Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi u diray Dowladda & Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Dowladda iyo Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo dowladda Turkiga uga tacsiyeynayaa dhulgariirkii ka dhacay Kahramanmaraş oo laga dareemay gobollo badan oo Turkiga ah,Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 kaa oo sababay dhimashada in ku dhow lix boqol oo ruux oo ku kala sugnaa koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Madaxweynaha puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkameda Ciidamada Qalabka sida

Garawe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta  Wareegto ka soo baxaday xafiiskiisa ku magacaabay G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed Guddoomiyaha Maxkameda Ciidamada Qalabka sida

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shirka Amniga oo lagu soo bandhigay tallaabooyin la xiriira ka hortagga maalgelinta khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay. Waxuuna faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ahmiyadda koowaad siinayso dib-u-xoraynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, isagoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida.

      

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka

Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo kulan  kuleh Xarunta Villa Hargeysa yaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka {NISA} oo maalmihii la soo dhaafay goluhu ka doodayay.

144 xildhibaan ayaa haa u codeysay, sedax ayaa ka aamustay, hal xildhibaane waa diidyay.

Xildhibannada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay ansixiyaan  Hindise Sharciyeedka Korantada oo isna ay xildhibaandu maanta Akhrinta 3-aad ay marsiinayaan,kadibna la filayo in ay cod u qaadaa

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulamay Hoggaamada iyo Fadhiyada Madaxa-banaan ee Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliye xigeenadiisa, ayaa maanta xarunta Akadamiyada ee ciidanka Boliiska  Janeraal Kaahiye kula kulmay Taliyaasha Hoggaamada iyo Fadhiyada Madaxa-banaan ee Ciidanka.

Kulanka Taliyaha  uu la yeeshay sarakiisha ayaa iskugu jiray is Xog-wareysi ku aadan Xaalada Ciidanka iyo Howlaha Amaan ee Bulshada loogu adeegayo.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dhawaan la wareegay xiligaasi isaga oo ballan qaaday in uu ka shaqeeyn doonno tayeenta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ra”iisul wasaare ku xigeenka XFS oo daah furay Shirka madasha Arimaha Bin’adanimada

Ra”iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay Shirka madasha Arimaha Bin’adanimada oo maanta Muqdisho ka furmay.

Shirkaan oo soo agaasintay Hey’adda  Maareynta masiiboyinka Qaranka waxaa Goobjoog ka ah Guddoomiyaha Hey’adda maareynta Mudane Maxamuud Macalin,Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka,Hey’addaha deeq bixiyeyaasha iyo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Madoobay.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaladaha arimaha Bin’adanimada.

DIFAACA DALKA WAA WAAJIB LOO SIMAN YAHAY

Geyiga aan ku nool nahay ee soomaaliyeed difaaciisa waa mid loo wada siman yahay bulshada oo dhanna waxaa looga baahan yahayin ay ka difaacaan cadowga dibedda iyo kan gudaha.

Dalkennu wuxuu ka kooban yahay bad, cir iyo dhul inkastoo dowladda haatan jirta ay dadaal badan muujisay oo soo celisay sharcigii hawada si calami ah hadana ma jiraan ciidan loo diyaariyey oo ku filan difaaca hawada iyo badda iyo xitaa dhulka .

Dalkeennu wuxuu lahaan jiray ciidamada badda oo ka kooban hubka difaaca xeebaha , raxanta ilaalada xeebaha oo ilaaisa ilaa 100 mayl oo toos ah kuna filnaa guud ahaan baddeena oo dherekeedu yahay 3333km waxayna ahaayeen ciidan ku filan ilaalinta iyo difaaca badda.

Dhinaca cirka, ciidamadii difaaca cirka oo waxay lahaayen gantaalo lagu difaaco dhulka, badda iyo cirka oo ahaa nooca gantaalaha ee SAM2 iyo SAM 3 oo uu sameeyey Ruushka .

Dhinaca diyaaradaha ciidanka cirka waxay difaaci jireen dhulak, badda iyo hawada waxayna lahaayeen moocyo kala duwan oo diyaaradaha dagaalka. Ciidankaas waxay ahaayeen kuwo ku filan difaaca dalka iyagoo saldhigyo kulahaa gobolada dalka intooda badan.

Ciidanka lugta ayaa isaguna ahaa ciidan baaxad leh oo qeybo iyo gaasas ka koobnaa kuna wareegsanaa xuduudaha aan la leenahay dalalka deriska waxayna ku filnaayeen difaaca dhulka wixii weerar ah oo ka yimaada.

Burburkii dalka ka dib dalkeennu wuxuu niqday halaq mareen iyadoo xadgudubyo badan lagu sameyn jiray dhinaca badda , hawada iyo dhulkaba waxaana loo baahan yahay in la helo qalabkii lagu ilaalin jiray dalka iyo ciidan isu dheellitiran.

Haddii aan la helin qalabka ilaalinta hawada sida raarada iyo ciidan aqoon u leh , isgaarsiinta ciidanka waxba lagama qaban karo difaaca dalka iyadoo maanta adduunyadu noqotay aqoon iyo qalab casri ah.

Hubka culus ee dalka lagu difaaci jiray ayaa Iyana loo baahan yahay in la helo si cadowgu nooga baqo.

Badaha soomaaliya waxaa ka buuxa maraakiib shisheeye oo kuwa kalluumeysiga ah oo xaalufiya kalluunka taas oo Iyana u baahan in la difaaco.

Si kastaba ha ahaatee dalku wuxuu u baahan yahay difaaca waana mid loo siman yahay oo aan qof gaar u aheyn.

W/Q: Abwaan Gabayre

 

CARUURTEENNU WAXAY HALIS UGU JIRAAN INAY BARTAAN BALWADAHA KALA DUWAN.

Waa cabsi taagan, waa arrin taabaneysa guud ahaan bulshadeenna Muslimka ah, waa arrin dhowr jeer leysku dayay joojinta Balwadaha kala duwan, haddana nasiib darro waa lagu guul darreystay, sababtoo ah si dhab ah loogama howlgelin iyadoo la ogyahay dhibaatada ay ku hayaan guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaanna dalkeenna.

Waxyaabahan leysku yiraahdo Balwadda ee ay ka midka yihiin Khamriga, Qaadka, Shiishadda, Tabuugga, kaniiniyada kala duwan ee nooc waliba leh, Cirbidaha leysku mudo iwm, waa cudur dilaa ah isla markaana ah hoojiyeyaasha dhaqaalaha, isku direyaasha qoysaska, Baahiyeyaasha Cudurrada halista ah.

Sidoo kale, waa baabi’yaha nabadda iyo horumarka qofka bini’aadamka ah iyo guud ahaan bulshada.

Dhibaatada ay ku hayaan dalka maahan wax halkaan lagu soo koobi karo nafsiyan wa caqliyan, heer waxaa la marayaa gabdhihii guryaha lagu ceshan la’yahay.

Haddaba, waxaa jira kuwo gafanayaal ah oo u bartay miirashada dhiigga shacabka tababarta yar kuwaasoo had iyo jeer ka ganacsada kana taajira wax aan bulshadeenna munaasab u ahayn.

Haddey noqon lahayd daawooyin dhacay, raashin xumaaday, qaadka iyo qurun, tabuug, xashiish, khamri iwm.

Waxaan mar kale iyo mar kale shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee xalaasha ah ka codsaneynaa in ay dalka ka joojiyaan ama ka reebaan oo ka mamnuucaan waxyaabahan daroogada ah ee dalku ka saldhigan waayay.

Waa waxa ugu horreeya ee dambiyada sameeya, waayo qofka miirba malaha marka uu soo isticmaalo ashyaa’daan ka dibna bulshadii ayuu dib ugu soo noqonayaa, marka waa halis joogta ah oo qaarkood laga dhigtay wax iska caadi ah.

Dambiyada waa weyn ee dalka ka dhacana badanaa waxaa sameeya kuwa isticmaala wasaqdaas.

Waa waxyaabaha badiyaa dhaliya waxa loo yaqaanno mental health ama cudurrada Maskaxda.

Si kastaba ha ahaatee, waa ilaah mahaddii in laga howl galay arrintaas Soomaalidu waxay tiraahdaa tuba tubay dhaantaa, bal annaga dalka hanalooga joojiyo qaadka iyo daroogada kala duqwan welibana bareegga yaan mar dambe looga kicin.

Iyadoo halkaasi laga sii tixraacayo ayaa waxaa dowladdeenna xil weyn ka saaran yahay in ay joojiso dhammaan wixii dalka iyo dadka wax u dhimaya, waxaana weli ka rajeynaynaa in ay billowdo olole lagu cirib tirayo kuwa soo raaca qaadka sida tuwaakada loo yaqaanno tabuugga oo beryahan dambe noqday wax si aada looga beec mushtaro, gaar ahaan waxaan codsaneynaa in dowladdu marna aysan waddanka usaamixin waxyaabaha dhallinyaradu lagu marqaamiyo gaar ahaan Tubaakada loo yaqaanno Shiishada, Tabuugga iyo kuwa la midka ah ee sida furan u yaalla magaalada sida aadka ahno loogu gado sandaqadaha yar yar ee xaafadaha ku yaalla .

Ardaydii way ka soo taagan yihiin inay wax bartaan waalidiintiina qaati bay taagan yihiin, sababtuna waa barashada ay barteen dhuuqista iyo cunista muqadaraadka.

Caafimaadku waa shey qaali ah, kuwani liddi ayay ku yihiin caafimaadka, marka waxaa habboon in aan marnaba la oggolaanin laguna daro waxyaabaha dalka ka mamnuuca ah, isla markaana ciqaab culus dhegaha loo geliyo ganacsadaha ka soo horjeesta awaamirta dowladda.

Dowladdu waa inaysan fiirin canshuurta oo keliya, kuwani canshuurta laga qaado maahan xalaal sidaa awgeed ganacsadaha soo dejiya waa in hortiisa lagu gubaa isla markaana lala tiigsadaa sharciga, waayo wuxuu maskax ahaan iyo jir ahaanba u la dagaalsan yahay  bulshada soomaaliyeed oo ku howlan soo dhacsiga nolol maalmeedkooda.

Waa hubaal haddii munkarka la suuliyo inay halkaasi beddeleyso nabad iyo amni sugan oo bulshadu ku naaloodaan.

Qaadka iyo Calaqa iyo wixii la hal maala waa waxa ugu horreeya ee sababa Ilmuhu inay noqdaan Caasiwaalideyn waana waxa ugu horreeya ee dhaliya jariimooyinka waa weyn ee dalka ka dhaca.

Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in guryahooda ka dhowraan in ay soo galaan kuwa isticmaala ashyaa’daas muqaddaraadka ah, kana foojignaadaan in ay caruurtooda isticmaalaan lana saaxiibaan, maahmaahi carbeed ayaa tiraahda (ha la saaxiibin saaxibka xu nee sharta badan) waayo dhibkii ka yimaada ama ku yimaada aday kugu soo laabanayaan oo aabbe iyo hooyo ku leedahay.

Waxaan dowladdeenna sharafka badan ka codsanayaa in ay arrintaas qaad joojinta ah sii adkeyso welina ku darto midka haatan yaalla ee laga keeno itoobiya, si lacagta adag ee ku baxda nooga harto, loogana jixin jixin, waayo shacabka soomaaliyeed 90% raalli kama aha in dalkooda lagu cuno wax dadka dhibaya dib loogu furo qaadka qurunka badan ee wasaqeeyay hawadii nadiifka ahayd ee rabbi nagu galladeystay iyo bii’ada caafimaadka badan.

Weliba waxaan rajeynaynaa in si dhaqso ah wax looga qabto kuwa bannaan yaalka ah sida tabuugga, khamriga, Calaqa, shiishadda kuwa si xun usocodka ah ee wada fusuqa iyo fasaadka,  iwm.

Waxaana Codsaneynaa in dowladdeennu si cad ula dagaasho, sharciyo adagna ka soo saarto, wixii shareecada ka soo horjeeda ee ummaddaan muslimka ah dhibaya.

WQ: Osman Dhiblaawe

Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

ilaa 284 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga,islamarkaana ay ku dhaawacmeyn in ka badan 2300 halka sidoo kale 200 oo qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,kadib kolkii Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 uu dumiyay dhismayaal badan oo ku yaalla koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Wasaaradda caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in in Ilaa 237 qof ay dhimatay, 639 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee ka dhacay dalka Suuriya, sida uu telefishinka qaranka u sheegay kaaliyaha wasiirka caafimaadka Axmed Dhamiriyeh.

Dhanka Waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan kooxaha difaaca madaniga , ayaa la soo sheegayaa in xaaladda gobolkaasi ay tahay mid Qatar ah, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinku dumay.

Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

Ugu yaraan 76 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga, halka sidoo kale 200 oo qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,kadib kolkii Dhulgariir xoogan oo cabirkiisu yahay 7.8 uu dumiyay dhismayaal badan oo ku yaalla koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Wasaaradda caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in in Ilaa 237 qof ay dhimatay, 639 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee ka dhacay dalka Suuriya, sida uu telefishinka qaranka u sheegay kaaliyaha wasiirka caafimaadka Axmed Dhamiriyeh.

Dhanka Waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan kooxaha difaaca madaniga , ayaa la soo sheegayaa in xaaladda gobolkaasi ay tahay mid Qatar ah, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinku dumay.