Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

Raggan oo muddo 6-sano ah ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa lagu kala magacaabaa, Cabdulqaadir Yuusuf Aadan iyo  Salaad Maxamed, iyagoo ka qeyb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka.

Labadaan nin ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatada ay la kulmeyso Khawaarijtii ay ka tirsanaayeen, taas oo ku qasabtay inay ka soo haraan jidkii qaldanaa ee Khawaarijta oo dowladda Soomaaliyeed iyo dadkooda ay cafis weydiistaan.

Xuska Sanadguuradii 46-aad ee asaaska Isbitaalka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabadda sanad guuradii 46aad ee aasaaska Isbitaalka Weyn ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo soo bandhigidda waxqabadka afartii sano ee ugu dambeysay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Xafladda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka , Wasiiru Dowllaha Wasaradda, Agaasimaha Guud, Xubno ka socday Baarlamaanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal , Agaasimayaasha Isbitaalada Guud, iyo Isbitaalada gaarka loo leeyahay , Qaybo ka mid ah Dhaqaatiirta Caafimaadka , Madax ka socotay Hay’addaha Caafimaadka taageera, qaybo ka mid ah Madaxda Jaamacadaha Dalka iyo Ururada Bulshadda.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Banaadir Marwo, Fartuun Shariif Nuur ayaa ka sheekeysay wax qabadka howl wadeennada iyo tallaabooyinkii horumarka lahaa ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed sanadihii lasoo dhaafay.

Marwo, Fartuun Shariif Nuur ayaa sheegtay inay ka mira dhaliyeen shaqadii loo igmaday howl wadeennada Isbitaalka iyo adeegyada Caafimaadka ee ay si bilaash ah ugu fidiyaan Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay safiirka midowga yurub u fadhiya Soomaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mrs, Tiina Intelmann.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Yurub, gaar ahaan horumarrinta Amniga, dib-u dhiska goobaha Danta Guud, bilicda Caasimadda, shaqa abuurka Dhallinyarada,maareenta Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa looga hadlay hoos u daadajinta adeegyada Bulshada, naleynta magaalada, diyaarinta doorashooyinka golayaasha deegaanka, iyo Maqaamka Caasimadda.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay  xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo xabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta u aqriyay mowqifka Xukuumadda ee ku aaddan xaaladda Laascaanood ayaa sheegay in dowladdu ay si dhow ula socotay shirarka ka socday laascaanood oo ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dhaqanka, sidaa daraaddeedna ay ka xunyihiin wixii halkaasi ka dhacay ee geystay burburka hantiyeed iyo barakaca umadda.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalada Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u dhexeysa dad Soomaaliyeed oo walaalo ah, degaan iyo dhaqan wadaag ah, dhibka u dhexeeyana aan lagu xallin karin xoog iyo dagaal toona.

Mudane, Fiqi ayaa sheegay in xaaladda Laascaanood ay saldhig u tahay tixgelinta rabitaanka dadka wadda kasta oo kalena ay uga sii dareyso, colaadaha iyo dirirta sokeeyana ay tahay mid lasoo tijaabiyay, kuwaas oo aan laga dhaxlin wax natiijo ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay garowsan tahay in dagaallada iyo colaadaha dhexdooda ah horay loo soo tijaabiyay, kuwaasoo aan laga dhaxlin wax natiijo ah”

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in dowladda Soomaaliya uu xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midnimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaa daraaddeedna ay dowladdu dhowreyso rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo maalmihii u dambeeyey sababay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha Xasan ayaa sidoo kale tacsi u diray Ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay,Madaxweyne Xasan ayaa yiri” Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda hadaan ahay wax aan diyaar u ahay meelkasta oo Nabaddaas looga hadlayo iyo cidkasta oo Nabaddaas in ay ka hadasho jecel ba in aan garab taaganahay”.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay in waxgaradka,Siyaasiyiinta,ganacsatada,odayaasha dhaqanka iyo Culimadu gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa dagaalka isagoo dhanka kale faray in la dhigo hubka lana ixtiraamo rabitaanka dadka.

Madaxweyne Xasan ayaa carabka ku adkeeyey in aan marnaba la aqbali karin dhiig Soomaaliyeed oo daata.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu baaq u diray odayaasha dhaqanka,masuuliyiinta iyo dowlad goboleedka Puntland in ay ilaashadaan Nabadda xaliyaana wixii tabashooyin ah lagana fogaado in dhibaato dhacdo.

” Dowladda Federaalka marna ma aqbalayso in Mushkiladaha dhexdeena yaal lagu xaliyo qori” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada xiriirisa Xoosh iyo Ex-Koontarool Afgooye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada dheer ee xiriirisa Xoosh illaa Ex- koontarool Afgooye, taasi oo dhex marta Degmooyinka Dharkeenley, Kaxda iyo Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dharkeynley, Kaxda, Garasbaaley, madax ka socotay Shirkada Buruuj iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo gacan ka geysana dhismaha waddadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ee qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.

Dowladaha Burindi iyo Thailand oo safiirro usoo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa  warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Burundi H.E Ms. Evelyne Habonimana iyo Danjiraha Boqortooyada Thailand H.E Ms. Sasirit Tangulrat.

Wasiir Huruuse iyo Danjiraha cusub ee dalka Burundi ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale Wasiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka dalka Boqortooyada Thailand Ms. Sasirit Tangulrat, waxanay labada mas’uul si kooban isula soo qaadeen Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Waxbarashada,  Caafimaadka, ganacsiga, horumarinta xirfadaha iyo warshadaha yar yar ee cuntada iyo adeegyada kale lagu farsameeyo.

Soomaaliya iyo Thailand ayaa horay u lahaa xiriir diblomaasiyadeed, balse labada dawladood ma lahayn wax safiirro ah oo ay is dhaafsadeen wixii ka dammeeyay dagaalkii sokeeyey 1991.

Ciidanka Booliska oo toogtay Nin la sheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta

Ciidanka Booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa xalay toogtay nin la sheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Argagaxisada Al-Shabaab, kadib markii isaga iyo laba kale ay weerar ku qaadeen Bar-control oo ciidanka Booliska ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.

“Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee ciidanku ka sugayaan amniga ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan ciidanka, balse ciidanka ayaa mid kamid toogtay, dhagarqabaha la toogtay ayaa watay qori RBG ah oo hadda ay la wareegeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 wasiiradda 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗮𝗮𝗻 𝗰𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻

Photographer: Abdishukri Haybe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo caawa ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Golaha ayaa wadajir u ansixiyey Xeerka Gaadiidka Badda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindise-sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Buluugga ah iyo Heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku saabsan Iskaashi militari iyo amni, iyo la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradaha soo diyaariyey xeerarka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu tahay horumarka dalka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyey heshiiskii lagu gaaray shirkii dib u heshiisiinta Koonfur-Galbeed.

Ugu dambeyn Golaha ayaa uga tacsiyeeyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay waddankaasi, iyaga oo Alle uga baryay inta ku dhimatay naxariistiisa Janno, inta ku dhaawacantayna in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Dalalka Turkiga, Burundi iyo Thailand

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Mudane Sassanit Tangulrat  oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan.

          m