Garawe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Wareegto ka soo baxaday xafiiskiisa ku magacaabay G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed Guddoomiyaha Maxkameda Ciidamada Qalabka sida
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay