulmay dhammaan madaxda xukuumadda iyo dhammaan madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka,isaga oo go’aamiyay kulanka ka dib in ciqaab adag la marsiin doono kooxaha Khawaarijta arxanka daran, islamarkaana dowladda hadaf ka dhigatay dabar-goynta argagixisada.

“ Nin kasta oo Shabaab ah waa hadaf,ciidan kasta oo Shabaab ah waa hadaf, qof kasta oo Shabaab ah waa hadaf, sida dadka Soomaaliyeed ay hadaf uga dhigteen u dilayaan iyaguna waa hadaf, agtooda ha ku dhaawacmin hana ku dhiman ka fogow, waala duqeynaa, waa lala diriraa, waa lagu duulaa, waa laga dul degaa, wax walba oo dagaal ku furan yahay ayaa ku furan Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

Mudo kooban waxa ku hirgalay go’aanka madaxweynaha, waxaa dagaal toos ah lagu qaaday goobihii ay ku joogeen Khawaarijta, ciidamada qaranka oo kaashanaya xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa wiiqay awooddii Al-shabaab ee naf-lacaariga ahaa.
“ Magacii Soomaaliya ayaa soo celiseen, kii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed soo celiseen, kiiniyaa soo celiseen, waana idin kaga mahadcelineynaa, ma lihin waajibkoodi ayuu ahaaye mahad iyo bogaadin iyo waxaad mudan tihiin abaalmarin intaba,”.

Howlgalkii ugu adkaa ayaa ka dhacay Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ahaa meelihii ugu adkaa ee Khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaana dagaalladaas lagu gaarsiiyay Khasaaro culus, waxaa la dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta badan oo muddo sanado ah deegaannadaas ku gambanayay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa xilligaas jeediyay war farxad leh oo ku aaddanaa in Khawaarijtaas ay ku jabeen howlgalladii lagu qaaday.
“ Wallaahi, Billaahi, Tallaahi, waa aniga idin dhaartee Shabaab waa bur buray, qofkii dullinimo ku noolaan lahaa iyo qofkii xoriyad ku noolaan lahaa Shabaab waa bur buray, annaa idin sheegayee, waa bur buray, Shabaab waa tegey, war qof walbow markaa haka cararin waxaadan hubin,”.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, wuxuu soo jeediyay Bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood madaxa la qaadi la’aa cabsida ay ka qabeen dhagar qabayaasha Al-shabaab ee dhiiggooda banneystay.

Waxaa xusid mudneyd,in furimaha dagaalka ay soo buux dhaafiyay kumannaan naftood huriyaal ah oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-shabaab, iyagoo aan la gambaneyn garab istaagooda isugu jira naf iyo maal.

Odayaasha iyo hoggaanka dhaqanka ayaa ahaa hormuudka ka soo muuqday furimaha hore ee dagaalka, kuwaas oo qaarkood ku Shihiiday sidii Khawaarijta looga dul qaadi lahaa shacabka.“ Waxaan u sheegayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan dagaalkaas socda, nimankan dalka,dadka iyo Diinta ku soo duulay, in meel looga soo wada jeesto, oo aanay maqlin hadalkood, hadalkooda wuxuu daaran yahay dibiga cad ayaan rabaa ee dibiga madoow ma rabo, waxaan idin sheegayaa in doon la isla saaran yahay,” ayaa lagu xusuustaa Alle ha u naxariistee Nabadoon cilmi Hagar ( Nabadoonkii qorriga u qaatay in dalka laga xorreeyo khawaariijta Al-shabaab).

Shihiid Hibaad Cali Dasar ayaa yiri “ Annagoo ah dad rayid oo ku nool tuulo hoostaga degmada Aadan-Yabaal oo la yiraahdo Guulane, waxaa nagu kalifay 8-sano ayaa wadanku naga kireysnaa intaas maal ayaan bixin jirnay, waxay noola yimaadeen in kiradii ay badiyeen, in la bixiyo maal waxay nagu geysay in nala yiraahdo dadkiina keenna carruurtiina, gabdhihiina iyo wiilashiina keenna,
Mid ka mid ah dad xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa ku ammaanay dowladda federaalka sida ay ugu garab istaagtay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa yiri “Dowladda waa na garab istaagtay, waa noo waabisay, waa kala raacdeysay, waana leysay annaguna waa dhaawac tirnay,dowladda in badan ayay ku mahadsan tahay”.

Iskaashiga ciidanka qaranka iyo Bulshada hareeraha ka joogta ayaa sahlay in maleeshiyada Al-shabaab laga nadiifiyo degmooyinka iyo deegannadii ugu badnaa ee dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna dowladda federaalka hadda isku diyaarineysa howlgalka wejigiisa labaad oo ka bilaaban doona deegaannada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray halganka dib u xorreynta dalka.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku suntan isla xisaabtam iyo waxqabad, waxayna noqotay mid dhageysata dadkeeda, dhabaha dimuqradiyadda waxaa saldhig u ah Somali heshiis ah dunidana heshiis la ah,”.

Khawaarijta iyo Sifaadkooda

Qormadan gaaban waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay in looga digo qataraha iyo dhaqamada qalifsan ee Khawaarijta ay leedahay. Maadaama ay  maanta ummadda Soomaaliyeed dhibane u tahay dhibaateyn joogto ah oo ay ku hayaan kooxda khawaarijta, waa muhiim in laga digo dhibaatada iyo cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (SCW) ee toosan iyo kitaabkii Alle (SWT). Kuwaas culimada islaamka ay tilmaamtay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (SWT).

Marka laga hadlayo khawaarijta iyo magacyadooda wey fara badan yihiin  balse hadduu Alle ogolaado waxaan ka tilmaami doonaa wixii Alle (SWT) ina waafajiyo si aan u gaarsiino ummadda soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah ee khawaarijtu maanta banaaneysteen dhiigooda, maalkooda, iyo waliba sharafkooda, si ay uga foojignaadaan dhibaatada iyo hagardaamada joogtada ah ee ay ku hayaan kuwa usoo xirtay shaatiga diimeed si ay u qaldaan umadda Soomaaliyeed una xalaaleystaan naftooda iyo xoolahooda.

Khawaarijta iyo dhibaatooyinkeeda lidka ku ah diinta Islaamka iyo muslimiinta ma ahan wax hadda uun soo bilowday, horey ayey u jirtay dunidana usoo martay, horey waxay usoo laayeen qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka kuwooda ugu waaweynaa uguna fadli badnaa, sida Cusmaan bin cafaan iyo SayidCali Ilaahay haka wada raali noqdee oo la ogyahay qiimaha ay lahaayeen iyagoo kamid ahaa afartii khulafaa u raashidiin, islamarkaasna safka hore kaga jiray tobankii saxaabi ee iyagoo nool jannada loogu bishaareeyey, waxaa intaa ka daran khawaarijtu waxay aaminsaneyd in dilkooda Alle ugu dhawaanayaan!.

Qofka markuu maankiisu meel baas u jaheysto waa majnuun aan waxba kala ogeyn, muslimbaa dilayaa, maalkiisan dhacayaa, maatadan laynayaa, marasta iyo masaakiinta ayan xasuuqayaa, dilkooda ayan ilaahay ugu dhawaanayaa waa waxyaabo aan ku fakiri karin ruux Islaamnimo iska daaye xitaa Insaannimo ku jirto, dhaqannimada noocaas ah waxaa ku sifoobay oo astaan u ah khawaarijta.

Sida magacooda laga dareemayo khawaarij waa ruuxa banaanka ka joogo diinta Islaamka oo wax shuqul ah ku laheyn dhaqan islaam, marka aad u fiirsatid dhaqamadooda waa dareemi kartaa waayo waxa ay sameenayaan iyo ficilladooda  waa wax liddi ku ah islaamnimada iyo xitaa bin aadannimada, midaas waxaa daliil u ah waxyaabaha ay maanta ku sameynayaan umadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah, ficillada qurracan ee ay khawaarijtu ku kacaan waxay muujinaysaa inaysan wax diin ah shaqo ku laheyn wadankana aysan dan ka laheyn, waxaa kaloo kuu soo baxaya inay yihiin dad fulinaya ajandayaal dibadda looga soo dhiibay oo iyagana ay yihiin waa kuwa soomaalinimada sheeganaye kuwo u shaqeeya cadow soomaaliyeed oo isu baheystay bur burinta dalka Soomaaliyeed iyagoo uga faa’ideystay kala daadsanaantii dadka soomaaliyeed ee sababta u aheyd qara jabkii ku dhacay soomaaliya.

Warka kusaabsan khawaarijta marka aad fiiriso waxaad fahamaysaa oo taariikhda ku cad khawaarijta koox ahaan waa kuwo soo jiray waqti hore oo saxaabadi rasuulka SCW soo wada dagaalameen, tilmaamahooda Nabiga (SCW) uu sii sheegay kooxda Cali ibn Abii Taalib uu la dagaalamay ee khawaarijta ihina waa (muxalu ijmaac) waana (nas) wixii iyaga ka dambeeyay ee sifaadkooda wax kamid ah laga helay in khawaarij xukunkooda la siiyo waa (ijtihaadi).  Waa qadiya ijtihaadiya waaye, laakiin qolodaan hore inay khawaarij yihiin (nas) bay ahayd. Maxaa yeelay astaantii Cali ibn Abii Taalib Nabiga SCW u sheegay, sideedii baa loo helay markii la laayay kadib oo dagaalkii dhamaaday buu Cali wuxuu ku yiri:

‘’Ninka noocaas ah hala soo raadiyo, ninkaan idin sheegay ee astaantaa lahaa hala soo raadiyo.’’Waa la tagay niman meykoodi aad u badan baa la dhax maray waa la soo waayay. Markaasuu (Cali) yiri: Ilaahay baan ku dhaartayee [maa kadabtu walaa kudibtu]. ‘’Ilaahay baan ku dhaartee anne been ma sheegin, Nabi Maxammadna been iima sheegin.’’Arintu xaqiiqa jirto weeye dib ugu noqdoo soo baara! Waa la raadiyay, waxaa loo tagay ninkii oo dhowr nin oo dhintay ay kor saaran yihiin oo hoostooda ku jira oo meyd ah, nimankii baa laga kor qaaday isagii baa la soo bixiyay, mise calaamadii iyo astaantii  Nabigu tilmaamay waa sideedii.

Markaas Cali ibn Abii Taalib (rc) wuxuu yiri: ‘’Ilaahay run buu sheegay, Rasuulkiisuna run buu sheegay.’’Taa marka waxay cadeyneysaa kooxdaas in ay yihiin kuwo aan laysku khilaafsanayn oo la dagaalankoodana waajib yahay nas iyo ijmaacba ku cad. Xiliga ay soo baxeena waa lasheegnay dhaqamadoodana waa la tilmaamay, afkaartooda iyo Mabaadi’dooda iyo Sifaadkooda waana sida kuwa maanta jooga ka muuqato Alle ummadda haka qabte.

Waxa aan wax ka tilmaamaynaa qaar ka mid ahAfkaartooda, Mabaadi’dooda iyo Sifaadkooda:Sida laysku waafaqsantahay, khawaarijitu qaas kuma ahayn qolodii hore ee aan kasoo sheekeynay ee cid kasta oo sifaadkooda laga helo waxay qaadanayaan xukunkii khawaarijta. Inay jiri doonaan waa la tilmaamay ilaa kan ugu dambeeya ama gadaashooda uu ka soo baxo (Dajjaal).

Sifaadka lagu garan karo KhawaarijtaWaxaad u baahan tahay marka inaad ogaato maadaama ay jiri doonaan, fikirkuna jiro siina jiri doono, soona jiray, waxaa u baahan tahay inaad ogaato lagu siiyo Sifaadka ay leeyihiin oo aad ku aqoonsan karto khawaarijta ama fikirkaan qaloocan sifaadka aad ku garan karto iyo (Usuusha) uu leeyahay. Miizaanka markaad qaadato adiga oon cidina kuu sheegin baad leedahay Alleylahee kuwaasi sifaadkii bey leeyihiin. Sidaa daraadeed aad bey muhiim u tahay Manaahij toodii, Usuushoodii iyo Sifaad koodaba in la barto.

Sifaadka khawaarijta lagu aqoonsan karo waxaa ka mid ah:In dadka lagu gaaleeysiiyo oo diinta lagaga saaro [dadka muslimiinta] ah waxaan gaalnimo keeneynin.Miizaanka sharciga marka la saaro waxaan uu ruuxa ku gaaloobeeynin oo diinta kaga baxaynin ayay dadka diinta kaga saarayaan, oo (Ridda) ugu xukumaan.

Dadka waxay ku gaaleeysiiyaan waxaan gaal nimo keeneynin miizaanka sharciga.Dambiyada waaweeyn baa ka mid ah, oon gaal nimada gaarsiisneyn sida: ZinadaKhamrada iwm

Wuxuu noqon karaa inay shey waajib ah oo diintaba waajib ka dhigtay iyagu intay gaal nimo u qaataan dadka diinta kaga saaraan. Sida in heshiis la galo oo dhiiga muslimiinta la baajiyo ama [mustaxab] buu ahaa ama waajib buu ahaa, iyaguna waxay ka dhigeen in heshiis la galo wax lagu gaaloobo sida horay u dhacday walina lasoo taagan yihiin. Miizaanka (shareecada) marka la fiiriyana arrinkaas (heshiiska) waa waajib ama waa mustaxab.

Waxaa ka mid ah mathalan: mar marka qaarkood waxyaalo iska banaan oo (mubaax ah) ah, baa dhici karta inay dadka ku gaaleeysiiyaan.

Waxaa dhici karta in dadka ku gaaleeysiiyaan, masaa’il:

Salafka aktooda, Saxaabada aktooda iyo Aimatul sunnah midna Masaa’il ijtihaadi oo khilaafi ah, masaa’il aragtida culimada ku kala gedisan yihiin (ijtihaadi) ah ijtihaad keeduna uu (saa’iq) yahay in dadka lagu gaaleeysiiyo madhicin, dhaqanka aragti isku gaalaysiinta waa fikir iyo dhaqan khawaarij.

Waxaa soo galaaya dadka culimada ee (muta awwiliinta) ah (ta’wiil saa’iq) ah oo khilaaf saa ugu dhacay in la gaaleeysiiyo (ta’wiilkoodana) waxba laga soo qaadi waayo waa dhaqan ay ku sifoobeen khawaarijta. Marka in la yiraahdo un dunuubta waaweeyn bey dadka ku gaaleeysiiyaan ma ehee sida saxda ah waxay dadka ku gaaleeysiiyaan, waxaan dembiba ahayn bal laga yaabo inuu mubaax yahay, bal laga yaabo inuu waajib yahay. Iyaga caqli yaradoodii, faham yaradoodii iyo cilmi yaradooda, intay si kale u qaataan bey intaa ku ekaan maayaan, waxay ka ratibaayaan inay dadka ku gaaleeysiiyaan diinta kaga saaraan.

Markay dadkaana gaaleeysiyaan waxay ula dhaqmaayaan marka (axkaamtii) gaalada bey siinayaan waxayna leeyihiin: Daartooda waa daar gaalo Mucaamaladooda waa mucaamalo gaalo Waa lala dagaalamaya Dhiigooda waa banaan yahay

Asal waxaa u ah xadiithkii  Nabiga SCW ee ninkii  (Dhu’l-Khuwaysirah) markuu u yimid naga uu ku yiri: ‘’Maxammadoow cadaalad samee, cadaalad maadan sameynin.’’Nabi Maxammad wuxuu sameeyay sow cadaalad ma ahayn, ma shaki baa idin kaga jira, cadaaladii waajibka ahayd bey ahayd.

Cadaaladii waajibka ahayd miizaanka shareecada marka la saaro baa isaga la qaloocatay ninkan nabiga ku dhahayo cadaalad samee, markaasuu bilaabay inuu Nabiga scw cadaaladiisu ku inkiro, uma haysto markaa oggow, hadalka Nabiga ku dhahayo inuu ku gaaloobayo diintana kaga baxaayo, waa dambi weyn oo uu ku gaaloobayo ma ehee mas’aladu waa fahamka ayaa la qaloocday ninkan (Dhu’l-Khuwaysirah) ah . Shey waajib ah buu u qaatay qalad kadibna wuxuu bilaabay Nabiga inuu ku inkiro bilaabay.

Sheekhul Islaam Ibnu Tayymiyah (rc) [towjiiha] noocaas ah markuu ka hadlaayo, hadal noocaas oo aad u qiimo badan buu leeyahay, uu leeyahay:

Khawaarijta markuu ka hadlaayay laba qaas oo caan ah bey leeyihiin buu yiri oo muslimiinta intooda kale iyo (Aimadooda) ay kaga baxeen.

Tan koowaad waxa weeyeen buu yiri: Inay jidkii (dariiqadii) sunnada ka baxaan, Waxaan xumaan ahayna bay xumaan ka dhigaan. Waxaan wanaag ahayna wanaag bay ka dhigaan.Waana midday Nabiga hortiisa ka muujiyeen buu yiri oo ninkaa [Dhu’l-Khuwaysirah at-Tamiimi] uu nabiga hortiisa ka muujiyay markuu ku yiri:

(Icdil itaqillaah) Iicdil fa inaka lam tacdil) Cadaalad samee Ilaah ka cabso adiga cadaalad maadan sameyne.

Ninkan nabiga sidaa ku leh fakirkiisa ayaa la qaloocday ee nabigu wuxuu sameeyey cadaalad middii ugu fiicneyd nabi Maxamed NNKH ma ahan qof cadaalad loo sheegayo.

Khawaarijtu waa qolo fakirkooda qaloocday, aragtidoodaas qaldan ee habowsan ayeyna rabaan inay dadka qasab uga dhaadhiciyaan ee wax diin ah oo shaqo ku leeyihiin ma jirto. waxaase Ilaah mahadiis ah in hadda la wada fahmay shacabka soomaaliyeed ee waqtiga dheer dhibatada y ku hayeen ay hadda ogaadeen inay waxay wadaan ay been yihiin iyagoo bilaabay inay kasoo horjeystaan islamarkaana iska dhicinayaan, iyagoo laga xureeyey degmooyin iyo deegaano fara badan oo horey umadda uga dhibaateynayeen, kadib kolkii ay u midoobeen dowlad iyo shacab iyadoo culumadiina ay cadeeyeen in khawaarijtu lala galo dagaal laysaga dhicinayo iyagoo cadeeyey in dagaalkoodu uu yahay jahaad qofkii dilo uu ajar ka helayo kii ay dilaana ahlu janno uu yahay.

dalka edatorial

 

 

 

 

MADAXWEYNAHA OO DADAAL GALINAAYO CIRIBTIRKA KHAWAARIJTA

Dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mahamuuud ayaa shaqadiisa kowaad waxa uu Ka dhigtay ciribtirka kooxda khawaarijta Alshabaab oo dhibaato xooggan ku haayey muddo 15sano ah.

Madaxweynaha, Raiisal wasaaraha ayaa Ka go an soo afjarida kooxaha khawaarijta Alshabaab ayaga oo Ciidmada xoogga dalka iyo dadka deekaanka ku booriya ciribtirka arxan laawayaasha ah kuwaa oo bulshada Soomaaliyeed xasuuq ba’ an u geestay Haldoor, Aqoonyahano, dhalinyaro,haween iyo caruur.

15kii sano ee lasoo dhaafay kooxaha khawaarijta ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku haayeen dhibaato xooggan sida dilal arxan daro ah , qaraxyo joogta ah , dhaca iyo boobka hantida dadweynaha taasina waxa ay keentay in bulshadii Soomaaliyeed ay xanuunkii dareemeen oo ay Ka keceen xanuunkaas taasina waxa ay keentay in dowladdu ay bulshada Soomaaliyeed ku garab istaagto la dagaalanka khawaarijta.

Dadka shacabka oo kaa shanaayo Ciidmada Dowladda ayaa deegaano badan Ka xureeyey koooxda khawaarijta

Sidoo kale Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayaa  bilaabay baarujinta Shacabka sida ay iskaga dhicin la haayeen kooxda khawaarijta sidoo kalena dowladdu ayaa bilowday culimada in ay isku keento oo go aano mideysan oo looga soo horjeedo khawaarijta ay soo sareen taasina waxay bar bilow u tahay in bulshadii , ganacsatadii , culimadii ay ku dhiiradaan ladagaalanka fikirka xagjirka ah ee kooxda khawaarijta Alshabaab.

Kooxaha khawaarijta ayaa ah kuwa gabalkooda sii dhacaayo sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku haayeen dhib aad u weyn taasina waxa ay keentay kacdoon dadweyne oo deegaano badan laga xureeyey kooxaha khawaarijta ah ee gabalkooda sii dhacaayo.

Dowladdu waxaa looga baahan yahay sii wadida baraarujinta shacabka Soomaaliyeed ee heeganka u ah iska dhicinta kooxaha arxanka daran ee khawaarijta ee dhiigya cabta oo aan u naxeyn dad iyo dalba dowladdu dhiirigalin joogta ah, dagaalka oo lagu sii xanuunjiyo, dhaqaalaha oo laga cunaqabteeyo taasina waxa ay keeneysaa in marba marka kasii danbeysa ay bulshada Soomaaliyeed ku dhiiradaan af iyo adinba in ay iskaga dhicyaan kooxaha khawaarijta.

Wargeyska Dalka.

Guddoomiye Madaale oo dhagax dhigay dhismaha Buundo ay isaga gudbi doonaan dadweynaha ku nool Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo Buundo ay isaga gudbi doonan bulshada degan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, taas oo laga hirgalin doono waddada Buula-Xuubey ee Degmada Wadajir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaallo lagu hormarinayo Casimaada, si ay ula tartanto Caasimadaha adduunka.