Maamulka gobolka Banaadir oo qabtay kulan loogu ducaynayo dadkii ku geeryooday musiibadii ka dhacday dalka Turkiga

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo barordiiq ugu qabtay dadkii ku geeriyooday waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga.

Kulankaan Ducada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xiseen Jimcaale (Madaale) iyo Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Tacsi u diray dhamaan shacabka iyo Dowladda Turkiga, asigoona allaha ugu baryay dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi in uu jannada ka waraabiyo kuwa kale ee ku waxyeeloobayna eebe caafimaad deg deg ah siiyo.

                        

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo Labo hindise sharciyeed

Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad.
Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.
Mudane Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.
Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.
Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.
Dhanka kale,Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah,iyadoo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.
        

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha,waxaa sidoo kale laga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey soo dhaweynta ballaaran ee uu u sameeyey intii uu ku sugnaa dalka Talyaaniga.

Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha,amniga iyo howlgallada militari ee ka dhanka ah argagixisada si loo gaaro xasillooni, nabad iyo barwaaqo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka oo tacsi ugu tegey Safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa tacsi ku aadan dadkii ku geeriyooday waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga ugu tegay Safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli.

Guddoomiyaha oo ku hadlayay magaca hay’adda ayaa sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo Dowladda iyo shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay.

Sidoo kale Gudoomiyaha iyo wasiirrada ayaa saxiixay buuga tacsida, iyada oo uu alle kaga baryay dadkii halkaasi ku dhintay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna Ilaahay u booga dhayo.

        

Dugsiga tababarka ciidanka ee Qoriloow oo dib loo howlgelinayo

Madaxa hoggaanka dhismaha iyo sancada ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare  Cabdi Diiriye Khaliif, taliyaha Dugsiga tababarka ciidanka ee Qoriloow Gaashaanle Aadan Jeelle, sarakiil ka socotay ATMIS iyo howgalka UK ee Soomaaliya, ayaa maanta kormeer qiimeyn ah oo looga gol-leeyahay dhismaha Dugsi tababar ku tagay deegaanka Qoriloow ee gobolka shabeellaha dhaxe.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kuwa howlgalka ATMIS iyo UK ayaa qiimeyn ku sameeyay goobta laga hirgelin doono Dugsiga Tabbarka ee Qoriloow, waxaana Dugsigaan uu ka mid ahaa xarumihii tababarka ciidanka xoogga, kuwaasii oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Taliska ciidanka xoogga dalka oo fulinaya amarka Madaxweynaha JFS ee ahaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada ayaa dadaal xooggan ku bixinaya siddii loo soo celin lahaa Dugsiyadii lagu carbin jiray geesiyaasha naftooda u hurayaasha ah.

     

Madaxweyne Xasan Sheikh oo dhiggiisa dalka Talyaaniga uga mahadceliyay soo dhoweyn sare ee uu ku maamuusay

Roma- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soodhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf ka qaatay ilaalida Jamhuuriyadda.

Munaasabadda ku qabsoomtay qasriga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella waxa uu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal.

Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soodhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dalalka Caalamka.        

Hay’adda maareynta masiibooyinka Qaranka oo sheegtay in 7-milyan oo Soomaali ah ay gurmad u baahan yihiin

Hay’adda Qaran ee maaraynta masiibooyinka ayaa sheegtay in ku dhawaad 7-milyan oo Soomaali ah ay gurmad u baahan yihiin, iyadoo shir arrintaasi looga hadlayo uu ka dhacay Muqdisho.

Waxaa maanta magaalada Mogadishu lagu qabtay shirka qorshaha ka Jaawabista arrimaha bini’aadinimo ee Soomaliya, Iyadoo furitaanka shirka ay iska kaashadeen Hay’adda Maaraynta musiibooyinka Qaranka iyo xafiiska arrimaha bini’aadinimada ee Qaramada Midoobay.

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamud Macallin oo ay wehliyaan madaxa isku duwidda arrimaha garagaarka ee Qaramada Midoobay Adam Abdwlmoula iyo Ergayga gaarka ah ee arrimaha ka jaawaabista abaaraha Abdirahman Abdishakur ayaa si wadajir ah u soo saaray  qayla dhaan ku aaddan ka jawaabista arrimaha bini’aadinimo ee dalka, iyagoo sheegay in loo bahanyahy lacag dhan 2.6 bilyan si loogu taageero dad tiradoodu tahay 7.6 milyan.

Sidoo kale, madaxda ayaa meesha ka sheegtay in 8.25 milyan oo dad ah ay baahanyihiin taageera naftooda lagu badbaadinaayo.

    

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo guddoomiyey shirka sanadlaha ee hay’adda

Hantidhawraha guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamud Cali ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka sannadlaha ee guddiga hagidda heshiiska iskaashi ee u dhexeeya Hay’adda horumarinta IDI, ururka hay’adaha hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) iyo xafiiska hantidhawrka guud ee Qaranka.

Shirkan ayaa lagu lafa-guray waxyaabihii sannadkii tagay ka qabsoomay hawlqabadyada iyo halbeegyada ugu muhiimsan ee heshiiska, caqabadaha farsamo ee la arkay iyo qorshaha xiga.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale uu guddiga hagidda heshiiska iskaashiga ku meelmariyay heshiiska cusub ee 2023-2027, kaasi oo Xafiiska ka taageeri doona horumarinta dhanka tayada, xirfadda shaqaalaha iyo sare u qaadista adeegyada hantidhawrista.

  

Sheikh Cali Wajiis” Argagixisadu waxay u soo jeesteen bur burinta diinteena Islaamka”

Sheikh Cali Wajiis oo ka mid culumada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay bur burinta ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ku hayso goobaha cibaadada sida Masaajidda, Dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee lagu barto diinteena Islaamka.

Waxa uu sheegay in Khawaarijtu ay u soo jeesatay burburinta diinteena Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashadda, wuxuuna  adkeeyay go’aanka ay dowladda federaalka ku wajaheyso soo afjarida kooxda.

“Argagaxisadu waxay u soo jeesatay burburinta diinteena Islaamka, Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashadda  waana in leyska celiyaa si taas aysan ugu rumoobin”, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sheekha ayaa  bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu kaceen xoreynta dalka, xili sanado badan ay dhibaato ku haysay argagixisada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay deegaanno iyo degmooyinka badan ka xoreeyaan Khawaarijta, kuwaas oo hadda dib loogu soo celiyay adeegyadii bulsho ee muddo argagixisada hortaagneyd.

Wasiirka amniga Jubbaland oo kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga ee degmada Afmadow

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kormeeray xerooyinka ciidamada ee degmada Afmadow.

Taliayaha ciidanka Darawiishta ee maamulka Jubbaland Jeneraal, Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa ciidamda faray in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah khawaarijta oo looga saarayo degaannada ay nabad-diidku kaga sugan yihiin Jubbaland.

Taliya ayaa intaa ku daray in magaalada Afmadoow ay noqon doonto hooyada halgenka iyo saldhigga laga abaabulayo guluf ka dhanka ah khawaarijta, isagoo xusay in ay haatan si weyn ugu diyaar garoobeen dabar goynta argagixisada.