Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

ilaa 284 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga,islamarkaana ay ku dhaawacmeyn in ka badan 2300 halka sidoo kale 200 oo qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,kadib kolkii Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 uu dumiyay dhismayaal badan oo ku yaalla koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Wasaaradda caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in in Ilaa 237 qof ay dhimatay, 639 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee ka dhacay dalka Suuriya, sida uu telefishinka qaranka u sheegay kaaliyaha wasiirka caafimaadka Axmed Dhamiriyeh.

Dhanka Waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan kooxaha difaaca madaniga , ayaa la soo sheegayaa in xaaladda gobolkaasi ay tahay mid Qatar ah, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinku dumay.

Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

Ugu yaraan 76 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga, halka sidoo kale 200 oo qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,kadib kolkii Dhulgariir xoogan oo cabirkiisu yahay 7.8 uu dumiyay dhismayaal badan oo ku yaalla koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Wasaaradda caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in in Ilaa 237 qof ay dhimatay, 639 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee ka dhacay dalka Suuriya, sida uu telefishinka qaranka u sheegay kaaliyaha wasiirka caafimaadka Axmed Dhamiriyeh.

Dhanka Waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan kooxaha difaaca madaniga , ayaa la soo sheegayaa in xaaladda gobolkaasi ay tahay mid Qatar ah, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinku dumay.

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ahaa kaa goordhaw ka furmayo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in uu Maanta jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana ajandayaasha Maanta kulanka ay yihiin:.

  1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
  2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Korantada

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa la filayaa in kulanka maanta ku ansixiyaan Hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Korantada oo maalmihii la soo dhaafay xilidhibaanadu dood adag ka yeesheen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay xafladda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta koofur galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xafladda Xiritaanka Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Dowlad-goboleedka KGS.

Mas’uuliyiin isugu jiray Odayaal dhaqameed, wasiiro, Xildhibaano iyo Bulshada rayidka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ugu mahadceliyay siduu u maareeyay islamarkaana ku soo dhammeeyeen isfahan iyo wadajir si loo gaaro Koonfur Galbeed oo mid ah, madaxda dhammaantood ayaa waxay tilmaameen inta uu socday Shirka labada dhinacba ay muujiyeen xasilooni iyo degannaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo Hormuud u ahaa gogoshii ka fidsaneyd Baydhabo oo uu caawa si rasmi ah u soo xiray ayuu uga mahadceliyay qofkastoo ka shaqeeyay una dulqaatay inuu si nabad iyo xasilooni leh uu ku soo dhammaado Shirka dib u heshiisiinta KGS, isagoo xusay inta uu Shirka socday lala kulmay caqabado kala duwan, kuwaas oo uu sheegay in dhammaan culeyskaasi la xaliyay laguna soo gabagabeeyay jawi wanaagsan.

SAAMAYNTA HAL KU DHIGGII MADAXWEYNAHA GUDAHA IYO DIBADDABA!!

Waxaan shaki ku jirin halku dhiggii Madaxweyne Xasan Sheekh  ee ahaa “Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah” uu Gudaha Dalka iyo dibadiisaba ka hirgalay, taasna waxaan daliil kaa dhigayaa haddii aad daliil iga waydiiso arimahaan hoos ku tibaaxan.

Marka hore haddii aan ka faaloono gudaha dalka halku dhigga Madaxweynaha si wanaagsan oo mucjiso oo kale ah ayuu uga dhaqan galay—Bal fiiri sida ay isula jaanqaadeen dawladda dhexe iyo Maamul gobolayda dalka ka jira, mar kasta oo arin daacad laga noqdo isla markaana la helo hogaan daacad ah waxaa si Owtumaatik ah loo arkaa wada shaqaynta oo hagaagta, isla markaan kalsooni wayn oo abuuranta, taas oo iyadana sii dhasha midnimo guud oo ka dhalata, meeshana ka baxdo farqiyada yaryar ee lagu kala duwanaa.

Waxaa maanta iska cad oo aan caad saarnayn isla jaanqaadka Dawladda federaalka ah iyo iyo maamul goboleedyada in ay keentay dib u xuraynta goobo badan oo dalka ka mid ah iyada oo si wanaagsan looga dulqaaday heeryadii ay khawaarijtu dul saareen 15 sano ka hor iyaga oo argagaxisadu dhac dil iyo xarig aan kala joogsi lahayn iskugu dartay dadkii ay awooda aan jirin ku haysteen.

Sideedaba argagaxisada meelaha ay haysteen waxay ku qabsadeen isku diridda beelaha goobahaasi ku nool, iyaga oo ku dhaqmayey mabd’a xaaraanta ah ee ku dhisnaa isku dir dadka markii ay tabardareeyaana xukun adag dul dhig iyaga oo aan ku dareemin, taasna waxaa meesha ka saartay halkudheggii Madaxweynaha Umadda oo shacabka soomaaliyeed u kala tilmaantay in heshiiska soomaalida iyo midnimadooda looga adkaan karo cadawga dulaystay.

Iyada oo taas laga duulay isla markaana abaal looga haayo aragtidaas waxaa meesha laga saaray argagaxisadii, waxaana la xaqiijiyey goobo badan oo ka mid ah hirshabeele, galmudug iyo goobo kale oo fara badan, waxaana maanta u cadaaday dadka soomaaliyeed in la iska celin karo xoogna loo sheegan karo argagaxisada oo riyoon jirtay in ay waligood dul saarnaanayaan umadda soomaaliyeed isla markaana ay gabaad uga heli karaan dalkeena argagaxisda kale ee dalalkoodii laga soo cayriyey ee iska dhaadhiciyey in ay nololoshooda baaqi ku sii ahaan karto dalkeena.

Dhinaca kale haddii aan ka eegno halku dhigga madaxweynaha dhinaca dibadda waxaa la xaqiijiyey in caasimadda muqdisho usbuuc ka hor ay isugu yimaadaan hogaamiyayaasha wadamada safka hore loo yaqaan sida Ethopia, kiinya, Jabuuti waxaana garwadeen shirkaasi ka ahaan madaxweyne Xasan sheikh Max’uud.

Waxaa la isla gartay shirkaasi in iyada oo aan loo turin Argagaxisada si wada jir ah looga xaaqo dalka Soomaaliya isla markaasna ay wadamadaas xuduudahooda ka ilaashadaan firxadka argagaxisida ee naftooda la cararayo.

Si kastaa arintu ha ahaatee waxaa lama huraan ah in argagaxisda laga dhameey Geeska Africa guud ahaan gaar ahaana dalka soomaaliya oo sando ay u afduubnaayeen argagaxisdaas arxanka daran ee waqtigaas aadka u dheer ay dadkeena u afduubnaayeen.

Dalka Edatorial

 

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo shir guddoomiyay kulan la xiriira xog aruurin iyo wada tashi dad wayne

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow ayaa shir-gudoomiyay maanta kulan la xiriira xog-aruurin iyo wadatashi dadweyne oo ku saabsan mashruuca xoojinta adkaysiga hanaanka wax soosaarka Cunada Soomaaliya ee loo yaqaano ” Somali-food Systems Resilience Project ( S-FSRP)”

Mashruucaan oo ay si wa dajir ah u fulin-doonaan Wasaarada Beeraha iyo Xananada Xoolaha DFS ayaa waxaa maal-galinaya Bankiga aduunka, Waxaana uu noqon doonaa mashruucii ugu baaxada waynaa ee ka shaqaynaya yaraynta hubaati la’aan Cuntada Soomaaliya.

Wasiir Axmed Baashi oo ka hadlay shirka ayaa ku booriyay howl-wadaneenada mashruuca dadaalkooda shaqo, Waxaana uu xusay ahmiyada ay Soomaaliya u leedahay waqtigaan xaqiijinta Qorshe Qaran oo la xiriira hiigsiga helitaanka sugnaan cunto iyo waxsoosaar mug wayn sanadka 2023-2024.

 

   

Danjiraha Soomaaliya ee dalalka Ciraaq iyo Lubnaan oo la kulmay madaxweynaha Ciraaq

Danjiraha Jamhuuriyadda FS u fadhiya dalalka Ciraaq Libaan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo lataliyaha 1-aad ee arrimaha siyaasadda mudane Cabdifataax Sheekh Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Ciraaq, iyadoo lagu qaabilay qasriga madaxtooyada.

Danjiraha ayaa salaan iyo hambalyo uu ka siday madaxweynaha JFS Dr Xassan Sheekh Maxamuud u gudbiyay madaxweynaha Ciraaq Dr Cabdiladhiif Jamaal, isagoo warbixin kooban ka siiyey xaaladihii u danbeeyey ee dalka iyo arrimaha hortabinta u leh xukuumadda ee dhameeystirka dadaaladda dalka looga xorreynayo Khawaarijta, deyn cafinta iyo dhameystirka Dstuurka dalka.

Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya iyo Ciraaq ka dhaxeeyo xariir walaaltinimo oo qoto dheer, sidaa darteedna lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo xariirkaas, dibna loo cusbooneysiiyo heshiisyadii hore, gaar ahaana iskaashiga dhaqaalaha oo uu ugu horeeyo mashruucii Ciraaqsom ee sifeeynta betroolka iyo kii maalgashiga beeraha, kaluumeysiga iyo xoolah ee labada dal kala saxiixdeen 1981.

Danjiraha ayaa uga mahadcelyey Ciraaq cafinta deeyntii ay ku laheyd Soomaaliya, asigoo ka codsaday in inta hartayna ay cafiyaan.

Dhanka iskaashiga amniga ayuu ka codsaday in Ciraaq ka caawiso Soomaaliya dagaalka dib u xoreeynta ee ka dhanka ah khawaarijta iyo in madaxweynaha Ciraaq booqdo Soomaaliya, maadaama uu Soomaaliya ku noolaan jiray todobaatameeyadii, isagoo dalabkaasi uu soo dhaweeyay.

Dhankiisa madaxweynaha Ciraaq ayaa salaan iyo bogaadin u soo gudbiyey Dhigiisa Soomaaliya, asigoo ugu hambalyeeyay guulaha Sooomaaliya ka gaartay ladagaalanka khawaarijta, sidoo kalena balan qaaday in Ciraaq ka caawin doonto Soomaaliya dhanka amniga deyn cafinta iyo dib u soo celinta safaarddii iyo masaariicdii Ciraaq ku laheeyd Soomaliya waqti dhaw.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah waraaqahaa Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee Turkiga H.E Ibrahim Mete Yogli.

“Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo dhinacyo badan leh oo ku dhisan is-qadarin iyo Iskaashi, waxaanna ka  rajaynayaa danjiraha cusub inuu kor usii qaado xiriirkaas wanaagsan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

   

Jubbaland oo wada dardar galinta Howlgal Khawaarijta looga xorreynayo deegaannada Maamulkaasi

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal iyo Saraakiil ciidan  ayaa maanta gaaray Taliska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ee deegaanka Buulo-gaduud.

Wefdiga ayaa waxaa ka qeyb ahaa Taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka,  waxaana uu kala hadlay adkeynta Amniga, diyaar garowga howlgalada Khawaariijta looga xorreynayo deegaannada Maamulkaasi.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa soo kormeeray dhismaha waddo cusub ay Jubbaland ka hirgelineyso inta u dhaxeysa  Deegaanada Buulogaduud iyo Jannaa Cabdlle  oo dhowaan laga xoreeyay khawaariijta.

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad taagan, dareeska ciidanka iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan iyo dareeska ciidanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya isagoo ku dhiirigaliyey Bangiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara islamarkaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bangiga Adduunka waxay balan qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya Dowladda Soomaliya iyo Bangiga, gaar ahaan qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bangiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeee ee ka shaqeeya Bangiga kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

May be an image of 2 people and indoor

May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 2 people, people standing, people sitting and indoor

May be an image of 4 people, people standing, suit and indoor