Wasiirka amniga Jubbaland oo kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga ee degmada Afmadow

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kormeeray xerooyinka ciidamada ee degmada Afmadow.

Taliayaha ciidanka Darawiishta ee maamulka Jubbaland Jeneraal, Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa ciidamda faray in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah khawaarijta oo looga saarayo degaannada ay nabad-diidku kaga sugan yihiin Jubbaland.

Taliya ayaa intaa ku daray in magaalada Afmadoow ay noqon doonto hooyada halgenka iyo saldhigga laga abaabulayo guluf ka dhanka ah khawaarijta, isagoo xusay in ay haatan si weyn ugu diyaar garoobeen dabar goynta argagixisada.

Wasiirka amniga Jubbaland oo kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga ee degmada Afmadow

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kormeeray xerooyinka ciidamada ee degmada Afmadow.

Taliayaha ciidanka Darawiishta ee maamulka Jubbaland Jeneraal, Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa ciidamda faray in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah khawaarijta oo looga saarayo degaannada ay nabad-diidku kaga sugan yihiin Jubbaland.

Taliya ayaa intaa ku daray in magaalada Afmadoow ay noqon doonto hooyada halgenka iyo saldhigga laga abaabulayo guluf ka dhanka ah khawaarijta, isagoo xusay in ay haatan si weyn ugu diyaar garoobeen dabar goynta argagixisada.

 

UNITED NATIONS DEVELOPMENT PROGRAMME (PRESS RELEASE)

Hope for better jobs eclipses religious ideology as main driver of recruitment to violent extremist groups in Sub-Saharan Africa

New UN Development Programme report findings challenge traditional assumptions about what drives people to violent extremism, and highlight urgent need to move away from security-driven responses to development-based approaches focused on prevention

New York, 7 February 2023— Hope of finding work is the leading factor driving people to join fast-growing violent extremist groups in Sub-Saharan Africa, according to a new report launched today by the United Nations Development Programme (UNDP).

Among nearly 2,200 interviewees, one-quarter of voluntary recruits cited job opportunities as their primary reason for joining, a 92 percent increase from the findings of a groundbreaking 2017 UNDP study. 40 percent also said they were in urgent need of livelihoods at the time of recruitment.

Religion came as the third reason for joining, cited by 17 percent — a 57 percent decrease from the 2017 findings, with a majority of recruits admitting to having limited knowledge of religious texts.

Nearly half of the respondents cited a specific trigger event pushing them to join violent extremist groups, with a striking 71 percent pointing to human rights abuse, often conducted by state security forces, as ‘the tipping point’.

“Sub-Saharan Africa has become the new global epicenter of violent extremism with 48% of global terrorism deaths in 2021. This surge not only adversely impacts lives, security and peace, but also threatens to reverse hard-won development gains for generations to come. Security-driven counter-terrorism responses are often costly and minimally effective, yet investments in preventive approaches to violent extremism are woefully inadequate. The social contract between states and citizens must be reinvigorated to tackle root causes of violent extremism,” UNDP Administrator Achim Steiner said.

“Journey to Extremism in Africa: Pathways to Recruitment and Disengagement” draws from interviews with nearly 2,200 people in eight countries: Burkina Faso, Cameroon, Chad, Mali, Niger, Nigeria, Somalia, and Sudan. More than 1,000 interviewees are former members of violent extremist groups, both voluntary and forced recruits.

The report explores pathways out of violent extremism, identifying factors that push or pull recruits to disengage. Interviewees most often cited unmet expectations, particularly financial expectations, and lack of trust in the group’s leadership as their main reasons for leaving. It also presents gendered data to understand violent extremism from the perspective of women.

“Research shows that those who decide to disengage from violent extremism are less likely to re-join and recruit others. This is why it’s so important to invest in incentives that enable disengagement. Local communities play a pivotal role in supporting sustainable pathways out of violent extremism, along with national governments amnesty programmes,” UNDP Preventing Violent Extremism technical lead in Africa Nirina Kiplagat said.

To counter and prevent violent extremism, the report recommends greater investment in basic services including child welfare; education; quality livelihoods; and investing in young men and women. It also calls for scaling-up exit opportunities and investment in rehabilitation and community-based reintegration services.

This report is part of a series of three reports on the prevention of violent extremism, including the report, “Dynamics of Violent Extremism in Africa: Conflict Ecosystems, Political Ecology, and the Spread of the Proto-State” which analyses the latest dynamics of violent extremist groups in Sub-Saharan Africa and provides recommendations for specific development actions.

About the Report

“Journey to Extremism in Africa: Pathways to Recruitment and Disengagement,” builds on UNDP’s groundbreaking 2017“Journey to Extremism in Africa: Drivers, Incentives, and the Tipping Point for Recruitment”.

Media contacts

For more information, or to request an interview, please contact:

In New York HQ | Gabriela Goldman |[email protected] |+1 917 288 7900

In Addis Ababa | Ngele Ali |[email protected] | +251 901000962
In Amman | Noeman Alsayyad, |[email protected] |+962 79 567 2901

ABOUT UNDP:

UNDP is the leading United Nations organization fighting to end the injustice of poverty, inequality, and climate change. Working with our broad network of experts and partners in 170 countries, we help nations to build integrated, lasting solutions for people and planet.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay Bandhigga Suuq Weynaha Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Bandhigga Suuq Weynaha Muqdisho kaasi oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Bandhiga Suuq weynaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay garab istaaga iyo dhiiragelinta Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Suuq weynaha Muqdisho uu caalamka tusinayo Maalgeshiga iyo Kobaca dhaqaale ee dalka ka jira, loona baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan lana dhiirageliyo Ganacsatada yar yar sidii ay u soo bandhigi lahaayeen hal abuuradooda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Danab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle, isaga oo tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo la xiriira difaaca dalka iyo ciribtirka Khawaariijta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku bogaadiyay dedaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday tababarro sare loogu qaadayo tayada ciidamada qalabka sida, si `loo soo celiyo awooddii isku filnaansho ee ay lahaayeen ciidanka xoogga dalka.

 

Muqdisho oo dhowaan lagu qaban doono shirweyne Maalgashi oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka, Mudane Ammar Ahmed B. Ali.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab,wuxuuna Guddoomiyahu kaga mahadceliyay dalka Suudaan doorkooda taageerada walaaltinimo ee had iyo jeer ay la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’ideysiga dhanka aqoonta iyo xirfadaha ee labada Caasimadood, mataaneynta, tababarrada iyo maalgashiga Caasimada dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla gartay in dhawaan Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirweyne Maalgashi oo u dhaxeeya Suudaan iyo Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saarayo maalgashiga Warshadaha iyo adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo deeq kutubo Diini ah kala wareegay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Saalax Shariif Sayid, Agaasimaha Guud iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda ayaa maanta kala Wareegay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Dalkeena Soomaaliya H.E. Amb. Dr. Abdalla bin Salim Alnouimi Deeq kutubo Diini ah.

Deeqdan kutubada oo isugu jirtay kutubo Qur’aanka Kariimka ah iyo Kutubo kale oo laxiriira Culuumta Islaamka ayaa ku timid kadib dalab uu Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS uu u diray dhigiisa Dalka Qatar Mudane Ghanem Bin Shaheen Bin Chanem Al- Ghanem.

Wasiirka ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey deeqdan kutubada ah, isagoo sheegay in ay bilow wanaagsan u tahay maktab cilmi ah oo ay dhawaan Wasaaraddu yagleeli doonto.

Wasiirka warfaafinta XFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac oo uu wehliyo madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa ka hadlay guulaha dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada deegaanadii laga xoreeyay khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay kordhayaan tirada khawaarijta ee isa soo dhiibaya soona ajiibaya baaqii dowladda ee ahaa in naftooda ay badbaadsadaan.

Dowlad goboleedada Hirshabeelle, Galmudug iyo koofur galbeed ayuu sheegay Wasiirku inay iska soo dhiibeen xubno badan oo ka mid ahaa khawaarijta, kuwaas oo la marinayo hannaanka dhaqanka celinta si ay bulshada ula qabsadaan.

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa sidoo kale sheegay in guul ballaaran laga gaaray dagaalladii xagga fekerka qaldan ee khawaarijta iyo xagga dhaqaalaha lagana xiray Akoonno badan oo ay ganacsatada ku baadi jireen.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa xusay shirkii ay dhowaan Muqdisho ku yeesheen madaxda Waddamada safka hore ee uu hoggaaminayay madaxweynaha JFS, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo qodobbadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen sidii laysaga kaashan lahaa ururrada argagixisada ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirku in Waddamada safka hore ay ka wada shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka, taas oo u sahlaysa in si fudud loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta.

Erdogan oo booqan doona goobihii uu ka dhacay dhulgariirkii Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u safri doona meelaha ugu daran ee ay saameyeen dhibaatooyinka dhulgariirka, ka dib markii uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya Isniintii ayaa gaartay in ka badan 9,600.

Ugu yaraan 7,108 qof ayaa ku dhintay Turkiga, halka ugu yaraan 2,530 ay sidoo kale ku dhinteen Suuriya, waana dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa muddo toban sano ka badan.

In ka badan 70 waddan ayaa ku yaboohay kooxaha samatabbixinta iyo gargaarka, kuwaas oo haatan ku sugan dalkaasi.

Illaa 12,000 oo shaqaale Turki ah oo ay la socdaan 9,000 oo askari, ayaa baadigoob iyo samatabbixin ka wada meelaha ay dhibaatadu saameysay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo madaxda WFP oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka hey’adda mudane, Axmed Cabdi Aadan, ayaa kulan la qaatay madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka WFP, ee Soomaaliya Mr; Elkhadir Daloum.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA, ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen sidii ay u yeelaan lahaayeen wada shaqeyn dhow howlaha gaargaarka ee loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.