Dowladaha Burindi iyo Thailand oo safiirro usoo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa  warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Burundi H.E Ms. Evelyne Habonimana iyo Danjiraha Boqortooyada Thailand H.E Ms. Sasirit Tangulrat.

Wasiir Huruuse iyo Danjiraha cusub ee dalka Burundi ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale Wasiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka dalka Boqortooyada Thailand Ms. Sasirit Tangulrat, waxanay labada mas’uul si kooban isula soo qaadeen Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Waxbarashada,  Caafimaadka, ganacsiga, horumarinta xirfadaha iyo warshadaha yar yar ee cuntada iyo adeegyada kale lagu farsameeyo.

Soomaaliya iyo Thailand ayaa horay u lahaa xiriir diblomaasiyadeed, balse labada dawladood ma lahayn wax safiirro ah oo ay is dhaafsadeen wixii ka dammeeyay dagaalkii sokeeyey 1991.

Ciidanka Booliska oo toogtay Nin la sheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta

Ciidanka Booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa xalay toogtay nin la sheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Argagaxisada Al-Shabaab, kadib markii isaga iyo laba kale ay weerar ku qaadeen Bar-control oo ciidanka Booliska ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.

“Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee ciidanku ka sugayaan amniga ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan ciidanka, balse ciidanka ayaa mid kamid toogtay, dhagarqabaha la toogtay ayaa watay qori RBG ah oo hadda ay la wareegeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 wasiiradda 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗮𝗮𝗻 𝗰𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻

Photographer: Abdishukri Haybe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Golaha ayaa wadajir u ansixiyey Xeerka Gaadiidka Badda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindise-sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Buluugga ah iyo Heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku saabsan Iskaashi militari iyo amni, iyo la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradaha soo diyaariyey xeerarka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu tahay horumarka dalka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyey heshiiskii lagu gaaray shirkii dib u heshiisiinta Koonfur-Galbeed.

Ugu dambeyn Golaha ayaa uga tacsiyeeyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay waddankaasi, iyaga oo Alle uga baryay inta ku dhimatay naxariistiisa Janno, inta ku dhaawacantayna in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Dalalka Turkiga, Burundi iyo Thailand

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Mudane Sassanit Tangulrat  oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan.

          m    

Wasiir Faarax Cabduqaadir “Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka”

Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo fulinaysa amarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee baahinta waxbarashada aas-aasiga ah si ubad kasta oo Sooomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada u helaa waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah ayaa wasaaraaddu waxaa ay daah furtay hannaanka lagu shaqaaleysiinayo 3000 macallin oo ka hawlgeli doona Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka hadlay munaasabadda lagu daahfurayay hanaanka qaadashada mucalimiinta ayaa is dul taagay hannaanka iyo habraaca loo marayo shaqaaleysiinta 3000 ee macallin, waxaana uu tilmaamay in la raacayo hannaan wasaaraddu dajisay oo cadaalad ah, una siman dhamman Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Faarax Sheekh Cabduqadir ayaa sheegay in dhibatooyinka dib u dhigay ee la haray dowladdnimada iyo bulshadda ee ay kamid ka yihiin dagaalada, musuqa, amni xumida, xassilooni darada, gaajada iyo dhammaan qodobada ee la xusi karo in aqoon la’aantu keentay.

“Markaan ka baxno halka ugu hooseysa ee liiska waxbarashadda ayaan ka baxeyna halka ugu hooseysa ee liiska musuqa iyo horumarka, Dhinac kaste eeg, xal aan waxbarasho ahayn oo dalkeennu iyo dadkeennu leeyahay ma jiro,  haddii ay tahay jahli, haddii ay tahay dagaal, haddii ay tahay khilaaf iyo xitaa kuwa na qarxinaya intaba waxaa ay ka yimaadeen aqoon la’aan” ayuu yiri wasiirka waxbarashadda

Wasiirka Faarax Macalin oo tilmaamayey muhiimadda Macalinka ayaa yiri  “Beni aadanku marka ay adduunka yimaadan waxaa ay ku kala horumaraan waa macalinaka, cidda wax baertay,marka iyagoon waxba aqoonin ayey adduunyada ku soo biiraan, haddii ay kala horumarsan yihiinna, waa sida wax loo baray, ummaduhuna sida ay u kala horumarsan yihiin waa sida ay wax u barteen”

Wasiirka waxbarashadda oo ka xog bixiyay baahida macaliinta ee jirta ayaa sheegay in 120,000 oo macalimiin ah loo baahan yahay, aadna ay u yar tahay tirada haatan la qorsheeyay ee ah 3000 macallin, waxaana uu tilmaamay in dhaqaalaha lagu shaqaaleysiinayo macalimiinta ay ka timid canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed.

“Markii wasaaradda waxbarashadda la ii magacaabay waxaan qoray codsiyo kala duwan oo ku aadan baahida waxbarasho balse jawaab kama helin, in la shaqaaleysiiyo 3000 macallin waa jawaab ka timid shacabka Soomaaliyeed ee bixiyay canshuurta, si canshuurtaas mushaar looga dhigo macalimiinta Soomaaliyeed”/ ayuu sheegay Faarax Cabduqaadir.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay hannaanka loo qaadanayo macalimiinta, ayaa tilmaamay in xulashadda iyo qaabka loo shaqaaleysiinayo macalimiinta ay tijaabo ku tahay wasaaradda waxbarashadda, qof walbana ay ku soo dhaceyso in loo mari doono hannaanka wax lagu qeybsado ee 4.5 ama in xildhibaan, Siyaasi iyo oday dhaqameed inay keenayaan macalimiinta. Balse waxaan go’aan sanahay inaan qaadno wado taas ka duwan oo ah hannaan iyo hab-raac loo siman yahay oo wasaaraddu dajisay.

“Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka 4.5, Xildhiban ama siyaasina ma keeni doono, waxaa loo maraya hannaan hufan oo ka bilaaabanaya hubinta dhammaan dokumeentiska iyo shahaadooyinka ay soo gudbistaan codseyaasha illaa imtixaanka guud ee la wada galayo,iyadoo ugu dambeyn loo furayom imtixaan soconaya lix bil oo lagu baranayo habka waxbarista” ayuu yiri wasiir Faarax Cabduqaadir

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la yeeshay Bulshada Magaalada Baxdo ee Galgaduud

Dhuusmareeb- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo uu wehliyo wasiiru dowlaha Gaashaandhigga iyo Wasiirka Cadaaladda Galmudug ayaa kulan la qaatay qeybaha  kala duwan ee Bulshada Magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha bulshada Reer Baxdo u qabaan Cadaaladda iyo garsoorka, iyagoona wasiirka la wadaagay, wasiirka Cadaaladda ayaana bulshada u sheegay in dowladdu ka jawaabeyso intii ay awoodo baahiyaha bulshadu soo bandhigeen.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo dhawan gaaray Galmudug ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka iyo mas’uuliyiinta dowladd goboleedka Galmudug, waxaana diiradda lagu saaraya kulamadaas dadaallada lagu daadajinayo nidaamka garsoorka, isla markaana qiimeyn guud ku in lagu sameeyo heerka caddaaladd deegaanada laga xoreeyay khawaarijta.

     

Soomaaliya oo lagu wareejinaayo furaha hagista Duulimaadyada hawada dalka

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee dalka Kenya iyo maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr. Kamil Al-Awadhi.

Shirka ayaa dhinacyadu isku raaceen in wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya oo markii hore aysan heysan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa sheegay in heshiiskan Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya uu yahay mid miro-dhal ah oo muhiim ah hawada iyo duulimaadyada Soomaliya.

Kulanka ayaa dhan kale looga hadlay xoojinta iskaashiga hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA iyo hey’adda duullista rayidka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isla meeldhigay in la soo celiyo mataalada iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA.

Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr.Kamil Al-Awadhi oo ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya horumarka ballaaran ee Soomaaliya ka gaartay dhanka hawada gaar ahaan in hawada Soomaaliya ay si rasmi ah ugu wareegto heerka ugu sareeya ee qiimeynta Caalamiga ah ayaa sheegay in heshiiskaan uu isku soo dhaweynayo Soomaaliya iyo hey’adda IATA.

Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ugu guuleysatay inay u wareegto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka (Class A), taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sareysay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

  

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda Turkiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga tacsiyeyneysaa Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga khasaarihii iyo waxyeeladii ka dhashey dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay murugada la qeybsaneysaa Dowladda iyo shacabka Turkiga oo dhulgariirkaasi ay kaga dhinteen boqolaal qof, dhaawacyo badan iyo khasaare hantiyeed intaba.

Dowladda Soomaaliya waxay Ilaahay uga baryeysaa dadkii halkaasi ku dhintey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacanteyna Ilaahay u booga dhayo.

Waxaa sidoo kale ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqeysaa Dunida Muslimka iyo caalamka intiisa kale inay garab istaagaan shacabka iyo Dowladda Turkiga inta lagu guda jiro waqtigan adag ee gurmadka masiibada dhacdey.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ka tacsiyeyneysaa shacabka reer Syria ee iyaguna ku waxyeeloobay dhulgariirkan xooggan ee ka dhacay xadka labada dal ee Turkiga iyo Syria.

Wasaaradda waxbarashadda XFS oo daahfurtay tartanka 3000 oo Macallin

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (WWH&TS) ee dowladda Federalka Soomaaliyeed iyadoo fulinaysa amarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,sidoo kalena gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee baahinta waxbarashada aas-aasiga ah si ubad kasta oo Sooomaaliyeed oo gaaray da’da waxbarashada uu u helo waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah waxay wasaaraddu shaqaaleysiinaysaa 3000 macallin oo ka hawlgeli doona Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Haddaba si loo helo macallimiin leh aqoon iyo khibrad ku filan oo ay wax Ku baraan ubadka Soomaaliyeed, WWH&TS waxay ballanqaadaysaa in shaqaalaysiinta macallimiinta loo mari doono hannaan daahfuran, kana f
fog eex iyo qof jeclaysi.

Munaasabadaan oo lagu daahfurayay hanaanka qaadashada mucalimiinta waxaa kasoo qaybgalay Wasiirada waxbarashada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, Wasiiro xildhibaanada 2 golle ee Baarlamaanka iyo Qaar kamida barayaadha waxbarashada dalka.

Lifaaqan ka codso.

https://codsigamacallinimada.emis.gov.so/menu.php?language=Somali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi u diray Dowladda & Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Dowladda iyo Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo dowladda Turkiga uga tacsiyeynayaa dhulgariirkii ka dhacay Kahramanmaraş oo laga dareemay gobollo badan oo Turkiga ah,Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 kaa oo sababay dhimashada in ku dhow lix boqol oo ruux oo ku kala sugnaa koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.