Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo sii korodhey

Iyadoo ay sii kordheeysa tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya, barqanimadii Isniintii la soo dhaafay, ayay sheegayaan shaqaalaha samatabixinta iyo kooxaha gurmadka meydad horleh oo ay ka soo sareen burburka dhismayashii dumay.

Xogtii ugu danbeysay ee la shaaciya ayaa sheegeysa in tirada dadka dhintay ay gareeyso 8,400, wallow dadkan ku waxyelloobay dhul-gariirka aanay wada aheen muwaadiniin Turkiga u dhashay, sidokale dhaawacyada ayaa buux dhaafiyey isbitaallada ku yaalla koonfurta Turkiga.

Diyaaradaha Ciidamada Turkiga ayaa tiro dad ah oo dhaawac ah kasoo qaaday magaalooyinka Adana iyo Malatya, kuwaasi oo la geeyay magaalada Istanbul, si loola tacaalo xaaladahooda caafimaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Rome

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka faca-weyn ee dalkeennu uu la leeyahy Talyaaniga.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madaxda dalkan ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare, Giorgia Meloni oo ay ka wada-hadli doonaan kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigi doona dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

Wasiirka Haweenka XFS oo ku wareejisay Wasiirka Amniga Jubbaland raashin loogu tala galay ciidamadda dowladda ee dagaalka kula jira Khawaarijta

Kismaayo-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xaquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhawaan gaartay Jubbaland ayaa ku wareejisay wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland raashin iyo cunooyin fudud oo loogu tala galay ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan furimaha iyo deegaanada laga saaray Khawaarita, dagaalna kula jira kooxda Argagixisada ah.

Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaana ka guddoomay Wasiir Khadiijo raashinkana loogu talo galay Ciidamadda Dowladda ee dagaalka Khawaarijta.

Munaasabadda wareejinta agabkan, ayaa waxaa waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiirka ku xigeenka wasaaradda haweenka Soomaaliya Cabdixakiin Jimcaale, Wasiirka Wasaaradda Haweenka Jubbaland Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Axmed Gaballe iyo Masuuliyiin kale.

     

Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka dowladda Thailand ee Soomaaliya oo ka wada hadlay la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira dhal ah la qaatay safiirka cusub ee dowladda Thailand u qaabilsan Soomaaliya Marwo Sasirit Tangulrat.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay kaalinta kaga aadan xoojinta iyo hagaajinta xiriirka laba dal, iskaashi ku saabsan la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrida ah iyo tageero farsamo oo dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah.

Kulanka oo ah kii ugu horeeyey ee dhex mara wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Danjira dowladda Thailand ee Soomaaliya ayaa lagu ballamay in si wadajir ah looga shaqeeyo dhammaan arrimaha laga wada hadlay. Waxaana uu ku soo dhammaaday is afgarad ku aadan qodobadii kulanka lagu lafa guray.

  

Dowladda Soomaaliya oo wada dadaal ku aadan sidii ay Soomaaliya u heli laheyd taageerada dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Africa

Kampala- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriradda Rwanda u fadhiya Uganda Joseph Rutabana.

Labada safiir ayaa ka wadahadlay horumarinta xariirka labada dal iyo sidii iskaashi labada dhinac u sameyn lahaayeen ee ku jirto danaha labada Dowladood.

Dhanka kale Danjire Cali Maxamed Maxamuud ayaa Danjire Joseph ka codsaday in Dowladda Rwanda codkooda siiyaan si aay Soomaaliya ugu biirto Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Africa (East Africa Community), iyadoona ku biiritaanka Soomaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika, lana aamin sanahay in wax badan ku soo kordhin doonto ururka.

Danjire Joseph Rutabana ayaa ka Mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee Danjire Cali Maxamed Maxamuud u sameyay, isagoo xusay in Rwanda kaali weyn ka qaadan doonta sidii Soomaaliya ugu biiri laheed Ururka Bulshada Bariga Afrika islamarkaana wada shaqeyn dhow yeelan doonaan Safaaradaha Labada dowladood ee Saaxiibada ah.

     

Wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Bulluuga XFS oo kulan la yeeshay guddiga Beeraha iyo Xannaanada xoolaha ee BJFS

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la qaatay guddiga Beeraha, Xanaannada Xoolaha iyo Kheyraadka ee Baarlamaanka dalka.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in wasiirku uu la wadaago guddiga howlihii ugu dambeeyey ee dhinaca kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha badda ee u qabsoomay wasaaradda iyo in guddiga iyo wasaaraddu ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimahaasi.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa la wadaagay Guddiga shaqooyinta hortabinta leh ee wasaaradda u hirgalay ee ku aadan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda taas oo horumaro laga sameeyay, sidoo kalena wasaaraddu qabatay shirar iyo kulamo lagu gorfeynayo sidii Soomaaliya ay uga faa’ideysan laheyd dhaqaalaha bulluugga ah.

Wasiir Axmed ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in horumaro ballaran laga gaaro kheyraadka dihan ee mustaqbal wanagsan leh ee dhanka badda ah, waxaana uu sheegay in wasaaraddu wado dadaalo iyo xariiro heer caalami ah oo lagu jiheynayo qorsheyaasha dowladda.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo guddiga ayaa ku ballamay inay si dhow uga wada shaqeeyaan dhammaan howlahaas, si gaar ahna arrimaha la xiriira sharciyada lagu maamulayo Dhaqaalaha iyo Kheyraadka badda ee wasaaradda quseeya.

  

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka sare oo kala hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS horumarinta caafimaadka

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cali Xaaji Aadan.

Kulanka oo ahaa si xog-waraysi, kala war qaadasho iyo su’aalo waydiin ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Cafimaadka Dalka, tayada Dawooyinka isbitaalada, dhaqaatiirta, mashaariicda caafimaad ee Dalka ka socda, iyo qorshaha caafimaad ee wasaaradda uga deggan Degmooyinka iyo deegaanada laga xorreeyay Khawaarijta Al shabaab.

Kulanka oo ku soo dhamaaday sidii loo qorsheeyay ayaa la isku raacay in la isla jaanqaadaan guddiga iyo Wasaaradda, si loo gaaro daryeel Bulsho oo dhamaystiran.

         

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Xoghayaha Joogtada ah iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada Diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar, iyadoo safiirku uu xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan labada mas’uul waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Mustaf Aadan Dagaal, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

     

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

Raggan oo muddo 6-sano ah ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa lagu kala magacaabaa, Cabdulqaadir Yuusuf Aadan iyo  Salaad Maxamed, iyagoo ka qeyb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka.

Labadaan nin ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatada ay la kulmeyso Khawaarijtii ay ka tirsanaayeen, taas oo ku qasabtay inay ka soo haraan jidkii qaldanaa ee Khawaarijta oo dowladda Soomaaliyeed iyo dadkooda ay cafis weydiistaan.

Xuska Sanadguuradii 46-aad ee asaaska Isbitaalka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabadda sanad guuradii 46aad ee aasaaska Isbitaalka Weyn ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo soo bandhigidda waxqabadka afartii sano ee ugu dambeysay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Xafladda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka , Wasiiru Dowllaha Wasaradda, Agaasimaha Guud, Xubno ka socday Baarlamaanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal , Agaasimayaasha Isbitaalada Guud, iyo Isbitaalada gaarka loo leeyahay , Qaybo ka mid ah Dhaqaatiirta Caafimaadka , Madax ka socotay Hay’addaha Caafimaadka taageera, qaybo ka mid ah Madaxda Jaamacadaha Dalka iyo Ururada Bulshadda.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Banaadir Marwo, Fartuun Shariif Nuur ayaa ka sheekeysay wax qabadka howl wadeennada iyo tallaabooyinkii horumarka lahaa ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed sanadihii lasoo dhaafay.

Marwo, Fartuun Shariif Nuur ayaa sheegtay inay ka mira dhaliyeen shaqadii loo igmaday howl wadeennada Isbitaalka iyo adeegyada Caafimaadka ee ay si bilaash ah ugu fidiyaan Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.